Falastiiniyiinta oo u barooranaya ninkii u shidi jiray cayaaraha adduunka ee la dilay

Xigashada Sawirka, Instagram
Dilkii loo geystay shaqaale gargaar oo Falastiini ah oo lagu magacaabo Mohammed al-Wahidi oo ku dhintay duqeyn cirka ah oo Israa'iil ay ka geysatay magaalada Gaza Talaadadii ayaa sababay murugo badan oo ka dhacday marinka Gaza, isagoo ka mid ahaa dad badan oo deegaankaas caan ka ah.
Saacado gudahood markii uu dhintay, baraha bulshada waxaa buux dhaafiyay sawirro iyo muuqaallo muujinaya shaqadiisa, oo ay weheliyaan boqolaal farriimo tacsi ah oo ka yimid dad sheegay inay la kulmeen intii lagu jiray qaybinta gargaarka ama intii ay ku noolaayeen xeryaha barakacayaasha.
Gantaal Israa'iil ay soo tuurtay ayaa ku dhacay taksigii al-Wahidi uu ku safrayay xaafadda Sabra. Waxaa la dilay isaga iyo saddex qof oo kale, oo ay ku jiraan laba walaalo ah oo da'doodu ahayd 8 iy 10 jir oo ag marayay iyo nin kale.
Milatariga Israa'iil ayaa sheegay inay duqeeyeen sarkaal Xamaas ka tirsan waxayna ka warqabeen sheegashooyin ah in dad aan lug ku lahayn lagu dilay duqeynta.
Al-Wahidi, oo 65 jir ah, wuxuu ahaa macallin Ingiriiska dhiga ka hor dagaalka, laakiin wuxuu noqday sarkaal sare oo ka tirsan Guddiga Gargaarka Masar ee Gaza, oo ah urur ay taageerto Masar oo door muuqda ka ciyaaray dadaallada gargaarka bani'aadamnimada ee dhulka Falastiin intii lagu jiray dagaalkii u dhexeeyay Israa'iil iyo Xamaas.
In ka badan laba sano iyo bar wuxuu gacan ka gaysanayey isku-dubaridka gargaarka cuntada degdegga ah, wuxuu kormeeray sameynta xeryo loogu talagalay qoysaska barakacay, wuxuuna ka shaqeeyay sidii gargaar loogu gaarsiin lahaa bulshooyinka ay saameeyeen mowjadaha soo noqnoqda ee barakaca.
Qaar badan oo reer Gaza ah ayaa sheegaya inuu noqday weji caan ka ah meelaha lagu hoydo guud ahaan dhulkaas sababtoo ah wuxuu doorbiday inuu sii joogo meelaha ay hawshu ka socoto halkii uu ka hagi lahaa hawlaha xafiiska.
Mutadawiciinta la shaqeysay isaga ayaa ku tilmaamay nin si joogto ah u joogay goobihii gargaarka lagu qeybinayey, isagoo si toos ah ula hadlayay qoysaska barakacayaasha ah kana jawaabayay baahiyahooda degdegga ah.
Todobaadyadii la soo dhaafay, al-Wahidi waxa uu noqday mid si weyn loo yaqaan ka dib markii uu gacan ka geystay abaabulka bandhigyada guud ee ciyaaraha Koobka Adduunka ee magaalada Gaza, Deir al-Balah iyo aagga al-Mawasi ee koonfurta Gaza.
Hindisaha ayaa ujeedadiisu ahayd in qoysaska, gaar ahaan carruurta, ay si kooban uga baxsadaan xaqiiqada dagaalka.
Ciyaarihii Masar ayaa soo jiitay dadweyne aad u fara badan, taasoo ka tarjumaysa sumcadda dheer ee ay kooxdu ku dhex leedahay dad badan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza oo muddo dheer xiriir dhaqan, mid shucuur iyo mid siyaasadeedba la wadaaga deriskooda.
Fiidiyowyada carruurta iyo qoysaska oo isku urursanaya shaashado waaweyn oo ka dhex shidan dhismayaal burburay ayaa si weyn ugu faafay khadka internetka, iyaga oo soo bandhigay muuqaal naadir ah oo dabbaaldeg ah iyada oo ay colaaddu socoto.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Al-Wahidi ayaa la dilay saacado un ka hor intii aan la shidin mid ka mid ah cayaaraha, Masar ayaa wareegga 16-ka la ciyaartay Argentina, taasoo sii xoojisay dareenka khasaaraha badan ee Falastiiniyiinta.
"Ma ahayn shaqaale gargaar oo caadi ah oo ka tirsan guddiga bani'aadamnimada," ayuu qoray dhaqdhaqaaqe Mohammed Hmeid, kaasoo diiwaangeliyay shaqada al-Wahidi. "Waxa uu ahaa albaab rajo oo maalin walba u furmayey dadka barakacayaasha ah iyo kuwa wax walba waayey".
"Qof walba oo yaqaana wuxuu ka hadlaa naxariistiisa, daacadnimadiisa iyo deeqsinimadiisa," ayuu raaciyay.
"Gaza, xitaa kuwa naftooda u huray caawinta dadka kale lama badbaadin karo. Laakiin camal wanaagsan lama dili karo. Waxay ku nool yihiin quluubta dadka."
Dhimashada Al-Wahidi waxay timid iyadoo shaqaalaha samafalka ee Gaza ay weli wajahayaan khataro waaweyn.
Dhamaadka bishii Abriil, Qaramada Midoobay waxay diiwaangelisay dilka ugu yaraan 593 oo kuwaas ka mid ah tan iyo markii dagaalku bilaabmay, oo ay ku jiraan siddeed qof tan iyo markii Israa'iil iyo Xamaas ay ku heshiiyeen xabbad joojin 10 bilood ka hor.
Milatariga Israa'iil ayaa olole ka bilaabay Gaza si ay uga jawaabaan weerarkii aan hore loo arag ee Xamaas ay ku qaadday koonfurta Israa'iil 7dii Oktoobar 2023, kaas oo lagu dilay qiyaastii 1,200 oo qof 251 kalena lagu afduubtay.
Ugu yaraan 73,118 qof ayaa lagu dilay weerarradii Israa'iil ay ka geysatay Gaza tan iyo markaas, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas ee dhulkaas, oo tirakoobkeeda ay Qaramada Midoobay u aragto mid la isku halleyn karo.














