Jaamacadda Harvard oo daboolka ka qaaday sir kuu sahlaysa inaad waqti dheer caafimaad ku noolaato

.
Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Marka laga hadlayo caafimaadka, ma aha tiknoolajiyad cusub, kaabayaasha nafaqada, ama is-diiwaangelinta qaaliga ah ee goobaha jimicsiga, waxa ugu weyn ee saameyn ku yeelan kara caafimaadkaaga muddada dheer. Hase yeeshee, waxaa jira wax aad uga fudud oo aan qaali ahayn: la-xiriirka iyo la-shaqeynta dadka kale.

Tallaabada fudud ee dhisidda xiriirka dadka kale waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa ma aha oo kaliya cimrigaaga, balse waxa ka sii muhiimsan, waxay kordhin kartaa tirada sannadaha aad noolaanayso adigoo caafimaad qaba. Xiriirrada bulsho ee wanaagsan waxay kaa caawin karaan inaad ku noolaato nolol wanaagsan muddo dheer, waxaana arrintan taageeraya caddeymo cilmiyeed.

Falanqeyn lagu sameeyay 148 daraasadood oo la daabacay sannadkii 2019-kii, kuwaas oo ay ka qaybqaateen in ka badan 300,000 oo qof, ayaa lagu ogaaday in dadka leh xiriirro bulsho oo adag ay 50 boqolkiiba u badan tahay inay cimri dheer ku noolaadaan marka la barbar dhigo kuwa aan lahayn xiriirradaas.

.

Waxaa la rumeysan yahay in lahaanshaha koox dad ah oo aad isugu dhow ay yeelan karto saameyn caafimaadka ilaalisa oo u dhiganta ama xitaa ka weyn qaar ka mid ah sababaha khatarta ah ee keena dhimashada, kuwaas oo ay ka mid yihiin sigaar-cabista, cabbista khamriga, iyo qaab-nololeedka aan dhaqdhaqaaqa lahayn.

Dhanka kale, sida uu sheegay Machadka Qaranka ee Daraasaadka Gabowga (National Institute on Aging), go'doon bulsho oo muddo dheer ah ayaa yeelan kara saameyn la mid ah tan sigaar-cabista 15 xabbo oo sigaar ah maalintii, wuxuuna yareyn karaa cimriga qofka ilaa 15 sano.

"Aadanuhu asal ahaan waa noole bulsho, sidaa darteed maskaxdeenna iyo jirkeennaba waxaa loo sameeyay inay dadka kale la xiriiraan oo ay dareemaan inay qayb ka yihiin kooxaha bulshada – sida qoysaska, kooxaha shaqada, kooxaha hiwaayadaha iyo wixii la mid ah," ayay tiri Professor Tegan Cruwys, oo ah cilmi-baare iyo khabiir ku takhasusay cilmi-nafsiga caafimaadka (clinical psychologist) oo ka tirsan Jaamacadda Qaranka ee Australia ee magaalada Canberra.

Dadku dad kale ayay u baahan yihiin.

Xiriirrada bulshadu ma aha wax dheeraad ah oo kaliya; waa baahi nooleed oo lagama maarmaan u ah caafimaadka, waxayna isla markiiba beddeli karaan xaaladdaada jireed.

"Marka qofku dareemo xiriirka uu la leeyahay dadka kale, walbahaarka jirku wuu degaa, heerarka hoormoonka cortisol-ka ayaa hoos u dhaca, jawaabta 'dagaalka ama duullaanka' ee wax badan ka geysata walwalka ayaa bilaabata inay yaraato," ayuu yiri Dr Ahmed Shoka, oo ah dhakhtar cilminafsiyeed oo la-taliye ka ah Isbitaalka Caafimaadka ee London.

"Isdhexgalka wanaagsan, ha ahaato isku duubni, indho isku xir, wada qoslid ama xitaa wicitaanno taleefan, waxay kordhisaa oxytocin, taasoo ka caawisa dhisidda kalsoonida waxayna nidaamka neerfaha gelisaa xaalad nasasho iyo dheefshiid."

Caddayn sii kordheysa ayaa soo jeedinaysa in saameynta wanaagsan ee isdhexgalka bulshadu ku leedahay maaraynta walbahaarka muddada dheer ay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee xiriirku door muhiim ah uga ciyaaro muddada uu qofku ku noolaan karo caafimaad wanaagsan. Daraasaduhu waxay muujiyeen xiriir ka dhexeeya dhibaatooyinka la xiriira walbahaarka iyo khatarta dhimashada oo sii kordheysa oo ka timaadda dhammaan sababahaas.

Intaa waxaa dheer, daraasaduhu waxay muujinayaan in ka qaybgalka hawlaha bulshada ay hagaajin karaan caafimaadka maskaxda dadka khatarta ugu jira inay waallida qaadaan.

"Xiriir wanaagsan, si uun, wuxuu ugu dhaqmaa sidii daawo muddo dheer ah," ayuu yidhi Shoka.

.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Aniga dhakhtar ahaan, faa'iidooyinka caafimaadka dhimirka ayaa sidoo kale muhiim ah: dadka leh xiriir xooggan oo kalsooni leh ayaa si fiican u soo kabanaya waxayna u badan tahay inay dib u soo noqdaan," ayuu yiri.

Dhanka kale, dadka dareemaya go'doon ama kalinimo waxay u muuqdaan inay yar tahay farxadda ay dareemaan, gaar ahaan marka ay da'doodu sii weynaato. Daraasadda Harvard ee Horumarinta Dadka Waaweyn waxay raacday 724 nin iyo faracyadooda tan iyo 1938, iyadoo ujeedadu tahay in la aqoonsado arrimaha gacan ka geysan kara cimriga dheer.

Mid ka mid ah natiijooyinkeeda ugu muhiimsan waxay ahayd xiriirka ka dhexeeya xiriirka wanaagsan iyo cimriga dheer. Ka qaybgalayaasha ku jiray caafimaadka ugu fiican ee da'da 80-ka ma ahayn kuwa urursaday hantida ugu badan ama loo arkay inay yihiin kuwa ugu guulaha badan, laakiin waa kuwa ku qanacsan xiriirkooda tan iyo markii ay ahaayeen 50 jir.

"Cilmi-baaristeenna, oo ay weheliso daraasado kale, waxay muujiyeen in dadka dareemaya go'doon ka badan inta ay jeclaan lahaayeen ay ku yar tahay farxadda, caafimaadkoodu wuu sii xumaanayaa, awoodda maskaxdooduna hoos ayay u dhacaysaa goor hore waxayna ku nool yihiin nolol gaaban" ayuu yiri Waldinger.

Wuxuu sheegay in kalinimadu ay u shaqeyso sidii khatar caafimaad oo si tartiib tartiib ah u koraysa, oo aan ahayn xaalad shucuureed oo keliya.

Ka hortagga dhibaatada kalinimada

Dhibaatadu waxay tahay, inkastoo ay ka fududdahay sidii hore in lala xiriiro dadka kale, haddana qaar badan oo naga mid ah ayaa weli ku dhibtoonaya inay yeeshaan is-dhexgal bulsho oo macno leh. Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay ku qiyaastay in mid ka mid ah saddexdii qof ee waayeelka ah iyo mid ka mid ah afartii qof ee dhallinyarada ah ay saameeyso go'doonka ay uga jiraan bulshada, iyadoo dadka ka soo jeeda kooxaha laga tirada badan yahay ee bulshada ay inta badan la kulmaan caqabado waaweyn oo ku saabsan xiriirka dadka kale.

"Bulshadeennu way is beddeshay taa oo sii yareysay baahida loo qabo in lala macaamilo dadka kale," ayay tiri Dr Gillian Sandstrom, qoraa iyo bare sare oo cilmi nafsiga ka dhiga Jaamacadda Sussex.

Waxaan ka shaqeynaa online ka. Waxaan doorannaa inaan nafteena u adeegno marka aan tagno dukaanka ama waxaan go'aansannaa inaan haba yaraatee tagin oo aan ka dalbanno alaabada online-ka. Waxaan eegnaa baraha bulshada.

.

"Ka fogaanshaha joogtada ah ee is-dhexgallada yaryar ayaa isbiirsada, ugu dambeyntiina abuura nolol laga yaabo inay ka dhib yar tahay tan caadiga ah, balse sidoo kale ka liidata dhanka hodantinimada nolosha caadiga ah marka loo eego kala-duwanaanshaha, iyo qoto-dheeraanta," ayay tiri Sandstrom.

Arrintu ma aha oo kaliya baahida loo qabo is-dhexgalka bulshada ee joogtada ah – in kasta oo in badan oo naga mid ah ay taas u baahan yihiin – balse waxaan sidoo kale u baahanahay xiriirro qanaaco leh.

Shoka wuxuu ku talinayaa in diiradda la saaro tayada halkii laga eegi lahaa tirada. "Dhowr xiriir oo dhow oo lagu kalsoonaan karo, kuwaas oo lala yeesho bulsho aad si dhab ah u dareemayso inaad qayb ka tahay, ayaa ka waxtar badan (dhanka ilaalinta caafimaadka) haysashada shabakad ballaaran oo dad ah oo aad dusha lee ka taqaanno," ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, is-dhexgallada yaryar ee maalinlaha ah ayaa ka muhiimsan inta aynu u malaynayno.

"La hadalka deriska, is-fiirinta dadka, qofka oo loo mahadceliyo ama qofka oo la caawiyo. Mid kasta oo ka mid ah waxyaalahan waa tallaabo yar oo qofka ka dhigaysa inuu dareemo inuu qayb ka yahay bulshada."

Ku biirista koox ama urur – ha ahaato koox heesaha qaadda, koox ciyaarta, ama kooxda akhriska buugaagta – waxay kaa caawin kartaa dhisidda dareenka ah inaad meel ka tirsan tahay. Sida uu qabo Cruwys, tani waxay horseedi kartaa qaar ka mid ah faa'iidooyinka ugu waaweyn.

"Haddii aadan hore u lahayn shabakad bulsho oo adag, ku billow waxyaabo yaryar oo dooro hawlo ku lug leh la kulanka joogtada ah ee isla dadkaas, iyadoo diiradda la saarayo ujeeddo ama hadaf la wadaago," ayuu yiri.

"Sababtoo ah waa aqoonsi la wadaago, ee ma aha oo kaliya xiriir bulsho, waxa ugu badan ee dhisi kara saaxiibtinimo waarta iyo caafimaad wanaagsan."

Waxaa laga yaabaa inay u muuqato hawl culus isku dayga ballaarinta goobadaada bulshada – gaar ahaan haddii aaggaaga aysan ka jirin hawlo kooxeed oo badan. Sandstrom waxay sheegtay inay jiraan dad ka fudud in lala hadlo marka aad bilowdo inaad dhisto kalsoonidaada.

"Dadka haysta eyda ayaa la qabsaday in dadka kale ay la fal-galaan, halka shaqaalaha adeegga bixiyaa ay tababar u qabaan inay si saaxiibtinimo leh ula hadlaan macaamiisha."

Waxaa laga yaabaa in waxa ugu wanaagsan ee aad samayn karto si aad u horumariso fayo-qabkaaga bulsho ay tahay inaad yeelato qorshe oo aad tallaabo ka qaaddo xiriirradaada.

"Waxaan dejinnaa jadwalka jimicsiga iyo qorshaha cuntada, laakiin xiriirrada waxaan u daynaa inay iska dhacaan oo kaliya," ayuu yiri Shoka. Wuxuu ku talinayaa in la jadwaleeyo waqtiga si joogto ah loola xiriiro dadka loona ilaaliyo waqtigaas sida aad u ilaaliso waqtiga hurdada ama mas'uuliyadaha shaqada.

"Xiriirka dijitaalka ah wuxuu leeyahay door muhiim ah, gaar ahaan dadka la tacaalaya cudurrada, naafanimada, laakiin faa'iidooyinka ugu weyn wali waxaa la gaaraa marka aan si shaqsi ah isula joogno."

Si kastaba ha ahaatee, Cruwys wuxuu ku nuuxnuuxsaday in mas'uuliyadda wax ka qabashada dhibaatada kalinimada aysan ku xirnaan karin oo keliya dadka la kulma xaaladdan.

"Waa mas'uuliyaddeena in midkeen kasta uu dhiso bulshooyin loo dhan yahay, halkaas oo aan dhammaanteen ka faa'iideysan karno caafimaadka."