Dil toogasho oo ka dhacay masjid ku yaalla San Diego Maraykanka

Booliiska oo warbaahinta la hadlayey

Xigashada Sawirka, EPA

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Laba dhalinyaro ah ayaa dil toogasho ah ka geestay masjid ku yaala magaalada San Diego ee gobolka California, ka hor inta aysan iyaguna isdilin kaas oo ay booliiska ku sheegeyn inuu aha fal ku salaysan neceyn diimeed.

Toogashadu waxay dhacday subaxnimadii Isniinta, laba saacadood kadib markii hooyada mid ka mid ah eedeesanayaasha ay booliiska wacday iyadoo u sheegtay in wiilkeedu isla soo baxsadeyn saaxiibkiis isla markaana ay uga shakisan tahay inuu isdilo.

Intii ay socday baadi-goobka wiilasha ayuu bilowday weerarka ka dhacay masaajikda, waxayna bannaanka hore ee dhismaha ka heleen booliiska saddex qof oo dhaawacyo rasaas qaba.

Saraakiisha booliska ayaa gaari yaallay meel cabbaar u jirta masjidka ka helay eedeesanayaasha oo meyd ah, kuwaas oo da' dooda lagu sheegay 17 iyo 18 sano.

Dadka dhintay waxaa ku jiray mid kamid ah waardiyeeyshii masjikda, kaas oo masuuliyiintu sheegeen inuu "door muhiim ah" ka qaatay sidii loo xakamayn lahaa weerarka".

"Waa cadaalad in la yiraahdo waardiyaha waxa uu sameeyey waxay ahaayeen geesinimo," ayuu yiri Taliyaha Booliiska San Diego Scott Wahl, mar uu saxaafadda kula hadlayey shir jaraa'id. "Shaki kuma jiro inuu maanta badbaadiyay nafaf badan", ayuuna hadalkiisa sii raaciyey.

Masuuliyiinta booliisku weli ma aysan shaacin magacyada saddexda qof ee la dilay. Hase yeeshee, qof yaqaanay waardiyaha ayaa u sheegay warbaahinta CBS in waardiyaha uu ahaa aabbe ay u joogeyn 8 caruur ah.

In kasta aysan soo bixin warbixin sheegeysa sababta ka dambeysa weerarka, hadana kooxda baareysa dhacdada ayaa sheegtay in ay umaleenayaan inuu ahaa fal ku salaysan naceyb diimeed, iyaga oo tixraacaya qoraallo lagu sheegay in mid ka mid ah tuhmanayaasha uu qoray, maadaama masaajidka uu weerarka ka dhacay ayaa ah kan

"Ma jirin askar booliis ah oo rasaas furtay," ayuu taliyaha booliiska warbaahinta u sheegay, sidoo Kalena ma aysan la kulmin raggii hubaysnaa.

Qiyaastii laba saacadood kahor weerarka, hooyada mid ka mid ah tuhmanayaasha ayaa booliiska ku wargelisay in wiilkeedu guriga kala baxay dhowr qori iyo gaarigeeda.

Bulshada meesha iskugu timid

Xigashada Sawirka, EPA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haweeneydu waxay sheegtay inuu la socday saaxiibkiis oo labadooduba ay ku labisteyn dharka kuwa ciidanka u eg.

Markii toogashadu dhacaysay, ciidanku wali waxay la hadlayeen hooyada, iyaga joogay xaafad u dhaw masaajidka.

Saraakiishaas markii ay bannaanka dhismaha ka heleen saddexda dhibbane, waxay gudaha u galeen dhismaha masjidka.

Markii booliisku gaareen goobta labaad oo dhowr xaafadood u jirta masaajidka, waxay halkaas ka heleen meydadka labada wiil ee lagu tuhmayo in ay falka toogashada ka dambeeyeen.

Masaajidka waxaa ku dhex yaalla dugsi quraan, halkaas oo ay caruurtu ku qaadanayeen cashirradooda marka uu weerarka dhacayey.

Muuqaallo cirka laga duubay ayaa muujinayay carruur gacmaha is haysta oo laga daadgureynayo goobta baabuurta la dhigto ee xarunta, xilli booliisku ay hawlgalka wadeen. Waxaa sidoo kale ardayda laga kala fasaxay dugsiyo kale oo u dhow masaajidka si amniga loo sugo.

Goobjooge la hadlay CBS ayaa sheegay inuu maqlay ilaa 30 xabbadood oo u ekaa "hub nooca gacanta lagu qaato ah".

Wuxuu sheegay inuu markii hore maqlay ku dhowaad toban xabbadood, kadib ay joogsatay, kadibna mar kale rasaas kale uu maqlay.

Haweeney booliiska la hadlaysa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Goobjogaha ayaa sheegay inuu booliska wacay, markii uu rasaasta dambe maqlay, booliiskuna ay ku yimaadeyn "shan ilaa toban daqiiqo gudahood".

Imaam Taha Hassane, agaasimaha Xarunta Islaamka ee San Diego, ayaa shir jaraa'id ku sheegay: "Waa arrin aad looga xumaado in la bartilmaameedsado goob cibaado, goobtani waa guri cibaado, ma aha goob dagaal," ayuu raaciyay.

Dhacdadaan ayaa ku aadeysa iyada oo muslimiintu isku diyaarinayaan maalmaha barakaysan ee bisha Carafo (ciidul adxaa).

Guddoomiyaha gobolka California, Gavin Newsom, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu "ka naxay weerarkan ka dhacay masaajikda, halkaas ayuu qoraalkiisu ku sheegay in ay tahay goob ay ku kulmaan caruur ka kala yimaada qoyasa kala duwan.

Gobolku "ma aqbali doono falal argagax iyo cabsi gelin ah oo lagu beegsanayo bulshooyinka iyo xarumaha diimaha," ayuu Newsom raaciyay.

Markii wax laga weydiiyay toogashada Isniintii, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay "xaalad aad u xun".