Maxay 8 ka mid ah 10-ka waddan ee ugu dadka badan adduunka u ciyaari waayeen Koobka Adduunka?

Taageerayaasha reer Bangladesh, maaddaama uu dalkoodu ka maqan yahay Koobka Adduunka, waxay taageeraan xulalka kale, sida Argentina.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Goolkii uu Lionel Messi uu ka dhaliyay Aljeeriya koobka adduunka ee 2026 wuxuu dhaliyay dabaaldeg weyn oo ka dhacay caasimadda Bangladesh ee Dhaka, halkaas oo taageerayaal maxalli ah oo xidhan maaliyadaha Argentina ay si weyn u damaashaadeen, iyadoo xamaasad taasi la mid ahna laga dareemay magaalooyin ku yaalla Hindiya iyo Indooniisiya.

Taageerayaashan ayaa doortay i nay taageeraan Argentina maaddaama xulalkooda qaranka ay ku fashilmeen in ay u soo baxaan Koobka Adduunka.

Arrintan waxay muujinaysaa sida waddamada ugu dadka badan adduunka ay uga dambeeyaan kubbadda cagta.

Tobanka waddan ee ugu dadka badan adduunka, Mareykanka iyo Brazil oo kaliya ayaa usoo baxay tartankan; Ruushka iyo Nigeria hore ayay u yimaadeen, halka Shiinaha iyo Indooniisiya ay hal mar kaliya ka qaybgaleen. Dhanka kale, Hindiya oo ah dalka ugu dadka badan adduunka, Bangladesh, Itoobiya, iyo Pakistan marnaba ma aanay tagin Koobka Adduunka—inkasta oo Hindiya ay u soo baxday sanadkii 1950-kii balse ay isaga baxday tartanka ka hor int aanu bilaaban.

Ma tirada dadka waddanka ayaa dhab ahaan muhiim ah?

Marka laga eego dhinaca aragtida, marka uu dalku dad badan yahay, waxaa sii kordhaya fursadda laga heli karo ciyaartoy hibo leh. Tani waxay caddayn u tahay in toddoba ka mid ah siddeedii waddan ee ku guuleystay Koobka Adduunka, sida Argentina, Brazil, England, France, Germany, Italy, iyo Spain ay yihiin waddamo dad tiro badan leh.

Si kastaba ha ahaatee, Stefan Szymanski oo ah dhaqaalyahan u dhashay dalka Ingiriiska, ahna qoraaga buugga caanka ah ee "Soccernomics", wuxuu aaminsan yahay in tirada dadku ay tahay kaliya mid ka mid ah dhowr arrimood oo muhiim ah.

Szymanski wuxuu xusay in kubbadda cagtu ay aad ugu dhowdahay qaabka ay u shaqeeyaan dhaqaalaha waddamada. Si guul loo gaadho, looma baahna oo kaliya tirada dadka, laakiin waxaa sidoo kale muhiim ah in la helo raasamaal iyo kaabayaal dhaqaale, kuwaas oo marka loo eego kubbadda cagta la macno ah: tasjiilaadka tababarka iyo awoodda lagu ogaan karo hibada ciyaartoyda.

Si kastaba ha ahaatee, Brazil iyo Argentina oo dakhligoodu yar yahay ayaa haddana wada guulaystay siddeed Koob Adduun. Tani waxay muujinaysaa muhiimadda qodobka ku saabsna aqoonta farsamo u u leeyahay ciyaaraha. Aqoontan oo ku timaadda khibrad ayay leeyihiin waddamada hantiyay Koobka Adduunka.

Dadaalka loogu jiro Koobka Adduunka

Morocco waa tusaale fiican oo muujinaya xulalka ku cusub ee waddamada awoodda ku leh kubbadda cagta, kuwaas oo isku dayaya in ay soo yareeyaan farqiga u dhexeeya iyaga iyo quwadaha soo jireenka ah ee kubbadda cagta.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Si fudud, waddamada guuleysta waa kuwa taariikhda ugu dheer ku leh ciyaarista kubbadda cagta, sida Yurub iyo Koonfurta Ameerika. Tani waxay sharxaysaa sababta Uruguay oo dad yar leh ay labo jeer u qaadday Koobka Adduunka, maaddaama ay ciyaarteedii ugu horreysay dheeshay 1902.

Waddamada Afrika iyo Koonfurta Aasiya ayaa ku qasbanaaday in ay dadaal u galaan soo gaadhista heerkaas. Qaarkood waxay gaareen guulo layaab leh, sida Morocco oo tagay nus-dhamaadka 2022 iyo Kuuriyada Koonfureed oo soo gashay afarta ugu sarreysa 2002.

Si kastaba, Mr. Szymanski wuxuu xusay in waddamada aybka mid yihiin Indoneesiya, Hindiya, iyo Bangladesh ay ku guuldarraysteen in ay farqigaas soo qabtaan. Wuxuu rumaysan yahay in ay haysto agab-yari, xataa haddii ay lacag geliyaanna ay weli la dhibtoon doonaan aqoon-yaraanta dhanka farsamada ciyaaraha.

Dhibaatada ciyaareed ee Itoobiya

Itoobiya waxay sannadkii 2014 qarka u fuushay in ay markii ugu horraysay u soo baxdo Koobka Adduunka.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Itoobiya weligeed uma soo bixin Koobka Adduunka. Inkasta oo ay ku guuleysatay Koobka Afrika ee 1962, fursaddeedii ugu fiicnayd waxay ahayd isreebreebkii Koobka Adduunka ee 2014, halkaas oo ay soo gaartay wareegga ugu dambeeya balse ay guuldarro kala kulantay Nigeria.

Hadda, kubbadda cagta Itoobiya waxay la dhibtoonaysaa maalgashi la'aan baahsan. Tusaale ahaan, horyaalka heerka koowaad ee dalkaas wuxuu caqabad kala kulmay garoomo la'aan; Kifle Seife, oo ah maareeyaha horyaalka, ayaa sheegay in xilli-ciyaareedkan in ka badan 380 kulan lagu dhex qabtay kaliya saddex garoon oo la aqoonsan yahay.

Garoomo la'aantan ayaa sidoo kale saamaysay xulka qaranka ragga ee Itoobiya, kuwaas oo ku qasbanaaday in ay kulamadooda isreebreebka Koobka Adduunka ku ciyaaraan dalka Morocco.

Cricket-ka; ma caqabad baa mise waa marmarsiinyo ka jira Koonfurta Aasiya?

Dad badan oo ku sugan Koonfurta Aasiya waxay rumeysan yihiin in caannimada Cricket-ka ay caqabad ku tahay horumarka kubbadda cagta.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Waddamada qaar waxay u muuqdaan in ay u dhibtoodeen guulaha ay ka gaareen ciyaaraha kale. Tusaale ahaan, Hindiya waa mid ka mid ah quwadaha ugu waaweyn ee ciyaarta Cricket-ka, horyaalkoodana waa kan ugu qanisan adduunka.

Sida uu sheegay xiddigii hore ee qaranka Hindiya, Shyam Thapa, arrintani waxay adkaysay soo jiidashada hibada cusub; guusha horyaalka Cricket-ka ee Hindiya waxay ku riixday waalidiinta dabaqadda dhexe in ay carruurtooda ka bixiyaan kubbadda cagta una weeciyaan Cricket-ka, in kasta oo uu xusay in kubbadda cagta xirfadlaha ahna laga heli karo dakhli aad u sarreeya.

Si kastaba ha ahaatee, Udit Karim wuxuu tilmaamay in waddamada sida Australia iyo New Zealand ay hormar ka samaynayaan kubbadda cagta iyagoo u soo baxaya Koobka Adduunka, in kasta oo ay sidoo kale yihiin quwado weyn oo Cricket-ka ciyaara.

Maxaa ka qaldan Shiinaha?

Shiinuhu wuxuu guuldarro kala kulmay dhammaan saddexdii kulan ee wareegga kooxaha ee Koobka Adduunka 2002, isagoon xitaa hal gool dhalin.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, چین در جام جهانی ۲۰۰۲ هر سه مسابقه مرحله گروهی خود را بدون زدن حتی یک گل، باخت
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xaaladda Shiinaha ayaa laga yaabaa in ay tahay tan ugu murugsan. In kasta oo uu dalkani yahay midka ugu guulaha badan taariikhda Ciyaaraha Olombikada ee tobannaankii sano ee la soo dhaafay, haddana dadaalkiisii kubbadda cagta ragga ma dhalin natiijooyin wanaagsan.

Mark Dreyer oo ah khabiir ku xeeldheer kubbadda cagta Shiinaha ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ay tahay in wax kasta ay maamusho dawladda, maamulkuna uu yahay mid kor ka yimid oo ay ku badan tahay faragelinta siyaasadeed, halkii loo dayn lahaa dadka yaqaanna kubbadda cagta.

Shiinaha ayaan dib ugu soo laaban Koobka Adduunka tan iyo sanadkii 2002, inkasta oo tan iyo 2010-kii uu maalgashi weyn ku sameeyay sidii uu heerka horyaalkiisa kor ugu qaadi lahaa, isagoo soo jiitay xiddigo caan ah oo ka yimid Koonfurta Ameerika iyo Yurub.

Dhanka kale, Indoneesiya waxay Koobka Adduunka ka qaybgashay hal mar oo kaliya sanadkii 1938-kii, xilligaas oo ay ku tartantay magaca "Dutch East Indies" maaddaama ay gumeysi u ahayd Holland. Si kastaba ha ahaatee, Indoneesiya waxay qaadday waddo guul leh oo ay ugu soo baxday wareegga ugu dambeeya ee isreebreebka Koobka Adduunka 2026.

Ugu dambeyntii, waddamada Pakistan iyo Bangladesh ayaa ku hadhay wareegga kooxaha ee isreebreebka Aasiya, iyaga oo aan hal guul ah ka gaadhin lixdii kulan ee ay dheeleen. Sidoo kale, Pakistan ayaa intii u dhaxeysay 2017 iyo 2025 saddex jeer laga ganaaxay ciyaaraha caalamiga ah ee FIFA, sababo la xidhiidha khilaafaad siyaasadeed oo ka dhex jiray xidhiidhka kubbadda cagta ee dalkaas.

Sidaa darteed, taageerayaasha kubbadda cagta ee waddamo badan, sharafta ah in ay arkaan xulkooda oo si guul leh uga qaybgalaya Koobka Adduunka waxay u muuqataa mid weli aad u fog.