Trump oo xaqiijiyay wixii uu Fifa kala hadlay ee ku saabsan Balogun

Madaxweyne Donald Trump ayaa xaqiijiyay inuu weydiistay Fifa inay dib u eegto ganaaxii hal kulan ee weeraryahanka Mareykanka Folarin Balogun ee Koobka Adduunka.
Balogun, oo 25 jir ah, ayaa lagu waday inuu seego ciyaartii wareega 16-ka ee xulkiisa la ciyaaray Belgium ka dib markii la siiyay kaar cas oo toos ah ka dib markii uu qalad ku galay daafaca Bosnia-Herzegovina Tarik Muharemovich wareegii hore.
Laakiin Fifa ayaa qaadatay go'aan lama filaan ah oo ay ku hakinayso ganaaxa hal kulan ee tooska ah muddo 12 bilood ah - taasoo sii deysay weeraryahanka Mareykanka, kaasoo dhaliyay saddex gool tartanka xagaagan, si loogu soo xusho ciyaarta ka dhacaysa Seattle.
Trump ayaa sheegay in hay'adda maamusha kubadda cagta adduunka "ay qaadatay go'aanka saxda ah", isagoo intaa ku daray inay ku oolo lahayd "bar weyn" haddii ganaaxa la fulin lahaa.
Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad Isniintii, Trump wuxuu sheegay inuu weydiistay Fifa inay dib u eegto go'aanka sababtoo ah "uma uusan malaynayn inay qalad ahayd".
Wuxuu xaqiijiyay inuu la hadlay madaxweynaha Fifa Gianni Infantino laakiin wuxuu yiri "waxa kaliya ee uu sameeyay" waa inuu weydiisto dib u eegis wuxuuna raaciyay inuusan u sheegin inuu hakiyo ganaaxa Balogun.
"Waxaan u maleynayay inay ahaayeen laba ciyaartoy oo waaweyn oo isku dhacay," ayuu yiri Trump
"Waxaan u maleynayaa in [ganaaxu] uu ku reebi lahaa bar weyn. Ma aqqano waxa ay sameynayaan. Ma aaminsani inay go'aanka gaareen; waxaan aaminsanahay inay guddiga sameeyeen go'aanka. Waana go'aankii saxda ahaa."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Trump wuxuu sheegay in go'aanka garsoore Raphael Claus ee ah inuu Balogun ka saaro ciyaarta uu ahaa "mid aad u xun" wuxuuna garsooraha reer Brazil ku tilmaamay "mid laga shakisan yahay".
Horraantii Isniintii, Xiriirka Kubadda Cagta ee Boqortooyada Belgian ayaa sheegay inay "la yaabeen" go'aanka Fifa ee ah in Balogun loo doorto kulanka wareega 16-ka, kaasoo bilaabanaya 17:00 waqtiga maxalliga ah (01:00 BST Talaadada).
Kadib markii BBC Sport weydiisay inay ka jawaabaan hadalada Trump, aragtooda ku aaddan Claus, hadalka ka soo yeeray Belgium iyo habka racfaanka, Fifa waxay sheegtay inaysan "hadda haynin wax kale" oo ay ku darto inta la yiri".
Isagoo kor u qaadaya walaaciisa, Xiriirka Kubadda Cagta Boqortooyada Belgian wuxuu yiri: "Si kasta oo ay ahaato natiijada isboorti ee kulankaan, RBFA waxay si qoto dheer uga walaacsan tahay qaabka dhacdooyinka waxayna sii wadi doontaa dagaalka saacadaha, maalmaha iyo bilaha soo socda si ay u difaacdo mabaadi'da aasaasiga ah ee anshaxa, tartan cadaalad ah, iyo danaha kubada cagta guud ahaan."
Tababaraha xulka qaranka England Thomas Tuchel ayaa sheegay in go'aankan uu yahay tallaabo halis ah.
Kppxda Tuchel ayaa garaacday daafaca Jarell Quansah kulan ay 3-2 kaga badiyeen Mexico.
"Su'aashaydu waxaa weeye halkee xariiq u ah sharciga," ayuu yiri. "Taas jawaab uma hayo.
"Miyaan racfaan ka qaadanaa haddii kaarka jaallaha uusan ahayn jaalle? Ma waxaan u maleyneynaa inuusan aheyn kaar cas ama yaa u maleynaya sidaas? Halkee waxani ka bilowdaan halkeese ku dhamaadaan? Waa su'aalaha aan qabo, jawaab uma hayo."
Uefa - maamulka kubbadda cagta Yurub - ayaa sheegay in ah in la joojiyo ganaaxa xilli tartan socdo ay tahay "khad cas oo laga gudbay".
189 ka mid ah roosayaasha kale ee la bixyay Koobka Adduunka, hal mar oo kaliya ayaa ciyaaryahan uu ka badbaaday ganaax.
Waxa uuna ahaa Garrincha oo u ciyaara Brazil 1962 - ka hor inta aan si toos ah loo ganaaxin, sidoo kale ku guuldareysiga in lagu soo rogo ganaax waxaa lagu daboolay eedeymo faragelin siyaasadeed.













