Garsoore Mareykan ah oo xayiradda fiisaha ka qaaday Soomaaliya iyo 74 dal oo kale

Calanka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi'iyay siyaasadda maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jirto Soomaaliya.

Garsooraha ayaa sheegay in siyaasaddani ay ka baxsan tahay awoodda sharciga ah ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio.

Garsooraha Maxkamadda Degmada Mareykanka ee Manhattan, Janet Vargas, ayaa sheegtay in siyaasaddan, oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu soo saartay bishii Janaayo, ay tahay mid "si cad u baalmarsan sharciga" isla markaana ka hor imanaysa sharciga federaalka ee socdaalka.

Waxay sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibaddu uusan lahayn awood uu ku farageliyo habka bixinta fiisooyinka dadka u soo guuraya Maraykanka ee ay maamulaan saraakiisha qunsuliyadaha.

"Siyaasaddan, oo guud ahaan ka hor-istaagaysa bixinta fiisooyinka dadka soo guuraya iyadoo lagu salaynayo dhalashada qofka codsanaya, ayaa si toos ah uga hor imanaysa sharciga," ayay Vargas ku qortay go'aankeeda.

Tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa xayiraado dhanka fiisaha ah saartay muwaadiniinta dalalka Brazil, Colombia, Uruguay, Bosnia, Albania, Pakistan, Bangladesh, Soomaaliya iyo waddamo kale oo ku yaalla Afrika, Bariga Dhexe iyo gobolka Caribbean-ka.

Afghanistan ayaa sidoo kale ku jirta liiska dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay inay helaan fiisaha. Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda saameynta uu go'aankani ku yeelan doono arrimaha socdaalka iyo codsiyada fiisaha ee dadka Soomaaliya.

Dad badan oo reer Soomaaliya ah ayaa sidoo kale wajahaya xayiraado dhanka fiisaha ah oo ka dhashay amar gaar ah oo uu soo saaray Trump.

Dhawaan ayay ahayd markii garsooraha kubadda cagta ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan loo diiday in uu galo gudaha dalka Maraykanka, si u dhexdhexaadiyo ciyaarihii kubadda ee Koobka Adduunka.

Omar Artan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cumar Cartan oo noqn lahaa garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka dhex muuqda ciyaaraha kama-dambaysta ah ee Koobka Adduunka, ayaa laga saaray liiska garsoorayaasha ka dib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka 9-kii bishii June.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa hore u sheegtay, "Waxaa jirta cabsi weyn oo ah in muwaadiniinta dalalkan ay culeys ku noqon doonaan miisaaniyadda Mareykanka oo ay ka faa'iideysan doonaan kheyraadka maxalliga ah, gobolka, iyo federaalka."

Wasaaraddu weli kama aysan hadlin go'aankan maxkamadda ee ugu dambeeyay.

Ms. Vargas, oo uu magacaabay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden, ayaa soo saartay amarkan ka dib markii qaar ka mid ah kooxaha xuquuqda muhaajiriinta, qaar ka mid ah codsadayaasha fiisaha muhaajiriinta, iyo muwaadiniinta Mareykanka ay ku baaqeen in la qaado.

Waxay rabeen inay xubnaha qoyska ka soo jeeda dalalka ku daraan liiska cunaqabataynta.

Donald Trump wuxuu hirgelinayaa siyaasad adag oo socdaalka ah, isagoo sheegay in ujeedadu tahay in la ilaaliyo amniga gudaha Mareykanka.

Laakiin kooxaha xuquuqda madaniga ah waxay sheegeen in tallaabooyinka noocaas ahi ay xadgudub ku yihiin xuquuqda xorriyadda hadalka iyo maxkamad caddaalad ah waxayna abuureen jawi aan ammaan ahayn, gaar ahaan qowmiyadaha laga tirada badan yahay, taasoo keentay walaac ku saabsan takoorka jinsiyadda.