Mu'addinkii Masaajidka xaramka ee geeriyooday iyo sidii uu u ilmeeyey markii ugu horreysay ee uu masjidka ka addimay

Xigashada Sawirka, X/@INSHARIFAIN
Sheikh Ibrahim al-Madani, oo ahaa mu'addinkii Masjidka Xaramka (Grand Mosque), ayaa geeriyooday subaxnimadii Isniinta. Aadaankii ugu horreeyay ee salaadda subax ee arooryadii Isniinta, ee masjidka ugu barakaysan Islaamka, ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee uu addimo.
Sheikh Dr. Abdul Rahman bin Abdul Aziz Al-Sudais, oo ah Madaxa Arrimaha Diinta ee Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga, ayaa farriin uu soo saaray ku muujiyay murugo qoto dheer iyo tacsi ku aaddan geerida Sheikh Ibrahim bin Adel Hamza Al-Madani, oo ahaa mu'addinkii Masjidka Xaramka.
Wuxuu Alle SWT ka baryay inuu Sheikh Ibrahim al-Madani ku mannaysto jannooyinka ballaaran, iyadoo lagu abaalmarinayo "adeeggii uu u hayay Guriga Alle iyo sharaftii uu u helay inuu halkaas ka addimo salaadaha."
Sida ay sheegeen warbaahinta Sacuudiga, Sheikh Ibrahim al-Madani wuxuu ka mid ahaa 24 mu'addin oo joogto ah oo ka hawlgala Masjidka Xaramka. Lix ka mid ah mu'addiniintan ayaa isku beddelaya aadaanka shanta salaadood ee faralka ah—oo uu ku jiro aadaanka ugu horreeya ee waaberiga—maalin kasta.
Al-Madani waxaa lagu yaqiinay doorkiisa ku aaddan aadaanka salaadda Fajriga, ku dhawaaqidda Takbiirta, iyo ka qayb qaadashada hawlaha wacdiga ee ka dambeeya Imaamka. Muuqaallo laga duubay adaankii ugu dambeeyay ayaa lagu faafiyey baraha bulshada.
Safarkii uu soo galay ilaa iyo aadaankii ugu dambeeyey
Wargeysyada Sacuudiga ayaa soo xigtay qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay 'Inside the Haramain' oo ku saabsan geerida Mu'addinkii Sheekh Ibraahim Al-Madani, kaas oo lagu baahiyay muuqaal laga duubay isagoo subaxnimadii Isniinta dadka ugu baaqaya salaadda Subax.
Sheekh Ibraahim Al-Madani wuxuu ku dhashay magaalada Madiina sannadkii 1976-kii, isagoo ku dhex koray qoys diini ah; waxaana koriyay awoowgiis oo ahaa qof xifdisan Qur'aanka Kariimka ah. Markii dambe, wuxuu helay shahaado ku saabsan barashada culuumta Qur'aanka.
Safarkiisa shaqada Mu'addinnimada wuxuu bilaabay isagoo 15 jir ah, markaas oo uu bilaabay inuu dadka ugu baaqo salaadda masaajid ku yaalla xaafad ka tirsan Madiina. Wuxuu sii waday shaqada Mu'addinnimada, isagoo waqtiga la qaybsanayay saddex ka mid ah deriskiisa, ilaa uu ka dhammaystay waxbarashadiisa koleejada.
Sannadkii 2008-kii, waxaa lagu casuumay inuu mar kale ka addimo Masjidka Al-Maddah, halkaas oo uu ka sii waday hawshiisa ilaa laga siiyay fursad uu ku noqdo mu'addinka Masjidka Xaramka ee Maka.
Si rasmi ah ayaa xilkan loogu magacaabay sannadkii 2018-kii. Maadaama uu ku barbaaray magaalada Madiina, Sheekh Ibraahim waxaa saameyn ku yeeshay dhaqanka iyo qaabka aadaanka ee Madiina.
Wuxuu sidoo kale bartay qaabka gaarka ah ee aadaanka Maka xilliyadii uu aabihiis la tagi jiray magaaladaas, halkaas oo uu kula kulmay Sheekh Cabdul-Ladiif Mulla, oo ahaa mu'addinkii hore ee Masjidka Xaramka, isla markaana saaxiib la ahaa awowgiis.

Xigashada Sawirka, YOUTUBE/ASHRAQAT
Xusuustiisii markii ugu horreysay ee uu masaajidka Xaramka ka addimay
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Intii lagu guda jiray barnaamijka podcast-ka ah ee la yiraahdo *Asharqat*, Sheekh Ibraahim Al-Madani wuxuu dib u xasuustay xilligii uu markii ugu horreysay ka addimay Masjidka Xaramka (Al-Masjid al-Haram).
Wuxuu sheegay inuusan awoodin inuu seexdo habeenkii ka horreeyay isagoo ka fikiraya: 'Waxaan ka addimayaa Xaramka. Xitaa qalad yar ama qufac ayaa saameyn yeelan kara. Waan ogaa inay tahay arrin aad u weyn. Aad baan u cabsanayay' ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in ka dib markii uu addimay uu Alle u mahadceliyay. "Waxaan ku laabtay qolkaygii, waxaana ii yimid sheekh i tusay muuqaal laga duubay aadaankaygii, kaas oo ay dadku ku wareegayeen Kacbada. Aad baan u ooyay markaan arkay muuqaalkaas. Aad baan u faraxsanaa".
Wuxuu intaas ku daray "Maxay tahay darajadayda aan ku mudanahay inaan codkayga kor ugu qaado goobta barakeysan oo dadku ay i dhegaystaan? Tani waa go'aanka Alle iyo hadiyad uu i siiyay".
Al-Madani wuxuu yiri, "Waxaa jira dad badan oo codkoodu ka wanaagsan yahay kayga, falalkooduna ka wanaagsan yahay kuwayga, balse waa go'aanka Alle inuu arrintan siiyo cidda uu doono".
Al-Madani wuxuu sidoo kale sheegay in baaq-u-yeeridda salaadda (aadaanka) ee Xaramka ay tahay arrin aad muhiim u ah, maadaama "aanay halkan ka jirin meel qalad laga geli karo; xitaa qalad boqolkiiba hal ah waa mid aan la aqbali karin."
Duubitaannada la baahiyay ee Sheekh Ibraahim Al-Madani ayaa muujinaya qaar ka mid ah aadaannadiisii iyo takbiirradiisii laga jeediyay sameecadaha Masjidka Xaramka. Mid ka mid ah muuqaalladiisa ugu caansan ayaa taariikhdiisu ahayd 15-kii Ramadaan 1439-kii Hijriyada (oo ku beegnayd 31-kii Maajo 2018-kii). Waqtigaas waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa aadaankiisii ugu horreeyay ee laga baahiyo telefishinka, kaas oo ahaa aadaanka salaadda Duhur.
Ka dib markii la shaaciyay geeridiisa, dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dib u baahiyay muuqaallada aadaankiisa; iyadoo dad badan oo xiriir la lahaa labada Masjid ee Barakaysan, kuwa xiiseeya aadaanka, iyo kuwa jeclaa codadka mu'addiniinta Masjidka Xaramka ay muujiyeen dareenkooda tacsiyeed, isla markaana xuseen waayihiisii shaqo iyo codkiisa oo la xiriira xusuusta goobtan barakaysan.
Mu'adiniinta iyo samaacadaha Masaajidka Xaramka
Sida ay sheegeen warbaahinta Sacuudiga, waxaa Masjidka Xaramka (Grand Mosque) ka hawlgala 24 mu'addin, kuwaas oo waqtiyada aadaanka loogu qaybiyay jadwalka toddobaadlaha ah. Mu'addinka loo xilsaaray inuu aadaanka jeediyo ayaa waajib ku ah inuu masjidka dhexdiisa joogo hal saac ka hor waqtiga aadaanka. Mu'addin gaar ah ayaa loo qoondeeyay salaad kasta, iyadoo ay sidoo kale goobjoog yihiin mu'addin ku-xigeen iyo mu'addin beddel ah.
Dhanka kale, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA), waxaa Masjidka Xaramka lagu rakibay nidaam casri ah oo dhanka codka ah, kaas oo ka kooban 8,000 oo sameecadood, isla markaana daboolaya baaxad dhan 650,000 oo mitir oo laba-jibbaaran, oo ay ku jiraan barxadaha masjidka iyo waddooyinka ku hareeraysan. Koox ka kooban 120 injineer iyo farsamoyaqaanno ayaa arrintan u shaqeeya 24-ka saac ee maalintii.
In ka badan 100 makarafoon ayaa loo isticmaalaa codadka mu'addiniinta iyo imaamyada, waxaana nidaamkan qayb ka ah lix qol oo laga maamulo hawlaha codka masjidka.

























