Maxay Suudaantu u danaynayaan in ay dahab qotaan ayadoo uu dagaal socdo

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Masiibooyinka ka dhasha burburka macdanaha dahabka ee Sudan ayaa mar kale soo laabtay, iyagoo sababay khasaare naf iyo maal leh.

Maalmo kooban gudahood, shan ceel oo isku dhow ayaa ku dumay meel macdanta laga qoto oo ku taalla aagga Al-Nuhud ee Galbeedka Kordofan, halkaasoo ugu yaraan 83 qof ay ku naf-waayeen, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Saddex maalmood kadib, ceel kale ayaa ku dumay macdan ku taalla Jebeit oo ku taal bariga fog ee dalka, waxaana ku geeriyooday 12 qof halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Tani ma ahayn dhacdadii ugu horreysay.

Kuwani ma ahayn burburkii ugu horreeyay, balse waa tii ugu dambeysay ee shilal is xig-xigay oo sanadkan ka dhacay macdano kala duwan.

Sanadkan bilowgiisii, 13 qof ayaa ku dhintay burbur ka dhacay meel macdan laga qodo oo ku taalla Abu Jubeiha ee Koonfurta Kordofan, bishii April-na 6 qof ayaa ku naf-waayay ceel ku dumay Al-Qanab ee Badda Cas. Dhamaadkii June-na, ku dhowaad 50 qof ayaa ku geeriyooday shil macdan ka dhacay Haya ee bariga Sudan.

Inkasta oo xirfaddan ay khatar weyn ku jirto, haddana maalin kasta dad badan ayaa u soo qulqulaya.

Tan iyo markii Sudan ay ku tiirsanaanta dahabka u weecatay kadib lumintii khayraadkii shidaalka ee ka dambeysay gooni-isu-taagga Koonfurta Sudan ee 2011, dad badan ayaa u jeestay macdan qodista dahabka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hase yeeshee tiradoodu aad ayey u korortay xilligii dagaalka billowday 2023, iyadoo gaartay ilaa 6 milyan oo qof oo ka shaqeeya in ka badan 800 goobood, sida uu sheegay Agaasimaha Shirkadda Kheyraadka Macdanta ee Sudan, Mohamed Taher.

Waxaa ka mid ah Adam Al-Faki oo hore uga shaqayn jiray beeraha deegaankiisa ee Waqooyiga Kordofan, kaas oo BBC-da u sheegay in duruufuhu ku qasbeen inuu ka tago shaqadiisa iyo qoyskiisa, una safro waqooyiga fog ee Sudan oo ay ku badan yihiin macdanaha dahabka, isagoo kumanaan kiiloomitir u jaray sidii uu nolashiisa u hagaajin lahaa.

Al-Faki wuxuu hadda boqollaal qof kula tartamayaa ka soo saarista dahabka macdano ku yaalla buuro iyo dhul qallafsan oo aan lahayn shuruudaha ugu hooseeya ee badbaadada. Wuxuu sheegay inay ku shaqeeyaan xaalado adag iyagoo adeegsanaya habab qoditaan oo duug ah.

Wuxuuna intaas ku daray: "Beeraleydii ayaan ka tagay xasillooni-darrada dagaalku keenay dartii, waxaana u soo baxay goobahan dahabka laga qodo. Hal ceel waxaa ka shaqeeya in ka badan 50 qof oo shiftiyo u kala baxay, ilaa hadda waxba ma helin, balse waxaan rajeynayaa inaan dahab helo oo iibiyo si aan xaaladdayda dhaqaale u beddelo".

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

La'aanta heerarka badbaadada iyo tabar-darrida kormeerka

Khabiirka badbaadada guud Dr. Cabdiraxiim Xasan ayaa sababta burburka soo noqnoqda ee ceelasha dahabka ku sheegay la'aanta heerarka badbaadada iyo daciifnimada kormeerka macdanaha.

Wuxuu BBC-da u sheegay in tirada macdan-qodayaasha oo si weyn u badatay dagaalka kadib ay keentay in ceelasha ay shaqaaluhu aad ugu buuxsamaan, taasoo sii kordhisay halista burburka.

Wuxuuna hadalkiisa ku sii daray: "Sababaha burburka waa badan yihiin, balse tan ugu weyn ayaa ah in ceelasha intooda badan si aan nidaamsaneyn loo qodo, waxaana ku jira tunnelyo aan lahayn tiirar injineernimo oo sugan, waxaa intaas dheer saameynta cimilada sida daadadka iyo roobabka culus, maadaama macdanaha badankoodu ku yaallaan dhul buuraley ah".

Xasan, oo horey la-taliye uga soo noqday mid ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya goobaha macdan-qodista, ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta dowladda inay adkeeyaan la socodka macdanaha oo ay ku qasbaan dadka codsanaya ruqsadaha inay buuxiyaan shuruudaha badbaadada marka ruqsadaha la siinayo. Wuxuuna tilmaamay in mas'uuliyiintu ay qeyb ka yihiin waxa dhacaya, "maadaama ay shatiyada bixiyaan oo lacag ka qaadaan, balse aysan fulin howlaha kormeerka ee loo baahan yahay".

Maxay dawladaha qaarkood dahabka u keydsadaan?

Dhanka kale, mas'uuliyiinta dowladda waxay sheegayaan inay dadaal ugu jiraan sugidda goobaha dahabka laga qodo, inkastoo ay jiraan caqabado waaweyn oo ay la kulmayaan.

Arrintan la xiriirta, agaasimaha Shirkadda Sudan ee Kheyraadka Macdanta ayaa sheegay in la dejiyay qorshayaal lagu habeynayo macdan-qodista aan nidaamsaneyn, laguna dajinayo qulqulka sii kordhaya ee macdan-qodayaasha.

Wuxuu caddeeyay in caqabadaha kormeerka shaqaalaha ay yihiin kuwo aad u culus, waxaana ugu weyn baaxadda juqraafiyeed ee goobaha macdanaha iyo dhibaatada gaarista, maadaama ay ku yaallaan meelo fog iyo dhul buuraley ah, qaarna ay ku yaallaan xuduudaha ay la wadaagaan dalalka deriska ah.

Wuxuu intaas ku daray in xaaladaha dagaalku ay sii labanlaabeen caqabadaha, maadaama ay hakadeen shaqadii hay'adaha dowladda isla markaana ay yaraadeen shaqaalaha, taasoo keentay in kormeerku si weyn hoos ugu dhaco.

Tahriibinta dahabka

Qodista dahabka ee Sudan kuma koobna qaybta dhaqameed oo keliya, balse waxaa ka howlgala tobanaan shirkadood oo dowladeed, kuwo gaar loo leeyahay iyo kuwo shisheeye ah, kuwaasoo ka shaqeeya dhinacyada sahaminta iyo qodista, isla markaana leh saamiga ugu badan ee soo saarista macdantan qaaliga ah.

Warbixinnada rasmiga ah ayaa muujinaya in tirada shirkadahaas ay gaareyso 60 shirkadood, kuwaasoo kala bar ay horay u galeen marxaladda wax-soo-saarka.

Shirkadahan waxay ku kala firirsan yihiin goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamadu ee waqooyiga, bariga, bartamaha iyo galbeedka dalka, iyo kuwo kale oo ka howlgala aagagga ay maamulaan ciidamada Taageerada Degdegga ah ee gobollada Darfur iyo Kordofan.

Sudan waxaa loo aqoonsan yahay mid ka mid ah dalalka ugu caansan soo saarista dahabka ee qaaradda Afrika, iyadoo kaga jirta kaalinta saddexaad marka la eego xaddiga wax-soo-saarka.

Maxay dalalka Yurub dahabkooda ugu soo qaadaan Waqooyiga Ameerika?

In kasta oo uu dagaalku socdo, sannadkii hore ayaa la diiwaan geliyay heerkii ugu sarreeyay ee wax-soo-saarka oo gaaray 70 tan, sida ku cad xogta rasmiga ah.

Hase yeeshee, mas'uuliyiinta dowladda iyo warbixinnada kasoo baxaya ururada caalamiga ah ee ay khuseyso ayaa tilmaamaya in dahabkan intiisa badan si sharci-darro ah looga saaro dalka dibaddiisa iyadoo loo sii marayo Masar, Chad iyo Koonfurta Sudan ka hor inta uusan gaarin halkii ugu dambeysay ee ah Imaaraatka Carabta.

Iyadoo lagu salaynayo warbixin ay soo saartay Xarunta "Chatham House" ee Ingiriiska bishii March ee la soo dhaafay, in ka badan 60% dahabka laga tahriibiyo aagagga ay ciidamadu gacanta ku hayaan ayaa la geeyaa Masar.

Xudunta lagu hurinayo colaadda hubeysan

Dhanka kale, xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ayaa warbixin uu soo saaray 15-kii July ee la soo dhaafay ku sheegay in dahabku uu noqday isha ugu weyn ee dhaqaale ee dhinacyada ku dagaallamaya Sudan, isagoo xusay in dakhliga ka soo xarooda uu noqday il muhiim ah oo lagu huriyo colaadda hubeysan iyo in hantida dalka loo beddelo "dhaqaale dagaal".

Xaaladdan awgeed, Midowga Yurub iyo Britain ayaa soo rogay cunaqabateyn ku saabsan ganacsiga dahabka Sudan; oo ay ku jiraan mamnuucidda iibsiga iyo soo dejinta dahabka Sudan, iyo mamnuucidda dhoofinta labada maaddo ee meerkuriga iyo cyanide-ka oo loo adeegsado howlaha soo saarista.

BBC-du kama helin wax faallo ah oo ka yimid ciidamada Sudan ama ciidamada Taageerada Degdegga ah oo ku saabsan eedeymaha Qaramada Midoobay ee ah inay dahabka u adeegsanayaan sii hurinta colaadda hubeysan.

Qaramada Midoobay waxay ku tilmaantay dhibaatada ka dhalatay dagaalka ka socda Sudan inay tahay musiibada bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka hadda, maadaama ay sababtay dhimashada boqollaal kun oo qof iyo barakaca malaayiin, marka laga soo tago burburka ballaaran ee soo gaaray kaabayaasha aasaasiga ah.

Xaaladahan oo kale, waxay u muuqataa in Al-Faki iyo macdan-qodayaasha kale ee dhaqameed ay sii wadi doonaan shaqadooda macdan-qodista inkastoo khatar weyn ay jirto; wuxuuna yiri: "Waan ogahay inaan ka shaqeynayo goobo khatar ah oo aan u nuglahay dhimasho wakhti kasta, laakiin waxa igu qasbaya waa xulashada ugu xun oo ah inaan qoyskeyga kula noolaado goob ay ka socdaan howlgallo ciidan oo aysan jirin wax shaqo ah ama meel looga baxo. Sidaa darteed waxaan go'aansaday inaan nasiibkeyga ku tijaabiyo raadinta dahabka, laga yaabee in maalin ay xaaladdaydu isu beddesho mid ka wanaagsan".