Ninkii dadka tahriibin jiray ee ay BBC kashiftay oo la xiray

Kardo Jaf
Qoraalka sawirka, Aqoonsiga Kardo Jaf ee si adag loo qarin jiray ayaa BBC daaha ka qaaday horraantii bisha May
    • Author, Ben Milne
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Mukhalas weyn oo dadka si qarsoodi ah u tahriibiya oo lagu aqoonsaday baaritaan ay samaysay BBC ayaa lagu xiray Kurdistaan Ciraaq.

Shabakad uu maamulo Kardo Jaf, oo ku shaqeeya naanaysta Kardo Ranya, ayaa la rumeysan yahay inay sannadihii la soo dhaafay kumannaan muhaajiriin sharci-darro ah ku gudbisay doonyo yaryar iyaga oo uga gudbaya Kanaalka Ingiriiska kuna sii jeeda UK.

Waxaa loo xiray tuhunsanaan dambiyo la xiriira ka ganacsiga dadka, waxaana qabtay ciidamada Hay'adda Amniga Gobolka Kurdistaan, wuxuuna weli ku jiraa xabsi iyadoo baaritaannadu socdaan.

Ninkan 28 jirka ah ee Kurdiga Ciraaqiga ah ayaa dhowr sano ku shaqeynayay magacyo kala duwan oo been abuur ah. Isagoo magaciisa dhabta ah si adag u qariyay, Jaf wuxuu ka dhigay mid ku adag hay'adaha fulinta sharciga inay soo saaraan waaran caalami ah oo lagu soo xiro.

Magaciisa dhabta ah waxaa toddobaadkii hore daaha ka qaaday Sue Mitchell iyo Rob Lawrie oo ka tirsan BBC, kuwaas oo daba-galkooda tahriibiyahan lagu soo bandhigay podcast-ka Radio 4 ee Intrigue: To Catch A King.

Markii BBC ay la kulantay una gudbisay eedeymahan, Jaf wuu diiday inuu yahay tahriibiye, wuxuuna sheegay inuu kaliya dadka talo siiyay sida ay uga bixi karaan Ciraaq. Sidoo kale wuxuu sheegay inuusan aaminsanayn inuu wax dembi ah galay.

Jaf waxaa lagu tuhunsan yahay inuu yahay shakhsi muhiim ah oo ka tirsan shabakad Ciraaqi Kurdi ah oo sanadihii la soo dhaafay maamuleysay inta badan safarrada sharci-darrada ah ee laga gudbo Kanaalka Ingiriiska.

Inta badan waxaa lagu yaqaannay – labadaba muhaajiriinta iyo tahriibayaasha kale u yaqaanneen – naanaysta Kardo Ranya. Magaca dambe waxaa laga soo qaatay magaalada ku taal Kurdistaan Ciraaq ee isaga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee shabakadda ay ka soo jeedaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Tani waa shabakad awood leh oo dhammaanteed ku xirnaanaysa Ranya," ayuu BBC u sheegay Dr. Muthana Nader, oo ah xildhibaan Kurdi ah. Wuxuuna intaas ku daray inuu rumeysan yahay in 70% tahriibka sharci-darrada ah ee lagu tago UK laga maamulo magaaladaas.

Sida lagu diiwaangeliyay podcast-ka, Jaf wuxuu adeeggiisa ku xayeysiin jiray baraha bulshada, isagoo bixinayay adeeg tahriibin dad oo daboolaya masaafada ka bilaabata Afghanistan ilaa UK.

Xayeysiisyadiisa waxay ka koobnaayeen sawirro soo jiidasho leh oo London ah iyo marqaatiyo ka yimid macaamiil u muuqday kuwo ku qanacsan.

Sidoo kale wuxuu bixin jiray doorashooyin kala duwan oo ku saabsan waddooyinka iyo qaababka safarka, iyadoo lagu saleynayo inta ay muhaajiriintu awoodaan inay bixiyaan.

Markuu la hadlay turjubaan BBC ah oo iska dhigay qof danaynaya adeegga, Jaf wuxuu sheegay qiimo dhan £160,000 si uu qoys dhan ugu geeyo UK isagoo adeegsanaya duullimaad "VIP" ah oo tagaya Manchester.

Si kastaba ha ahaatee, BBC waxay sidoo kale maqashay sheekooyinka qaar ka mid ah macaamiishiisa dhaqaale ahaan liita, kuwaas oo sheegay in lagu khasbay doonyo aad u ciriiri ah oo khatar badan habeenkii dambe, lagana tagay si ay iskood isu debbaraan ugana gudbaan Kanaalka Ingiriiska.

Hay'adda Dambiyada Qaranka ee UK (NCA) ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in tuhmane tahriibinta dadka ah la xiray 13-kii May, iyada oo aan la magacaabin Jaf.

Agaasimaha Guud ee Hawlgallada, Rob Jones, ayaa sheegay in arrintani tahay "xarig aad u muhiim ah oo suuragal ah oo loo geystay shakhsi muddo baaritaan ku jiray oo ay wadeen hay'ado badan oo fulinta sharciga ah sababo la xiriira xiriirkiisa tahriibinta dadka."

Jones wuxuu sheegay in "aan la malayn karin in dadka noocan oo kale ah ee lagu soo bandhigay dukumeentiga (BBC) ay ka baxsan yihiin gacanteenna."

Wuxuu intaas ku daray in NCA ay hadda waddo in ka badan 100 baaritaan oo ku socda shabakado ama shakhsiyaal ku jira heerka ugu sarreeya ee dambiyada abaabulan ee socdaalka, oo ay ku jiraan kuwa ku sugan meelo kala duwan oo Bariga Dhexe iyo Afrika "halkaas oo ay horay u aaminsanaayeen inay ka shaqayn karaan iyaga oo aan wax ciqaab ah la kulmin."

Khariidad BBC oo muujineysa Ciraaq

Tan iyo 2020, safarrada doonyaha yaryar ayaa noqday habka ugu badan ee lagu ogaado dadka si sharci-darro ah ugu soo galaya UK.

Ku dhowaad dhammaan dadka habkan ku yimaada waxay dalbadaan magangelyo, iyagoo sheegaya inaysan si nabad ah ugu noolaan karin dalalkoodii sababo la xiriira cadaadis ama rabshado.

Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, tani waxay la micno tahay in loo oggol yahay inay dalka sii joogaan inta la tixgelinayo codsigooda magangelyo.

Ku dhowaad dhammaan dadka ka gudba Kanaalka Ingiriiska waa da'doodu ka yar tahay 40 sano. Ragga iyo wiilasha ayaa ka dhignaa ku dhowaad sagaal ka mid ah 10-kii qof ee doonyaha yaryar ku yimid intii u dhaxeysay 2018 iyo 2025.