TOOS, Trump oo hadallo isugu jira dhaliil, hanjabaad iyo rajo nabeed ka jeediyay shirka QM

Saacad ka hor imaatinkiisa, Donald Trump ayaa mar kale ku hanjabay inuu burburin doono Iran, xilli uu khudbaddiisa sannadlaha ah u jeedinayay hoggaamiyeyaasha caalamka ee Qaramada Midoobay.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Sheekadii dhexmartay Axmed Madoobe iyo janaraalkii Itoobiyaanka ahaa ee gacanta ku soo dhigay isaga oo dhaawac ah

    Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam

    Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam

    "Dhiig badan oo Itoobiyaan ayaa lagu shubay. Waxaan kuu sheegayaa in dhiigiisu yahay Itoobiyaan" ayuu si kaftan leh u yiri Amabasadoor Wondomu Asamenew safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya.

    Axmed Maxamed Islaam oo 12-kii sano la soo dhaafay ahaa madaxweynaha maamulka Jubaland waxa uu ka mid ahaa madaxdii maxaakiimta Islaamka. Ciidamada Itoobiya ayaa dhawacay kaddibna waxaa lagu soo daaweeyay Addis Ababa.

    Sida uu sheegay safiirka Itoobiya, Wondomu Asamenew, Axmed Madoobe isagoo dhaawac ah ayey ciidamada Itoobiya qabteen 19 sano ka hor markii ay Soomaaliya soo galeen. Xiligaas waxa uu ka mid ahaa Al-shabab.

    Mareykanka iyo Itoobiya way raadinayeen. Mareykanka waxay ku dareen liiskooda buugga madow. Weerar cirka ah oo Mareykanku qaadeen ayuuna ku dhaawacmay.

    Ciidamada Itoobiya ee howlgalka waday waxay sheegeen in ujeedkoodu uusan aheyn in ay dilaan balse u ahaa in ay qabtaan sidaasina waxaa BBC-da u sheegay korneel Gebre Ikbar Alemseged oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay ciidamada soo qabtay.

  2. La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo war cusub ka sheegay xiisadda Tigray

    La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Getachew Reda, ayaa ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) inay weerar cusub ku qaadday fariisimaha dowladda ee gobollada Canfarta iyo Amxaarada.

    Bayaan uu soo dhigay baraha bulshada, Getachew wuxuu yiri: “Hoggaanka TPLF ayaa saaka aroortii qaaday weerar ballaaran oo lagu qaaday fariisimaha dowladda ee Canfarta iyo Amxaarada.” Wuxuu intaas ku daray in tallaabadan ay dhacday iyadoo ay jiraan dadaallo ay wadaan dhinacyo gudaha iyo kuwo caalami ah oo looga hortagayo in colaadda Tigray dib u soo noqoto.

    Getachew wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen garoomo diyaaradeed oo ay maamusho dowladda federaalka oo ku yaalla gobolka, taasoo keentay in la hakiyo duulimaadyadii ku socday Tigray iyo kuwii ka soo baxayay.

    Horaantii maalintaas, maamulka Tigray ayaa ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay galeen “hawlgallo dagaal oo difaac ah”, iyagoo ka jawaabaya waxa ay ku tilmaameen duullaan ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen gobolka.

    Iska horimaadkan ayaa muujinaya sii xoogeysi weyn oo ku yimid xiisadda, iyadoo ay isku mar dhacday hakinta duulimaadyadii Ethiopian Airlines ee Tigray iyo warar sheegayay in ciidamada Tigray ay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha ee Mekelle.

    Dowladda federaalka weli kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan wararka sheegaya in dagaal uu ka qarxay gobolka.

    Mas’uuliyiinta Tigray waxay ciidamada Itoobiya ku eedeeyeen inay sii xoojiyeen howlgallada gobolka, iyagoo sheegay in duqeymaha cirka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay geysteen burbur ballaaran, isla markaana dagaallo dhulka ah ay ka dhaceen meelo ka mid ah gobolka.

    Maamulka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in 22-kii Sebtembar uu Koonfurta Tigray ka dhacay weerar drone ah oo lagu dilay 14 qof, halka 22 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Duqa magaalada Alamata, Moges Shiferaw, ayaa BBC u sheegay in weerarku dhacay abbaaro 9:30 subaxnimo, waxaana ku lug lahaa ku dhawaad 20 weerar oo drone ah iyo hal weerar oo ay fulisay diyaarad militari, kuwaas oo ka dhacay gudaha iyo nawaaxiga magaalada Alamata.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. Xuutiyiinta Yemen oo digniin adag soo saaray iyo cida ay u direen

    Kooxda Xuutiyiinta oo digniin soo saaray

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Kooxda Xuutiyiinta oo digniin soo saaray

    La-taliye militari oo ka tirsan fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa ka digay in kooxdu ay weerari doonto danaha Maraykanka ee Bariga Dhexe haddii Maraykanku uu faragelin ku sameeyo dagaalka Yemen isagoo taageeraya Sacuudi Carabiya, ama uu isku dayo inuu dib u furo Marinka Bab al-Mandab.

    “Haddii Maraykanku ku dhiirrado inuu faragelin militari ku sameeyo isagoo adeegsanaya maraakiibtiisa, ama uu isku dayo inuu gacanta ku dhigo Bab al-Mandab, taasi waxay u tahay khad cas oo isaga iyo cid kasta oo kale ah,” ayuu Abdel Mohammed al-Thawr u sheegay AFP, isagoo intaas ku daray: “Waan u dagaallami doonnaa.”

    Xuutiyiinta oo Iran ay taageerto ayaa dhowaan la wareegay marinkan cidhiidhiga ah ee maraakiibtu isticmaalaan, kaas oo ah albaabka laga galo Badda Cas, halka Sacuudi Carabiya lagu soo warramay inay Maraykanka iyo beesha caalamka ka codsatay kaalmo militari oo lagula dagaallamo Xuutiyiinta.

    Xannibaada Xuutiyiintu ku sameeyeen Bab al-Mandab ayaa cadaadis saartay Sacuudi Carabiya, oo ah dalka ugu weyn adduunka ee dhoofiya saliidda.

    Xaaladdan, oo ay weheliso xannibaadaha ku yimid isu-socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz sababo la xiriira dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, ayaa sare u qaaday qiimaha saliidda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Wararkii ugu dembeeyey ee xaaladda gobolka Tigray iyo bayaan la soo saaray

    Maamulka Tigray ayaa ku dhawaaqay inay ciidamada Tigray farayaan inay iska caabiyaan waxa ay ku tilmaameen weerar iyo duullaan ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen gobolka. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in ciidamada Tigray ay bilaabeen hawlgallo dagaal oo difaac ah. Sida bayaanka lagu sheegay, go’aankan wuxuu yimid kaddib weerar ay ciidamada Itoobiya qaadeen Arbacadii.

    “Maanta waxay si toos ah noogu soo qaadeen duullaan iyo weerar, waxaana garab socda ciidamo lug ah, iyadoo tani ay sii waddo duqeymihii culusaa ee ay shalay, 22-kii Sebtembar 2026, ku qaadeen diyaarado, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo madaafiic,” ayaa lagu yiri bayaanka.

    Tallaabadan ayaa muujinaysa sii xoogeysi weyn oo ku yimid iska horimaad militari oo toos ah. Waxay timid kaddib markii shirkada Ethiopian Airlines ay manata Arbacaa hakisay duulimaadyadii ku wajahnaa garoomada diyaaradaha ee Tigray, iyo warar sheegayay in ciidamada Tigray ay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha ee Mekelle.

    Dowladda federaalka Itoobiya weli wax faallo ah kama aysan bixin wararka sheegaya in dagaal uu ka qarxay ciidamada Tigray iyo ciidamada milatariga Itoobiya.

    Bayaanka Tigray wuxuu ciidamada Itoobiya ku eedeeyay inay sii xoojiyeen howlgalladooda gobolka, isagoo sheegay in ay burbur baahsan geysteen iyagoo adeegsanaya duqeymo cirka ah iyo weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, halka meelaha qaarna ay ka dhaceen dagaallo toos ah oo dhulka ah.

    Sii xoogeysigaan ayaa yimid xilli la soo sheegay weerar drone ah oo ka dhacay Koonfurta Tigray, kaas oo maamulka deegaanka sheegay inuu dilay 14 qof, halka 22 kalena ay ku dhaawacmeen. Mas’uuliyiin BBC la hadlay ayaa sheegay in weerarku dhacay subaxnimadii 22-kii Sebtembar 2026.

    Duqa magaalada Alamata, Moges Shiferaw, iyo dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in weerarku dhacay abbaaro 9:30 subaxnimo, waxaana ku lug lahaa ku dhawaad 20 weerar oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah iyo hal weerar oo diyaarad militari ah oo ka dhacay gudaha iyo nawaaxiga magaalada Alamata.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. Wariye ruug cadaa ah oo ka tirsanaa BBC-da oo geeriyooday

    Mark Doyle. oo ahaa ruug cadaa BBC-da ayaa geeriyooday
    Qoraalka sawirka, Mark Doyle. oo ahaa ruug cadaa BBC-da ayaa geeriyooday

    Wariye British ah oo lagu magacaabo Mark Doyle, kaas oo si weyn loogu yaqaanay tebinta dagaalladii iyo colaadaha ka dhacay Afrika sannadihii 1990-meeyadii iyo 2000-i, ayaa geeriyooday isagoo 67 jir ah, kaddib xanuun muddo gaaban hayay.

    Doyle oo muddo ku noolaa Afrika ayaa BBC-da ku biiray sannadkii 1986. Sannadkii 1993 ayuu noqday wariyaha BBC-da ee Bariga Afrika, waxaana si weyn loo bartay markii uu sannad ka dib tebiyay xasuuqii Rwanda.

    Intii u dhaxaysay 1997 iyo 2002, wuxuu ahaa wariyaha BBC-da ee Galbeedka Afrika, isagoo soo tebiyay dagaalkii sokeeye ee foosha xumaa ee Sierra Leone iyo wixii ka dambeeyay colaaddii Liberia.

    Tifaftiraha arrimaha dibadda ee BBC-da, Paul Danahar, oo ka hadlay geerida ku timid Doyle, ayaa ku tilmaamay inuu ahaa “shakhsi halyeey ah”, iyo sidoo kale “wariye aad u karti badan, geesi ah oo dadka si qoto dheer u fahmi jiray.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. War ka soo kordhay wadahadalo Maraykanka iyo Iiraan yeesheen

    Iran iyo Maraykanka oo wadahadallo yeeshay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Iran iyo Maraykanka oo wadahadallo yeeshay

    Mas’uuliyiin sarsare oo ka kala tirsan Iiraan iyo Maraykanka ayaa wada-hadallo ku yeeshay Qaramada Midoobay ee New York, iyadoo ay ahayd maalin uu hoggaamiyaha Maraykanku sheegay inuu “baabi’in karo” Jamhuuriyadda Islaamiga ah haddii khilaafka aan xal laga gaarin.

    Wax horumar ah oo la taaban karo lagama soo sheegin kulanka oo ay Qadar dhexdhexaadisay, kaas oo ay ka qayb galeen wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan iyo ergeyga Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Steve Witkoff. Wuxuu ahaa wada-hadalkii ugu horreeyay tan iyo markii xabbad-joojintii bishii Juun ay burburtay.

    Witkoff ayaa sheegay in wareeg wada-hadallo ah la soo gabagabeeyay, isagoo rajo ka muujiyay inay noqon doonaan “wada-hadallo wax-ku-ool ah oo rajo leh.” Iiraan ayaa ku celisay dalabkeeda ah in Maraykanku joojiyo “falalka gardarrada ah” ee uu ku hayo.

    Maraykanka iyo Israa’iil ayaa 28-kii Febraayo duqeymo cirka ah ka bilaabay Iiraan. Iiraan ayaa kaga jawaabtay weerarro ay ku qaaday Israa’iil iyo saldhigyada Maraykanka ee Khaliijka, iyo sidoo kale xulafada Carabta ee Maraykanka, iyadoo ay intaa dheerayd inay xirtay Marinka Hormuz.

    Ka hor dagaalka, qiyaastii 20% saliidda iyo gaaska dabiiciga ah dunida ayaa mari jiray marinkan, xiritaankiisuna wuxuu sababay isbeddello xooggan oo ku yimid qiimaha tamarta.

    Arrintan ayaa sidoo kale kordhisay cadaadiska saaran Trump si uu u helo waddo lagu soo afjaro dagaalka, gaar ahaan iyadoo Maraykanku uu wajahayo doorashooyinka dhexe ee bisha Nofeembar.

    Khudbaddiisa uu Talaadadii ka jeediyay shirka sannadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York, Trump wuxuu ku bilaabay inuu xuso guulaha uu sheegay inuu ka gaaray dhaqaalaha, socdaalka, xuduudaha iyo la dagaallanka dambiyada rabshadaha wata. Hadalladaasi waxay u ekaayeen kuwo si weyn loogu jeediyay cod-bixiyeyaasha doorashooyinka dhexe ee Maraykanka, marka loo eego diblomaasiyiinta fadhiga ku jiray.

    Inta badan khudbaddiisa wuxuu ku bixiyay inuu difaaco dagaalka Iiraan, taasoo si weyn uga duwanayd hadalladii uu wax yar ka hor jeediyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, kaas oo ka digay in kala-qaybsanaanta caalamku sii qoto-dheeraanayaan, isla markaana carrabka ku adkeeyay “isku-tiirsanaanta” ka dhaxaysa dadyowga dunida.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Diyaarado Iiraan leedahay oo duulimaad sameeyey xilli Maraykanku waddo qorshe lagu go’doominayo

    Sida laga soo xigtay xogta FlightRadar24, oo ah bog lagu dabagalo duulimaadyada, diyaarad ay leedahay shirkadda Mahan Airlines oo ka soo duushay Tehran ayaa maanta ka degtay koonfurta Shiinaha.

    Dhowr shirkadood oo diyaaradeed oo Iiraani ah ayaa weli qorsheeyay inay duulimaadyo ka sameeyaan khadka Yerevan–Tehran.

    Xogta duulimaadyada ee Garoonka Caalamiga ah ee Imam Khomeini ee Tehran ayaa sidoo kale muujinaysa jadwalka duulimaadyada dhowr shirkadood oo Iiraani ah oo ku wajahan Turkiga, iyo duulimaadyo ka imanaya dalkaas kuna socda Iiraan.

    Duulimaadkan ayaa dhacay maalin ay Maraykanku ku hanjabeen inay “dhulka ku hayn doonaan” diyaaradaha shirkadaha diyaaradaha Iiraan, isla markaana cunaqabateyn ku soo rogi doonaan qof ama shirkad kasta oo la shaqaysa, sida ay sheegtay AFP.

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa toddobaadkan ka digay in dal kasta oo bixiya adeegyada “soo degista iyo qaabilaadda” diyaaradaha Iiraan laga saari doono “nidaamka dollarka Maraykanka.”

    Sida laga soo xigtay FlightRadar24, duulimaadka Mahan Air 093 ayaa Arbacada manata ka degay Guangzhou, Shiinaha, saacaddu markay ahayd 4:39 galabnimo waqtiga maxalliga ah.

    Duulimaadkaasi kama diiwaangashnayn bogga rasmiga ah ee Garoonka Baiyun ee Guangzhou. Baiyun Airport ayaa ahaa isla goobtii lagu muujiyay inay ahayd meesha ay diyaaradda Mahan ku degtay, sida ku cad xogta duulimaadkeeda.

    Sida laga soo xigtay xogta duulimaadyada ee Garoonka Zvartnots ee Yerevan, maanta diyaarado ay leeyihiin laba shirkadood oo diyaaradeed oo Iiraani ah, Caspian iyo Fly Kish, ayaa caasimadda Armenia uga duulay kuna jeeday Tehran.

    Sida ku cad xogta garoonka, lix duulimaad oo guud ahaan loo qorsheeyay inay Yerevan uga duulaan Tehran, laba ka mid ah ayaa la baajiyay.

    Scott Bessent ayaa wareysi uu Isniintii siiyay CNBC ku sheegay in 23-ka Sebtembar, “dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee Iiraan ee dunida oo dhan la joojin doono.”

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka kama uusan jawaabin su’aal laga weydiiyay duulimaadyada Iiraan ee taga Shiinaha xilliga uu ku dhawaaqayay cunaqabateyntaas.

    Shirkadaha diyaaradaha ee Iiraan ayaa si toos ah oo joogto ah duulimaadyo ugu taga Yerevan iyo magaalooyin ka tirsan Shiinaha oo ay ka mid yihiin Beijing, Shanghai iyo Guangzhou.

  8. War deg deg ah, Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed oo dowladdii kala diray iyo cambaareyn uu wajahayo

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir, ayaa kala diray dowladda, wuxuuna magacaabay dowlad ku-meel-gaar ah. Wuxuu sheegay in tallaabadani ay waddada u xaari doonto doorashooyinkii ugu horreeyay ee dalka, kuwaas oo la filayo inay dhacaan bisha December.

    Dadka dhaliilsan go’aanka ayaa ka digay inuu madaxweynaha siinayo awood aan xad lahayn. Kiir ayaa sidoo kale xilka ka qaaday dhammaan madaxweyne-ku-xigeennadii lagu magacaabay heshiiskii nabadeed ee 2018, kaas oo soo afjaray dagaalkii sokeeye.

    Wasiirro, hoggaamiyeyaasha dowladaha hoose iyo mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaannada heer qaran iyo heer dowlad-goboleed ayaa iyaguna xilalka laga qaaday.

    Mucaaradka dalka ayaa cambaareeyay isbeddelladan, iyaga oo sheegay inay meesha ka saarayaan qodobo muhiim ah oo heshiiska nabadeed ku jiray, oo ay ka mid yihiin mideynta ciidamada iska soo horjeeday iyo dhammaystirka qorista dastuur cusub.

  9. Warbixin Trump aanu ku farxi doonin oo la soo saaray

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra’yi-ururin cusub oo CNN samaysay ayaa muujisay in taageerada dadweynaha Mareykanka ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweyne Donald Trump ay gaartay heerkii ugu hooseeyay tan iyo markii uu bilaabay muddo-xileedkiisa labaad.

    Kaliya 29% dadka la wareystay ayaa taageeray waxqabadkiisa arrimaha dibadda, halka 26% ay ku qanacsan yihiin sida uu u maareeyay dagaalka Iran. Ku dhowaad saddex-meelood laba meel ayaa sheegay in Mareykanku uusan dagaalka ku guuleysanayn, halka 78% ay aaminsan yihiin inuusan Trump ku filnayn dadaallada lagu soo afjarayo.

    Sidoo kale, 18% oo keliya ayaa rumeysan in go’aannadiisa ku saabsan dagaalka Iran ay dan u yihiin Mareykanka.Warbixin

  10. War deg deg ah, Toogasho wadareed ka dhacday Koonfur Afrika iyo faah-faahin ka soo baxaysa

    .

    Xigashada Sawirka, SAPS

    Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay toogasho wadareed ka dhacday guri ku yaalla deegaanka KwaMakhutha, oo u dhow magaalada Durban ee Koonfur Afrika.

    Booliska ayaa sheegay in rag hubeysan ay guriga gudaha u galeen fiidkii Talaadadii, kadibna rasaas ku fureen 14 qof. Toban qof ayaa goobta ku dhintay, halka afar kalena isbitaal loo qaaday, balse mid ka mid ah uu markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

    Boolisku waxay sheegeen in qaar ka mid ah dadka la beegsaday ay ku jireen baaritaanno la xiriira falal sharci-darro ah, balse aysan faahfaahin karin arrintaas si aanay u carqaladeyn baaritaanka socda. Waxay intaas ku dareen in aan meesha laga saari karin suurtagalnimada in weerarku la xiriiro colaad u dhexeysa kooxo iska soo horjeeda.

    Bayaan boolisku soo saareen ayaa lagu sheegay in 13 nin iyo haweeney la rumeysan yahay inay uur lahayd ay xaflad ku lahaayeen guriga, markii ay yimaadeen saddex nin oo rasaas ku furay. Haweeneyda ayaa ka mid ah dadka dhintay.

    Weriye ka tirsan telefishinka eNCA oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in ragga weerarka geystay ay sidoo kale dab qabadsiiyeen gaari uu lahaa mid ka mid ah dhibbanayaasha, ka hor inta aysan baxsan.

    Booliska ayaa sheegay inay bilaabeen baadigoobka tuhmanayaasha.

    Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka uu heerka dilalku aadka ugu sarreeyo dunida. Xogta booliska ayaa muujinaysa in dalka maalin kasta lagu dilo in ka badan 60 qof.

  11. War deg deg ah, Maxaa dhexmaray mas'uuliyiinta Iran iyo kuwa Mareykanka ee New York isku arkay?

    .

    Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images

    Ergayga gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff ayaa sheegay in wada-hadallo muddo dheer socday lala yeeshay wafdiga Iran, iyadoo dhexdhexaadiyeyaal ay labada dhinac farriimo isu gudbinayeen intii uu socday shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Qoraal uu ku baahiyay barta X ayuu ku sheegay in wareeg wada-hadal ah si guul leh loo soo gabagabeeyay, isla markaana uu rajaynayo in wada-hadalladu noqdaan kuwo “wax-ku-ool ah oo rajo leh”. Wuxuu intaas ku daray in dhexdhexaadiyeyaashu ay sii wadi doonaan dadaalladooda.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isaguna hore wariyeyaasha ugu sheegay New York in Talaadadii uu dhacay wada-hadal saddex saacadood qaatay oo dhexmaray mas’uuliyiin Mareykan iyo kwa Iiraaniyiin ah.

    Trump ayaa kulanka ku tilmaamay “mid aad u wanaagsan oo wax-ku-ool ahaa”, balse ma uusan sheegin cidda ka qayb gashay wada-hadallada.

  12. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Isreal oo dusha dhaleeceyn uga tuuray madaxweynaha Faransiiska

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa dhaleeceeyay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, kadib markii uu cambaareeyay tallaabooyinka Israel ka waddo Daanta Galbeed ee la haysto.

    Macron ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in tallaabooyinkaas la qaadayo xilli Xamaas aysan ka hawlgelin Daanta Galbeed.

    Netanyahu ayaa hadallada Macron ku tilmaamay “wax lagu qoslo oo aan macquul ahayn”, isaga oo sheegay in Xamaas ay gobolka ka fulisay weerarro badan.

    Xiriirka Faransiiska iyo Israel ayaa sannadihii u dambeeyay marar kala duwan ahaa mid xasaasi ah, iyadoo taageerada Faransiiska ee xal laba-dowladood ah iyo dhaleeceynta uu u jeediyo dowladda Israel, gaar ahaan tallaabooyinka Gaza, ay dhaleeceyn kala kulmeen mas’uuliyiinta Israel.

  13. War deg deg ah, Trump oo marna hanjabaya marna xaaladda qaboojinaya, xilli uu la fadhiyay madaxda khaliijka

    Trump iyo madaxda khaliijka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo hanjabaad ah u jeediyay Iran, xilli uu kulan la lahaa hoggaamiyeyaasha Golaha Iskaashiga Khaliijka, kaas oo ka dhacay G New York oo uu ka socdo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Trump ayaa sheegay in Mareykanku laga yaabo inuu bartilmaameedsado “Buurta Kalang”. Si kastaba, wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanka iyo Iran ay heshiis gaari karaan, isla markaana arrinta lagu xallin karo “si degdeg ah”.

    Trump ayaa sheegay in xaaladda Iran ay isbeddeli karto kadib doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka.

    Isagoo ka hadlayay kulankii Talaadadii dhexmaray Jared Kushner iyo Steve Whittaker iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbaas Caraqji Trump wuxuu ku tilmaamay kulanka mid “si wanaagsan u dhacay”, isaga oo sheegay in dhinaca Iran uu u muuqday mid doonaya heshiis.

    Trump ayaa intaas ku daray: “Ama heshiis ayaan la gaaraynaa Iran, ama dagaalku si degdeg ah ayuu u dhammaan doonaa.”

    Wuxuu sidoo kale uga digay Iran inay tallaabo qaaddo ka hor inta “waqtigu aanu ka dhamaan”, isagoo sheegay in mar uun Mareykanku uusan siin doonin fursad ay Iran ku sii jirto dal ahaan.

    Buurta Kalang, oo sidoo kale loo yaqaan “Pickaxe Mountain”, ayaa ah dhisme dhulka hoostiisa ah oo ku dhow xarunta nukliyeerka Natanz.

  14. Madaxweynaha Ukraine oo shirka QM ka sheegay joojinta weerarrada goobaha tamarta Ruushka

    Ukraine

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu joojiyo weerarrada lagu bartilmaameedsanayo xarumaha tamarta ee Ruushka, haddii Moscow ay qaaddo tallaabo la mid ah.

    Zelensky ayaa wariyeyaasha kula hadlay New York, isagoo ka qaybgalaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay “xabbad-joojin kasta oo dhinaca tamarta ah”, haddii Ruushku oggolaado inuusan weerarin nidaamka tamarta Ukraine.

  15. War deg deg ah, Madaxweynaha Suuriya oo diiday in dalkiisa "shisheeye saldhigyo ku yeesho"

    Madaxweynaha Suuriya

    Xigashada Sawirka, UN

    Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa sheegay in Suuriya aysan marnaba oggolaan doonin saldhigyo ciidan oo shisheeye, isla markaana madax-bannaanida dalka aysan ka gorgortami doonin dowladda Suuriya.

    Wuxuu sheegay in wada-hadallada Israel ay ku dhowaadeen in 90% heshiis laga gaaro, balse ugu dambayn Israel ay ka bixi doonto.

    Al-Sharaa ayaa sheegay in wada-hadallada ay ku salaysnaayeen in Israel ay ku laabato xuduudihii 1974-kii, sidii ay ahaayeen ka hor 8-dii December 2024.

  16. War deg deg ah, Mas'uuliyiin ka carooday hadallo uu Trump dalkooda ka sheegay oo ka baxay hoolka shirka QM

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Cuba ku tilmaamay mid ka mid ah dalalka deriska ugu dhow Mareykanka, balse sheegay in dalkaasi “si buuxda u fashilmay”.

    Isagoo khudbad ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayuu sheegay in maamulkiisu doonayo “isbeddel aasaasi ah” oo ku yimaada xaaladda Cuba, isagoo yiri: “Xaaladdan way isbeddeli doontaa.”

    Intii uu Trump khudbadda waday, wafdiga Cuba ayaa ka baxay hoolka Golaha Guud.

    Trump ayaa sheegay in dowladda Cuba ay wajahdo “cadaadis weyn” isla markaana ay hadda ku jirto xaalad ka daran sidii hore. Si kastaba, dowladda Mareykanka weli ma faahfaahin waxa ay doonayso in Cuba laga beddelo.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Cuba Bruno Rodriguez ayaa hadallada Trump ku tilmaamay eedeymo aan sal lahayn, isaga oo sheegay in dowladda Mareykanku aysan aqbali karin in Cuba ay tahay dal madax-bannaan oo leh madax-bannaani buuxda.

  17. War deg deg ah, Madaxweynaha Turkiga oo codka kor u qaadaya ayaa ka hadlay qodobbadaan

    Erdogan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in colaadda ka socota Bariga Dhexe aysan dan ugu jirin cidna.

    Isagoo khudbad ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayuu sheegay inuu sii wadi doono dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta.

    Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in qof damiir leh uusan indhaha ka qarsan karin xaaladda Gaza, isaga oo Gaza ku tilmaamay “xabaalaha ugu weyn ee dunida”.

    Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay ku guuldarreysatay gudashada waajibaadkeeda ku aaddan ilaalinta nabadda, wuxuuna ku baaqay in dib-u-habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    Bilowgii khudbaddiisa ayuu sidoo kale sheegay inuu ka xumaaday maqnaanshaha Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabbaas.

  18. War deg deg ah, Faahfaahin kooban oo ka soo baxaysa qarax la maqlay

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in qarax laga maqlay meel u dhow jasiiradda Qeshm.

    Wakaaladda wararka IRNA ayaa sheegtay in dhawaqa qaraxa uu u muuqday inuu ka yimid dhanka badda.

    Ilaa hadda, ma jiraan warar sheegaya in weerar lagu qaaday jasiiradda Qeshm.

  19. War deg deg ah, Walxo laga shakiyay oo laga helay meel u dhow halka uu ka socdo shirka QM

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Booliska magaalada New York ayaa baaraya walxo laga shakiyay oo laga helay Manhattan, meel aan ka fogeyn xarunta Qaramada Midoobay, halkaas oo ay hoggaamiyeyaasha dunidu uga qaybgalayaan shirka Golaha Guud.

    Booliska ayaa xiray aag ka kooban afar dhisme oo u dhow dhismaha caanka ah ee Chrysler, iyaga oo dadweynaha ka codsaday inay ka fogaadaan goobta.

    Xarunta Qaramada Midoobay ayaa ku taalla meel wax yar u jirta aagga la xiray.

  20. War deg deg ah, Maxaa ka jira in Trump uu ka qeyb qaatay soo afjaridda 8 dagaal oo dunida ka socday?

    TRUMP

    Xigashada Sawirka, RE

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in tan iyo markii uu markii labaad xilka madaxweynaha qabtay, uu soo afjaray illaa 8 dagaal, isaga oo yiri “sharaf weyn ii ahayd inaan soo afjaro siddeed dagaal”.

    Waxa uu xusay lix ka mid ah:

    • Cambodia iyo Thailand
    • Kosovo iyo Serbia
    • Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Rwanda
    • Pakistan iyo India
    • Armenia iyo Azerbaijan
    • Dagaalka Gaza

    BBC Verify ayaa horey u baartay sheegashadan, waxayna ogaatay in qaar ka mid ah colaadahaas ay socdeen oo keliya dhowr maalmood, inkastoo ay ka dhasheen xiisado muddo dheer soo jiray.

    In kasta oo xabbad-joojinno la gaaray, haddana colaadaha qaar ayaa weli socda sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Gaza.

    Waxaa sidoo kale xusid mudan in Trump uusan soo hadal qaadin dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhexmaray Israel iyo Iraan bishii Juun 2025, iyo “dagaalkii” u dhexeeyay Masar iyo Itoobiya. Labadan dhacdo ayaa horey Aqalka Cad ugu daray siddeedda dagaal ee uu sheegay in Trump soo afjaray.

    Marka laga hadlayo Masar iyo Itoobiya, dhab ahaantii ma jirin dagaal ay tahay in la soo afjaro, bale Waxaa jiray xiisado u dhexeeyay labada dal oo la xiriiray dhismaha biyo-xireen ku yaalla webiga Niil.