Ukraine oo qaadday weerarkii ugu ballaarnaa abid ee gudaha Ruushka, iyadoo doorashooyin socdaan.

Ukraine ayaa maanta qaadday weerarkii ugu ballaarnaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee abid lagu qaado caasimadda Ruushka ee Moscow, sida uu sheegay Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin.

Kooban

  • Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka
  • Trump oo soo gaabiyey fasaxiisii kuna laabtay Aqalka Cad iyo wararkii ugu dembeey ee Bari Dhexe
  • Xuutiyiinta oo sheegay inay gantaallo ballistic ah ku bartilmaameedsadeen caasimadda Sacuudiga, Riyadh

Tebin toos ah

  1. Gabadha la dhalatay Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistaan oo xabsiga la dhigay

    Gabadha la dhalatay Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistaan oo xabsiga la dhigay

    Xigashada Sawirka, REUTERS/Salahuddin

    Walaasha raysalwasaarihii hore ee Pakistan, ee hadda xiran Imran Khan, ayaa la xiray ka hor dibadbaxyada toddobaadka soo socda ee lagu taageerayo isaga.

    Xisbiga Imran Khan ee Tehreek-e-Insaf ayaa sheegay in Aleema Khanum lagu xiray magaalada Lahore ee bariga Pakistan, galabnimadii Axadda, 20-ka Sebtembar. Mas’uuliyiinta xisbiga ayaa xarigga ku tilmaamay mid “sharci-darro ah”. Wiilkeedana wuxuu dalbaday in hooyadii la sii daayo oo dib loogu celiyo qoyskeeda.

    Sida ku cad amar xarig oo uu soo saaray ku-xigeenka guddoomiyaha degmada Lahore, Aleema Khanum waxaa lagu xiray eedeymo la xiriira abaabulka taageerayaasha Imran Khan “iyadoo adeegsanaysa baraha bulshada iyo kulamo dadweyne”, waxaana la qorsheeyay inay xabsiga ku sii jirto muddo 30 maalmood ah.

    Aleema Khanum ayaa si cad u dhaliisha xarigga walaalkeed, waxayna si joogto ah ula hadashaa taageerayaashiisa iyo warbaahinta.

    “Waxaan dowladda ugu baaqaynaa inay si degdeg ah u shaaciso halka uu ku sugan yahay, ayna xaqiijiso ammaankiisa iyo in si nabad ah dib loogu soo celiyo,” ayuu wiilkeeda Shahraz Khan ku qoray barta X.

    Xarigga Aleema Khanum ayaa dad badan ku xiriiriyeen dibadbaxyo laga qorsheeyay guud ahaan Pakistan 27-ka Sebtembar, kuwaas oo la filayo in dibadbaxayaashu ay kusoo dhowaadaan Islamabad, caasimadda dalka.

  2. Halista daawashada Muuqaallada gaa-gaaban ee aan joogis lahayn

    Halista daawashada Muuqaallada gaa-gaaban ee aan joogis lahayn

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dib u eegis lagu sameeyey 42 daraasadood oo ay ka qayb galeen ku dhowaad 46,900 qof, kuwaas oo celcelis ahaan da’doodu ahayd 16.8 sano, ayaa lagu daabacay Springer Nature bishii Juun, iyadoo cinwaankeedu ahaa “Ma la xakamayn karaa daawashada aan dhammaadka lahayn"? Daraasaddan ayaa si joogto ah u heshay xiriir u dhexeeya isticmaalka badan ee muuqaallada gaagaaban, oo mararka qaar dhowr saacadood maalintii ah, iyo arrimaha soo socda:

    • Koror yar oo ku yimaada dhibaatooyinka feejignaanta.
    • Hoos u dhac ku yimaada awoodda xusuusta shaqada iyo is-xakamaynta.
    • Heerar sare ilaa dhexdhexaad ah oo walaac, walbahaar iyo niyad-jab ah.
    • Koror aan badneyn oo ku yimaada calaamadaha muujinaya qabatinka.

    Si kastaba ha ahaatee, xogtaan la baaray ma sheeganayso in natiijooyinkani caddeynayaan in muuqaallada gaagaaban ay si toos ah u sababaan daciifnimada xusuusta ama hoos u dhaca awoodda feejignaanta. Sababtu waxay tahay in inta badan daraasadaha la falanqeeyay ay ahaayeen daraasado xogta lagu ururiyay hal waqti, isla markaana muddo gaaban la sameeyay. Sidaa darteed, waxaa weli loo baahan yahay daraasado muddo dheer soconaya oo ka xoog badan si loo ogaado nooca xiriirka ka dhexeeya labada arrimood.

  3. Iiraan oo sheegtay in dhaqaalaheeda uu sii xumaanayo

    Iiraan oo sheegtay in dhaqaalaheeda uu sii xumaanayo

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Heerka kobaca dhaqaalaha Iraan ayaa rubucii koowaad ee sannadka 1405-ka hoos ugu dhacay 10 illaa 18 boqolkiiba. Sida lagu sheegay warbixin sanadkiiba soo baxda 4 jeer, oo ay soo saartay Xarunta Tirakoobka Iraan, sababta ugu weyn ee hoos u dhaca wax-soo-saarka ama dakhliga guud ee gudaha dalka ayaa gaartay hoos u dhac ka badan 35% oo ku yimid dakhliga dhoofinta, iyo sidoo kale 26% oo hoos u dhac ku yimid soo saarista shidaalka iyo gaaska.

    Dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iraan, xannibaadda badda ee lagu sameeyay dekedaha koonfureed ee dalka, iyo adkaynta cunaqabateynta ayaa si weyn u saameeyay dhaqaalaha Iraan, gaar ahaan dhoofinta.

    Warbixintu waxay sidoo kale muujinaysaa in wax-soo-saarka warshadaha iyo macdanta kale uu hoos u dhacay in ka badan 5%, marka loo eego gu’gii sannadkii hore.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. War deg deg ah, Lacagaha Maraykanka kaga baxay dagaalka Iiraan oo xadka dhaafay

    Lacagaha Maraykanka kaga baxay dagaalka Iiraan oo xadka dhaafay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa la sheegay in qiyaastan ay bixisay Xarunta Taliska Ciidanka Dhulka ee Maraykanka.

    Maalmo ka hor, Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in Maraykanku uu wajahayo hub yaraan sababo la xiriira dagaalka Iraan. Hase yeeshee, Madaxweyne Donald Trump ayaa beeniyey in ay jirto hub yaraantaas.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in Maraykanku uu $33.4 bilyan ku bixiyay howlgallada milatari ee Iran intii u dhexeysay Janaayo iyo Oktoobar, xilligaas oo la soo saaray warbixintii ugu horreysay.

    Horraan ayey ahayd markii Trump iyo maamulkiisa ay la kulmayeen cadaadis xoogan oo kaga imaanayey qiimaha shidaalka gudaha Maraykanka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. War deg deg ah, Safaaradda Maraykanka ee Sacuudiga oo digniin amni ka soo saartay magaalooyin cusub

    Safaaradda Maraykanka ee Sacuudiga ayaa soo saartay digniin amni, iyada oo sheegtay in shaqaalaheeda looga baahan yahay inay helaan oggolaansho gaar ah ka hor inta aysan u safrin magaalooyinka Taif iyo Yaanbu.

    Digniinta amni ayaa lagu sheegay inay la xiriirto “xaaladda amni ee hadda ka jirta Sacuudiga”.

    Sabtidii, Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar ka geystay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee ugu weyn magaalada Riyadh.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. War deg deg ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan oo u ambabaxay New York, dalka Maraykanka

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan oo u ambabaxay New York, dalka Maraykanka?

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Warbaahinta Iraan ayaa qoreysa in Wasiirka Arrimaha Dibadda Iraan, Cabbaas Araqchi, uu fiidnimadii Axadda Tehran uga ambabaxay magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, isaga oo halkaas uga sii gudbi doona New York si uu uga qayb galo shirka sanad laha ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iraan, IRNA, ayaa sheegtay in ujeeddada booqashadiisa Qatar ay tahay “in lagala tashado arrimaha iyo hormarradii i ugu dambeeyay ee gobolka".

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Hay'adda Qatar Energy: "Xiisadda Gacanka Hormuz waxay dib u dhigi kartaa mashaariicdeena horumarineed".

    Agaasimaha Guud ee Qatar Energy, Saad Kaabi, ayaa sheegay in xiisadda ka taagan Gacanka Hormuz ay dib u dhigi karto hirgelinta qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee shirkadda, maadaama qalab muhiim ah uusan geli karin Qatar.

    Waxa uu sheegay in Qatar Energy ay hadda soo saarto xaddi “aad u yar” oo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG), balse haddii Gacanka Hormuz dib loo furo, hawlihii caadiga ahaa ay dib u bilaaban karaan toddobaadyo gudahood.

    Mr Kaabi ayaa hadalkan ka sheegay Madasha Dhaqaalaha Qatar ee lagu qabtay magaalada New York. Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah qaybaha Mashruuca Horumarinta Gaaska Waqooyi-bari loo qorsheeyay in la hawlgeliyo sannadka 2027, halka wax-soo-saarka Mashruuca Gaaska Waqooyi-Koonfureed la filayo inuu billowdo sannadka 2028.

    Iraan ayaa Axaddii mar kale ku celisay in aysan dib u furi doonin Gacanka Hormuz ilaa la fuliyo shuruudaha heshiiskii xabbad-joojinta ku-meelgaarka ahaa ee bishii Juun ay la gashay Maraykanka, sida ay Tehran u fasiranayso heshiiskaas.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. Malaga yaabaa in Iiraan ka baxdo Heshiiska caalamiga ah ee Xakameynta hubka Nukliyeerka?

    Ahmad Bakhshish Ardestani, oo xubin ka ah Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Dibadda ee Baarlamaanka Iraan, ayaa sheegay in uu “u arko mid aan macquul ahayn” in mas’uuliyiinta sare ee dalkiisa ay oggolaadaan in Iraan ay ka baxdo Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka (NPT).

    Hadalkiisa ayaa yimid kaddib markii xildhibaano dhowr ah ay guddiga hoggaanka baarlamaanka u gudbiyeen qorshe ka kooban saddex tallaabo oo Iraan ay uga baxayso NPT.

    Mr Bakhshish Ardestani ayaa sheegay in ka bixitaanka heshiiskan uu kordhin karo cadaadiska dibadda ee lagu hayo Iraan, sidoo kalena uu halis gelin karo taageerada Shiinaha iyo Ruushka.

    Mohsen Rezaei, Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa isna sheegay in Iran ay ka fiirsanayso ka bixitaanka NPT, balse weli aan la gaarin go’aan kama dambeys ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. Trump: Xuutiyiinta Yemen ayaa ogolaaday in aysan weerarin Mareykanka

    Trump iyo Xuutiyiinta

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ogolaadeen in aysan weerarin Mareykanka, xilli kooxdan oo xulufo la ah Iran ay sii xoojineyso dagaalka ay kula jirto Sacuudiga.

    Wariyaha Fox News, Terry Yingst, oo inta badan wareysta madaxweyne Trump ayaa ka soo xigtay madaxweynaha oo leh, “Mareykanka si joogto ah ayey ula xiriiraan Xuutiyiinta, waxayna ku heshiiyeen in aysan la dagaallamin Mareykanka”.

    Bishii May 25-keedii ayey Mareykanka iyo Xuutiyiintu gaareen heshiis ay dhexdhexaadiye ka aheyd dowladda Cummaan si loo joojiyo weerarada.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo warisay in wakiilo ka socda labada dhinac ay ku kulmeem Muscat dhawaan, waxayna Xuutiyiintu sheegeen in aysan beegsaneyn maraakiibta Mareykanka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  10. Madaxa CIA-da Maraykanka oo booqasho ku tagay Masar

    John Ratcliffe, oo ah Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka (CIA), ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, booqasho dhif iyo naadir ahayd.

    Kulanka ayaa dhacay maanta xilli ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ka digtay suurtagalnimada inuu si degdeg ah u sii xoogeysto dagaalka ka socda Bariga Dhexe.

    Xafiiska Madaxweyne Sisi ayaa shaaciyay in kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Hassan Rashad, oo ah madaxa hay'adda sirdoonka Masar, isla markaana laga wada hadlay dagaalka Iran iyo xaaladaha ka taagan Gaza iyo Suudaan.

    Weerarrada lagu qaado waddamada Gacanka Carabta iyo khataraha dhanka badda ayaa iyaguna ka mid ahaa qodobada laga hadlay.

    Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Masar, Mr. Sisi ayaa hoosta ka xariiqay "muhiimadda weyn ee ay leedahay in xal loo helo dhibaatooyinka gobolka iyadoo la adeegsanayo habab siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed."

    Booqashada John Ratcliffe ayaa timid maalmo uun ka dib markii Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman uu magaalada Qaahira kula kulmay Mr. Sisi. Dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa yimid Masar laba maalmood ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ay si degdeg ah ula wareegeen xeebaha iyo jasiiradaha ku teedsan marinka Bab al-Mandab.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  11. Ukraine ayaa qaadday weerarkii ugu ballaarnaa abid ee gudaha Ruushka, iyadoo doorashooyin socdaan.

    Russia

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ukraine ayaa maanta qaadday weerarkii ugu ballaarnaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee abid lagu qaado caasimadda Ruushka ee Moscow, sida uu sheegay Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin.

    Weerarradan ayaa ku soo beegmay xilli ay dadka Ruushku codeynayaan, iyadoo maanta ay tahay maalintii ugu dambeysay ee doorashada baarlamaanka; doorashadaas oo Madaxweyne Vladimir Putin uu ku tilmaamay mid lagu cabbirayo taageerada loo hayo dagaalka Ukraine.

    Weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa sababay dhimashada laba qof oo ku sugnaa Moscow iyo laba qof oo kale oo ku sugnaa gobolka Kherson oo ay maamulaan ciidamada Ruushku.

    Warshad sifeynta shidaalka oo ku taal Moscow, taas oo horey loo bartilmaameedsaday, ayaa sidoo kale waxyeello ka soo gaartay weerarrada Ukraine.

    Doorashada aqalka hoose, ama "State Duma", ayaa ah tii ugu horreysay ee la qabto tan iyo markii Ruushku uu billaabay dagaalka ka dhanka ah Ukraine bishii Febraayo ee sanadkii 2022-kii.

    Doorashadan ayaa la filayaa inay siiso xisbiga talada haya ee "United Russia" awood iyo karti uu ku sii wadi karo maamulka dalka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. Koonfurta Kuuriya oo cambaareysay gantaal riddo dheer oo ay tijaabiysay Wuqooyiga Kuuriya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta riday gantaal riddo dheer ah, waana tijaabadii labaad muddo ku dhow toddobaad, ka dib markii Pyongyang ay ku eedeysay Mareykanka inay kordhineyso xiisadda ka taagan Jasiiradda Kuuriya iyada oo adeegsaneysa dhoolatus militari oo taxane ah.

    Taliska Guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay inay ogaadeen gantaalka laga soo riday aagga Wonsan abbaare 3:00 galabnimo waqtiga maxalliga ah, waxayna go'aamiyeen inuu yahay gantaal riddo dheer ah.

    Wasaaradda Difaaca Japan ayaa sidoo kale sheegtay in gantaalka uu u muuqdo mid riddo dheer.

    Golaha Amniga Qaranka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa cambaareeyay gantaalka riddo dheer, ka dib markii tijaabo kale la sameeyay bishan Sebtembar 12.

    Golaha ayaa ugu baaqay Kuuriyada Waqooyi inay si degdeg ah u joojiso dhaqdhaqaaqyada gantaalada, iyagoo ka digaya in tijaabada ay si toos ah uga hor imaaneyso qaraarada Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

    Shalay, Kuuriyada Waqooyi ayaa ka soo horjeesatay qaraar ay soo saartay hay'adda ilaalinta nukliyeerka ee Qaramada Midoobay oo ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka.

    Toddobaadkii hore, Pyongyang waxay sidoo kale cambaareysay dhoolatuska ciidamada badda ee uu Mareykanku hoggaaminayo ee ku lug lahaa Kuuriyada Koonfureed iyo Japan kaas oo ka dhacay meel u dhow Guam laga bilaabo Agoosto 29 ilaa Sebtembar 10.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. Sirdoonka Iiraan oo sheegay in ay fuliyeen howlgal ka hortag ah.

    Wasaaradda Sirdoonka Iiraan ayaa sheegtay inay xirtay dhowr qof oo ku sugan saddex gobol oo ay ku jirto hawlgal "ka hortag ah". Maxaabiista waxaa lagu tilmaamay "kooxo" lala xiriiriyay kooxaha mucaaradka.

    War-saxaafadeedka Wasaaradda Sirdoonka ayaa lagu sheegay in shakhsiyaadkan ay damacsanaayeen inay "fuliyaan howlgallo dilal ah oo ay burburiyaan kaabayaasha dhaqaalaha."

    Wasaaradda Sirdoonka ayaa sheegtay in qof lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay kooxaha mucaaradka lagu dilay iska hor imaad ay la galeen ciidamada amniga oo ka dhacay Piranshahr.

    Ururku wuxuu intaas ku daray inay sidoo kale xireen dhowr qof oo ku sugan gobollada Kerman iyo Alborz.

    Faahfaahin dheeraad ah lama bixin.

    Wuxuu sheegay in howlgalkan lagu fuliyay "warbixinno dadweyne."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  14. Maraykanka askar ka badan intii ay qirteen ayaa ugu dhimatay dagaalka Iran - Washington Post

    Askar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wargeyska The Washington Post ayaa Jimcihii soo weriyay in laga yaabo inay dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ahaa Iran ay ku dhinteen askar Mareykan ah oo ka badan tirada ay si rasmi ah u shaacisay Wasaaradda Difaaca Mareykanka.

    Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa beeniyay warbixintaas. Wargeyskan, oo soo xiganaya shan sarkaal oo aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay inay dhinteen ugu yaraan 22 askari oo Mareykan ah; tiradaas oo afar askari badan tii ku xusnayd xogta ay hayso Wasaaradda Difaaca (Pentagon-ka) ee dadweynuhu ay heli karaan.

    Warbixin ka soo baxday Pentagon-ka ayaa sheegaysa in 18 askari ay dhinteen intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iran. Hegseth ayaa farriin uu soo dhigay bar-kulanka X ku tilmaamay warbixintaas mid "been ah."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Toban libaax oo ku dhintay beerta xayawaanka ee Tanzania.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maamulka Aagga Ilaalinta Dabeecadda ee Ngorongoro (NCAA) ayaa sheegay in toban libaax lagu dilay 18-kii Sebtembar aagga Ndutu ee degmada Endulen.

    Baaritaannada hordhaca ah ayaa muujiyay in libaaxyadu ay dhinteen ka dib markii la siiyay sun. Maamulka beerta dabiiciga ah ayaa bilaabay baaritaan xirfadaysan oo faahfaahsan si loo ogaado sababta dhimashada iyo cidda ka dambeysay falkan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  16. Lix qodob oo ay tahay in aad sameyso si aad lacag u kaydsato adiga oo mushaar yar qaata

    Sida lacag loo kaydsado adigoo qaata mushaar yar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Sida lacag loo kaydsado adigoo qaata mushaar yar

    Tiro badan oo dadka shaqeeya ah, dunida waxay qaataan mushaar, iyaga oo ka cowda yaraanta mushaarka iyo inuusan ku filnayn noloshooda.

    Dadka qaar waxay ku qasbanaadaan inay qaateen dayn si ay nolol macquul ah ugu noolaadaan, iyaguna waxay ku qasbanaadaan muddo dheer inay qaameysnaydaan.

    Sida ay sheegaan inta badan dadka dhibaatadan ay hasato, muddo dheer ayay ku qaadataa inay daymahaas gudaan, taas oo galisa nolol walwal leh, dhaqaalaha soo galana ay ku bixinayaan daynta. Hadaba qaar kamid ah dadka ka faalooda dhaqaalaha ayaa sheegay inay hayaan talooyin laga yaabo inay caawiyaan dadkaas, kuwaas oo ay ku samaysan karaan qorshe ay ku koriyaan dhaqaalahooda.

    Qodobadaan ayaa kamid ah kuwa ay soo jeediyeen.

  17. Guddoomiyaha Barlamaanka Iiraan oo war hor leh shaaciyey

    Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa xaqiijiyay in Iran ay farriimo iyo shuruudo u dirtay Maraykanka iyadoo adeegsanaysa dhexdhexaadiyayaal.

    Khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka Iran, afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in qaar ay “ka hadlaan dagaal, balse aysan lahayn aragti cad ama hannaan lagu soo afjaro dagaalka si go’aan leh. Aragtidan, oo diidaysa nooc kasta oo is-dhexgal iyo diblomaasiyadeed ah, iyadoo aan la qiimeyn fursadaha jira, waxay dhab ahaan dalka u horseedaysaa daal iyo dagaal aan dhammaanayn.”

    “Waa inaan dagaallannaa, isla markaana aan wadaxaajood sameynaa,” ayuu yiri.

    Qaliibaaf wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in “farriimaha la gudbiyay iyo shuruudaheenna lagu sharxay dhinaca kale si cad, iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyayaal.”

    Wuxuu sheegay in ilaa laga buuxiyo shuruudaha hordhaca ah ee Iran, “aysan jiri doonin fursad dib loogu laabto xaaladdii hore ee wadaxaajoodka ama dib loo furo Marin-biyoodka Hormuz.”

    Shalay, Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa sheegay in Tehran ay shuruudaheeda wadaxaajoodka u gudbisay Maraykanka iyadoo adeegsanaysa dhexdhexaadiyayaal ka socda Qatar iyo Pakistan, ayna hadda “sugayso jawaabta Madaxweyne Trump.”

  18. Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka

    Qiiq iyo dab ka holcaya goob lagu sifeeyo shidaalka oo ku taal Moscow

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Qiiq iyo dab ka holcaya goob lagu sifeeyo shidaalka oo ku taal Moscow

    Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, lix kalena way ku dhaawacmeen weerar “baaxad weyn” oo habeenimo oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ku qaadeen gobolka Moscow, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka, Andrei Vorobyev.

    Vorobyev wuxuu sheegay in 249 diyaaradood oo aan duuliye lahayn la soo riday, wuxuuna sidoo kale sheegay in dab ka kacay dhowr guri oo la deggan yahay. Bakhaar ku yaalla deegaanka ayaa sidoo kale dab qabsaday. Magaalada Moscow, warshad sifaysa shidaalka ayaa waxyeello soo gaartay, waxaana laba garoon diyaaradeed lagu soo rogay xayiraado duulimaad.

    Horaantii, sarkaal Ukraine ah ayaa sheegay in toddoba qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah, lagu dilay weerarro ay Ruushku Sabtidii ka geysteen gobollada Kyiv iyo Sumy.

    Ruushka iyo Ukraine ayaa dhawaan kordhiyay weerarradooda, iyagoo bartilmaameedsanaya xarumaha tamarta iyo gaadiidka, iyo sidoo kale xarumaha waaweyn ee saadka.

    Qoraal uu Axaddii ku daabacay Telegram, Vorobyev wuxuu sheegay in haweeney 44 jir ah lagu dilay Sofyino kaddib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay ku dhacday dhisme saddex dabaq ah oo la deggan yahay. Wuxuu sheegay in shan qof oo kale, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ay ku dhaawacmeen.

    Degmada Orekhovo-Zuyevo, nin waayeel ah ayaa dhintay kaddib markii guri gaar loo leeyahay ay diyaarad aan duuliye lahayn ku dhacday, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka.

    Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la sheegay inay muujinayaan qaraxyo ka dhacay gobolka Moscow habeenkii iyo bakhaar gubanaya. Muuqaalladaas BBC si madax-bannaan uma xaqiijin.

    Dhanka kale, duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin, ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn ay ku dhacday dhisme ku dhow mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee caasimadda, isla markaana qayb ka mid ah warshad sifaysa shidaalka ay waxyeello soo gaartay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  19. Sacuudiga oo hadda war cusub soo saaray

    Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in Xuutiyiinta Yemen ay isku dayeen inay Riyadh, caasimadda dalka, ku bartilmaameedsadaan gantaal ballistic ah.

    Tani waa weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado Riyadh tan iyo markii ay sii xooggaysatay xiisada.

    Horey, Xuutiyiintu waxay iyagoo adeegsanaya gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku bartilmaameedsadeen goobo “xasaasi” ah oo ku yaalla Riyadh, caasimadda Sacuudiga.

    Sacuudi Carabiya waxay sheegtay in gantaalkii lagu soo riday Riyadh “la qabtay oo la burburiyay.”

    Wakaaladda Associated Press ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka deggan Riyadh ay maqleen qarax, kaddibna ay arkeen qiiq madow ooka kacaya meel u dhow garoonka diyaaradaha.

    AFP-na waxay sheegtay in laba qarax oo xooggan laga maqlay Riyadh Sabtidii, iyadoo wariyayaasheeduna ay arkeen haan shidaal oo ay leedahay shirkadda shidaalka ee Saudi Aramco, oo ku dhow garoonka diyaaradaha, oo dab qabsaday.

    Khilaafka u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Xuutiyiinta ayaa galay marxalad cusub. Xuutiyiintu waxay gacanta ku hayaan qayb weyn oo ka mid ah Yemen, waxaana dhowaan ay qabsadeen magaalooyin xeebeedyo ku dhow Marinka Bab al-Mandab iyo jasiiradihiisa.

    Maraykanka ayaa Sabtidii ka digay in colaadda u dhexeysa Sacuudi Carabiya iyo Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto ay “si degdeg ah u sii xoogaysan karto.”

  20. Socdaalka: Imisa waddan ayaa baasaboorka Soomaaliga lagu tegi karaa Fiisa la'aan?

    Baasaboorka Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Dowladda Soomaaliya

    Qoraalka sawirka, Baasaboorka Soomaaliya

    Waddamada adduunka ayaa isugu faana awoodda baasaboorrada oo ah inta dal ee qofka wata uu ku tegi karo si sahlan.

    Japan iyo Singapore ayaa sanadkan isku heysta kaalinta koowaad, marka la eego qiimaha baasaboorkooda.

    Baasaboorka Soomaaliya ayaa sanadkan kaalinta 106-aad kasoo galay liiska caalamka. Haddaba waa kuwee dalalka uu qofka Soomaaliga ah gali karo isagoo aan u baahneyn Visa lasii qaato?

    Guud ahaan 33 waddan ayaa lagu gali karaa baasaboor Soomaaliga, oo ka horreeya baasaboorrada Yemen, Pakistan, Suuriya Ciraaq iyo Afghanistan.

    Hase ahaatee dalalkaas dhammaantood ma wada aha kuwo uu qofka Soomaaliga ah ee baasaboorka Soomaaliga ah wata ku geli kato Visa la'aan.