In ka badan 1,000 qof oo loo xiray hawlgal ka dhan ah tahriibinta dadka

Xigashada Sawirka, interpol
In ka badan 1,000 qof ayaa la xiray intii lagu gudajiray hawlgal caalami ah oo ka dhan ah tahriibinta dadka oo ka dhacay 59 dal.
Hawlgalka oo ay hoggaaminayeen ciidamada booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa lagu bartilmaameedsaday tahriibinta dadka loogu adeegsanayo galmo khasab ah, shaqo khasab ah, falal dambiyeed, iyo qirasho khasab ah.
Waxaa la burburiyay shabakad dadka ku khasbaysay khiyaanooyin internetka oo ku aadan Cambodia, iyo mid kale oo ku khasbtay gabdho da'yar oo laga soo xulay baraha bulshada inay ku shaqeeyaan galmo qasab ah gudaha Yurub.
Guud ahaan, 2,070 dhibbane ama dad khatar ku jira ayaa la aqoonsaday, kuwa badankoodna waa dumar. 334 kamid ah dadka la xiray waxay ku lug lahaayeen tahriibinta dadka, halka 690 loo xiray dambiyo kale oo la xiriira.
Interpol oo la shaqaynaysay Europol iyo Frontex ayaa sheegay in hawlgalku muujiyey waddooyin iyo farsamooyin cusub oo tahriibinta dadka ah. Waxaa la arkay isbeddel cusub oo muujinaya in dhibbanayaal Latin Ameerikaan ah loo tahriibiyo shaqo qasab ah gudaha Yurub, qiyaastii 10% dhibbanayaasha la aqoonsadayna waa carruur laga keenay Ameerika oo loo adeegsaday galmo qasab ah.
Dalalka ka qayb galay hawlgalkan waxaa ka mid ahaa UK, US, Faransiiska, Jarmalka, Isbaanishka, Nayjeeriya, Thailand iyo Vietnam.
Intii uu socday hawlgalku (8–12 Juun), 40,000 askari ayaa ka hawlgashay Afrika, Ameerika, Aasiya iyo Yurub. Waxaa la ogaaday in inta badan dhibbanayaasha loo tahriibiyey galmo qasab ah, halka 20% loo adeegsaday dambiyo, 11% shaqo qasab ah, iyo 2% qirasho lagu khasbo.
Interpol ayaa sheegtay in dhammaan dhibbanayaasha la aqoonsaday loo gudbiyey adeegyo ilaalin iyo taageero qaran, iyadoo 465 baaritaan cusub la bilaabay. Waxaa kale oo la aqoonsaday 201 eedeysane oo dheeraad ah.

Xigashada Sawirka, Interpol
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xoghayaha Interpol Valdecy Urquiza ayaa sheegay in tahriibinta dadka ay weli tahay "mid ka mid ah dambiyada abaabulan ee ugu faa'iidada badan" taas oo soo saarta balaayiin doolar oo dakhli sharci darro ah sanad kasta. Wuxuu ku daray in dambigan uu sababo "dhibaatooyin culus oo waqti dheer ku reeba waxyeelo dhibbanayaasha," isagoo xusay in natiijooyinka hawlgalkan ay muujinayaan waxa la gaari karo marka dalalku iska kaashadaan burburinta shabakadaha dambiyeed.
Tahriibinta dadka ayaa kamid ah dambiyada ugu waaweyn ee sii xooggaystay sannadihii dambeeyay, iyada dadka qaar kood lagu khasbo inay bixiyaan lacago badan oo aysan awoodin si loo sii daayo.
Shababkado isku xiran ayaa sameeyay tahriibinta, waxaana lacagaha khasabka ay dhaliyaan in dad badan oo dhibanayaasha kamid ah aysan awoodin.
Shaqooyinka been abuurka ee lagu soo jiito dhalinyarada ayaa qayb ka ah dambiyada haatan ay socdaan la dagaalankooda, iyada oo boqolaal gabdho da'yar ah looga faa'iideystay.
Ma aha markii u horaysay oo uu howlgalka noocan ah uu dhacayo, waxaana iskaashigooda uu sahlayaa soo qabashada dambiilayaasha ku lugta leh tahriibinta iyo sida khasabka ah dhibanayaasha qaar loogu adeegsanayo shaqooyin khasab ah iyo gamo khasab ah.
Dhibanayaasha ay saameeyeen tahriibinta ee ugu badan ayaa howlgaladoodu ay ka dhaceem dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin qaar dalal ka tirsan laatiin Ameerika.














