Saddex sababood oo Argentina u sahla inay goolal badan dhaliyaan oo aysan niyad-jabin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo ay harsan yihiin laba kulan oo keliya ka hor Koobka Adduunka 2026, oo ay si wadajir ah u martigelinayaan Mareykanka, Kanada, iyo Mexico, waxaa jira arrimo badan oo soo jiitay dareenka taageerayaasha kubadda cagta.
Qaar ka mid ah xulalka ayaa caan ku ah weerar joogto ah laga bilaabo bilowga ilaa dhammaadka ciyaarta, halka kuwo kalena ay ku xooggan yihiin difaac adag.
Si kastaba ha ahaatee, Argentina, oo saddex jeer ku guuleysatay Koobka Adduunka, waxay leedahay qaab ciyaareed isku dara dhalinta goolasha, go'aan adag, cadaadis joogto ah oo lagu hayo kooxda ka soo horjeeda, iyo xirfado kale oo aan inta badan hal koox lagu wada arag.
Inkastoo Argentina ay tahay kooxda difaacanaysa horyaalka, haddana taasi macnaheedu maaha inaysan la kulmin cadaadis inta lagu jiro kulamada. Waxaase si weyn uga sooca xulalka kale awoodda ay u leeyihiin inay dib u rogaan jihada ciyaarta marka ay la kulmaan xaalado adag.
Marka gool laga dhaliyo, Argentina badanaa ma jahawareerto. Halkii ay niyad jab geli lahaayeen, waxay is dejisaa, dib ayay isu abaabushaa, weerarradeedana si qorsheysan ayay u dhistaa, taas oo u sahlaysa inay mar kale la wareegto gacan ku haynta ciyaarta.
Qaab ciyaareedka ay Argentina soo bandhigtay sanadkan wuu ka duwan yahay kii ay ku ciyaartay Koobkii Adduunka ee Qatar 2022. Inkastoo ay markaas la kulantay caqabado dhinacyo badan leh, haddana sanadkan xulka ayaa soo bandhigay waxyaabo lama filaan ah oo ka dhigay mid ka mid ah kooxaha ugu horreeya ee loo saadaalinayo inay ku guuleystaan koobka, iyagoo oo gaaray ciyaarta kama dambaysta ah markii saddexaad oo xiriir ah.
Argentina waxay muujinaysaa kartideeda, waana kooxda difaacanaysa horyaalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taariikhda tartamada waaweyn ee Koobka Adduunka waxay muujinaysaa in horyaalku uusan ahayn kooxda si fudud u badisa kulamada oo keliya. Horyaal dhab ah waa kooxda leh qaab ciyaareed iyo xeelad u saamaxda inay ka gudubto caqabadaha oo ay u gudubto wareegga xiga mar kasta oo ay la kulanto xaalad adag. Taas ayaana ah waxa ay Argentina ku soo bandhigtay Koobka Adduunka 2026.
Haddii aad si dhow u daawato qaabka ay u ciyaarto Argentina, mar kasta oo gool laga dhaliyo si degdeg ah uma beddesho qorshaheeda ciyaarta. Ciyaartoydu waxay isku dayaan inay la wareegaan gacan ku haynta ciyaarta, kadibna waxay sugaan waqtiga ku habboon ee ay dhaawici karaan kooxda ka soo horjeeda. Sidoo kale, waxay si taxaddar leh u daraaseeyaan meelaha ay ka liidato kooxda ay la ciyaarayaan si ay uga faa'iidaystaan daciifnimadaas.
Arrintan waxaa sidoo kale door weyn ku leh tababaraha xulka iyo sida uu u maareeyo ciyaarta, gaar ahaan beddelka ciyaartoyda iyo fulinta xeeladaha uu dejiyo. Ciyaartoydu waxay si wanaagsan u fuliyaan tilmaamaha tababaraha, taas oo si cad uga muuqata guulaha ay ka gaarayaan tartanka sanadkan.
Ciyaarihii ay Argentina wajahday caqabad adag, balse ay guul ka gaartay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ciyaartii Cape Verde –Wareegga 32-ka, Argentina waxay la ciyaartay Cape Verde, oo ah dal yar oo si weyn loola yaabay kadib bandhiggii uu ka sameeyay wareegga guruubyada, isla markaana markii ugu horreysay taariikhdiisa ka qaybgalayay Koobka Adduunka.
Cape Verde waxay caddeysay inaysan tartanka u imaan dalxiis ahaan. Waxay ka faa'iidaysatay khaladaad ay sameeyeen daafacyada Argentina, waxaana u suurtagashay inay goolal dhaliso.
Lionel Messi ayaa Argentina hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 29-aad, balse Cape Verde ayaa barbaraha ku soo celisay qeybtii labaad ciyaarta, waxaana u dhaliyay Deroy Duarte.
Argentina ayaa markale hoggaanka qabatay kadib gool uu dhaliyay Lisandro Martínez daqiiqaddii 92-aad. Si kastaba ha ahaatee, Cape Verde ayaa mar kale barbaraha keentay 11 daqiiqo kadib. Ugu dambeyn, Diney Borges ayaa daqiiqaddii 111-aad u dhaliyay Argentina goolkii guusha, taasoo u sahashay inay u gudubto wareegga 16-ka.
Haddii si dhow loo falanqeeyo kulanka, waxaa muuqata in ciyaartu gebi ahaanba is beddeshay markii la gaaray qeybihii dambe. Argentina waxay kordhisay xawaaraha iyo weerarrada, iyadoo weerarro ka qaadayay labada garab. Lionel Messi iyo ciyaartoyda kale ee muhiimka ah ayaa si deggan u maamulayay ciyaarta, iyagoo muujiyay xirfad sare.
Argentina ayaa ugu dambeyn ku badisay 3–2, taasoo caddeysay in kooxda aysan quusan xitaa marka cadaadis la saaro ama goolal laga dhaliyo.
Kulankan wuxuu cashar u noqday xulalka kale, maadaama ka adkaanshaha ama gool ka dhalinta Argentina aysan macnaheedu ahayn in ciyaartu dhammaatay.
Masar oo ku dhawaatay inay rajo beeliso Argentina
Haddii kulankii Cape Verde uu ahaa mid adag, kulankii ay Argentina la ciyaartay Masar ee wareegga 16-ka ayaa ahaa caqabad ka sii weyn.
Masar waxay ciyaartay kubbad aad u nidaamsan, deggan oo khibrad leh. Waxay si xawaare leh u weerareysay, isla markaana difaac adag ayay sameysay, taasoo marar badan ku adkaysay Argentina inay hesho fursado goolal lagu dhalin karo.
Qeybo badan oo ciyaarta ka mid ah waxaa muuqatay in Argentina laga yaabo inay ka harto tartanka, maadaama Masar ay si joogto ah u joojinaysay weerarradeeda.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ugu weyn ee kala saaray labada dhinac wuxuu ahaa samirka iyo degganaanta ay Argentina muujisay intii uu kulanku socday, taasoo ugu dambeyn ka caawisay inay ka gudubto caqabadda.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciyaartii england iyo Argentina
Ciyaartan waxay ahayd mid mucjiso ah oo ay dad badan markii hore saadaashu ka qaldantay.
Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa gool kowaad dhalisay Egland taasi oo sare u soo qaaday niyadda taageerayaasha kooxda.
Balse sidii lagu yiqiinay Argentina qeybtii labaad ee ciyaarta ayay wax badan isbadaleen waxayna dhaliyeen goolka bar-bar-dhaca islamarkana daqiiqadii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayay gaareen guusha oo ay dhaliyeen goolka guusha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa maxay sirta guusha Argentina?
Haddii si dhow loo eego qaabka ay Argentina u ciyaarayso Koobka Adduunka ee sanadkan, waxaa jira saddex arrimood oo waaweyn oo ka caawiyay guusheeda.
- Midda koowaad waa kalsoonida ay ciyaartoydu isku qabaan. Ma argagaxaan marka gool laga dhaliyo, balse waxay sii wataan ciyaartooda iyagoo deggan.
- Midda labaad waa xeeladda tababaraha, Lionel Scaloni, oo awood u leh inuu sameeyo isbeddellada saxda ah ee ciyaartoyda waqtiga ugu habboon, taasoo kooxda siisa awood ay ciyaarta ugu soo laabato.
- Midda saddexaad waa khibradda ay leeyihiin ciyaartoyda waaweyn ee kooxda, sida Lionel Messi, kuwaas oo hore ugu soo ciyaaray kulamo waaweyn, isla markaana si wanaagsan u yaqaanna sida loola tacaalo cadaadiska ciyaaraha muhiimka ah.














