BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
TOOS, Sarkaal Mareykan ah oo sheegay in Iiraan iyo Mareykanka ay ku heshiiyeen inay yareeyaan xiisadda oo ay sii wadaan wadahadallada
Sarkaal Mareykan ah oo sheegay in Iiraan iyo Mareykanka ay ku heshiiyeen inay yareeyaan xiisadda oo ay sii wadaan wadahadallada
Xildhibaan Maraykan ah oo soo bandhigaty Sharci cusub oo Soomaalida iyo laba waddan ka mamnuucay galitaanka Maraykanka
Mace, oo Jamhuuri ah oo matalaysa South Carolina, ayaa soo jeedintan dhawaan ku daabacday boggeeda X ee iyo sidoo kale website-keeda rasmiga ah.
Birmingham: Munaasabado lagu xusayo dhaqanka Soomaalida oo ka dhacaya Ingiriiska
Munaasabadda, Somalinaimo Week 2026, waxay ilaa Jimcaha ka soconaysaa magaalada oo dhan.
WFP oo digniin kasoo saartay xaaladda cunno-yarida Soomaalida
Sida ay sheegtay WFP, Soomaaliya waxay weli ku jirtaa mid ka mid ah dhibaatooyinka nafaqo-xumada ugu daran adduunka, iyadoo 1.9 milyan oo carruur ah ay la ildaran yihiin nafaqo-xumo ba'an.
Qoysas raadinaya ehelladooda oo ku hoos jira burburka dhulgariirkii Venezuela
Gacmo maran iyo badiil ayaa dhex wareegaya burburka, halka diyaarad aan duuliye lahayn ay dusha sare ka sawireyso. Daqiiqad kasta, ficil kasta waa muhiim. Waa tartan ka dhan ah waqtiga si loo helo kuwa badbaaday.
Waxa aan ka ognahay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Sacuudiga
Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in diyaarad qumaatiga u kacda oo ay leedahay shirkadda Aramco ay saaka ku dhacday deegaanka Raas Tanuura, waxaana shilkaas ku dhintay dhammaan 14-kii qof ee saarnaa, kuwaas oo dhammaantood ahaa muwaadiniin u dhashay Sacuudiga.
Waa kuma ciyaaryahanka Afrikaanka ah ee ugu goolasha badan taariikhda Koobka Adduunka?
Markii Ronaldo uu gool ka dhaliyay xulka Uzbekistan kulankii labaad ee heerka guruubyada oo ay la ciyaareen Portugal, wuxuu noqday ciyaaryahanka labaad
Georgia Mellon iyo Trump: Khilaaf furan oo ay adag tahay in la xalliyo
Dalka Talyaaniga, dhowr qoraal ayaa laga sameeyay taasoo salka ku haysa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweyne Trump iyo ra'iisul wasaare Georgia Meloni.
Maxaa ka socda gudaha Lubnaan oo aadan ogayn?
Hezbollah ayaan qayb ka ahayn heshiiskii Maraykanku gar-wadeenka ka ahaa ee la gaaray Jimcihii 26-kii June, wayna diiday, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda Beyruut inay wiiqayso madax-bannaanida Lubnaan.
Iiraan oo weerartay saldhigyo Mareykanku leeyahay
Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in diyaaradaha Mareykanka ay beegsadeen gantaalada Iran iyo bakhaarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo goobaha raadaarka ee xeebaha.
Sidee hurdadu kaaga caawin kartaa in aad wax barato?
Haddaba waa maxay waxa wanaajiya maskaxdeena oo naga caawiya inaan si wanaagsan wax u baranno?
Dalka yar ee Afrikaanka ah ee wacdaraha ka dhigaya Koobka Adduunka
Kooxda uu hoggaamiyo tababare Bubista ayaa wajihi doonta xulka koobka difaacanaya ee Argentina wareegga 32-da dal u baxayaan bisha july, maalinta Jimcaha ah oo ku beegan 3-da bishaas, ciyaartaas oo ka dhici doonta Garoonka Miami.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Iran: '$6 bilyan oo hantidii xayirneed ah ayaa naloo sii dayn doonaa'
Wafuud Maraykan ah iyo Iran ayaa goor hore gaaray dalka Switzerland si ay qayb uga noqdaan wada-xaajoodyo farsamo oo hoos imanaya heshiis is-afgarad ah oo la saxeexay Arbacadii si loo soo afjaro colaaddii bariga dhexe ee bilihii la soo dhaafay socotay, dibna loogu furi lahaa marin biyoodka Hormuz.
Waa kuma Andy Burnham, ninka la filayo in uu noqdo ra'iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska?
Waqtigii lagu guda jiray aftida Brexit, waxa uu muujiyay rabitaan uu ku doonayo in uu arko UK oo dib ugu biirta Midowga Yurub inta uu nool yahay.
Suuriya beddel ma u noqon kartaa Israa'iil si ay u xakameyso Xisbullah?
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ka hadlay suurtagalnimada in Suuriya ay door ku yeelato iska hor imaadka Xisbullah ee dalka Lubnaan, isagoo ku dhawaaqay inuu arrintaas kala hadlay madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa, uuna qarka u saaran yahay inuu faylka Xisbullah ku wareejiyo Suuriya.
Ma laga soo gudbay casrigii lagu dagaallami jiray taangiyada, maxaase beddelay?
Taangiyada iyo gaadiidka gaashaaman ee si culus u hubaysan ayaa si degdeg ah u luminaya muhiimaddoodii goobaha dagaalka ee u dhexeeya Ruushkaiyo Ukraine.
Dilal, silic iyo arxan-darro: Shan maamul oo taariikh dhiig badan ku reebay Afrika
Markii ay talada qabteen, intooda badan waxay ku xukumeen gacan bir ah, iyagoo hirgeliyey siyaasado cabburin ah oo ay ka mid ahaayeen dilal siyaasadeed, daldalid ama dilal si fagaare ah loo fuliyo, xarigyo aan sharci ku salaysnayn, iyo adeegsiga jirdilka gudaha xarumaha lagu hayo maxaabiista.
Iiraan: Ma jiraan qorshayaal lagu booqanayo xarumaha waxyeelladu soo gaartay ee Nukliyeerka
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa shalay sheegay:“Ma jiro qorshe ay IAEA ku kormeerto xarumaha Iran ee ku waxyeelloobay duullaankii militari ee Maraykanka iyo maamulka Sahyuuniyadda"
Su'aalaha aan jawaabaha loo hayn ee heshiiska Maraykanka iyo Iiraan
Dowladaha Khaliijka carabta ayaa si wadajir ah ay neefta uga soo fuqday balse waxay muujinayaan taxadar ku aadan heshiiska mareykanka iyo Iran.
Maxaan ka ognahay ilaa iyo hadda safarka uu madaxweyne Cirro ku tagay Israa'iil?
Cabdiraxmaan Cirro, madaxweynaha Somaliland ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook, waxa uu ugu mahadceliyay madaxweyne Isaac Herzog iyo shacabka Israa'iil soo dhawayntooda.
Hormuz ma furmi doonaa, cunaqabateyntana ma laga qaadi doonaa? Qodobbada muhiimka ah ee heshiiska Iran iyo Mareykanka
Kaliya marka Iran la xaqiijiyo inay fulisay shuruudaha heshiiska ayaa la siin doonaa faa’iidooyin dhaqaale.
Afar sababood oo ka hortagi kara xabbad joojin waarta oo dhex marta Iran iyo Maraykanka
Dagaalkan soo cusboonaaday ayaa imaanaya maalmo kadib markii Iran ay gantaal ku garaacday Israa’iil maalintii Axadda.
Duuliyihii meydka Siyaad Barre sida qarsoodiga ku keenay Soomaaliya oo markii ugu horreysay hadlay
Wuxuu ka sheekeeyey khadad duullimaad oo ay mareen, garoomo dayaaradeed oo ay ku raad-tirteen iyo lambarro duullimaad oo ay isticmaaleen
Waa kuma Saadiq Joon?
Waxaa maalmihii u dambeeyay si wayn baraha bulshada loogu hadal hayay Saadaq Joon, oo horey u soo noqday taliyihii booliiska gobolka Banaadir xilligii dolwadii madaxwayne Farmaajo.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 30 Juunyo 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Toos u dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 29 Juunyo 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 29 Juunyo 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 26 Juunyo 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.












































































