Wajiga saygayga ayaan garan waayay, sidaasna waxaan ku ogaaday inaan cudurkaan qabo

Xigashada Sawirka, BBC/MARYAM NIKAN
Lix bilood ayaan wada soconnay, kadibna si lama filaan ah ayaan isugu aragnay dukaan dhexdiis. Markii aan isku dhaafnay qeybta cuntooyinka, ma aanan garanin qofka uu yahay. Aad ayaan u dhibsaday sida uu iigu soo dhowaaday, ilaa uu hadlay oo aan codkiisa ku gartay.
Tani dabcan isaga farxad uma ahayn. Aniga se waa wax igu caadi ah. Waxaan had iyo jeer dhibaato kala kulmi jiray aqoonsiga wajiyada dadka, xitaa haddii aan qofka si fiican u aqaan.
Sababtaas awgeed ayaan go'aansaday inaan is baaro si aan u ogaado inaan qabo xaaladda loo yaqaan "garan-waaga wajiyada", oo xagga sayniska loogu yeero prosopagnosia, taas oo ah xaalad qofka ku adkaynaysa aqoonsiga wajiyada. Baaritaankani wuxuu qeyb ka ahaa barnaamijka BBC-da ee "Crowd Science".
Maxaa sababa "inaad aqoonsan wayso wajiyada"?

Xigashada Sawirka, Caroline Steele
Khabiiro ayaa sheegaya in xaaladdan aqoonsi-la'aanta wajiyadu ay ka faafsan tahay sida dadku u malaynayaan, waxayna ku dhacdaa qiyaastii hal qof 50-kii qofba.
Qaar ka mid ah xaaladaha, xaaladdan waxay ku timaadaa kadib dhaawac maskaxda soo gaara, sida istaroogga oo kale, inkastoo Professor Sarah Bate oo cilmi-nafsiga ka dhigta jaamacadda Bournemouth ee dalka Britain ay sheegayso in "dadka aan la kulanno ee qaabkan ugu yimid indho-la'aanta wajiyadu ay yar yihiin".
Waxayna xaqiijinaysaa in dhibaatadan oo jirtay tan iyo yaraantii ay aad u badan tahay, taas oo loo yaqaano indho-la'aanta wajiyada ee ku timaada korriinka ama tan lagu dhasho.
Waxaa la rumaysan yahay in nooca xaaladdan ahi uu qoysaska dhexdooda iska dhaxlo, taas oo muujinaysa in uu jiri karo xiriir hidde ah, inkastoo aan weli la ogaan hidde-sidayaasha gaarka ah ee sababa.
Bate waxay tiri: "Arintu marnaba ma aha hal hidde-side oo keliya. Waxay u muuqataa inay tahay isku-dhafka aad u adag ee hidde-sideyaasha iyo deegaanka."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
SAWIR - Caroline (midig) oo tan iyo yaraanteedii la dhibtoonaysay aqoonsiga wajiyada, iyada oo la joogta walaasheed.
Bate waxay rumaysan tahay in waayo-aragnimada aragga ee hore ay saamayn yeelan karto. Qaar ka mid ah dadka qaba indho-la'aanta wajiyada ayaa ka warramay in markii ay yaraayeen uu araggoodu daciif ahaa ama aanu caadi ahayn.
Waxay tiri: "Waxaa jiri kara marxalado xasaasi ah oo korriinka ah oo muhiim u ah barashada sida loo aqoonsado wajiyada."
Waxayna intaas ku dartay: "Haddii ilmuhu waayo muraayadihii araggiisa hagaajin lahaa ama haddii uu ku dhasho indho-beel saameeya araggiisa, taasi waxay caqabad ku noqon kartaa hawshan."
Aniga ahaan, tani macno buuxda ayay ii samaynaysaa. Yaraantaydii waxaan qabay dhibaatooyin xagga aragga ah, balse waligay maskaxdayda kuma soo dhicin inaan ku xidho balastarkii isha ee aan 8 jir ku xidhnaa iyo dhibaatada aan kala kulmay aqoonsiga lamaanahaygii markii aan weynaaday.
Waxaa sidoo kale jira caddaymo muujinaya in arrimo kale ay door ku yeelan karaan.
Bate waxay tiri: "Waxaan ognahay, tusaale ahaan, dadka qaba autism-ka, oo qaarkood aanay ku raaxaysan xiriirka indhaha tooska ah... in dad badan oo xaaladahan qaba ay sidoo kale la kulmaan dhibaatooyin la xiriira awoodda aqoonsiga wajiyada."
Waxayna intaas ku dartay in carruurta ku soo korta deegaan bulsho ahaan go'doon ah, mustaqbalka ay ku adkaato in ay wajiyada aqoonsadaan.
SAWIR - Saynisyahannadda Sarah Bate waxay u aragtaa in ay jirto xiriir ka dhexeeya dhibaatooyinka aragga ee carruurnimada iyo cilladda aqoonsi-la'aanta wajiyada.
Xiriir yar

Xigashada Sawirka, Getty Images/BSIP/UIG
In la garto waji la yaqaan waxay u muuqan kartaa arrin fudud oo iskeed u dhacda dadka intooda badan, balse khubarada neerfaha ayaa sheegaya in ay ku xiran tahay hannaan kakan oo maskaxdu qabato.
Professor Zaira Cattaneo oo ku takhasustay cilmiga neerfaha jaamacadda Bergamo ee dalka Talyaaniga, islamarkaana cilmi-baaris ka wada aqoonsiga wajiyada, ayaa tiri: "Maskaxdeena waxay leedahay shabakad gaar ah oo u xilsaaran aqoonsiga wajiyada."
Waxayna intaas ku dartay: "Wax walba waxay ka soo bilaabmaan qeybta dambe ee maskaxda, oo ah meesha dareenka," taas oo u kobocday si ay "aad ugu takhasusto wajiyada."
Qeybtaas, oo loo yaqaan "lobe occipital", waxay ka kooban tahay kiliyaha aragga ee aasaasiga ah, oo ah meesha xogta aragga marka hore lagu qaabilo laguna fasiro.
Intaa ka dib, xogta aragga waxaa loo gudbiyaa qeyb kale oo maskaxda ka mid ah oo lagu magacaabo kiliyaha ku meel gaarka ah, halkaas oo geeddi-socodka aqoonsigu uu sii xoogeysto.
Cattaneo waxay tiri: "Marxaladdan, kaliya ma aqoonsanaysid wajiga, balse waxaad sidoo kale garanaysaa inuu yahay waji la yaqaan. Waxaadna ku xiriirin kartaa magac iyo dhammaan macluumaadka iyo xogtii hore ee qofkaas la xiriirta."
Marxaladda ugu dambeysa waxay ku lug leedahay kiliyaha foodda hore, oo ah qeyb la xiriirta fikirka miyirka leh iyo go'aan gaarista, halkaas oo "asal ahaan wajiga si miyir leh ugu soo bandhigno, maadaama inta badan habaynta dareenku ay dhacdo si miyir la'aan ah."
Cilmi-baarayaasha ay ka mid tahay Cattaneo ayaa hadda aaminsan in hannaanka aqoonsiga wajiga, oo u dhaca si aad u degdeg ah, uusan ku xirnayn oo keliya qeybaha gaarka ah ee maskaxda, balse sidoo kale sida ay isula shaqeeyaan.
Waxay sheegtay in dadka qaba cilladda aqoonsi-la'aanta wajiyadu ay "laga yaabo in uu yaraado xiriirka ka dhexeeya qeybaha wareegga aqoonsiga wajiyada."
Waji aad taqaan
Caddaymuhu waxay muujinayaan in mar kasta oo da'deenu sii kororto ay sii adkaato aqoonsiga wajiyada, arrintanina ma aha oo keliya hoos u dhac guud oo ku yimaada xusuusta awgeed.
Cattaneo waxay caddaysay in qeybaha maskaxda ee arrintan ku lugta leh ay, muddo ka dib, noqdaan kuwo aan sidii hore ugu takhasusin wajiyada la yaqaan.
Haddaba, haddii aad la kulantay dhibaato aniga oo kale yaraantaadii iyo haddii kaleba, Cattaneo waxay tiri: "Dhammaanteen waxaa suuragal ah in ay ina soo wajahdo dhib xagga aqoonsiga wajiyada ah marka da'du inagu sii kororto."
Hase yeeshee run ahaantii, dhibaatada aan ka qabo aqoonsiga wajiyadu da'da kuma xirna. Weligey waxaan la soo noolaa caqabaddan intii aan xasuusan karo. Markaa aad ayaan ugu riyaaqay markii Sarah Bate ay ii soo jeedisay in la i baaro si loo xaqiijiyo in aan buuxinayo halbeegyada rasmiga ah ee xaaladdan.
SAWIR - Mid ka mid ah imtixaannadii ay Caroline martay wuxuu ahaa isku day ay ku aqoonsanaysay wajiyo caan ah.
Baaritaanku wuxuu ku bilaabmay ururinta xog ku saabsan waaya-aragnimadayda maalinlaha ah ee la xiriirta wajiyada. Waxaan qiimeeyay heerka aan ku raacsanahay ama ku diidanahay weedho kala duwan, sida in aan inta badan ku guul-darraysto aqoonsiga dadka ama ay igu adkaato in aan garto marka ay xirteen dhar isku mid ah.
Intaa ka dib waxaan uga jawaabay su'aalo ku saabsan inta jeer ee aan la kulmo astaamaha caadiga ah ee indho-la'aanta wajiyada. Ugu dambayntii, waxaan maray baaritaan lagu aqoonsanayo wajiyada caanka ah, waxaana la ii soo bandhigay sawirro taxane ah oo dad caan ah, waxaana la i weydiiyay in aan go'aamiyo in waji kasta uu iigu muuqdo mid aan hore u arkay iyo in kale.
Waxaan si weyn ugu farxay in aan aqoonsaday Sir David Attenborough, oo ah khabiirka dabeecadda iyo baahinta British-ka ah, hasa yeeshee ma aanan aqoonin Sir Paul McCartney oo ka mid ahaa kooxda Beatles, atooraha caanka ah ee Hollywood Tom Hanks, iyo ra'iisul wasaarihii hore ee Britain Tony Blair.
Sidii la filayeyba, waxaan buuxiyey shuruudihii lagu garto indho-la'aanta wajiyada. Tani wax lala yaabo ma ahayn, balse in aan helo ogaansho rasmi ah ayaa igu abuurtay dareen ah in waaya-aragnimadayda la fahmay lana qiimeeyey.
Tababarka maskaxda?

Xigashada Sawirka, Getty Images/ZeynepKaya
Waxaa la filayaa inaan xaaladdan la noolaan doono inta aan noolahay oo dhan, in kasta oo ay saynisyahannadu hadda baarayaan suurtagalnimada in si wax-ku-ool ah loo hagaajin karo shabakadda maskaxda ee aqoonsata wajiyada.
Inta badan unugyada neerfayaasha maskaxdu waxay si wadajir ah u wada shaqeeyaan qaabab isku mid ah oo loo yaqaanno gariirka neerfaha.
Cattaneo waxay sheegtay: "Waxa aan aasaas ahaan maskaxda ku tababari karnaa in ay ku gariirto inta jeer ee la xiriirta garashada waxtarka leh." Waxa ay baaraysaa adeegsiga tamar koronto oo yar oo aan qalliin ahayn oo madaxa la mariyo, si loo kobciyo isku xirka unugyada neerfaha.
Natiijooyinkii ugu horreeyey waxay muujinayaan in arrintani ay gacan ka geysan karto aqoonsiga wajiyada, balse Cattaneo waxay ka digaysaa in aan la buunbuunin ballan-qaadyada.
Waxay tiri: "Mararka qaar khatartu waxay tahay in dadku u arkaan farsamooyinkan kuwo mucjiso ah. Waxa aan aragnay saamaynteedu waxa ay noqon kartaa in dhowr dhibcood oo boqolkiiba ah lagu kordhiyo hawl gaar ah, ama in aad dhowr milise-dhani ku dhaqso badan tahay."
SAWIR - Cilmi-baarayaashu waxay isku dayeen inay adeegsadaan barnaamijyo tababar aqoonsi waji, oo u eg ciyaaraha jimicsiga maskaxda ee caadiga ah, balse guushoodu weli waa kooban tahay.
Bate waxay tiri isku dayga lagu tababarayo kartida aqoonsiga wajiyada, oo la mid ah jimicsiga tababarka maskaxda ee caamka ah, waxa uu keenay guulo kooban.
Waxayna ku dartay: "Waxaad samaynaysaa boqollaal isku day oo shay gaar ah. Waxaan hababkan oo kale ku tijaabinnay dadka waaweyn iyo carruurtaba, balse natiijooyinku waxay ahaayeen kuwo dhexdhexaad ah."
Bate waxay taa beddelkeeda ku talinaysaa in diiradda la saaro habab wax ku ool ah oo lagula tacaalo nolol maalmeedka, iyadoo la adeegsanayo xeelado aan si weyn ugu tiirsanayn aqoonsiga wajiga.
Waxay tiri: "Dadka badankiisu waxay had iyo jeer doortaan goob kulan oo si cad loo yaqaan, si ay si hubaal ah u ogaadaan halka ay ku kulmayaan, waxayna isku dayaan inay iyagu yihiin kuwa ugu horreeya ee halkaas gaara."
Aniga ahaan waxaan bartay inaan dadka ku aqoonsado anigoo u fiirsada astaamaha yaryar, qofku ma leeyahay socod gaar ah? Codkiisu ma kala duwan yahay? Mise qofku ma isticmaalaa midab lipstick ah oo aan isbeddelin?
Waa hab la qabsasho ah oo ii shaqeeya, balse waxa uu leeyahay cilladihiisa. Haddii uu qofku timihiisa beddelo, waxa aan dib ugu noqonayaa halkii aan ka soo bilaabay.
Sheekadani waxay ku salaysan tahay xalqo ka mid ah barnaamijka podcast-ka "Crowd Science" ee adeegga caalamiga ah ee BBC-da. Warbixin dheeraad ah waxaa bixisay Lara Owen.

























