Maxay yihiin howlaha adag ee horyaalla Aadan Madoobe, madaxweynaha cusub ee Koonfur-galbeed?

Aadan Madoobe

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Magaalada Baydhabo waxaa maalintii shalay lagu qabtay munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo dhowaan loo doortay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Munsaabaddas ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka socotay dowladda federaalka ah oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Soonmaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysalwsaare Xamse Cabdi Barre.

Sheekh Adan Maxamed Nuur ayaa bishii hore ay baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed u doorteen xilka hoggaamiyaha dowlad goboleedkaas ayaa shalay lagu caleema-saaray magaalada Baydhabo.

Cod qarsoodi ah oo ay dhiibteen xubnaha baarlamaanka 10-kii June ayuu Aadan ku helay 88 cod, kaa oo uu ku noqday hoggaamiyaha cusub ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Guddoonku waxa uu sheegay in hal cod uu qasaaray.

Musharraxa la tartamayay Aadan Madoobe ayaa afhayeenka goluhu ku dhawaaqay in uu helay 1 cod oo kaliya.

Waxaa kula tartamayay xilka musharrax Cabdicasiis Maxamed Cismaan Jawaari, oo uu dhalay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya ee geeriyooday. Halka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna musharrax ahaa uu ku dhawaaqay in uu ka haray tartanka sababo la xiriira "heshiisyo lagu xadgudbay".

Waxa uu sheegay in la jebiyay heshiis ay la galeen guddiga doorashada iyo huggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed kaa oo ahaa sida uu sheegay 'in aan xildhibaanadu aysan la galin taleefanada gacanta goobta codbixinta'.

Shariif waxa uu horay u soo noqday madaxwaynaha dowlgoboleedka Koonfur-galbeed, ka hor inta uusan iska casilin sanadkii 2018 kii bishiis November.

Koofur Galbeed

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Munsaabaddas ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka socotay dowladda federaalka ah oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Soonmaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysalwsaare Xamse Cabdi Barre
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Arrinta maanta ay ku tallaabsatay Koofu Galbeed waa mid usoo hoyatay umadda Soomaaliyeed. Reer Koofur Galbeed waxay muujiyeen xadaarad iyo isku kalsooni iyagoo raacay dastuurka dalka, isla markaana doorasho qof iyo cod ah ay ku qabteen 13 degmo oo ka mid ah 18-ka degmo ee ay ka kooban tahay dowlad goboleedka," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay "in arrintaas ay tusaale u tahay dadka qabay inaysan suurto-gal ahayn doorasho qof iyo cod ah."

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee qabta doorasho qof iyo cod ah. Waxaa la qabtay doorashooyin isku sidkan oo lagu dooranayay Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka. Cod-bixinta oo dhacday 10-kii May 2026, waxaa laga hirgeliyay 13 degmo oo ka tirsan gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

"Aqoon bey igu doorteen reer Koofur Galbeed. Waxaan Ilaahay ka rajeynayaa in wanaagga ay iga filayaan uu i waafajiyo. Naaneysna waa ii bixiyeen oo Aadan Barwaaqo ayay ii bixiyeen," ayuu intaa raaciyay.

Wuxuu sheegay inuu sameyn doono dib u heshiis dhab ah, uuna ka shaqeyn doono nabadda.

Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa bishii Maarso ee sanadkan ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi. Iscasilaaddiisa ayaa timid xilli uu ka dhoofay magaalada Baydhabo, kadib markii khilaaf iyo iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulkaas ay ka dhaceen halkaasi.

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo si wadajir ah Baydhabo uga dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah

Howlaha horyaalla Aadan Madoobe

"Arrimo waaweyn ayaa horyaalla oo tan ugu horreysa ay tahay dib u heshiisiin diyaasadeed iyo mid bulsho. Caleema-saarka waxaa ka horreeyay isbeddel xanuun bada oo ay soo mareen oo muddo soo jitamayay oo gacan ka hadal isku beddelay dhammaadkii bishii Maarso. Taaa waxay u baahan tahay in bulshadii dib u hehsiisiin laga sameeyo," ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arimaha siyaasadda Soomaaliya.

"Waxaa jira siyaasiyiin bannaanka ku maqan ama haddaba colaad la taagan sida madaxdii hore ee Koofur Galbeed. Isagaa laga rabaa inuu gool-nabadeed u fidiyo, taas ayaa ah tallaabada ugu horreysa. Inuusan u diidin inay deegaanka yimaadaan, oo uu uoogolaado inay nabadda qeyb ka noqdaan," ayuu intaa raaciyay.

Caqabadda labaad ayuu sheegay inay tahay tan amniga maaddaama colaad ay dhowaan ka dhacday.

"Weli magaalada bannaankeeda waxaa ka dagaallamaya ciidamo, taasna in wax laga qabto ayay u baahan tahay. Sidoo kale arrinta al-Shabaab ayaa ah caqabad kale."

Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay inay sidoo kale muhiim tahay inay shacabku dareemaan waxqabad dhab ah oo la taaban karo, sida adeegyadii bulshada oo horumar laga sameeyo.

Waa kuma Sheekh Aadan Madoobe?

Aadan Madoobe

Xigashada Sawirka, Getty Images

Aadan madoobe ayaa afartii sano ee la soo dhaafay ahaa afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo wax ka beddello dhowr ah ku sameeyay dastuurka Soomaaliya. Wax kabadaladaas ayaa noqday kuwa dhaliyay muran badan oo siyaasadeed iyo dasturuba oo ka dhex qarxay mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu horay u soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Bidhii Janaayo ee sanadkii 2017kii isaga oo badalay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kaga horeeyay xilkaas.

Aadan Madoobe wuxuu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya, ka dib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Cabdillaahi Yuusuf, 29 December 2008 iyada oo markii danbena 31kii bishii january 2009, Shariif Sheekh Axmed loogu codeeyay inuu noqdo madaxweynaha cusub.

Bilihii April iyo May 2010, waxaa soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay Madoobe iyo Ra'iisal Wasaarahii wakhtigaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Khilaafkan ayaa ugu dambayn keenay in Madoobe uu iscasilo kadib markii baarlamaanka uu markii dambe uuu u codeeyay in xilka laga qaado.May 25, 2010, Shariif Xasan ayaa mar kale loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah, isagoo bedelay Madoobe.

Bishii January 2014, waxaa loo magacaabay Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga oo u magacaabay Raysal Wasaare Cabdiweli Seekh Axmed.

Aadan Madoobe ayaa ka tirsanaa dhinaca mucaaradka, sida ay falanqeeyayaashu qabaanna taasi u sahashay in mucaaradkii u dhami u wada tanaasulo oo sidaa cod tiro ah ugu guulaysto guddoonka Golaha Shacabka.

Madaxda kala duwan iyo mucaaradka ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub. Doorashadan ayaa ka dhigan in muddo xaalka madaxtinnimada Soomaaliya ay ahayd mid hubanti la'aana ay hadda u muuqato in hawshaasi soo dhammaatay oo ay xigi doonta muddaynta doorashadii madaxtinnimada.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Aaden Maxamed Nuur Madoobe, waxa uu ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool. Waxa uu horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Ururka RRA, ka hor inta uusan ku biirin Dowladdii KMG aheyd, isagoo soo noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah, sannadihii 2007 ilaa 2010. Taas oo ka dhigan in markii labaad uu xilkan qabanayo.