Sidee ayuu u dhici doonaa aaska Ayatollah Cali Khamenei, hoggaamiyihii Iiraan ee la dilay?

Xigashada Sawirka, AFP
Iiraan ayaa billowday dhowr maalmood oo baroordiiq dadweyne ah iyo isu soo baxyo aas ah oo loogu sameynayo Hoggaamiyihii hore ee Sare, Ayatollah Ali Khamenei, in ka badan afar bilood ka dib markii lagu dilay weerarro ay qaadeen Mareykanka iyo Israa'iil.
Meydka Ayatollah ayaa la dhigi doonaa magaalada Tehran ee Grand Mosalla laga bilaabo maanta oo Jimco ah, ka hor inta aan lagu aasin magaaladiisa Mashhad Khamiista soo socota.
Mas'uuliyiinta Iiraan ayaa sheegay in 12 ilaa 20 milyan oo qof la filayay inay ka soo qayb galaan, taas oo ay ugu yeeraan "aaska qarniga".
Waxay ku soo beegantay iyadoo Iiraan iyo Mareykanka ay xusayaan xabbad-joojin jilicsan ka dib markii ay saxiixeen heshiis hordhac ah oo lagu joojinayo khilaafkooda bishii Juun.
Lix maalmood oo xaflado ah ayaa bilaaban doona 06:00 (03:30 BST) Sabtida, iyadoo lagu qaban doono Imaamka Khomeini Mosalla ee Tehran, kaas oo booqdayaashu ay booqan karaan si ay u xushmeeyaan ilaa Axadda galabnimada.
Waxaa jiri doona xaflad aas oo rasmi ah oo ka dhici doonta Tehran Sabtida, taas oo uu hoggaaminayo Mohammad Rasulullah Corps oo fadhigiisu yahay Tehran.
Taliyaha kooxda Hassan Hassanzadeh ayaa sheegay in naxashka Khamenei lagu soo bandhigi doono meel sare, si ay u oggolaadaan booqdayaasha inay kusoo galaan oo ay baxaan 15 ilaa 20 daqiiqo gudahood.
Meydka Khamenei wuxuu ku jiri doonaa Grand Mosalla muddo saddex maalmood ah, iyadoo ay weheliyaan haraadiga xubnaha qoyska ee sidoo kale lagu dilay weerarradii Mareykanka iyo Israa'iil bishii Febraayo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mas'uuliyiintu waxay amar ku bixiyeen in xafiisyada dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Tehran la xiro laga bilaabo Sabtida ilaa Isniinta, halka xayiraadaha taraafikada ay ka xiri doonaan inta badan bartamaha magaalada gawaarida gaarka loo leeyahay, sida ay ku warrantay AFP. Hawada sare ee Tehran qayb ahaan ayaa la xiri doonaa laga bilaabo Jimcaha waxaana si buuxda loo xiri doonaa Isniinta.
Talaadada, munaasabadaha ayaa loo wareejin doonaa Qom, oo ku taal koonfurta Tehran, halkaas oo wadaad sare oo Shiico ah uu ku tukan doono salaadda janaasada Jamkaran - oo ka mid ah goobaha diimeed ee ugu caansan uguna astaanta badan Iiraan.
Meydka Khamenei ayaa markaa kadib la geyn doonaa Najaf oo ku taal Ciraaq Arbacada. Ka dib socod lagu sameeyay macbadka Imaam Cali, oo ahaa imaamkii ugu horreeyay ee Shiicada Islaamka, xafladaha ayaa ka sii socon doona Karbala ka hor inta aan meydka dib loogu celin Iiraan.
Khamiista, Khamenei waxaa lagu aasi doonaa magaalada uu ku dhashay ee Mashhad, oo ku taal Macbadka Imam Reza, oo ah qabriga imaamka sideedaad ee Shiicada Islaamka iyo goobta ugu muhiimsan ee xajka Iiraan, taasoo soo jiidata malaayiin dalxiisayaal ah sannad kasta.

Xigashada Sawirka, Reuters
Subax Sabti ah, 28 February 2026, Maraykanka iyo Israa'iil ayaa weerarro ku qaaday Iran, iyagoo mar kale meesha ka saaray wada xaajoodkii barnaamijka nukliyeerka ee Iran, waxayna sare u qaadeen su'aalo ku saabsan dadaallada lagu bartilmaameedsanayo amniga iyo hoggaanka dalkaas.
Telefishinka Qaranka Iiraan ayaa xaqiijiyay in hoggaamiyihii sare ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei lagu dilay duqeymahaas, isaga iyo xubno kale oo qoyskiisa ah, taas oo si weyn u beddeshay xaaladda siyaasadeed ee gobolka.
Iiraan ayaa weerarradaas kaga jawaabtay duqeymo ay ka fulisay dalalka Khaliijka ee ay deriska yihiin.
BBC-da qeybteeda Verify ayaa heshay sawirro dayax-gacmeed oo laga qaaday Tehraan, kuwaas oo muujinaya burbur weyn oo soo gaaray qayb ka mid ah guriga Ayatollah Ali Khamenei.

Xigashada Sawirka, Airbus
Kumuu ahaa Khamenei?
Wuxuu ahaa shakhsiga ugu awooda badan Iran ee Ayatollah Ali Khamenei, isla markaana ahaa hoggaamiyaha ugu sareeya dalka tan iyo 1989-kii.
Wuxuu ahaa madaxa qaranka iyo taliyaha guud. Wuxuuna lahaa awooda amarka booliiska qaranka iyo booliiska anshaxa.
Ayatollah Khamenei wuxuu sidoo kale oo uu gacanta ku hayey Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo qaabilsan amniga gudaha, iyo garabkeeda iskaa wax u qabso, Ciidanka iska caabbinta Basij.
Sidoo kale, wuxuu ahaa qofka ugu awoodda badan marka ay timaaddo amarrada wax looga qabanayo mudaaharaadyada.
Ninakn oo 86-jir ahaa ayaa ahaa caalim ahaana hogaamiyaha ugu sareeya Iran tan iyo 1989-kii, isagoo bedelay aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee geeriyooday, Ayatollah Ruhollah Khomeini, oo ka soo laabtay masaafuristii, wuxuuna waday kacaankii Iran ee 1979-kii ee afgambiyey xulafadii Mareykanka iyo Shah, Mohammad Reza Pahlavi. Wuxuu uu awood u lahaa dhammaan laamaha dowladda, ciidamada iyo garsoorka, isagoo sidoo kale u dhaqmayay sidii hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muddadii 36-ka sano ahayd ee uu ku xukumayey magaca Islaamka, waxa uu waday siyaasado ka dhan ah Maraykanka iyo reer galbeedka, isaga oo ku tiirsanaa badbaadada Ruushka iyo Shiinaha. Wuxuu ku dhaqaaqay siyaasad nukliyeer ah oo oo dalka u sababtay cunaqabataynta caalamiga ah ee labaad ee ugu cuslayd taariikhda kadib Ruushka, taas oo dalka ka dhigtay mid faqiir ah.
Isku daygiisa uu ku doonayay in uu awood ku yeesho Bariga Dhexe ayaa dab qabadsiiyay gobolka. Baaqiisa ku aaddan burburinta Israa'iil waxay horseedeen dagaallo lala galo Israa'iil.
Mudaaharaadyadii ugu dambeeyay, Ayatullah Khamenei ayaa u fasaxay ciidamada ammaanka si ay u xasuuqaan dibadbaxayaasha.
Xiritaanka Internetka ee dalka Iran ayaa adkeynaya in si cad loo ogaado heerka uu gaarsiisan yahay dhiigga daadanayaybalse kumannaan qof ayaa ciidamada ammaanku ku laayeen, ma ahan oo kaliya magaalooyinka iyo tuulooyinka, taasoo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay dibadbaxyada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cali Khamenei waxa uu ku dhashay magaalada Mashhad ee waqooyi bari sanadkii 1939-kii, waana wiil uu dhalay caalim dhanka diinta ah, Cali Khamenei waxa uu wax ku bartay machadyo ku yaalla magaaladii uu ka soo jeeday ka hor inta uusan u wareegin magaalada Qom ee ay Shiicada barakeystaan.
Sannadkii 1962-kii, waxa uu ku biiray dhaqdhaqaaqa mucaaradka diineed ee Ayatollah Khomeini ee ka soo horjeeday Shah Mohammad Reza Pahlavi.
Cali Khamenei oo da'da yar wuxuu noqday taageere daacad u ah Khumeyni. Sida laga soo xigtay xogtiisa, wax kasta oo uu sameeyay oo uu aaminsanaa waxay ka soo jeedaan aragtida Khumeyni ee Islaamka.














