Khamanei iyo afar kamid ah xubnaha qoyskiisa oo lagu aasay Mashhad

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hogaamiyihii hore ee Iraan, Ayatollah Cali Khamanei iyo afar xubnood oo kamid ah qoyskiisa ayaa lagu aasay xarunta barakaysan ee Imaam Rida ee magaalada Mashhad. Hore waxaa salaadda janaasada u tukiyey Mustafa Khamenei, oo ah wiilka curadka u ahaa hoggaamiyihii hore ee Iiraan.
Qorshayaasha aaska hoggaamiyihii hore ee Iiraan ayaa ka billowday toddobo maalmood ka hor magaalada Tehran, waxaana ay sii mareen magaalooyinka Qom, Karbala, Najaf iyo Mashhad.
Dhaxal-sugaha Cali Khamenei, Mojtaba Khamenei, kama uusan qeybgelin mid ka mid ah munaasabadahaas.
Dhanka kale, rasaas ayaa laga maqlay magaalada Mashhad, balse Amirollah Shamqadri, oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha amniga ee gobolka Khorasan Razavi, ayaa sheegay in dhacdadaasi aysan ahayn weerar argagixiso.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku tilmaantay weerarrada Mareykanka ee lagu qaaday kaabeyaasha rayidka inay yihiin "dembi dagaal", halka Tehran ay sheegtay inay bartilmaameedsatay saldhigyo iyo goobo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Kuwait, Baxrayn iyo Qatar, iyadoo arrintaas ku sheegtay jawaab celin.
