War deg deg ah, Switzerland oo kaga adkaatay Colombia rigorayaal, wareega 8-da waxaa ku sugaysa Argentina
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Xulka Kubbada cagta Switzerland ayaa u gudbay wareega 8-da koox ee koobka adduunka, kadib markii ay rigoorayaal kaga adkaadeen ciyaar ka tirsanayd wareega 16-ka koox xulka dalka Colombia.
Waxaa ay isaga hor imaan doonaan wareega 8-da koox ee koobka adduunka xulka uu hoggaaminayo Messi ee Argentina.
War deg deg ah, Mareykanka oo duqeeyay Iran kadib Maraakiib lagu weeraray Hormuz
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka (Centcom) ayaa sheegay
Talaadadii in weerar ‘’xooggan’’ lagu bartilmaameedsaday Iiraan, kadib markii
la weeraray maraakiib ganacsi oo gooshayay marinka Hormuz.
Sida ay sheegtay hay’adda howlgalada ganaci ee badda ee UK (UKMTO),
maraakiibta ayaa waxyeello soo gaartay muddo 24 saacadood gudahood Isniintii
iyo Talaadadii, balse wax dhaawac ah lama soo warin. Iran weli ma sheegan mas’uuliyad
weerarradaas.
Saraakiil Mareykan ah ayaa horay u sheegay in Iran ay wajihi
doonto cawaaqib adag, iyagoo ku tilmaamay weerarrada “kuwa gebi ahaanba aan la
aqbali karin.”
War deg deg ah, Maraykanka oo talaabo qaaday kadib weerar ka dhacay Marinka Hormuz
Waaxda Maaliyada Maraykanka ayaa baabi’isay laysankii sida kumeel gaarka uga qaadayay cunaqabataynada shidaalka Iiraan. Waxa ay daba socotay weeraro lagu qaaday saddex maraakiibta shidaalka qaada ee marinka Hormuz taasi oo lagu eedeeyay Iiraan.
Sarkaal maaliyadeed ayaa talaabada ku tilmaamay ‘’mid aan la aqbali karin’’ ayna tahay inay ka dhalato ‘’cawaaqib’’, inkasta oo aan si gaar ah loo cayimin wax ba ka baxsan laalitaanka.
Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay weerarka mid kamid ah maraakiibteeda lagu qaaday, sidaas oo kale Qadar Markab ay leedahay oo qaada Gaaska ay dab ka kacay kadib markii lala eegtay diyaarad drone ah.
Iiraan weli kama falcelin laysanka Maraykanku la laabtay ( Waxaa horay la isugu waafaqay dib ugu furitaanka marinka Hormuz ee Maraakiibta ganacsi taasi oo qayb ka ahayd heshiiskii nabadeed ee bishii aynu soo dhaafnay ay wada gaareen Maraykanka iyo Iiraan.)
War deg deg ah, Hoggaamiyaha midigta Le Pen oo weli loo oggol yahay inay ka qayb gasho doorashada madaxtinimada Faransiiska
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, Marine Le Pen ayaa hoggaaminaysay xisbiga qaran ee Faransiiska tan iyo 2011
Hoggaamiyaha adag ee midigta dalka Faransiiska Marine Le Pen ayaa sheegtay inay weli u tartami karo doorashada madaxweynaha ee sannadka soo socda, inkasta oo ay ku guul daraysanayso racfaankeedii ka dhanka ahaa argtida sida khaladka ah ee adeegsiga dhaqaalaha baarlamanka Yurub.
Waxa ay sheegtay inay ka doodayso xukunka. Xukunka maanta ee Paris waxa uu ka qaaday mamnuucid hore oo saarnayd oo la xiriirta ee maamulida xafiis dadweyne. Laakiin xukunada maxkamada sare ee Faraniiska ee iyada ka dhanka ahaa waxaa sida ugu dhakhsaha badan looga baahanayaa inay xirato qalaba elektarooniga ee lagula soconayo, taasi oo olalaheeda ka dhigaya mid adag.
Tani ayaa noqonaysa isku daygeedii Afaraad ee madaxweynanimada, waxaana la tilmaamayaa inay tahay fursadeedii ugu wanaagsanayd ee ay hesho.
War deg deg ah, Ugu yaraan 15 qof oo lagu dilay weerar ay geysatay diyaarad drone ah
Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday diyaarada aan duuliya lahayn oo ka dhacday gobolka Waqooyiga Kordofan.
Qareenada degdega ee kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay laba gaadiid lagu duqeeyay aag ay maamulaan ciidamada gurmadka degdega ee RSF.
Labada gaari mid kamid ah ayaa waday marti ka qayb galaysay nikaax, halka gaariga kale uu waday biyo.
Kooxdu kama hadlin cidda weerarka gaysatay. Duqaymaha ayaa yimid xilli QM ay ku baaqayso baaritaan degdeg ah oo la xiriira xadugubyo ka dhan ah dadka rayidka oo ka dhacay magaalada la qabsaday ee El-Obeid
War deg deg ah, Ruushka oo cunaqabateen saarnayd laga qaaday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Guddiga Caalamiga ee Olombikada ayaa cunaqateeyntii ay saareen Ruushka ka qaaday, iyaga oo u oggolaaday ciyaartooyda dalkaasi inay ka qayb galaan tartanka xaggaaga soo socda ee ka dhacay Los Angeles muddo laba sano gudahood ah.
Cunaqabataynta ayaa lasoo rogay bishii Oktoobar ee sannadkii 2023, iyada oo IOC ay u u sababaysay nidaam dowli oo taageeraya daroogada ciyaartooyda laga helo iyo ku xadgudub nidaamkaOlombikada, kadib galitaankii Ukraine.
IOC ayaa intaa ku dartay in midkoodna xubnaha guddiga olombikada ee Ruushka aysan haatan ka imaan xuduuda hoos imaanaysa maamulka Ukraine. Waxa uu guddigu sheegay in aysan go’aansan isticmaalka calanka iyo heesta qaranka. Ruushka ayaa soo dhoweeyay talaabadan, waxaana uu sheegay inay tahay in Olombikadu ay ka madax banaanaato siyaasadda.
War deg deg ah, Soomaaliya oo cambaaraysay qaraxyada ka dhacay Dimishiq
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Qaraxyada ka dhacay bartamaha dimishiq iyo kooxda gurmadka degdega oo ku sugan goobtaasi.
Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barta bulshada ku cambaaraysay weerarada qaraxyada ee ka dhacay Dimishiq, ayna sheegtay inay garab taagan tahay dowladda Suuriya.
‘’Waxa ay jamhuuriyada federaalka Soomaaliya sida ugu adag ay u cambaaraynaysaa weerarka argagixiso ee lala beegsaday caasimada Suuriya ee Dimishiq.
‘’Waxa ay ku celinaysaa Soomaaliya sida ay u diidan tahay gabi ahaan argagixiso iyo xagjirayn noocyadooda kala duwan, waxayna adkaynaysaa dadaalada heerka dowladeed ah ee la dagaalanka argagixisada, ayna xoojinaysaa nabadda, ammaanka iyo degenaanshaha.’’
Inta la ogyahay ilaa 18 qof ayaa ku dhaawacmay laba qarax bambaanooyin ah oo lala eegtay bartamaha Dimshiq intii lagu guda jiray booqashada Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, sida ay sheegtay dowladda Suuriya.
War deg deg ah, Argentina oo samaysay soo laabasho la yaab leh, kadib markii ay Masar garaaceen
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ciyaaryahanada Argentina oo dabaal degaya kadib guushii ay ka gaareen Masar
Kooxda difaacanaysa koobka adduunka ee Argentina ayaa garaacday Masar, iyaga oo u soo baxay wareega 8-da kooxood ee Koobka Adduunka.
Ciyaarta xiisaha badnay ayaa waxaa soo maray wakhti ay kooxda faraacinada ay ku hoggaaminayeen 2:0, Laakiin Argentina ayaa soo laabasho la yaab leh dhigtay ku dhowaad dhammaadkii qaybtii labaad ee ciyaarta,iyaga oo goolal dhaliyay xilliga loo yaqaan wakhtiga dhaawaca ee marka gool lagaa dhaliyo aadan dib usoo kabsan karin.
Wareega 8-da Kooxood ayay wajihi doonaan kooxdii soo baxda Colombia ama Switzerland, kuwaasi oo ciyaartoodu ka socoto Vancouver.