Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessant uu sheegay in shirkadaha diyaaradaha Iran laga mamnuuci doono inay si caalami ah u duulaan maalmaha soo socda.
Kooban
Madaxweynaha iiraan oo u safraya New York iyadoo Trump sheegay inu diyaar u yahay la kulankiisa
Maraykanka oo muwaadiniinta uga digaya in ay u safraan Iiraan
Trump oo sheegay in la joogo marxaladdii go'aanka, iyada oo Iiraan ay ka digeyso in lagu soo qaado weerarro cusub
Tebin toos ah
War deg deg ah, Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galaya shirka Golaha Guud ee QM
Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada New Yorka, ee dalka Mareykanka, halkaas oo uga qayb galayo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay.
Shirkan oo looga hadlayo arrimo kala duwan ayaa waxaa ka qayb galaya madax ka kala socota caalamka, waxaana madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeedin doonaa khubad oo kaga hadlayo xaaladaha dalka.
Sidoo kale inta uu halkaas ku suganyahay waxaa kulma gooni-gooni ah uu la yeelan doonaa madaxda ka soo qayb galaysa shirka.
War deg deg ah, Iran oo bilaabaysa qorshe cusub oo dagaalka ku saabsan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Taliye ku-xigeenka Ciidamada
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Mustafa Ezadi, ayaa sheegay in
ciidamada qalabka sida ee Iran ay sii wadaan xoojinta awooddooda milatari.
Sida ay baahisay BBC Persian,
warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Ezadi uu soo dhoweeyay taageerayaasha
dowladda oo habeenkii weli waddooyinka isugu soo baxaya, isaga oo yiri:
“ Haddii ay sii socoto joogitaanka
muwaadiniinta ee waddooyinka, waxaa fashilmi doona dhagar badan oo cadowgu
maleegayo.”
Taliye ku-xigeenka ayaa sheegay in
Iran ay hadda sii xoojinayso awooddeeda dhinacyada gantaallada, diyaaradaha aan
duuliyaha lahayn, gantaallada nooca cruise-ka, nidaamyada internetka, dagaalka
elektaroonigga ah iyo difaaca cirka.
War deg deg ah, Ruushka oo lagu eedeyay inuu cabsi ku abuurayo xubnaha Midowga Yurub
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda
ee Midowga Yurub, Kaia Kalas, ayaa Ruushka ku eedeysay inuu doonayo inuu
xubnaha Midowga Yurub ka yareeyo taageerada ay siiyaan Ukraine, isaga oo
qaaradda Yurub ka abuuraya cabsi.
“Yurub waxaa si xawli ah ugu sii
badanaya weerarrada waxyeellada loo geysto ee qarsoodiga ah iyo xadgudubyada
lagu sameeyo hawadeeda,” ayay tiri.
Ms Kalas ayaa qoraal ay ku
baahisay barta bulshada ee X ku sheegtay: “Maadaama Ruushku uu kordhinayo
falalka wax burburinta ah, waa in Yurub ay sidoo kale kordhisaa cadaadiska iyo
kharashka uu Ruushku ku bixinayo falalkaas.”
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda
ee Midowga Yurub ayaa intaas ku dartay in laba tallaabo oo lagu kordhin karo
cadaadiska Ruushka ay kala yihiin in tallaabooyin adag laga qaado maraakiibta
uu u adeegsado dhoofinta saliidda si uu uga baaqsado cunaqabateynta iyo in la
adkeeyo tallaabooyinka ka dhanka ah warshadaha milatari iyo kuwa difaaca ee
dalkaas.
Ibrahim Barre ayaa ka mid ahaa 10-kii hoggaamiye oo Afrikanka ahaa ee la dilay iyagoo xil haya
Xigashada Sawirka, Universal History Archive/Universal Images Group via Getty Images
Liiska Hogaamiyaasha Afrika ee iyagoo xilka haya rasaas lagu dilay waa mid aad u dheer, waxaana ka mid ah Patrice Lumumba, Thomas Sankara, Anwar Sadat, Melchior Ndadaye iyo kuwo kale.
Qaar ka mid ah dilalkani ma ahayn oo keliya loolan siyaasadeed oo gudaha ah oo xukunka loogu tartamayay, balse waxay ahaayeen shirqoolo ay soo abaabuleen dad gudaha ah iyo kuwo dibadda ka yimid.
Warbixintaan ay diyaarisay BBC News Africa waxay si gaar ah diiradda u saaraysaa 10 dil siyaasadeed oo taariikhda Afrika si weyn u gilgilay.
Tallaabadan ayaa timid saacado uun
ka dib markii shabakado waaweyn oo telefishinno oo Mareykanka laga leeyahay ay
joojiyeen baahintii ay si wadajir ah uga sameyn jireen Aqalka Cad, iyaga oo ka
cabanaya go’aanka Donald Trump uu CNN, MS Now iyo Politico uga mamnuucay gudaha
xarunta, kuna eedeeyay inay faafiyeen warar been abuur ah.
Bogga internetka ee Aqalka Cad
ayaa Trump TV ku tilmaamay “kanaalka lagama maarmaanka ah ee laga heli karo
xogta muhiimka ah”.
War-saxaafadeed ay soo saartay
maamulka Trump ayaa lagu sheegay in helitaanka Aqalka Cad uu yahay mudnaan,
balse aanu ahayn xuquuq qof walba leeyahay. Waxa kale oo intaa lagu daray in
madaxweyne aanu waajib ku ahayn inuu xaruntiisa ku soo dhaweeyo waxa ay ku
tilmaameen hawlgal cadowtinimo ku dhisan.
Warbaahinta laga mamnuucay Aqalka
Cad ayaa sheegtay inay dacwad ka gudbin doonto maamulka Trump, si ay u difaacdo
xorriyadda saxaafadda.
Safiirka Mareykanka u fadhiya QM: "Dhimashada dadka rayidka ah ee Iraan waxay ahayd mid 'aan ula kac ahayn'.
Mike Waltz, oo ah safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in dhimashada dadka rayidka ah ee ka dhalatay dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ay kula jireen Iraan ay ahayd mid "aan ula kac ahayn oo shil ah."
Mr. Waltz ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka hor imaan doono baaritaanka hay'addaas inta lagu guda jiro kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee maanta furmaya.
Qaramada Midoobay ayaa baaritaankeeda ku sheegtay in Mareykanku laga yaabo inuu galay dambiyo dagaal intii lagu guda jiray laba weerar oo lagu qaaday Iraan bilowgii dagaalka bishii Febraayo. "Xitaa xaaladaha aan aragno khasaare soo gaaray dadka rayidka ah, mana oranayo taasi waa waxa halkan ka dhacay, sababtoo ah waxaan u maleynayaa in Pentagon-ku uu weli dib u eegis ku sameynayo, xitaa haddii aan aragno khasaare rayid, waxay ahayd mid aan ula kac ahayn oo ku kama' ku dhacay, qaybna ka ahayd dabeecadda dagaalka".
Koox xaqiiqo-raadin ah ayaa warbixin ay u gudbiyeen Golaha Xuquuqul Aadanaha ee Qaramada Midoobay ku sheegay in Mareykanku uu si sharci-darro ah u weeraray dugsi iyo xarun ciyaaraha lagu qabto oo ku yaalla Iraan, taasoo sababtay dhimashada in ka badan 120 carruur ah.
Kaddib markii Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessant uu ku dhawaaqay in shirkadaha diyaaradaha Iran laga mamnuuci doono inay si caalami ah u shaqeeyaan maalmaha soo socda, Ciraaq iyo Georgia ayaa ku biiray Turkiga, iyagoo ku dhawaaqay in shirkadaha diyaaradaha Iran laga mamnuucayo inay galaan dalalkooda.
Shirkadda Mahan Air ayaa horay u sheegtay in Turkigu ku wargeliyay inay joojiso duullimaadyadeeda dalkaas.
Laba ilo-wareed oo Ciraaqi ah ayaa Isniintii AFP u sheegay in Baqdaad ay joojin doonto duullimaadyada shirkadaha diyaaradaha Iran, kaddib ku dhawaaqistii Waaxda Maaliyadda Mareykanka.
Sida ay sheegayaan wararka aan heleyno, Georgia ayaa sidoo kale shirkadaha diyaaradaha Iraan ka mamnuucday inay galaan dhulkeeda.
War deg deg ah, Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan oo New York gaaray
Wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA ayaa baahisay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, uu gaaray magaalada
New York si uu uga qayb galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Warbaahinta Iraan ayaa sheegtay in Araqchi uu New York u
tagay “isagoo hoggaaminaya wafdi diblomaasiyadeed”.
Sida ay sheegtay IRNA, Araqchi ayaa la filayaa inuu, ka
sokow ka qaybgalka shirarka Qaramada Midoobay, “wadahadallo iyo kulamo la yeesho” tiro badan oo mas’uuliyiin iyo wasiirro arrimo dibadeed ah oo ka
qaybgalaya shirka.
Afhayeenka Qaramada Midoobay: “Ururku waxa uu xiriir la sameeyey Pakistaan si loo soo afjaro colaadda Iraan iyo Mareykanka
Xigashada Sawirka, UN
Afhayeenka, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António
Guterres, ayaa sheegay in uu xiriir la sameeyay mas’uuliyiin Pakistaani ah, si
gacan looga geysto dadaallada lagu soo afjarayo colaadda u dhaxaysa Mareykanka
iyo Iraan.
Stephane Dujarric ayaa ammaanay doorka Pakistaan ee
heshiiskii bishii Juun ay Mareykanka iyo Iraan ku gaareen joojinta dagaallada,
isaga oo ku tilmaamay “guul weyn.”
Dujarric ayaa shir jaraa’id ku sheegay in dib u bilaabista
wada-xaajoodyadu ay gacan ka geysan karto soo afjaridda colaadda.
Boqortooyada Sacuudiga oo hakad gelisay Bandhigga Filimada Badda Cas
Xigashada Sawirka, AP
Bandhigga Filimada Badda Cas ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay munaasabaddii sannadkan, iyadoo walaaca amni ee gobolka uu sii kordhayo.
Qabanqaabiyeyaasha munaasabadda ma aysan sheegin in sababta dib-u-dhigistu ay tahay dagaalka dib uga soo cusboonaaday Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen, ama dagaalka dagaalka Iraan.
Si kastaba ha ahaatee, sanadkan waxaa Sacuudiga si joogto ah loogu qaaday weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo, taas oo wiiqaysa dadaallada Boqortooyadu ku doonayso inay isu soo bandhigto inay tahay meelaha ugu waaweyn ee madadaalada iyo bandhigyada gobolka.
Bandhigga Filimada Badda Cas, oo lagu qabto magaalada Jeddah, ayaa sanadba sanadka ka dambeeya waxa uu noqonayey mid ay sii kordheyso sumcaddiisa tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2019.
Sacuudiga oo kordhiyey dhoofinta shidaalka ee Gacanka kadib weerar lagu qaaday dhuumaha shidaalka
Sida ay qortay shabakadda warbaahinta Reuters, Shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco ayaa Axaddii ku shubtay ku dhowaad 14 milyan oo foosto oo saliid ceeriin ah toddobo markab oo waaweyn oo shidaal qaada, kuwaas oo ku sugnaa gudaha Gacanka Carabta, sida ay muujisay xogta TankerTrackers.com.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo Sacuudigu kordhiyay shidaalka laga raro dekedaha dhoofinta ee ku yaalla Gacanka, kaddib markii weerar uu carqaladeeyay dhoofinta shidaalka ee maraysay dhuumaha isku xira bariga dalka iyo Badda Cas.
Dhoofinta la kordhiyay ayaa muujinaysa in dhoofinta shidaalka Sacuudiga ay si tartiib ah dib ugu soo kabanayso. Rajada laga qabo in shidaal badan suuqa soo galo ayaa Isniintii cadaadis ku saartay qiimaha shidaalka, waxayna sababtay in qiimaha Brent uu hoos uga dhaco 100 doollar foostadii, markii ugu horreysay tan iyo 9-kii Sebtembar.
Isniintii galabtii ayaa la hakiyay duulimaadyada ka baxaya garoomo waaweyn oo ku yaalla New York, Philadelphia, New Jersey iyo Boston.
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in ciladdu la xiriirto isgaarsiinta xarunta hagista diyaaradaha ee Philadelphia, taas oo maamusha duulimaadyada garoomada ku yaalla gobolka.
Weli lama oga goorta la qaadi doono hakinta duulimaadyada, waxaana BBC-du FAA ka dalbatay faahfaahin ku saabsan ciladdan.
Afhayeen u hadlay FAA ayaa BBC-da iyo CBS oo ay iskaashadaan u sheegay in dhibaatadu saameysay nidaamka hagista diyaaradaha ee Terminal Radar Approach Control, kaas oo loo adeegsado hagista diyaaradaha marka ay kacayaan iyo marka ay soo degayaan.
Sidoo kale, mas’uuliyiinta duulista Mareykanka ayaa sheegay in “wareegga korontada/isgaarsiinta uu cilad galay”, taas oo keentay in la ogaado fiilo kale oo fiber-optic ah oo kayd ahaan loogu talagalay nidaamka, balse ay waxyeelleeyeen shaqaale dhismo oo ka shaqeynayay New Jersey. Iyaga oo intaas ku daray in hagaajinta fiilada kaydka ah ay qaadan karto qiyaastii 13 saacadood, Ilaa hadda, mas’uuliyiintu waxay qiyaasayaan in ku dhawaad 90 duulimaad loo weeciyay gobollo kale.
The Washington Post “Tirada askarta Mareykanka ee lagu dilay dagaalka Iraan ayaa ka badan inta la shaaciyay”
Warbixin uu qoray The Washington Post ayaa lagu sheeegay in tirada askarta Mareykanka ee lagu dilay dagaalka Iran ay ugu yaraan afar jeer ka badan tahay tirada ay si rasmi ah u shaacisay Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon).
Wargeysku wuxuu Jimcihii soo xigtay mas’uuliyiin Mareykan ah oo sheegay in tirada askarta Mareykanka ee lagu dilay dagaalka ay ka badan tahay tirada rasmiga ah ee Pentagon-ku soo bandhigay.
Sida lagu sheegay warbixinta, oo ku salaysan xog ay bixiyeen shan mas’uul oo xog-ogaal u ah tirada dhimashada ee Wasaaradda Dagaalka Mareykanka, ugu yaraan 22 askari ayaa lagu dilay dagaalka IraAn, taas oo ka badan tirada uu Pentagon-ku si rasmi ah u sheegay.
Mohamed Salah oo laga mamnuucay wadista baabuurta muddo lix bilood ah
Xigashada Sawirka, AP MEDIA
Ciyaaryahankii hore ee Liverpool, Mohamed Salah, ayaa laga mamnuucay inuu baabuur wado muddo lix bilood ah, kaddib markii gaarigiisa Rolls-Royce lagu qabtay isagoo xawaare sare ku socda.
Salah ma uusan sheegin qofkii waday gaariga oo ku socday xawaare dhan 58 km saacaddii, xilli waddadaasi xawaareheeda ugu badan uu ahaa 48 km saacaddii. Dhacdadan ayaa 27-kii Febraayo ka dhacday Wilmslow, Cheshire, England.
Ciyaaryahanka 34 jirka ah kama uusan jawaabin amarka booliska, mana uusan qiran eedeymaha loo soo jeediyay.
Maxkamaddu waxay ku xukuntay in laga mamnuuco wadista baabuurta muddo lix bilood ah, sidoo kalena uu bixiyo 1,044 euro oo ganaax ah.
Afhayeen u hadlay maxkamadda ayaa sheegay in Salah sidoo kale lagu helay dambi ah inuu diiday inuu bixiyo xogta qofkii waday gaarigiisa.
Waxaa la sheegay in Salah uu xawaaraha ka sarreeyay maalmo kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo Liverpool, halkaas oo uu sagaal sano ku qaatay.
Markii Salah uu 24-kii Febraayo ku dhawaaqay inuu ka tagayo Liverpool, waxaa lagu tilmaamay inuu “noqday mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa taariikhda kooxda.”
Ka hor inta uusan ku dhawaaqin inuu u wareegayo horyaalka Turkiga, Salah wuxuu Liverpool u saftay 442 kulan, isagoo dhaliyay 257 gool.
Madaxweynaha Yemen ayaa ka dalbaday Trump taageero ka dhan Xuutiyiinta
Wakaaladda wararka
ee Reuters ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa afar illo-wareed oo xog-ogaal
ah, in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Axaddii khadka taleefanka kula
hadlay Rashad Alimi, oo ah madaxa Golaha Hoggaaminta Madaxtooyada Yemen.
Wadahadalkooda
ayaa diiradda lagu saaray Xuutiyiinta ku sii socota Bab al-Mandab oo ka mid ah
marinada ugu muhiimsan maraakiibta caalamka.
Illo-wareedyo u warramay
Reuters ayaa u sheegay in wadahadalkan uu Mr. Alimi ku dalbaday in Mareykanku ka
taageero sidii ay uga hortagi lahaayeen Xuutiyiinta.
Labada illo-wareed oo mid Yemen yahay kan kale reer Galbeed
ayaa sheegay in Trump uusan sameyn ballanqaad toos ah oo military.
Mareykanka ayaa sheegay in nidaamka dollar-ka uu ka saarayo dalkii adeeg siiya diyaaradaha Iran
Xigashada Sawirka, Reuters
Xoghayaha maaliyadda Mareykanka, Scott Besant, ayaa CNBC u
sheegay in saddex iyo labaatanka bishan adduunka laga joojin doono dhammaan
diyaaradaha Iran.
Wuxuu ka digay in dhammaan shirkadaha diyaaradaha Iran ay
adduunka kala kulmi doonaan dhibaatooyin waa weyn laga bilaabo labo maalin
kaddib.
Xoghayaha maaliyadda Mareykanka wuxuu hadalkan sheegay
kaddib markii uu la kulmay madaxweyne ku xigeenka Shiinaha.
Mr. Besant wuxuu sheegay hadii diyaaradaha Iran ay ku dagaan
garoon diyaaradeed, “in aadan siin karin shidaal ama adeegyada garoonka, kama
iibin kartid tikit, hadii kale waxaad ka baxeysaa nidaamka dollar-ka”.
Diyaaradaha Iran
ayaa muddo sanado ah la daalaa-dhacayay cunaqabataynta Mareykanka, taas oo si
weyn u xaddidday awooddooda dhanka iibsashada diyaaradaha iyo qalabka
dayactirka.
Dhawaan waxaa la joojiyay duulimaadyadii xadidnaa ee tagayay
Iran iyadoon la ogeyn waxa uu noqonayo mustaqbalka duulimaadyada tagaya Iran.
Qaar ka mid ah dalalka dariska la ah Iran sida Georgia waxay
joojiyeen in hawadooda ay soo galaan diyaaradaha Iran.
Saddex warbaahin ayaa dacwad ku soo oogay Trump kaddib markii uu u diiday wariyayaashooda in ay galaan Aqalka Cad
Xigashada Sawirka, Reuters
CNN, Politico iyo MS Now oo ah saddex warbaahin oo Mareykan
ah ayaa sheegay in ay dacwad ku oogayaan maamulka trump kaddib markii wariyayaashooda
loo diiday in ay galaan Aqalka Cad.
Mr. Trump ayaa jimcihii ku dhawaaqay in uu ka mamnuucayo
wariyayaasha saddexdaas hay’adood in ay soo galaan Aqalka Cad isagoo ku
eedeeyay in ay faafinayaan “xogo been abuur ah” oo ku saabsan maamulkiisa.
Saddexda warbaahin waxay sheegeen in wariyayaashood loo
diiday in ay galaan Aqalka Cad Sabtigii iyadoo laga qaatay kaararkii aqoonsiga
kaddib markii laga horjoogsaday in ay galaan dhismaha.
Qoraal wadajir ay u soo saareen saddexdaas hay’adood ayey ku
sheegeen in ay tallaabo sharci ah qaadayaan si ay u “ilaaliyaan xuquuqdooda ku
xusan dastuurka, una difaacaan in aanay shaqada dowladda aheyn in ay go’aamiso
waxa ay warbaahintu tabineyso ama daabaceyso”.
Mamnuucidda Trump laguma xusin arrin cayiman oo ku saabsan
sababta wariyayaasha loogu diiday Aqalka Cad. Madaxweynaha Mareykanka wuxuu
kaloo sheegay in “warbaahino kale lagu darayo”
Washington Post: Askarta Mareykanka ee ku dhimatay dagaalka Iran way ka badan tahay intii la sheegay
Xigashada Sawirka, UGC via Reuters
Tirada dhimashada ciidamada Mareykanka ee ku dhintay dagaalka
lala galay Iran ayaa ka badan tan Pentagon ka soo baxday ugu yaraan ilaa afar
qof.
Washington Post ayaa jimcihii sheegtay iyadoo xiganeysa
saraakiil Mareykanka in tirada dhimashada ciidamada Mareykanka ee dagaalka Iran
ay ka badan tahay tan rasmiga ee Pentagon-ka ku dhawaaqeen.
Wargeyska oo xiganaya shan sarkaal oo aqoon u leh tirada dhimashada
ee ka soo baxda Wasaaradda Dagaalka ayaa sheegay in ugu yaraan 22 askari lagu
dilay dagaalka Iran taas oo ah tiro ka badan tan rasmiga ee Pentagon-ka.
Duufaanta Dujan ee Japan ayaa ku qasabtay dad ka badan 1.9 milyan in ay ka baxaan guryahooda
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Duufaan xooggan oo ku dhufatay xeebaha bari ee Japan ayaa
keentay roobab mahiigaan ah iyo burbur.
Booliiska ayaa ku booriyay in ka badan 1.9 milyan iyo bar oo
qof oo ku nool Tokyo iyo deegaannada ku xeeran, kuwaas oo halis ugu jira
duufaanta, in ay ka guuraan guryahooda. Sidoo kale 50,000 dad gaaraya ayey
korontada ka go’day.
Mas'uuliyiintu waxay sidoo kale ka digeen dhul-go', iyadoo
magaalada Oshima la galiyay heerka ugu sarreeya ee digniinta noocaas ah.
In ka badan 300 oo millimitir oo roob ah ayaa halkaas ka
da'ay tan iyo Sabtigii. Dabaylaha ka dhashay Duufaanta Dujuan ayaa sababtay
koronto la'aan ku timid kumannaan qof ah.
Boqolaal duulimaad ayaa la baajiyay, halka qaar ka mid ah
adeegyada tareennadana la hakiyay.
Munaasabado waaweyn oo ay ka mid yihiin Ciyaaraha Aasiya iyo
Bandhigga ciyaaraha Tokyo ayaa sidoo kale dib loo dhigay. Raysalwasaaraha Japan,
Sanae Takaishi, ayaa dib u dhigtay safarkeedii Mareykanka ee ay kaga qayb geli
lahayd Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Ururka arrimaha
badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO ayaa sheegay in markab shidaal lagu weeraray “gantaal
aan la aqoon” isagoo marayay marinka Hormuz.
Sida laga soo
xigtay saraakiil milatari, dhaawac fudud ayaa soo gaaray labo ka mid ah shaqaalah
markabka. Markaba wuxuu sii watay safarkiisa isagoo ku sii jeeday dakadii uu u
socday.
Waqtigan xaadirka
ah ma jiraan warbixino ku saabsan waxyeello deegaanka soo gaartay, baaritaanka
ku saabsan weerarkana ayaa weli socdaa.
Ururka arrimaha badaha eeUKMTO waxay markale kula talisay maraakiibta in ay
taxadar muujiyaan marka ay marayaan aagaas isla markaana soo sheegaan wixii
dhaqdhaqaaq ah.