TOOS, Budhcad-badeed Soomaali ah oo la sheegay in ay laayeen shaqaale markab oo u afduubnaa

War qoraal ah oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in budhcad-badeeddu ay dishay shan qof oo ka mid ah shaqaalaha saarnaa markab ay haysteen ka hor hawlgal ay fuliyeen ciidammada Puntland.

Tebin toos ah

  1. Hoggaamiyaha Burkina Faso oo furay warshaddii ugu horraysay ee sifaysa dahabka

    Ibrahim Tirayore

    Dawladda milatariga ee Burkina Faso ayaa furtay warshaddeedii ugu horreysay ee sifaynta dahabka.

    Tallaabadan ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay dadaallada dalkaasi ku doonayo in uu kheyraadkiisa si gudaha ah uga faa’iidaysto, isla markaana uu gacanta ugu dhigo macdanta muhiimka ah.

    Taliyaha milatariga Ibrahim Tirayore ayaa sheegay in warshaddan loo furay sidii loo yarayn lahaa ku-tiirsanaanta dalka ee dalalka shisheeye marka ay timaaddo sifaynta macdanta.

    Burkina Faso waa mid ka mid ah dalalka Afrika ee ugu waaweyn ee soo saara dahabka, balse dawladda ayaa wajahday caqabado la xidhiidha nidaaminta qaybta macdanta ee aan rasmiga ahayn.

  2. Israa'iiliyiinta la deegaameeyay oo weerarro ku qaaday qoys Falastiini ah

    In ka badan boqol oo qof oo ka mid ah dadka Israa’iiliyiinta ah ee deggan deegaannada la haysto ayaa weeraray tuulo Falastiini ah oo ku taalla Daanta Galbeed, iyaga oo ka hor istaagay qoys Falastiini ah in uu dib ugu laabto gurigooda, kaddib markii ay hore uga qaxeen.

    Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in dadka deggenaa deegaannadaas ee ku sugnaa Jalalud ay dhagxaan tuureen, waddooyinka xireen, isla markaana dab qabadsiiyeen guryo iyo gaadiid.

    Saddex askari oo ka tirsan ilaalada xuduudaha Israa’iil ayaa sidoo kale ku dhaawacmay.

    Qoyska Falastiiniyiinta ah ayaa gurigooda ka qaxay bishii July, kaddib bilo ay la kulmayeen dhibaatooyin iyo weerarro ay ku hayeen dadka deggan deegaannada Israa’iil.

  3. War deg deg ah, Puntland oo BBC-da uga warrantay hawlagl ay ku soo furatay markabka MT Honer 25

    Bile Qabowsade

    Wasiir ku xigeenka wasaaradda wafaafinta Maamul-goboleedka Puntland oo goor dhawayd la hadlay BBC-da ayaa ka warbixiyay hawlgal ay maanta Booliska Badda Puntland ku soo furteen markabka MT Honer 25.

    Bile Maxamuud Qabowsade ayaa sheegay in hawlaglkan ka hor ay budhcad-badeeddu dileen shan qof oo ka mid ahaa shaqaalaha markabka.

    Mar la weyddiiyay in dadkaasi ay ku dhinteen rasaastii la is weydaarsanayay iyo in kale, waxa uu kaga jawaabay in dadkaasi la laayay intii aanay ciidanku soo gaadhin.

    Tirada budhcad-badeedda la qabtay ayaa waxa ay Puntland ku sheegtay 21 qof. Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in hawlgalku uu ka dhacay badda iyo berrigaba.

  4. Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay 10 qof iyo hay’ado “xidhiidh la leh Wasaaradda Difaaca Iraan”

    Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu cunaqabatayn saaray 10 qof iyo hay’ado uu sheegay in ay hub siiyeen Wasaaradda Difaaca ee Iiraan.

    Liiska cunaqabataynta waxaa ku dhawaaqay Xafiiska Xakamaynta Hantida Shisheeye ee Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka, waxaana ku jira magacyada muwaadiniin ka soo jeeda Iiraan, Mexico, Shiinaha iyo Pakistan.

  5. Maxaan ka og nahay markabka dadka lagu laayay ee xeebaha Puntland?

    Xeebaha Puntland

    Budhcad-badeedda ayaa afduubtay markabkan shidaal oo ay saarnaayeen 17 shaqaale ah, kaas oo marayay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida ay BBC-da u sheegeen saraakiil badan oo dhinaca ammaanka ah.

    Saraakiishu waxay sheegeen in markabka Honour 25 ay lix nin oo hubaysani qabsadeen bishii afraad ee sannadkan 30 mayl-badeed u jiray xeebta.

    Markabkan shidaal ayaa ku sii jeeday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

    Saraakiil dhinaca ammaanka ah oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa xilligaas BBC-da u sheegay in markabku siday 18,500 fuusto oo shidaal ah.

    Markabkan ayaa siday 17 shaqaale ah — 10 Pakistani ah, afar Indonesian ah, mid Hindi ah, mid u dhashay Sri Lanka iyo mid u dhashay Myanmar.

  6. Puntland oo war ka soo saartay shaqaale markab oo la sheegay in budhcad-badeeddu dishay

    Shan ka mid ah shaqaalihii markabka shidaalka ee MT Honer 25 ayaa budhcad-badeeddu dileen, xilli ciidammada ammaanka Puntland ay hawlgal ku doonayeen in ay markabka kaga soo furtaan gacanta budhcad-badeedda, ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo goor dhawayd ka soo baxay Puntland.

    Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) waxay sheegtay in dadka la dilay ay saddex ka mid ahi ahaayeen muwaadiniin Pakistani ah, mid Hindi ah, halka mid kalena uu ka soo jeeday Myanmar.

    Afar shaqaale oo kale ayaa ku dhaawacmay hawlgalka, waxaana saddex ka mid ahi ahaayeen Pakistani, halka midna uu ahaa Hindi, sida ay sheegtay PMPF.

    Maamulka Puntland ayaa sheegay in hawlgalkii lagu soo badbaadinayay markabku uu soo dhammaaday, isla markaana MT Honer 25 uu badqabo oo uu gacanta ugu jiro ciidammada dowladda.

    PMPF waxay sheegtay in hawlgalka lagu qabtay 16 qof oo budhcad-badeed ah, halka qaar kale ay baxsadeen oo lagu raadjoogo.

    Xeebaha Puntland