Itoobiya iyo Tigray ayaa midba kan kale ku eedeeyay inuu qaadayo weerar, taas oo sii hurinaysa cabsida laga qabo dagaal cusub.

Itoobiya

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dowladda Itoobiya iyo xisbiga maamula gobolka waqooyi ee Tigray ayaa isku eedeeyay inay qaadeen weerarro, taas oo sii kordhisay cabsida laga qabo in dib loogu laabto dagaal baahsan.

Getachew Reda, oo ah wasiir ka tirsan xukuumadda iyo lataliyaha Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in dagaalyahannada Tigrayga ay la wareegeen garoomada diyaaradaha ee ay maamusho dowladda federaalka ee ku yaalla Tigray, isla markaana ay weerarro ka bilaabeen gobollada dariska la ah ee Afar iyo Amxaarada.

Horay, mas'uuliyiinta Tigrayga waxay u sheegeen in ciidamadooda lagu qasbay inay galaan "dagaal difaac ah". Hadalkan ayaa yimid ka dib markii la soo sheegay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka geysteen Tigray.

Dagaalkii labada sano socday ee Tigray ayaa soo dhammaaday sanadkii 2022-kii, balse bilihii ugu dambeeyay labada dhinacba waxay isku eedeynayeen inay jebiyeen heshiiskii nabadda.

Wuxuu ahaa mid ka mid ah dagaalladii ugu dhimashada badnaa qarnigan; iyadoo dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika uu ku qiyaasay in ku dhawaad ​​600,000 oo qof ay ku dhinteen dagaalka, kaas oo gobolka geliyay xaalad halis ah oo gaarsiisan heer macaluul.

Axaddii, Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF), oo ah xisbiga maamula Tigrayga, ayaa ku dhawaaqday isbaheysi ay la sameysatay lix kooxood oo kale oo hubeysan oo ka jira Itoobiya, ujeedkooduna yahay inay xilka ka tuuraan dowladda Addis Ababa.

"Waa wax aad looga xumaado in la ogaado, inkastoo dadaallo badan ay sameeyeen dhinacyo kala duwan—oo ay ku jirto beesha caalamku—si looga hortago wareeg kale oo dagaal oo ka dhaca Tigray, haddana hoggaanka TPLF ayaa saaka waaberigii qaaday weerar baaxad leh oo ka dhan ah goobaha ay dowladdu ku sugan tahay ee gobollada Afar iyo Amxaarada," ayuu yiri Getachew oo qoraal soo saaray kuna baahiyay baraha bulshada.

La-taliyaha Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa hore u hoggaaminayay maamulka ku meel gaarka ah ee Tigreega, laakiin waxaa khilaaf dhexmaray TPLF sannadkii 2025 wuxuuna ku biiray dowladda federaalka.

Ka dib markii la qabsaday garoomada diyaaradaha, shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa joojisay dhammaan duulimaadyadii Tigreega.

Dadka deggan magaalada ugu weyn Tigreega ee Mekelle ayaa BBC u sheegay in ciidamada maxalliga ah ay la wareegeen maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Arbacadii hore.

Tani waxay ka dambeysay markii la soo sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay duqeeyeen Tigreega maalmihii la soo dhaafay.

Khariirad
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Tigrayga, weerar ka dhacay magaalada Alamata ee koonfurta ku taal maalintii Talaadada ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 14 qof iyo dhaawaca 22 kale.

Duqa magaalada, Mogos Shiferaw, ayaa u sheegay BBC-da in in ka badan shan diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn yo hal diyaarad dagaal ay fuliyeen in ka badan 21 weerar, kuwaas oo billowday abaaro saacadda 03:30-kii subaxnimo.

"Arrintani waxay magaaladeenna ku reebtay saameyn xun oo dhanka maskaxda ah, dadkeennuna waxay ku jireen xaalad argagax leh," ayuu yiri.

Mogos wuxuu sheegay in dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen dad rayid ah, isagoo ku eedeeyay ciidamada federaalka inay bartilmaameedsadeen laba dugsi sare.

Wuxuu aaminsanaa in loo weeraray iyadoo looga shakisan yahay in ciidamada Tigreegu ay isticmaalayeen.

Laakiin duqa magaaladu wuxuu sheegay in dugsiyada, oo u ahaa saldhigyo milatari oo federaal ah intii lagu jiray dagaalkii sokeeye, aysan cidna joogin maadaama sannad-dugsiyeedku uusan weli bilaaban.

BBC si madax-bannaan uma xaqiijin eedeymaha, dowladduna kama aysan hadlin weerarrada la sheegay.

Arbacadii, mas'uuliyiinta Tigreegu waxay ku eedeeyeen Addis Ababa inay "duullaan furan" ku qaadday gobolka, iyagoo ku boorriyay dadka inay taageeraan ciidamada gobolka oo ay ilaaliyaan midnimada.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen dowladda inay jebisay sharciyada caalamiga ah ee bani'aadamnimada iyo xuquuqda aadanaha, iyagoo sheegay in adeegyada dadweynaha iyo kaabayaasha muhiimka ah la carqaladeeyay.

Dhanka kale, Xafiiska Arrimaha Afrika ee Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa cambaareeyay weerar diyaaradeed oo gaar ah oo ay sheegtay inuu dhacay Isniintii, kaasoo lagu bartilmaameedsaday kolonyo baabuur oo Katoolig ah oo siday gargaar cunto.

Waxay ku baaqday baaritaan waxayna ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal oo ay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo dhacdooyinka la midka ah.

Labada hoggaamiye ee Addis Ababa iyo TPLF ayaa la kulmay dhaleecayn ku saabsan dib u dhac ku yimid hirgelinta qodobbada muhiimka ah ee Heshiiska Pretoria, oo ah heshiiskii ay Midowga Afrika dhexdhexaadiyeen kaasoo si rasmi ah u soo afjaray colaaddii bishii Nofeembar 2022.

Bishii Luulyo, Ra'iisul Wasaare Abiy wuxuu ku eedeeyay TPLF inay isu diyaarinayso colaad cusub isaga oo khudbad u jeedinayay baarlamaanka.

Wax yar ka hor doorashadii guud ee bishii Maarso, oo aan lagu qaban Tigray xaaladda amni awgeed, TPLF waxay dib u soo celisay maamulkeedii ka horreeyay dagaalka, iyagoo kala diray mid ku meel gaar ah oo uu Abiy magacaabay.

Waxaa sidoo kale jiray warar sheegaya in TPLF ay si qasab ah u qoratay rag dhallinyaro ah si ay ugu biiraan ciidamadeeda.