BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
TOOS, Turkiga, Ciraaq iyo Georgia oo noqday waddamadii ugu horreeyey ee mamnuucay diyaaradaha Iraan, kadib go'aankii Maraykanka
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessant uu sheegay in shirkadaha diyaaradaha Iran laga mamnuuci doono inay si caalami ah u duulaan maalmaha soo socda.
Ingiriiska oo sheegay in Sacuudiga ay siinayaan taageero 'difaac militari ah'
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in go'aankan uu yimid kaddib markii Sacuudigu codsaday "taageero militari".
Goobtani ma waxay noqotay caasimadda cusub ee ragga ugu taajirsan dunida?
Aasaasaha Facebook, Mark Zuckerberg, ayaa bishii Maarso iibsaday hantidii ugu qaalisanayd ee abid laga iibiyo magaalada Miami; wuxuu ku bixiyay $170 milyan guri aad u weyn oo baaxaddiisu tahay 2,800 oo cagood oo laba-jibbaaran, kaas oo laga dhisayay jasiirad gaar loo leeyahay oo ku taal Indian Creek.
Masar oo madax CIA-da Maraykanka kala hadashay arrin ku saabsan Soomaaliya
Madaxweynaha Masar oo kulan la qaatay madaxa Hay'adda Sirdoonka Dibadda Maraykanka ee CIA ayaa si cad ugu sheegay in dowladda Masar ay qaas ah u diidan tahay in lagu xadgubo madaxbanaani dhuleed iyo xuduudeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida algu daabacay bogga rasmiga ah ee madaxtooyada dowladda Masar.
3 waxyaabood oo ay tahay qoysasku inay hadda sameeyaan oo ku saabsan El Nino
El Niño sanadkan kuma koobna oo kaliya roobabka. Waa ifafaale cimilada la xiriira oo saameyn ku yeelan kara cuntada, gaadiidka, caafimaadka iyo dakhliga qoysaska, iyadoo la filayo in saameynteedu ay sii socoto ilaa sanadka 2027-ka.
10 hoggaamiye oo Afrikaan ah oo la dilay iyaga oo xilka haya
Qaar ka mid ah dilalkani ma ahayn oo keliya loolan siyaasadeed oo gudaha ah oo xukunka loogu tartamayay, balse waxay ahaayeen shirqoolo ay soo abaabuleen dad gudaha ah iyo kuwo dibadda ka yimid.
Colbat, lithium iyo uranium: Maxay yihiin macdanta muhiimka ah ee uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay in laga helo dalka, maxaase loo adeegsadaa?
Liisaska macdanaha muhiimka ah way ku kala duwan yihiin dalalka, iyadoo ay ku xiran tahay kheyraadka ay haystaan iyo warshadaha ay ku shaqeeyaan.
Isbahaysiga fallaagada ma noqon karaa caqabad cusub oo dhinaca amniga ah oo Itoobiya ka dhalata?
Isbahaysi ay sameystaan kooxaha fallaagadu ma awoodi karaa inuu caqabad dhab ah ku noqdo dowladda Itoobiya, oo muddo dheer dagaallo kula jirtay dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee waqooyiga dalka?
ONLF iyo kooxo kale oo waaweyn oo ku heshiiyay inay xukunka ka tuuraan Abiy Axmed
Itoobiya ay bishii October, sanadkii 2018 heshiis nabadeed la gashay ONLF, kuwaas oo ay horey ugu calaamadisay "koox argagixiso ah."
Maraykanka oo Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarnyed, iyada oo ay sii kordheyso xiisadda Baabal Mandab
Xafiiska Mareykanka u qaabilsan Xakamaynta Hantida Dibadda ayaa sheegay in Mareykanku liiska cunaqabataynta ka saaray Ciidamada Difaaca Eritrea iyo hay'ado kale.
Maraykanku ma wuxuu qorsheynayaa in uu weerar cusub ku qaado Iran isaga oo kaa shaanaya dalalka carabta?
Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya, oo ah hay'adda ugu sarreysa ciidamada Iran, ayaa sheegtay in Mareykanku uu isu diyaarinayo inuu mar kale weeraro Iran iyadoo ay taageerayaan qaar ka mid ah waddamada gobolka.
Ukraine oo qaadday weerarkii ugu ballaarnaa abid ee gudaha Ruushka, iyadoo doorashooyin socdaan.
Ukraine ayaa maanta qaadday weerarkii ugu ballaarnaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee abid lagu qaado caasimadda Ruushka ee Moscow, sida uu sheegay Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Maxay Israa'iil ugu ugu dhawaaqday gacanta ku haynta Buuraha Cali Daahir?
Isbadalada dhanka milatariga ee ka socda Buurta Cali Dahir lagama sooci karo sawirka guud ee isbeddelada dhanka milatariga iyo siyaasadda.
Muxuu yahay heshiiska shidaal ee dhexmaray Taliban iyo shirkad Sacuudi ah?
Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban ee Afghanistan ayaa Isniintii magaalada Kabul heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay Sacuudi Carabiya oo la yiraahdo Delta International, kaas oo ku saabsan sahaminta iyo soo saarista saliidda iyo gaaska laga helo goobta Kashk-Tirpul.
Waa kuma Xaafid Ameir? Ninka daaha gadaashiis ka maamulayay Tanzania?
Carruurtooda waxaa ka mid ah Wanu Xaafid Ameir, oo ah siyaasi, xildhibaan ka tirsan deegaanka Makunduchi, isla markaana ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo Teknolojiyadda.
Raysal wasaaraha Canada oo wajahaya tijaabo muhiim ah kadib markii uu ka baxay heshiiskii Trump
Ra’iisul Wasaaraha Canada wuxuu wajihi doonaa tijaabo muhiim ah, maadaama uu u baahan yahay inuu shacabka ku qanciyo in go’aankiisii ahaa inuu ka tanaasulo wadaxaajoodyadii Aqalka Cad uu u qalmo cawaaqibka ka dhalan kara.
Garsoore Mareykan ah oo xayiradda fiisaha ka qaaday Soomaaliya iyo 74 dal oo kale
Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi'iyay siyaasadda maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Nolosha qarsoodiga ah ee hoggaamiyaha Iiran iyo shaki laga muujiyay xaaladdiisa nololeed
Toddobaadkii hore, waxaa magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad lagu qabtay xuska sannad-guuradii 40-aad ee geeridii Cali Khamenei. Xuska munaasabdaas, Mojtaba Khamenei kama uusan soo qaybgelin taxanaha cusub ee xafladahaas, mana jirin wax muuqaal ama cod ah oo laga baahiyay isaga.
Muxuu waddankaan saaxiibka la ah Soomaaliya u diiday in uu ku biiro heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan?
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa hore u sheegay in Masar ay ku biiri karto heshiiska marxalad dambe, sababtoo ah, sida uu sheegay, Qaahira waxaa loo arkaa "saaxiib dabiici ah" oo ka tirsan saddexda waddan.
Cabdi Daysane oo BBC uga warramay guusha uu ka gaaray doorashada Minnesota
Natiijada doorashada hordhaca ah waxay Daysane u tahay tallaabo muhiim ah, waxaana uu hadda diiradda saari doonaa doorashada guud iyo ololaha ballaaran ee ka horreeya.
Trump oo qirtay in si qarsoodi ah loo saaray diyaarad aan ahayn tan madaxweynaha cabsi laga qabo Iran
Arrintan ayaa soo shaac-baxday ka dib markii la soo wariyay in Trump uu raacay diyaaradda Air Force One 8-dii July iyadoo ay arkayaan kamaradaha telefishinka, ka hor inta uusan ku dhuuman gaari cuntada qaada si loogu wareejiyo diyaarad milatari.
Sidee BBC-du ugu suurtagashay inay dabagal ku hesho madaxii sirdoonka Bashar al-Assad ee is qarinayay?
Waxaan sawirro ka qaadnay bog kasta oo ka mid ah buug-xusuustii laga helay guriga Hussam Luka, markii aan London ku soo laabannayna, waxaan bilownay inaan hubinno dhammaan 155-ka lambar ee taleefan ee ku qornaa.
Warar sheegaya in Trump uu ku dhex dhuuntay gaariga cuntada ee gudaha diyaarad sir ah cabsi laga qabay hanjabaadda Iiraan
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka laga wareejiyay diyaaraddii hore ee Air Force One oo la saaray diyaarad ciidan, xilli uu ka soo baxayay shir madaxeedka NATO oo bishii hore ka dhacay Turkiga.
Maxaad kala socotaa heshiiska difaac ee seddex-geesoodka Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga
Il wareed ku dhow dowladda Sacuudiga, oo xogta siiyay AFP, ayaa xaqiijiyay in heshiiska lagu saxiixi doono maalinta Jimcaha ee magaalada Jeddah oo ku taal xeebta Badda Cas.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 22 Sebtembar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 22 Sebtembar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 21 Sebtembar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 21 Sebtembar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.














































































