Shan goobood oo dalxiisku si degdeg ah u koray iyo waddan carbeed ka mid ah

Xigashada Sawirka, Alamy
Iyadoo la xusayo Maalinta Dalxiiska Adduunka oo ku beegan 27-ka Sebtembar, isla markaana xilligii xagaaga uu ku dhow yahay inuu dhammaado qaybta waqooyi ee dunida, waxa aan eegaynaa goobaha ugu caansan ee soo jiitay dareenka dadka safarka ah, kuwaas oo ay booqdeen oo ay khibrado ka heleen sannadkii hore.
In ka badan 1.5 bilyan oo dalxiisayaal ah ayaa safray sannadkii 2025-kii, taas oo ka dhigan in dakhliga dalxiiska ee sannadka 2026-ka uu noqon doono mid aad u badan.
Sida laga soo xigtay cabbirka dalxiiska caalamiga ah ee ay daabacday Hay'adda Dalxiiska ee Qaramada Midoobay, tirada dalxiisayaasha ayaa caalamka oo dhan ku kordhay boqolkiiba afar, waxayna bilaabaysaa inay ku dhawaato heerka koritaanka celceliska ah ee la diiwaangeliyay ka hor safmarkii coronavirus-ka, kaas oo ahaa qiyaastii boqolkiiba shan intii u dhaxaysay sanadihii 2009 iyo 2019kii.
Yurub waxay ahaanaysaa gobolka ugu booqashada badan caalamka, iyadoo qaabishay ku dhawaad 800 oo milyan oo booqde, isla markaana diiwaangelisay koror xooggan oo gaaraya boqolkiiba lix.
Brazil waxa laga diiwaangeliyay koror dhan 37 boqolkiiba oo ku yimid tirada dadka soo booqda, Masar 20 boqolkiiba, Itoobiya 15 boqolkiiba, iyo Bhutan 30 boqolkiiba. Xitaa Seychelles, oo ah jasiirado yaryar oo ku yaalla xeebta bari ee Afrika, ayaa diiwaangelisay koror dhan 13 boqolkiiba.
Stephen Figeur wuxuu yiri: "Dadka safarka ah waxa hadda soo jiita dhaqamada iyo muuqaallada dabiiciga ah ee kala duwan iyo weliba sahminta meelo cusub; sidaas darteed, waddamada leh aqoonsi xooggan oo si fudud loo tagi karo ayaa ah kuwa ku guuleysta soo jiidashada dalxiisayaasha."
Si aan u fahanno sababta ka dambeysa isbeddelkan, iyo sida ay maamulayaasha goobaha dalxiisku u maareynayaan qulqulka dalxiisayaasha marka la eego tiradooda badan, waxa aan la hadalnay mas'uuliyiinta dalxiiska iyo khubarada qaybtan ka shaqeeya ee ku sugan qaar ka mid ah waddamada uu dalxiiskoodu sida xawliga ah u korayo.
Masar

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo tirada dalxiisayaasha ajaanibta ah ay boqolkiiba 20 kor u kacday sanadkii 2025-kii, Masar waxay noqotay mid ka mid ah waddamada ugu wax-qabadka wanaagsan Bariga Dhexe; gobolkaas oo markii uu dhammaaday saf-markii coronavirus-ka uu la kulmay koboc xawli ah oo ku yimid dhanka dalxiiska.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ay sheegeen shirkadaha dalxiiska, dhiirrigelinta ugu weyn waxay ahayd furitaanka Matxafka Weyn ee Masar (Grand Egyptian Museum) oo muddo dheer la sugayay, kaas oo ku yaalla meel u dhow Ahraamta Giza.
"Waxay qaadatay in ka badan 20 sano, dhowr jeerna waa lagu dhawaaqay ka hor inta aan ugu dambeyntii la furin," ayuu yiri Jorge Salas Guevara, oo ah aasaasaha New Pathies Expedition.
Wuxuu xusay in dadkii dalxiska ahaa ee ku kalsoonaaday ogeysiisyadii hore, isla markaana booqday Masar muddo sanado ah, ay dib u laabteen iyagoo dareemaya inay seegeen mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan dalka. Kuwo kalena waxay doorteen inay sugaan ilaa laga furo matxafka xilligii la xaqiijiyay.
Johnny Prince, oo ah madaxa fulinta ee shirkadda Timbuktu Travel, ayaa isbeddelkan ku arkay xogta iibsashad tigidhka, iyadoo ay jirto koror ku dhow 50 boqolkiiba oo ku yimid tirada dadka wax weydiinaya inta u dhaxaysa sannadaha 2024 iyo 2025.
Shirkadda Boat Basque Tours, oo muddo ku dhow 50 sano bixinaysay adeegyo dalxiis oo ka hirgalay daafaha Yurub, ayaa sannadkan daah-furtay safarkeedii ugu horreeyay ee dalka Masar iyo Webiga Niil, kaas oo ah mid noociisa ah oo kiiugu horreeyay dalkaas.
Brazil
Ma jiro meel loo dalxiis tago oo diiwaangelisay koror sannadle ah oo ka badan kan Brazil, taas oo aragtay koror dhan 37 boqolkiiba oo ku yimid tirada dalxiisayaasha sannadkii 2025-kii. Inta badan kororkan waxaa sababay siyaasad horay loo sii qorsheeyay.
Sannadkii 2024, Hay'adda Brazil ee Horumarinta Dalxiiska Caalamiga ah, "Emperator," oo maamusha barnaamijka "Booqo Brazil", ayaa billowday barnaamij lagu soo jiidanayo duulimaadyo caalami ah oo cusub iyada oo loo marayo iskaashi dowladeed iyo mid gaar loo leeyahay oo lala yeesho shirkadaha diyaaradaha iyo garoomada diyaaradaha, iyo in la taageero kor u qaadista waddooyinka cusub.
Marcelo Freixo, oo ah madaxweynaha shirkadda "Emperator," ayaa yiri: "Gaaritaanka yoolalka koritaanka dalxiiska caalamiga ah ee dalka Brazil waxay si dhow ugu xiran tahay xiriirka dhanka duulimaadyada hawada." Wuxuuna intaas ku daray: "Wax faa'iido ah ma leh xiisaha caalamiga ah ee sii kordhaya ee ku aaddan sahminta Brazil haddii aysan jirin duulimaadyo toos ah ama xiriirro duulimaad oo leh qiimo tartan leh."
Tartanka Sicirka -sarrifka ayaa dalka ka dhigay kaalinta hore ee goobaha loo dalxiis tago.

Xigashada Sawirka, Alamy
Iyadoo dalku uu ka warqabo tirada badan ee dalxiisayaasha, haddana wuxuu wajahayaa caqabado.
Iyadoo uu leeyahay xeeb dhererkeedu ka badan yahay 9,000 oo kiiloomitir iyo dhul ballaaran oo gudaha ah, caqabadda ugu weyni waa in la kala duwo goobaha dalxiiska, iyadoo laga fogeynayo xarumaha waaweyn sida Rio de Janeiro iyo Sao Paulo.
Itoobiya
Itoobiya ayaa diiwaangelisay koror dhan 15 boqolkiiba oo ku yimid tirada dalxiisayaasha sannadkii 2025-kii, taas oo gacan ka geysatay koror dhan siddeed boqolkiiba oo ku yimid dalxiiska qaaradda Afrika, waana heerka ugu sarreeya ee koritaanka dhanka dalxiiska ee heer gobol.
Dib-u-soo-kabashadan ayaa timid ka dib dhowr sano oo hoos u dhac ku yimid tirada dalxiisayaasha sababo la xiriira colaadda ka jirtay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya. Duulimaadyadii dhanka waqooyiga ayaa dib u billowday sannadkii 2023-kii, sannadkii 2024-kiina waxaa la arkay koror ku yimid xiisaha loo qabo dalxiiska.
Tan iyo markaas, dalku wuxuu maalgashi ballaaran ku sameeyay horumarinta gaadiidka iyo kasbashada kalsoonida dalxiisayaasha, oo ay ku jirto daah-furka madal loogu magacdaray "Visit Ethiopia" (Booqo Itoobiya) sanadkii 2025-kii.
Hoteello cusub iyo adeegyo la hagaajiyay ayaa sidoo kale gacan ka geystay soo nooleynta heerarka baahida.

Xigashada Sawirka, Alamy
Salas Guevara waxa Itoobiya uu ku tilmaamayaa mid ka mid ah meelaha ugu wanaagsan caalamka ee lagu arki karo daah-furridda qadiimiga ah, iyo sidoo kale meel ku habboon dadka xiiseeya cilmiga aadanaha iyo taariikhda.
Waxa uu ku talinayaa in la sahamiyo dhaxalka Boqortooyada Aksum ee dhanka waqooyi, kaas oo ay ka mid yihiin kaniisado dhagax laga dhisay iyo qaab-dhismeedka magaalada Gondar ee xilligii dhexe ee Itoobiya.
Seychelles
Seychelles ayaa diiwaangelisay koror dhan 13 boqolkiiba oo ku yimid tirada dalxiisayaasha ilaa sannadka 2025-ka. Wasaaradda Dalxiiska ee dalkaas ayaa arrintan u sababaysay iskaashi xooggan oo ka dhexeeya qaybaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, xayaysiis si habaysan loo sameeyay, iyo sida ay uga go'an tahay ilaalinta tayada.
"Inaan dhaafnay hadafkii aan u dejinay sannadka 2024-ka waa natiijo ka dhalatay dadaalladeenna wadajirka ah iyo iskaashiga xooggan ee aan sii wadno dhisiddiisa," ayay tiri Sherine Francis, oo ah Xoghayaha Guud ee Dalxiiska ee Seychelles, iyadoo ka hadlaysa natiijooyinka sannadka.

Xigashada Sawirka, Alamy
Seychelles waxay nafteeda u dejisay kaalinta waddan hormuud ka ah ilaalinta deegaanka badda, iyadoo ilaalinaysa 30 boqolkiiba dhul-badeedkeeda.
Bhutan
Boqortooyada Bhutan, oo ah boqortooyo muddo dheer go'doonsanayd, ayaa markii ugu horreysay xuduudaheeda u furtay dalxiiska sannadihii 1970-meeyadii.
Kororka 30 boqolkiiba ee dadka imanaya sanadkii 2025 ayaa u ekaan kara mid ka hor imaanaya xayiraaddan ku saabsan siyaasadda furfurnaanta ee la xiriirta dalxiiska, laakiin Bhutan waxay ka shaqaysay sidii ay koritaankeeda uga dhigi lahayd mid waara, oo ay ku jirto inay canshuur horumarineed oo joogto ah ku soo rogto dalxiisayaasha habeenkii (hadda US$100) si loo maalgeliyo xarumaha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada dadka deegaanka iyo booqdayaashaba.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ka hadlay khidmadahaas isagoo yiri: "Waxaan qadarin doonnaa qof kasta oo nasoo booqda si ay u qadariyaan qiyamkeenna, iyadoo aan annaguna wax badan ka baran doonno iyaga."
Joel wuxuu ku talinayaa in booqdayaashu ay raadsadaan khibrado degan oo xasilloon, sida inay la fariistaan wadaad sare inta lagu guda jiro kulan gaar ah, inay waqti la qaataan farsama-yaqaan dhar-tol ah oo xirfaddan ku soo jiray jiilal badan, ama ay cunto la wadaagaan dadka ku nool beer ku taal meel fog oo ka tirsan dooxada.
Wuxuu yiri: "Taasi badanaa waxay reebtaa aragti iyo dareen ka qoto dheer kan ay bixiyaan goobaha ugu waaweyn ee dalxiiska, isaguna wuxuu doorbidaa inuu dalka Bhutan ku sahamiyo oo ku socdaalo mooto."
Waxa ugu muhiimsan, ayuu yiri, in ay dadka soo booqanayaa sahmiyaan sida dalku isu beddelayo.
























