BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
TOOS, Budhcad-badeed Soomaali ah oo la sheegay in ay laayeen shaqaale markab oo u afduubnaa
War qoraal ah oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in budhcad-badeeddu ay dishay shan qof oo ka mid ah shaqaalaha saarnaa markab ay haysteen ka hor hawlgal ay fuliyeen ciidammada Puntland.
Muhaajiriinta oo adeegsanaya waddooyin dheer oo halis badan si ay ugu gudbaan Ingiriiska
Maamulka Faransiiska ayaa sheegay in tiro sii kordheysa oo muhaajiriin ah ay isku dayayaan inay Marinka Ingiriiska ee Channel-ka uga gudbaan doonyo yaryar, iyagoo adeegsanaya waddooyin cusub oo dheer oo ka imaanaya xeebaha ku yaalla koonfurta iyo galbeedka magaalooyinka Calais iyo Dunkirk.
Nin iska baarayay dhalmo la'aanta oo ilmo-galeen laga helay - xaalad aad u naadir ah
Wiil 26 jir ah oo ku nool magaalada Delhi ee dalka Hindiya, oo laba sano guur ah balse aan wali ubad helin, ayaa u tagay dhakhtar si loo baaro sababta dhalmo la'aantiisa. Intii baaritaanka lagu guda jiray ayay dhakhaatiirtu ogaadeen in gudaha jirkiisa ay ku jiraan ilmo-galeen iyo tuubooyinka ku xiran ilmo-galeenka.
Sidee heshiis uu lagalo Iran uu faa'iido ugu yahay Donald Trump?
Wararka sheegaya in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu fududeeyo cunaqabateynta saaran Iran iyo inuu sii daayo hantida xyiran ayaa waxaa ka falceliyay Donald Trump.
BBC oo gudaha u gashay magaalada Furinta ah ee Yemen, ayadoo xuutiyiintu u dagaallamayaan gacan ku haynteeda
Waa aamusnaan cabsi xambaarsan, sawaxanka baabuurta iyo mootooyinka magaalada is qabsaday halkan kama jirto. Waxa kaliya ee la maqlayo waa cabaadka xoolaha iyo sanqadha rasaasta is dhaafeysa.
Maxay yihiin Remus 600 iyo Dive-LD, noocyada Drone-ka badda Maraykanka ee Iiraan ay sheegtay inay gacanta ku dhigtay
Waa markii labaad ee Iiraan ay qabato aalad is wadda oo Mareykanku leeyahay bishan Sebtembar. Horey, ayaa mas'uuliyiinta Iiraan waxay u sheegeen inay qabteen diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca badda ah
'Safarkii qarsoodiga ahaa ee Netanyahu uu ku tagay Imaaraadka iyo kulankii uu la yeeshay Maxamed bin Zayed'
Telefishanka Channel 12 ee Israa'iil ayaa markii sii horraysay sheegay in Raysalwasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, Axaddii 27-kii Sebtembar, si qarsoodi ah diyaarad gaar ah ugu safray Abu Dhabi, halkaas oo uu kula kulmay Maxamed bin Zayed Al Nahyan, madaxweynaha Imaaraadka Carabta.
Lixdii shil ee ugu darnaa ee badda ka dhacay, ee dunida ruxay
Dhammaadka bisha Sebtembar, dadka reer Senegal waxay xusaan mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu xanuunka badnaa ee soo mara qarankooda.
Magaalo uu maamulo garaadka macmalka ah iyo walaaca laga qabo
Wakiillada garaadka macmalka ah” ayaa si xawli ah u soo dhex gelaya nolol-maalmeedka isticmaalayaasha, iyadoo shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyaduna ay balaayiin doollar ku maalgelinayaan horumarintooda.
Maxay siyaasiyiinta Talyaanigu u soo dhigeen sawirro ay xiran yihiin goonnooyin gaagaaban?
Dalka Talyaaniga, hadal ka soo yeeray Antonio Tajani, oo ah ku-xigeenka Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, kaas oo ahaa in "haweeneyda guurka u diyaarka ah ay tahay inay xirato goonno dheer," ayaa dhaliyay muran ballaaran.
TOOS, Trump oo beeniyay inuu Iran u bandhigay qorshe uu nabad uga baddelanayo cunnaqabateynta Iran saaran iyo Caraqji oo sugayo jawaabta kama dambaysta ah ee Washington
Trump oo beeniyay inuu Iran u bandhigay qorshe uu nabad uga baddelanayo cunnaqabateynta Iran saaran iyo Caraqji oo sugayo jawaabta kama dambaysta ah ee Washington
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Madaxweynaha Iiraan oo u sheegay Trump inaysan weligood 'jilbaha u dhigan doonin'
Markii uu bilaabay khudbadda madaxweynaha Iiraan uu ka jeedinayey QM, wafdiga Maraykanka ayaa caro darteed uga baxay hoolka shirka
Erdogan oo ku baaqay in la joojiyo awoodda diidmada qayaxan ee golaha amaanka ee QM
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ma laha awood diidmo. Awoodda diidmada waxaa iska leh oo keliya shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay: Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Boqortooyada Midowday (UK), iyo Mareykanka.
Maxay horumarka degdegga ah iyo awoodda militari ee sii kordhaysa ee Xuutiyiintu "madax-xanuun" ugu tahay Sucuudiga?
Muddo dhowr maalmood gudahood ah horraantii Septembar, dadaalladii militari, diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Sucuudigu muddo ka badan toban sano ka waday Yemen ayaa u muuqday inay burburayaan.
Xaggee ayay ku dambeeyeen saaxiibbadii halganka ee madaxweynaha Eritrea uu 25 sano xabsiga ku hayay? Muxuuse ahaa dalabkoodu?
Maxay ahayd dalabkii ay soo jeediyeen saraakiisha loo yaqaan Kooxda 15-ka (G15)? Maxay ka yiraahdeen saaxiibbadii Madaxweyne Isaias ee halganka ee muddo rubuc qarni ah aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin?
Maxay Israa'iil ugu ugu dhawaaqday gacanta ku haynta Buuraha Cali Daahir?
Isbadalada dhanka milatariga ee ka socda Buurta Cali Dahir lagama sooci karo sawirka guud ee isbeddelada dhanka milatariga iyo siyaasadda.
Muxuu yahay heshiiska shidaal ee dhexmaray Taliban iyo shirkad Sacuudi ah?
Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban ee Afghanistan ayaa Isniintii magaalada Kabul heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay Sacuudi Carabiya oo la yiraahdo Delta International, kaas oo ku saabsan sahaminta iyo soo saarista saliidda iyo gaaska laga helo goobta Kashk-Tirpul.
Waa kuma Xaafid Ameir? Ninka daaha gadaashiis ka maamulayay Tanzania?
Carruurtooda waxaa ka mid ah Wanu Xaafid Ameir, oo ah siyaasi, xildhibaan ka tirsan deegaanka Makunduchi, isla markaana ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo Teknolojiyadda.
Raysal wasaaraha Canada oo wajahaya tijaabo muhiim ah kadib markii uu ka baxay heshiiskii Trump
Ra’iisul Wasaaraha Canada wuxuu wajihi doonaa tijaabo muhiim ah, maadaama uu u baahan yahay inuu shacabka ku qanciyo in go’aankiisii ahaa inuu ka tanaasulo wadaxaajoodyadii Aqalka Cad uu u qalmo cawaaqibka ka dhalan kara.
Garsoore Mareykan ah oo xayiradda fiisaha ka qaaday Soomaaliya iyo 74 dal oo kale
Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi'iyay siyaasadda maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Nolosha qarsoodiga ah ee hoggaamiyaha Iiran iyo shaki laga muujiyay xaaladdiisa nololeed
Toddobaadkii hore, waxaa magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad lagu qabtay xuska sannad-guuradii 40-aad ee geeridii Cali Khamenei. Xuska munaasabdaas, Mojtaba Khamenei kama uusan soo qaybgelin taxanaha cusub ee xafladahaas, mana jirin wax muuqaal ama cod ah oo laga baahiyay isaga.
Muxuu waddankaan saaxiibka la ah Soomaaliya u diiday in uu ku biiro heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan?
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa hore u sheegay in Masar ay ku biiri karto heshiiska marxalad dambe, sababtoo ah, sida uu sheegay, Qaahira waxaa loo arkaa "saaxiib dabiici ah" oo ka tirsan saddexda waddan.
Cabdi Daysane oo BBC uga warramay guusha uu ka gaaray doorashada Minnesota
Natiijada doorashada hordhaca ah waxay Daysane u tahay tallaabo muhiim ah, waxaana uu hadda diiradda saari doonaa doorashada guud iyo ololaha ballaaran ee ka horreeya.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 30 Sebtembar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 29 Sebtembar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 29 Sebtembar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 28 Sebtembar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.














































































