Soomaalida oo qodobbo muhiim ah la tagaya shirka wada-tashiga qaran ee Itoobiya

Xigashada Sawirka, Abiy Ahmed Ali
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa si dadban u muujiyay in laga yaabo in wax laga beddelo dastuurka dalka, xilli uu furayay wejiga ugu dambeeya ee wada-tashiga qaran oo shalay ka billowday magaalada Addis Ababa.
Guddiga Wada-tashiga Qaranka, oo in ka badan afar sano soo uruurinayay ajandayaasha isla markaana xulayay ka qaybgalayaasha doodaha ku saabsan arrimaha waaweyn ee dalka, ayaa ugu dambeyn furmay.
Maxamed Cabdi Dheere oo kamid ah aqoonyahanka Dowlad Deegaanka oo aan wax ka weydiinnay oo sharxayey ayaa ku sheegay kulankaan "waa geedi socod ama nidaam loogu talo bulshada qeybaheeda kala duwan ay iskugu yimadaan oo ay danahooda uga wada-hadlaan".
Khudbaddii furitaanka, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu tusaale u soo qaatay habkii loo qoray Dastuurka Maraykanka iyo muddada uu shaqeynayay, isaga oo sheegay in Itoobiya ay sidoo kale u baahan tahay dastuur waara oo mideeya shacabka.
Wuxuu xusay in Dastuurka Maraykanka ay diyaariyeen 55 qof, kuwaas oo uu sheegay inay qabteen shaqo sii jiri doonta qarniyo badan.
"Haddii afarta kun ee qof ee maanta halkan isugu yimid ay ka aqoon iyo karti badan yihiin kuwii qoray dastuurka Maraykanka, isla markaana ay yeeshaan wada-tashi ay ka qayb qaataan dhammaan dhinacyada Itoobiya, dastuurka mustaqbalka ee aan yeelan doono kama ekaan doono kii hore. Waxaan ku bilownay afar kun oo qof, mana aha arrin uu qof keli ahi beddeli karo," ayuu yiri.
Dastuurka Itoobiya oo dhaqangalka ku jiray muddo ka badan soddon sano ayaa ka mid ahaa ajandayaasha ugu muhiimsan ee shirka ay ka qayb galayaan ku dhowaad afar kun oo qof, iyadoo hadallada Ra'iisul Wasaaruhu ay muujinayaan in isbeddello lagu samayn karo.
Abiy Axmed wuxuu sheegay in haddii wax laga beddelo dastuurka ay taasi ku salaysnaan doonto natiijada wada-tashiga qaran, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan si fudud wax looga beddeli karin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Afar sano ayaan wada-tashi wadnay; nidaamka mustaqbalka lama beddeli karo iyadoo aan muddo intaas ka badan laga tashan," ayuu yiri.
Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ka hadlay taariikhda Itoobiya, isagoo sheegay in dalka uu muddo dheer wajahayay colaad iyo cadaawad kaga imaanaysay xoogag dibadeed.
"Haddii la eego taariikhda Itoobiya laga soo bilaabo Gundet ilaa Gura, laga soo bilaabo Adwa ilaa Maychew, iyo laga soo bilaabo Karamara ilaa Badme, waxaa jiray xoogag mar walba isku dayay inay burburiyaan dalka xilliyada uu dhismuhu socday, iyagoo sugayay fursad ay ku farageliyaan oo ay ku wiiqaan himilooyinka Itoobiya," ayuu yiri.
Khudbaddiisa ayuu sidoo kale ku sheegay in luminta marin u helidda Badda Cas ay tahay mid ka mid ah dhacdooyinka taariikhiga ah ee uu ku tilmaamay kuwo murugo leh.
Wuxuu ku eedeeyay dowlad uu ku tilmaamay "aan la dooran oo aan dastuur waafaqsanayn" inay Itoobiya ka dhigtay "maxbuus juqraafiyeed", isla markaana ay lumisay marin-biyoodkii Badda Cas oo uu sheegay in Itoobiya ay maamuleysay kumannaan sano.
Inkasta oo uusan magacaabin dalalka uu ula jeeday inay muddo dheer cadaawad u hayeen Itoobiya, hadalladiisu waxay kusoo beegmayaan xilli uu sii xoogeysanayo muranka Itoobiya ee ku saabsan helitaanka Badda Cas, iyadoo sidoo kale xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu sii xumaanayo.
Masar, oo muran kala dhexeeyo Itoobiya arrinta Biyo-xireenka Wabiga Niilka (GERD), ayaa iyaduna sii xoojinaysa xiriirka ay la leedahay Eritrea.
Abiy Axmed wuxuu sheegay in dhibaatada ugu weyn aysan ahayn awood dibadeed oo hor istaagtay himilooyinka Itoobiya, balse ay tahay tabardarri gudaha ah.
"Mar walba waxaan luminnaa danahayaga, sababtoo ah waxaa jira kuwo mar kasta nala daba socda oo sugaya fursad ay uga faa'iidaystaan khaladaadkeenna," ayuu yiri. Isaga oo intaas ku daray "Annaga ayaa dooranna oo iibsanna lo'da, annaga ayaana leh dambiisha. Waxaan idiin xaqiijinayaa in gorgorna aanu hal kiilo oo hilib ah ka qaadan karin dambiisheena haddii aynaan annagu doonayn ama uga tegin."
Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in siyaasadda Itoobiya ay inta badan ku bilaabato hadallo adag kuna dhammaato hadallo adag, isagoo ugu baaqay shacabka iyo madaxda inay joojiyaan kala qaybsanaanta.
Wuxuu sheegay in waxa Itoobiya ka caawiyay inay qarniyo badan ka gudubto caqabadaha ay yihiin dhexdhexaadin, wada-hadal, iscafis iyo isu tanaasul, isagoo xusay in dhaqankaasi uu yahay tiirka adkeysiga dalka.
Kulanka ugu dambeeya ee wada-tashiga qaran oo maanta ka furmay xarunta Addis Convention Center ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ka qayb galay in ka badan afar kun oo qof oo ka kala yimid gobollada, degmooyinka, dowlad-deegaannada iyo sidoo kale Itoobiyaanka qurba-joogta ah.
Borofisar Mesfin ayaa u sheegay BBC-da in afarta kun ee ka qaybgalayaasha ah loo qaybin doono kooxo kala duwan si ay uga doodaan ajandayaasha horyaalla, iyadoo gunaanadka shirka lagu wareejin doono Guddiga Wada-tashiga Qaranka ee Itoobiya.
Maxay Soomaalida la tagaysaa shirka?
Sida uu sheegayo Proff Maxamed Cabdi Dheere, Soomaalida waxaa miiska u saaran haddii laga guurayo nimaadka qowmiyadaha in loo guuro nidaam kan kasii fur furan oo maamulladu awoodaan in ay awooddooda isticmaalaan.
"Geeddii socodkaan deegaan kasta waxaa laga soo ururiyey tabashadiisa, Soomaaliduna waxa ay gudbisay 16 qodob oo ay Buug ka sameeyeeen, waxaa kamid ah adkeynta nidaamka federaalka ee qowmiga ku saleesan iyo in ,manhajka lagu soo daro diinta Islaamiga, iyo taariikhda Soomaalida".
Dhanka kale, qodobka 39aad ee dastuurka Itoobiya ayey Soomaalida u arkaan mid lama dhaafaan ah oo muhiim u ah, kaa soo ka hadlaya awoodda madax banaaanida qowmiyadaha Itoobiya daga, sida uu sheegayo Borofisoor Maxamed Dheere "ajandaha labaad ee laga wada hadlayo waxaa kamid ah nidaamka dowliga ah ee Itoobiya sidee ayuu noqonayaa, hadda waxaa la haystaa nidaamka federaalka ah ee qowmiga ku saleesan kaas oo ku hoos jira qodobka 39aad ee sheegaya in qowmiyaddu u madax bannaan tahay isdhaqankeeda, taariikhdeyda, sidoo kale aayo ka tashi heer go'itaan ah, qodobkaas oo kale waa la isku fahmi la'ayahay, dadka qaar waxa ay leeyihiin waxa uu keenayaa in Itoobiya kala tagto, halka dadka ay ku doodayaan waaba qodobka keenaya aaminaadda iyo dammanad qaadka".
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qayb galay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, saraakiil sare oo dowladda ka tirsan, madaxda ciidamada, wakiillo ka socday Midowga Afrika iyo IGAD, iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo.















