Itoobiyaanku ma waxay dib ugu socdaan dagaalkii Tigray?

Xigashada Sawirka, Reuters
Dagaal ayaa ka qarxay gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigray kaas oo u dhexeeya ciidamada gobolka iyo ciidamada qaranka.
Dadka deegaanka Tigray, kuwaas oo isku dayayay inay ka soo kabtaan dagaal laba sano socday oo dhammaaday 2022kii, ayaa ka baqaya inay dib ugu soo laabtaan colaad buuxda.
Waxaa jira warar sheegaya argagx ku saabsan wax iibsiga - haddana adeegyada internetka iyo wicitaanada ayaa hakad galay.
Tani waxay ka dhigan tahay in dadku aysan adeegsan karin lacagtooda dhanka barnaamijyada dijitaalka ah, iyadoo bulshadu noqotay bulsho aan lacag caddaan ah lahayn ka dib markii ATM-yadu ay joojiyeen shaqada dhowr bilood ka hor.
Maxay tahay sababta uu dagaalku u qarxay hadda?
Dagaalku waxa uu yimid ka dib muddo ka badan lix bilood oo uu sii xumaanayey xiriirka u dhexeeya dowladda iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF), oo ah xisbiga maamula gobolka Tigrayga.
Midowga Afrika (AU) ayaa dhex-dhexaadiyay heshiis nabadeed oo loo yaqaanno Heshiiskii Pretoria, kaas oo labada dhinac dhex maray, isla markaana soo afjaray dagaalkii dhacay ku dhawaad afar sano ka hor; hase yeeshee, waxa weli jira arrimo aan xal loo helin oo sii huriyay xiisadda.
Sannadkan, labada dhinac ayaa midba midka kale eedaynayay iyadoo ciidamo la abaabulayo xilli ay jiraan goobo ay dagaallo ka socdaan.
Toddobaadkan, dagaallo waaweyn ayaa ka qarxay gobolka Tigray, kuwaas oo si degdeg ah ugu faafay gobollada dariska la ah ee Cafar iyo Amhara. Labada dhinac ayaa isku khilaafsan cidda billowday xiisaddan ugu dambeysay ee sii xoogeysatay.
TPLF waxay sheegtay inay ka jawaabaysay weerar ay qaadday dowladda federaalka, oo ay ku jiraan duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), halka dowladduna ay sheegtay in ciidamada Tigraygu ay weerarka billaabeen ka dib markii ay la wareegeen garoomada diyaaradaha ee Tigray.
Yey yihiin TPLF?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inta badan taariikhda siyaasadeed ee casriga ah ee Tigray waxaa maamulayay ururka TPLF, kaas oo markii hore kusoo baxay sidii dhaqdhaqaaq hubeysan sannadihii 1970-meeyadii, isagoo la dagaallamayay xukuumaddii milateriga Itoobiya.
Ururku wuxuu door weyn ka ciyaaray ridistii xukuumaddii shuuciga ahayd sannadkii 1991-kii, wuxuuna markii dambe noqday qaybta ugu awoodda badan isbahaysiga EPRDF, kaas oo dalkaas oo ay ku nool yihiin qowmiyado kala duwan maamulayay muddo ku dhow soddon sano.
Arrintani waxay mararka qaarkood dhalisay muran, maadaama dadka qowmiyadda Tigrayga ay ka yihiin kaliya qiyaastii 6% dadweynaha Itoobiya, haddana ay dadka qaar u arkayeen in TPLF ay lahayd awood iyo saameyn aad u badan.
Markii Abiy Ahmed uu noqday Ra'iisul Wasaare sannadkii 2018-kii, wuxuu EPRDF ku beddelay Xisbiga Barwaaqada (Prosperity Party), taas oo si weyn u wiiqday saameyntii TPLF.
Xiriirka u dhexeeya Addis Ababa iyo TPLF ayaa si degdeg ah u xumaaday ilaa dagaal uu ka qarxay sannadkii 2020-kii, kaas oo ahaa mid ka mid ah dagaalladii ugu dhimashada badnaa qarnigan.
Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika ayaa ku qiyaasay in ilaa 600,000 oo qof ay ku dhinteen dagaalkaas, kaas oo gebi ahaanba go'doomiyay Tigrayga kana fogeeyay dunida dibadda, isla markaana gobolka geeyay heer ay macluul ka dillaacdo.
Heshiis xabbad-joojin ah oo aan xaaladdu degganayn ayaa la gaaray bishii Nofembar ee sannadkii 2022-kii.
Maxaa keenay in heshiiskii nabadda uu burburo?
Waxa jira afar arrimood oo muhiim ah – laba ka mid ah waxay khuseeyaan dhulka barwaaqada ah ee galbeedka Tigray.
TPLF ayaa lumisay gacan ku haynta dhulkan bilowgii dagaalka, iyadoo ay la wareegeen ciidamada gobolka Amxaarada; gobolkaas oo xuduud la leh galbeedka Tigray, isla markaana dagaalyahannadiisu ay ka dhinac dagaalamayen ciidamada Itoobiya.
Dad badan oo Amxaaro ah ayaa aaminsan inaanay ahayn in dhulka galbeedka Tigray lagu daro gobolka Tigray markii dib loo habeeyay xuduudaha gobollada kadib markii xukunkii milateriga la riday sannadkii 1991-kii.
Markii ay dagaalyahannada Amxaaradu la wareegeen gacan ku haynta dhulkaas intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee dhawaan dhacay, boqolaal kun oo qof oo asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadda Tigrayga ayaa barakacay; waxayna hadda ku nool yihiin xeryaha dadka barakacay ee ku yaalla Tigray iyo caasimadda Addis Ababa.
TPLF waxay doonaysaa inay dib ula wareegto galbeedka Tigray, isla markaana ay dib u soo laabtaan dadkii laga barakiciyay dhulkaas. Dhanka kale, dowladdu waxay ku adkaysanaysaa in mustaqbalka dhulkaas lagu go'aamiyo afti dadweyne.

Xigashada Sawirka, Reuters
Yaa taageeraya TPLF-ta?
Horumar weyn ayaa la arkay iyadoo kooxda TPLF, oo markii hore siyaasad ahaan go'doonsanayd gudaha Itoobiya, ay heshay xulafo dhowr ah oo muhiim ah.
Horaantii bishii Sebtembar, waxay ku biirtay lix kooxood oo kale oo hubeysan si ay u sameeyaan waxa loo yaqaan "Isbahaysiga Badbaadada" isbahaysigaas oo ay ku jiraan kooxo si firfircoon ula dagaallamaya dowladda, sida maleeshiyada Fano ee qowmiyadda Amxaarada iyo Ciidanka Xoreynta Oromada.
Xubnaha isbahaysiga cusub waxay qabaan cabashooyin kala duwan, balse waxay wadaagaan hal hadaf: waxay doonayaan inay xukunka ka tuuraan dowladda Abiy.

Inkastoo ciidamada TPLF iyo Fano ay iska soo horjeedeen intii lagu jiray dagaalkii sokeeye — isla markaana ay weli isku hayaan arrinta ku saabsan mustaqbalka galbeedka Tigray — haddana waxay si ku-meel-gaar ah dhinac isaga dhgeen qaar ka mid ah khilaafaadkooda.
Mas'uuliyiinta TPLF ayaa sheegaya inaysan doonayn inay dib u dhacdo xaaladdii sanadkii 2020-kii, markaas oo ay dareemeen in hareereyn iyo go'doon lagu sameeyay.
Hase yeeshee, falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in isbahaysigan uu noqon karo mid adag in la sii wado, maaddaama dhinacyada ku bahoobay ay ugu dambeyntii leeyihiin dano aad u kala duwan.
Waa maxay mowqifka dowladda?
Marka laga soo tago eedeynta loo jeedinayo TPLF inay billowday dagaalkii dhawaa, waxaa sidoo kale la dhaliilay isbahaysiga cusub, iyadoo lagu tilmaamay isku-day lagu doonayo in lagu carqaladeeyo xasilloonida dalka.
Waxaa kale oo Eritrea lagu eedeeyay inay taageerayso kooxo hubeysan oo gudaha Itoobiya ku sugan, arrintaas oo ay Asmara beenisay.
Intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee dhawaa, Eritrea waxay garab siisay ciidamada Itoobiya, balse labada waddan ee dariska ah, oo xiriirkoodu uu muddo dheer ahaa mid aan degganayn, ayaa mar kale isku dhacay.
Khilaafkoodu wuxuu salka ku hayaa Badda Cas iyo dekedaha ku yaalla.
Itoobiya, oo ah waddanka ugu dadka badan caalamka ee aan lahayn marin badeed, ayaa weysay marinadaas markii Eritrea ay gooni-u- istaagtay sannadkii 1993-kii. Dhawaan Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa ku dadaalayay sidii uu u heli lahaa la-haanshaha dekedda Casab ee koonfurta Eritrea — taas oo qiyaastii 60km (37 mayl) u jirta xuduudda — wuxuuna tilmaamay suurtagalnimada in xoog lagu qabsado.
Maxaan ka ognahay duqeynta ka dhacday Tigray?
Warbixinnadu waxay tilmaamayaan in ciidamada federaalku ay adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hawlgallo kale oo milatari oo ka dhan ah ciidamada Tigreega.
Dacwadda ay dowladdu sheegtay ayaa ah inay ka jawaabayso weerarrada oo ay isku dayayso inay difaacdo goobaha federaalka iyo dhulka. Si kastaba ha ahaatee, duruufaha ku xeeran weerarrada shaqsiga ah way adag tahay in si madax-bannaan loo xaqiijiyo.
Dadka ku nool magaalo dhawaan la beegsaday ayaa BBC-da u sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay duqeeyeen laba iskuul, kuwaas oo mas'uuliyiinta maxalliga ah ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay u isticmaaleen saldhigyo milatari intii lagu jiray dagaalka.
Tani waxay muujineysaa in Addis Ababa ay aaminsantahay in mar kale loo adeegsanayo ujeedo militari - oo ay leeyihiin ciidamada Tigreega.
Weerarrada ayaa yimid iyadoo ay jiraan warar sheegaya in TPLF ay si qasab ah u qoratay dhalinyaro si ay ugu biiraan safkeeda.
Maxa talaabooyin ah la qaaday si loo joojiyo dagaalka?
Dadaalka ugu weyn ee diblomaasiyadeed waxaa hoggaaminaya Midowga Afrika, kaasoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha loona soo laabto wadahadallada tooska ah.
Waxay weydiisatay Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Geeska Afrika, inuu si degdeg ah ula macaamilo dhinacyada.
Qaramada Midoobay ayaa codsi la mid ah kaas soo saartay, iyadoo ka digtay khilaaf ballaaran oo sii xumaanaya.
Ururka goboledka Igad ayaa sidoo kale ku baaqay in dagaalladu istaagaan oo wadahadalladu dib u bilaabmaan.
Dhibaatadu waxay tahay in kalsoonida u dhaxaysa Addis Ababa iyo Tigray ay aad u hoosayso, halka sameynta isbahaysiga cusub ee hubaysan ay xaaladda ka dhigtay mid aad u adag.
Dagaalku ma ku faafi karaa meelo kale?
Haa wuu faafi karaa , waxa jira khatar weyn oo ah inuu dalka Itoobiya ka dhasho khilaaf iyo dagaal baahsan.
Dagaalku wuxuu mar horeba u gudbay aagagga ku teedsan xuduudaha gobolka Tigray, iyadoo isla markaasna ay dowladdu wajahayso dagaallo hubeysan oo ka socda gobollo kale, gaar ahaan Amxaarada iyo Oromada.
Isbahaysiga cusub ayaa laga yaabaa inuu dagaaladaas isku xirayo siyaasad ahaan iyo milateri ahaanba.
Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in Eritrea mar kale lagu soo jiido dagaalka – markan iyadoo ka soo horjeedda dowladda.
Labada dhinac ee isku haya dagaalka sokeeye ee Suudaan ayaa sidoo ku kala duwan arrimaha la xiriira xulafada gobolka Tigray, taas oo laga yaabo inay sii cakirto xaaladda.
Midowga Afrika ayaa si gaar ah ugu boorriyay dhammaan waddamada dariska ah inay ka fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara xiisadda.
























