Sida loo ilaaliyo Makka Al Mukarrama iyo magaalooyinka kale ee barakaysan

Xigashada Sawirka, ABDEL GHANI BASHIR/AFP VIA GETTY IMAGES
Isbaheysiga ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee taageera dowladda Yemen ayaa sheegay in ciidamada difaaca cirka ee Sacuudiga ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn (drone) oo ay soo direen Xuutiyiinta, ka hor inta aysan soo gelin hawada sare ee magaalada barakeysan ee Maka.
Inkastoo Xuutiyiinta Yemen ay beeniyeen sheegashooyinkaas, haddana tan iyo markii la baahiyay wararkaas, waxaa jiray dood xooggan oo ku saabsan awoodda iyo waxtarka nidaamyada difaaca cirka ee Sacuudiga, iyo sidoo kale nidaamka difaaca cirka ee ay Riyadh u isticmaasho ilaalinta Maka iyo magaalooyinka kale si looga hortago khatarta weerarrada.
Sacuudi Carabiya ma aysan shaacin nidaamka difaaca ee loo adeegsaday soo rididda diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee la sheegay inay soo direen Xuutiyiintu, balse Wasaaradda Difaaca dalkaas ayaa bishii Maajo 2026-kii soo bandhigtay muuqaal muujinaya dhowr qalab oo gantaallada laga rido, nidaamka radar-ka, iyo qoryo waaweyn oo lid ku ah diyaaradaha.
Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in ciidanka difaaca cirka, ee isticmaala hubkaas, ay xil iska saarayaan "ilaalinta goobaha barakeysan iyo ka hortagga khatarta weerarrada cirka ee lagu qaadi karo goobahaas."
Laanta afka Urduuga ee BBC ayaa wareysatay Hamad Walid, oo ah khabiir ku takhasusay cilmi baarista arrimaha milatariga iyo hubka, si ay u ogaato noocyada hubka uu Sacuudigu u isticmaalo ilaalinta hawadiisa, gaar ahaan ilaalinta goobaha barakeysan ee Islaamka.
Muxuu yahay qalabka difaaca cirka ee Sacuudigu haysto?

Xigashada Sawirka, SAUDI MINISTRY OF DEFENSE
Hammad Walid, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Strategic Vision Institute oo ah xarun diiradda saarta cilmi-baarista hubka, ayaa u sheegay BBC Urdu in muuqaal ay Sacuudi Carabiya soo saartay bishii May ee sanadkan lagu arkay nidaamka difaaca hawada ee Patriot, iyo sidoo kale aaladaha gantaallada laga rido iyo raadaarrada uu sameeyo dalka Mareykanka.
Sida uu sheegay, bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in nidaamka Patriot la geeyay magaalooyinkan si loo ilaaliyo goobaha barakeysan sida Makka iyo Madiina.
Hammad Walid ayaa sidoo kale intaas ku daray in nidaamka qoryaha lidka ku ah diyaaradaha ee muuqaalka laga dhex arkay uu yahay nooca Oerlikon 35mm, kaas oo ay soo saartay shirkad laga leeyahay dalka Switzerland.
Intaas waxaa dheer, Sacuudi Carabiya ayaa bishii Maajo ee 2025-kii Mareykanka ka iibsatay nidaamka difaaca hawada ee THAAD, taas oo qayb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo difaaca hawadeeda.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudi Carabiya, xafladda lagu daah furayay nidaamka difaaca ayaa lagu qabtay Xarunta Ciidamada Difaaca Hawada ee magaalada Jeddah.
Waa maxay nidaamka gantaalaha difaaca ee Patriot?

Xigashada Sawirka, SAUDI MINISTRY OF DEFENSE
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida uu sheegay Hammad Walid, oo ah cilmi-baare ka tirsan Xarunta SVI, Sacuudi Carabiya waxay isticmaashaa nidaamka gantaallada ee Patriot si ay u soo riddo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) iyo diyaaradaha caadiga ah ee xamuulka qaada, iyo sidoo kale gantaallada nooca 'cruise' iyo gantaallada kale ee masaafada dheer.
Nidaamkan difaaca gantaallada waxaa sameysay shirkadda Mareykanka ah ee Lockheed Martin.
Sida ay sheegtay Lockheed Martin, Sacuudi Carabiya waxay sidoo kale haysataa nidaamka difaaca ee Patriot Advanced Capability 3 (PAC-3), kaas oo awood u leh inuu ka hortago gantaallada masaafada dheer, gantaallada 'cruise'-ka, iyo diyaaradaha dagaalka.
Nidaamkan waxaa lagu yaqaannaa inuu isticmaalo raadaar horumarsan oo awood u leh inuu la socdo oo uu burburiyo weerarro badan oo isku mar dhacaya.
Marka laga soo tago inuu diyaar u yahay in la isticmaalo muddo gaaban gudaheed, nidaamka gantaallada ayaa leh awood uu kaga hortago weerarrada elektaroonigga ah.
Si kastaba ha ahaatee, Hammad Walid wuxuu sheegay in hubka loo isticmaalo nidaamyada PAC-2 iyo PAC-3 ay ku kacayaan malaayiin doollar.
Sacuudi Carabiya waxay sidoo kale isticmaashaa gantaallada lidka ku ah diyaaradaha ee nooca Oerlikon, waana nidaam sidoo kale laga arkay muuqaal ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Sacuudiga.
Sida uu sheegay cilmi-baaruhu, rasaasta 35mm ah ee ay isticmaalaan qoryahan lidka ku ah diyaaradaha ayaa ka jaban marka loo eego gantaallada nidaamka Patriot.
"Tani waxay ka dhigan tahay in nidaamka difaaca Patriot loo isticmaalo wax ka qabashada khataraha waaweyn, sida gantaallada ama diyaaradaha waaweyn ee aan duuliyaha lahayn, halka qoryaha Oerlikon ee 35mm loo isticmaalo soo rididda diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha lahayn."
Hammad Walid wuxuu sidoo kale sheegay in qoryaha Oerlikon ee 35mm laga isticmaalo Pakistan, isla markaana si guul leh loogu isticmaalay ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Hindiya bishii Maajo ee sannadkii hore.
Caqabadaha xagga amniga ee haysta Sacuudiga
Andrew Davidson, oo ah falanqeeye ka tirsan joornaalka Geopolitical Affairs iyo sarkaal hore oo Mareykan ah oo ka soo shaqeeyay Bariga Dhexe, ayaa aaminsan in Sacuudi Carabiya ay awood u leedahay inay wax ka qabato khataraha iman kara, laakiin ay la kulmi karto khasaarooyin waaweyn haddii weerarradu sii socdaan muddo dheer ama ay yihiin kuwo ballaaran.
Isagoo soo xiganaya tirooyin ay daabacday Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istaraatiijiyadda (IISS) sannadkii 2025, wuxuu sheegay in Sacuudi Carabiya ay haysato 108 gantaal oo Patriot ah, laakiin "dagaalka lala galay Iiraan wuxuu muujinayaa in weli ay suurtagal tahay in la duqeeyo goobaha muhiimka ah."
Sida laga soo xigtay isaga, intii lagu jiray colaaddii dhoweyd, Sacuudi Carabiya waxaa lagu qasbay inay kheyraadkeeda amniga u jiheyso ilaalinta goobaha barakeysan ee diinta iyo sidoo kale magaalooyinka kale, saldhigyada militariga iyo kaabayaasha tamarta.
Andrew Davidson wuxuu sheegay in diiradda la saarayo ilaalinta meelaha qaarkood ay la macno tahay in kheyraadka loo isticmaali karo in lagu ilaaliyo meelaha kale ay xaddidan yihiin.
In kasta oo aan la garanayn xaaladda dhabta ah ee rasaasta iyo kaydka hubka ee Sacuudi Carabiya, haddana xaaladdu waxay soo bandhigaysaa walaac ah in dalka Bariga Dhexe uu sidoo kale la kulmi karo saameynta yaraanta nidaamyada difaaca gantaalada.



























