Turkiga: Israa'iil waxay raadinaysaa cadow cusub, balse annagu ma baqi doonno

Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa bilihii ugu dambeeyay is-weydaarsanayay hadallo kulul
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in Israa'iil ay xilligan ku jirto raadinta cadow cusub.

Wareysi uu Khamiistii siiyay CNN Türk, ayuu Fidan ku yiri: "Ilaa iyo inta Israa'iil ama dhinac kale uu ka shaqeynayo wax ka soo horjeeda danaha qaran iyo kuwa gobolka ee Turkiga, ma jirto sabab aan uga cabsanno, uga laba-labeyno ama uga laabanno."

Fidan wuxuu intaas ku daray in haddii xaaladdu sidaas noqoto, Turkigu uusan wax dhibaato ah ku qabin iska hor imaad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa yiri: "Haddii arrintu halkaas gaarto, annaga wax dhibaato ah nooma aha. Israa'iil ma aha oo keliya dhibaatadayda; waa dhibaatada dunida oo dhan. Israa'iil ma aha oo keliya dhibaatada Turkiga, sidoo kalena ma aha arrin ku kooban Madaxweyne Erdoğan oo keliya."

Hakan Fidan ayaa yiri: "Farqiga keliya ayaa ah in Madaxweyne Erdoğan uu si cad u sheegayo in waxa khaldan uu khaldan yahay."

Fidan wuxuu sii raaciyay: "Arrintan waa in aadanaha oo dhan ka fiirsadaan. Laakiin qof walba wuu ogyahay, wuuna dareemayaa. Dadku waxay arrintan kaga hadlaan si hoose qolalka xiran, mararka qaarkoodna si furan ayay uga hadlaan."

Baaq lagu dalbanayo in cunaqabateyn lagu soo rogo Israa'iil

Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa yiri: "Tani waa dhibaato haysata bani'aadamka oo dhan. Waa inaan sidaas u aragnaa. Dadkani waxay noqdeen culays aan bani'aadamku mar dambe qaadi karin."

Wuxuu sii raaciyay: "Siyaasadahan iyo fikirkan awgiis, bani'aadamku ma sii qaadi karo culayskan. Damiirka aadanuhuna ma aqbali karo."

"Hababka siyaasadeed ma maareyn karaan, nidaamyada dhaqaalahuna uma adkeysan karaan. Si kasta oo loo eego, ma jiro halbeeg lagu aqbali karo xaaladdan sida ay tahay."

Fidan ayaa sheegay: "Waxaa laga yaabaa in Turkigu yahay waddanka keliya ee arrintan si cad uga hadlaya, laakiin tani waa dhibaatadiinna sidoo kale. Haddii aad iga filaysaan inaan kaligay idin metelo oo aan xalliyo dhibaatadan, markaa qof walba waa inuu door ka qaataa."

Isagoo ku baaqaya in cunaqabateyn lagu soo rogo Israa'iil, ayuu yiri: "Qof walba waa inuu qaataa mowqif diblomaasiyadeed, waana in la saaraa cunaqabateyn lagama maarmaan ah dadkaas."

Maxay Israa'iil ka tiri?

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa si joogto ah hadallo kulul ugu jeediya madaxweynaha Turkiga Erdogan

Hadallada Hakan Fidan ayaa si weyn falcelin looga bixiyay gudah Israa'iil. Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Israa'iil, Gideon Sa'ar, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkigu adeegsaday hadallo kicin iyo hurin ah.

Suxufiga Israa'iiliga ah Mario Nawfal ayaa isaguna bartiisa X ku qoray: "Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in Israa'iil ay 'raadinayso cadow cusub' isla markaana Turkigu 'uusan wax dhibaato ah ku qabin iska hor imaad'. Intaas ka dib, wuxuu Israa'iil ku tilmaamay 'dhibaatada dunida'."

Wuxuu intaas ku daray: "Tani waxay muujinaysaa in Ankara ay si cad ugu dhaqaaqayso inay gobolka ka noqoto awoodda ugu weyn ee ka soo horjeedda Israa'iil, iyadoo beddelaysa doorkii Iiraan. Kadib markii ay daciifeen Xamaas iyo Xisbullah, Turkigu wuxuu isku dayayaa inuu hoggaamiyo wejiga xiga ee iska hor imaadka."