3 waxyaabood oo ay tahay qoysasku inay hadda sameeyaan oo ku saabsan El Nino

Muqdisho

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

El Nino sanadkan kuma koobna oo kaliya roobabka. Waa ifafaale cimilada la xiriira oo saameyn ku yeelan kara cuntada, gaadiidka, caafimaadka iyo dakhliga qoysaska, iyadoo la filayo in saameynteedu ay sii socoto ilaa sanadka 2027-ka.

Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa qiyaasaya in El Nino-da sanadkan (2026-27) ay sababi karto macluul soo wajahda ugu yaraan 49 milyan oo qof marka la gaaro dhammaadka sanadka 2027-ka. Dalalka ay horey u haysteen caqabadaha dhanka amniga cuntada oo gaaraya 45 waddan, tirada dadka ku sugan xaaladdan ayaa laga yaabaa inay ka badato qiyaastii 225 milyan oo qof una gudubto 274 milyan oo qof.

Bariga Afrika iyo Koonfurta Afrika ayaa ka mid ah gobollada ugu khatarta badan. WFP waxay sheegtay in in ka badan 18 milyan oo qof oo ku nool gobolka ay wajahayaan khatarta amni-darro dhanka cuntada ah, taas oo ah koror dhan 26 boqolkiiba. Arrintani waa mid muhiim u ah qoysaska ku nool Bariga Afrika, maadaama roobabka mahiigaanka ah ay saameyn ku yeelan karaan wax-soo-saarka cuntada, waddooyinka loo isticmaalo gaadiidka cuntada, iyo dakhliga dadka ku tiirsan mushaarka maalinlaha ah.

Dalalka Soomaaliya, Tanzania, Kenya iyo Uganda, mas'uuliyiintu waxay horey u soo saareen digniino ku saabsan roobabka El Nino oo noqon doona kuwo ka xooggan sidii caadiga ahayd, waxayna sidoo kale sharraxeen qorshayaashooda ku aaddan sida wax looga qaban karo saameyn kasta oo la socon karta roobabkaas.

Hase yeeshee, diyaargarowgu kuma eka oo kaliya dowladda. Dhanka qoysaska, waxaa loo baahan yahay inay tallaabo qaadaan haddii roobabku ay carqaladeeyaan gaadiidka, adeegyada, ama sahayda cuntada muddo dhowr maalmood ah. Su'aasha muhiimka ah halkan waa: diyaargarow noocee ah ayaad adiga iyo qoyskaagu guriga ku haysataan?

1. Maamulka cuntada

Cunto

Xigashada Sawirka, Today's news

Qoysas badan, khatarta ugu weyn waxaa laga yaabaa inaysan ahayn biyaha soo galaya guriga, laakiin dhibka helitaanka cuntada haddii waddooyinku xiran yihiin ama gaadiidku uu hakad galo.

Dr Charles Makai, oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan Jaamacadda Beeraha ee Sokoine, ayaa sheegaya in diyaargarowgu uu ka bilaabmo heerka qoyska, gaar ahaan dadka ay tahay inay maalin walba guryahooda ka baxaan si ay dakhli u helaan.

Waxaa la xusay dadka raaca mootooyinka, darawallada, tagaasida iyo shaqaalaha dhismaha ee ka mid ah dadka laga yaabo inaysan awoodin inay shaqada tagaan haddii waddooyinka ama kaabayaasha dhaqaalaha ay saameeyaan roobabka culus.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bariiska, galleyda, iyo digirta ayaa ka mid ah cuntooyinka la kaydin karo mudada ugu dheer haddii si fiican loo qalajiyo oo lagu kaydiyo weelal si adag u xiran, meel qalalan oo sareysa isla markaana ka fog biyaha. Cuntooyinkan waa in sidoo kale si joogto ah loo hubiyaa si looga hortago qoyaanka, cayayaanka, ama inay xumaadaan.

"Waa inaan qaadnaa tallaabooyin taxaddar ah oo heer qoys ah. Haddii ay dhacdo xaalad ay waxyeello soo gaarto kaabayaasha nolosha, waa inaan haysannaa kayd cunto — sida digirta, bariiska, iyo galleyda — kuwaas oo qoyska ka caawin kara inay ku noolaadaan ugu yaraan laba bilood," ayuu yiri Makai.

Si kastaba ha ahaatee, kaydkan waa inaan la dhigin qaybta hoose haddii gurigu ku yaallo meel ay daadadku saameyn karaan. Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa kula talinaya in la iska tuuro cuntada ay taabteen biyaha daadku, maadaama biyahaasi ay yeelan karaan waxyaabo wasakh ah oo sababi kara cudurro.

Arrintuna kuma koobna cuntada oo kaliya. Waa inay qoysasku sidoo kale ka fikiraan kaydsashada biyaha la cabbo.

2. Sanduuqa Gargaarka Degdegga ah

Gargaarka degdega ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daadadku waxay ka dhigi karaan u safarka xarumaha caafimaadka mid adag, gaar ahaan marka waddooyinku xiran yihiin ama biyaha ay xannibaan gaadiidka.

Taasi waa sababta ay 'Qalabka Gargaarka Degdegga ah' in guriga u yaalo ay wax uga tari karta dhaawacyada yaryar inta qoysku sugayo caawimaad ama adeegyada caafimaadka inay diyaar noqdaan.

Qalabka waxaa ku jiri kara agab aasaasi ah sida suuf, maqas, faashado, balastarro, galoofisyo la tuuri karo, heerkulbeeg, agabka nadiifinta nabarrada, iyo daawooyinka caadiga ah ee qoyska uu kula taliyay xirfadle caafimaad inuu isticmaalo.

Waxa kale oo muhiim ah in la hayo daawooyinka shakhsi ahaaneed ee si joogto ah loo isticmaalo oo la hubiyo inaysan dhicin. Haddii ay jiraan bukaanno u baahan daawooyin maalinle ah, iibso ama qaado in kugu filan.

WHO waxay sidoo kale ku talinaysaa in qoysaska ku nool meelaha ay daadadku saameeyeen ay haystaan ​​​​qalab kale oo gargaar degdeg ah, daawooyinka lagama maarmaanka ah, biyaha, cunto nadiif ah, toosh, baytariyo, qalabka nadaafadda iyo taleefan lacag lagu shuban karo.

Dukumentiyada muhiimka ah sida aqoonsiyada, shahaadooyinka, iyo macluumaadka caafimaadka waa in sidoo kale lagu ridaa bac aan biyuhu karin. Tani waxay noqon kartaa mid waxtar leh haddii qoysku ay tahay inuu si degdeg ah uga baxo guriga.

3. Mar walba feejignaaw

Muqdisho

Xigashada Sawirka, Getty Images

U diyaargarowga El Nino macnaheedu maaha in la sugo daadad ka hor inta aan tallaabo la qaadin. Qoysasku waa inay la socdaan saadaasha iyo digniinaha ay soo saareen hay'adaha cimilada iyo hoggaamiyeyaasha maxalliga ah.

Ka hor inta aysan roobabku bilaaban, qoysku waxay sahansan karaan meel ammaan ah oo ay ku cararaan, waddo ay uga baxaan guriga haddii aagga ay fatahaad ka dhacdo, meel ay ku kaydsadaan dukumentiyada iyo daawada, iyo sida loola xiriiro qaraabada haddii isgaarsiinta ama gaadiidka ay saameyso El Nino.

Haddii biyuhu bilaabaan inay kor u kacaan, ha isku dayin inaad ku socoto, dabaalato ama aad ku dhex waddo gaari biyaha socda. Biyaha daadadku waxaaku jiri kara fiilooyin koronto oo hoos u dhacay, godad ama khataro kale oo aan la arki karin. Ururka Caalamiga ah ee Bulshada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC) wuxuu kula talinayaa dadka inay u guuraan dhul sare oo ay raacaan tilmaamaha mas'uuliyiinta ee ku saabsan daadgureynta.

WHO waxay sidoo kale dadka kula talinaysaa inaysan biyaha daadadka ah u isticmaalin cabbitaan, cunto karin ama dhaqidda weelasha.