Ma ogtahay in warshadaha teknoolajiyadda ay kaa haqab-tiri rabaan isticmaalka muraayadaha?

Teknolojiyad

Xigashada Sawirka, BBC/ Serenity Strull/ Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Qaar ka mid ah maamulayaasha teknoolajiyada waxay qabaan aragti ah inaad waqti aad u yar ku qaadato inaad eegto telefoonkaaga.

Haddii aad waligaa ku fikirtay in ay dhegahaagu lahaadaan indho, maanta waxaan kuu hayaa war wanaagsan. Waxaa muuqata in sanadka soo socda ay shirkadda Apple soo saari doonto agabka AirPods oo lagu rakibay kamarado muqaalada iyo maqalka gudbiya.

Sida la aaminsanyahay, kamaradahani ma noqon doonaan kuwa sawirro lagu qaado. Sida ay qortay warbaahinta Bloomberg, kamaradahani waxay gudbin doonaan keliyeto xogta ku saabsan deegaankaaga waxaana xogta loo gudbini kaaliyaha casriga ah ee loo yaqaano Siri, taasi ayaa kuu sahli doonta inaad aaladahaaga ula falgeli karto adigoo aan eegin.

Shirkadda Apple weli kama hadlin wararkaas, ma aysan xaqiijin mana ay beenin laakiin warbixinta Bloomberg waxay ka timid wariye la aamini karo oo sirta shirkadda soo bandhiga.

In ka badan 60 sano, shaashaduhu waxay ahaayeen habka ugu weyn ee aynu kumbuyuutarrada ula falgalno. Hadda waxaa suurtagal ah in ay yaraadaan oo ay suuqa ka baxaan.

Marka laga reebo okiyaalaha casriga ah iyo qalabka kale ee luqunta lagu xidho ee silsiladda casriga ah ee waxduubta oo loo yaqaano AI pendants, shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyada ku dheereeya waxay samaynayaan qalab kaa caawin doona inaad shaashadda si xaddidan uu isticmaasho. Haddii qorshahan hirgalo, wuxuu gebi ahaanba beddeli karaa habka aynu kumbuyuutarrada u isticmaalno.

Ma cadda in sawirkanu fiican yahay iyo in kale. Waxay keeni kartaa in tiknoolajiyada aan maalin walba isticmaalno ay noqoto mid fudud oo saaxiibtinimo badan leh. Ama waxay keeni kartaa in tiknoolajiyadu nolosheenna ka badan gasho.

Laakiin inta aynaan halkaas gaarin, adiga iyo malaayiin kale oo dunida kunool waa inaad ka jawaabtaan su'aal muhiim ah: Dhab ahaantii, dadku ma rabaan isbeddelkaan?

Ma macasalaameynaynaa shaashadaha?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Toddobaadkii hore, shirkadda Snap ee leh Snapchat waxay soo saartay muraayada cusub oo AI ah oo la yiraahdo Specs. Qiimahoodu aad ayuu qaali uu yahay ee waxaa lagu iibiyaa lacag dhan £1,995 UK iyo $2,195 Mareykanka.

Warka naxdinta leh oo qabsaday warbaahinta ee isticmaalka Specs wuxuu ahaa muuqaal laga baahiyay shaashadaha oo tusiinaayay in muraayaduhu dhagaha tireen madaxa sare ee shirkadda Mr Evan Spiegel.

Asagoo ka war celinaayay ayuu mas'uulkaasi si fudud kuyiri "dhegaheyga sidaasay ayay marka horeba ahayeen".

Specs waay ka weyn yihiin oo ka culus yihiin inta badan muraayadaha kale ee casriga ah - inkastoo afhayeenka shirkaddu uu BBC u sheegay in saacado badan la xiran karo.

Laakiin Specs waxaa laga yaabaa inay leeyihiin waxyaabo cusub oo aan horay loo arag. Waxa ugu muhiimsan waa in shirkaddu sheegtay inaad isticmaali karto adigoon taleefan ama qalab kale u baahnayn. Inta badan muraayadaha kale waa inay ku xirmaan taleefanka.

"Sanadihii hore, kumbuyuutarradu marka aan isticmaalayno waa inaan hoos uu eegno oo aan fadhino, ama aan ka baxno xiliga aan," ayuu Spiegel yiri.

Shaashadaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qalabka AI ee la xiran karo ayaa beddeli kara inta badan shaqada taleefankaaga iyada oo aan lahayn shaashad. Laakiin ma isticmaali lahayd taleefankaaga si ka yar, mise qalab cusub ayaad ku dari lahayd isku darka? (Amaah: Getty Images)

Wuxuu maamulaha intaasi ku daray in muraayaduhu Specs ay bilowga nooca cusub oo kumbuyuutar ah noqonayaa ."

Specs waxay leeyihiin shaashad yar oo ku jirta muraayadaha sida muraayadaha shirkadda Meta qaarkooda mana ah qalab baddalaayo aragaaga ama kaaga baahan inaad mar walba shaashadda eegto. Specs waxay si kooban wax kuugu sahlaysaa waxa aad indhahaaga ku aragto.

Badanaa dad badan ma haystaan lacagta ama dulqaadka dhagaysiga ee ay ku xiran karaan muraayadaha noocan ah. Laakiin kuwa iibsan kara, Specs waxay leeyihiin wax cusub oo dhab ah.

Suuqa muraayadaha casriga ah ayaa hadda aad u weyn. Muraayadaha casriga ah ee shirkadda Meta ayaa ugu badan oo la iibsado - waxaa la iibiyay ilaa 7 milyan oo xabo muddo gaaban gudeheeda.

Toddobaadkan keliya shirkaddu waxay soo saartay kuwo cusub oo haddana qiima jaban inkastoo dad badan ay ka walwalsanyihiin in waxa iyaga uu qarsoon dibadda laga arko ama laga maqlo.

Dhibaatada ugu weyn ee laga wajahay muraayadahani ayaa ah inay jiraan dad kaamirooyinka muraayadaha shirkadda Meta u isticmaala inay dadka qarsoodi wax uga duubaan oo ay dabadeedna ku dhibaateyaan.

Sababtoo ah qofka ma garan karo mararka qaarkood ma inay ku duubayso iyo in kale. (Muraayadaha Meta iyo Snap way ka duwanyihiin ee waxay kutisaysaa iftiin yar oo shidmaya marka uu qofka wax duubaayo. Iyagoo ay taas jirto ayay dad badan dhahayiin taas kuma filna.)

Waxaa la sheegayaa in Meta ay ka fikirayso in ay soo saarto muraayado casri ah oo cod keliya ah duubaya oo aan kaamiro lahayn. Qofka ugu suurtogal ka ah inuu xalliyo dhibaatada keliyinimada shakhsiga waxaa laga yaabaa inuu yahay shirkadda Apple.

Kalinimada shakhsiga waa qaybta ugu muhiimsan oo ka mid ah sharuudaha suuqgeynta ee shirkadda Apple. Sidoo kale waay sahlan tahay in la qiyaaso sida badeecadooda cusub ee la sheegayo ay uga fogaan karto walaacyada kalinimada.

Haddii wararku run yihiin, kaamirooyinka AirPods ma oggolaan doonaan inaad sawiro ama muuqaal duubto sida kaamiro caadi ah. Apple waxay sidoo kale - aragti ahaan - ku farsamayn kartaa dhammaan macluumaadka muuqaalka ee kaamirooyinka taleefankaaga, adigoon u dirin internetka ama aan ku kaydin meel kale.

Haddii aan walaaca gaarnimada hal daqiiqo dhinac dhigno - aan iska Ilowno bal wax yar le. Adduunkan cusub muxuu u ekaan doonaa bay kula tahay?

Waxaan aniga uu arkaa laba dhinac. Midda wanaagsan ayaa ah in kaamirooyinka AirPods-kaagu ay kuu soo bandhigi karaan dhamaan macluumaad ku saabsan wax kasta oo agtaada ka dhacaya adigoon shaashadda hal marna eegin.

Tusaale ahaan, waxaad furi kartaa qaboojiyahaaga oo aad ku heli kartaa fikrado cunto karis ah oo ku saleysan waxa aad haysato adigoon waxba qorin, adigoo isticmaalaya kaamirooyinka AirPods-kaaga ayaad si fudud wax walbo ku qabsan kartaa.

Waxaa laga yaabaa in aadan waxaas oo dhan rabin inaad qabato, laakiin waxaad haysataa fursad aad wax kasta ku qaban karto adigoon shaashadda u baahnayn.

Ha tuurin taleefankaaga hadda

Shirkadda Apple ma gelin laheen fikradda tiknoolajiyada noocan ah haddii aysan maskaxda ku haysan isticmaalka teknoolajiyada oo la isku halayn karo," ayuu yiri Ben Wood, oo ah falanqeeyaha guud ee shirkadda cilmi-baarista suuqa tiknoolajiyada ee FDM CSS Insight, islamarkaana ah khabiir caan ah oo ku takhasusay tiknoolajiyada la qaadan karo. "Waxaa ku kooban oo keliya mala-awaalkayaga waxa ay dadku ku qaban karaan aaladahan cusub ee soo socda."

Taas macnaheedu waa waxaad awoodi doontaa inaad socoto oo aad qalabkaaga isticmaasho adigoon indhahaaga ka qaadin waxa kugu wareegsan. Maalmahan oo dadku aad uga walwalsan yihiin wakhtiga ay shaashadda ku qaataan, isbeddelkani wuu fiicnaan karaa.

Laakiin waxaa sidoo kale jira dhinac kale oo xun. Shirkadaha tiknoolajiyada waxay lacag badan ku shubeen shaashadaha. Tusaale ahaan, Apple lacagta ugu badan waxay ka heshaa iibinta telefoonada, laptop-yada iyo qalabyada kale ee leh shaashad.

Haddii qalabka aan shaashad lahayn uu caalamka kusoo faafo, waxaa laga yaabaa inuu noqdo habka kaliya oo naga dhigaya inaan tiknoolajiyada la jaan qaadno oo aan isticmaalno mar kasta.

Waxaan sii wadi doonaa inaan shaashadaha eegno sida caadiga ah, laakiin waxaan sidoo kale heli doonnaa qalab aan shaashad lahayn oo aan isticmaali karno marka aan indhahayaga wax kale ku mashquulsanahay, tusaale ahaan markaad socoto, ayuu yiri maamule Wood.

"Waxaan hubaa in taleefanku meelna uusan ka bixin, waana qayb ka mid ah nolosheena maalinlaha ah," ayuu yiri Wood. "Laakiin waxaan u maleynayaa in shirkadaha tiknoolajiyada iyo dadka qaar ay rabaan inaan madaxayaga kor u qaadno"