Iibinta carruurta si loo noolaado: Aabbayaasha Afgaanistaan oo lagu qasbay go'aanno aan macquul ahayn

Xigashada Sawirka, Imogen Anderson/BBC
Iyada oo waagu baryayo, boqolaal rag ah ayaa isugu yimaada barxad boor-leh oo ku taalla Chaghcharan, caasimadda gobolka Ghor ee Afghanistan.
Waxay saf u galaan hareeraha waddada iyagoo rajaynaya in qof u yimaado oo uu shaqo kasta siiya. Shaqadaas ayaa go'aaminaysa in qoysaskoodu maalintaas ay wax cunaan iyo in kale.
Laakiin fursadda lagu heli karo shaqo aad bay u yar tahay.
Juma Khan oo 45 jir ah ayaa lixdii toddobaad ee lasoo dhaafay helay saddex maalmood oo keliya oo shaqo ah, taas oo maalintii lagu siin jiray 150 ilaa 200 lacagta Afghanistan.
"Carruurtaydu saddex habeen oo xiriir ah ayay gaajo ku seexdeen. Xaaskayga way ooyaysay, carruurtayduna sidoo kale. Markaas ayaan deriska ka baryay lacag aan bur ku soo gato," ayuu yiri.
"Waxaan ku noolahay cabsi ah in carruurtaydu gaajo u dhintaan."
Sheekadiisu ma aha mid gaar u ah isaga oo keliya.
Digniin: Qoraalkani wuxuu ka kooban yahay faahfaahino murugo leh.
Maanta Afghanistan, saddex meelood afar meel dadka ka mid ah ma awoodaan inay daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Shaqo la'aantu aad bay u badan tahay, adeegga caafimaadkuna wuu liitaa, halka gargaarkii malaayiinta qof siin jiray waxyaabaha aasaasiga ah uu si weyn u yaraaday.
Dalku hadda wuxuu wajahayaa heerkii ugu sarreeyay ee gaajo, iyadoo 4.7 milyan oo qof — in ka badan toban meelood meel shacabka Afghanistan — lagu qiyaasay inay hal tallaabo u jiraan macaluul.
Ghor waa mid kamid ah gobollada ugu daran ee ay dhibaatadu saameysay.
Ragga halkaas jooga waa kuwo quus taagan.
"Waxaa la ii soo wacay iyadoo la ii sheegayo in carruurtaydu laba maalmood waxba cunin," ayuu yiri Rabani, iyada oo codkiisuna hashkadaynayo.
"Waxaan dareemay inaan is dilo. Laakiin markaas ayaan is iri sidee taasi qoyskeyga u caawinaysaa? Sidaas darteed ayaan halkan shaqo uga raadinayaa."

Xigashada Sawirka, Imogen Anderson/BBC
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khwaja Ahmad xitaa ma awoodo inuu dhowr eray dhameeyo ka hor intuusan ilmeyn.
"Waan gaajeysanahay. Carruurtaydii waaweyneyd way dhinteen, sidaas darteed waa inaan shaqeeyaa si aan qoyskayga u quudiyo. Laakiin waan gaboobay, cidna shaqo ima siiso," ayuu yiri.
Markii foorno-rooti oo maxalli ah oo ku dhow barxadda uu furmay, milkiiluhu wuxuu dadka u qaybiyay rooti duug ah. Ilbiriqsiyo gudahood, rootigii waa la kala jiitay iyadoo dhowr nin ay ku dheggan yihiin qaybo yar.
Si kedis ah ayaa buuq kale u dhacay. Nin mooto wata ayaa yimid isagoo doonaya hal shaqaale oo dhagax qaada. Tobannaan nin ayaa ku xoomay.
Labadii saacadood ee aan halkaas joognay, saddex nin oo keliya ayaa shaqo helay.
Bulshooyinka ku dhow dhow — guryo cidlo ah oo ku kala yaalla buuro bunni ah oo qallalan, kana soo horjeeda buuraha barafka le ee Siah Koh — saameynta ba'an ee shaqo la'aanta si cad ayaa looga arki karaa.
Abdul Rashid Azimi wuxuu na geeyay gurigiisa wuxuuna noo keenay laba ka mid ah carruurtiisa — mataano toddoba jir ah oo lagu magacaabo Roqia iyo Rohila. Wuxuu si adag ugu dhagay isagoo doonaya inuu sharaxo sababta uu u qaadanayo go'aanno xanuun badan.
"Waxaan diyaar u ahay inaan iibiyo gabdhahayga," ayuu yiri isaga oo ooyaya. "Waxaan ahay miskiin, deyn badan baan ku jiraa, mana awoodi karo wax kale.
"Waxaan shaqada kasoo laabtaa anigoo bushimo qallalan leh, gaajeysan, harraadsan, murugaysan oo jahawareersan. Carruurtaydu waxay iigu yimaadaan iyagoo leh 'Aabo, rooti na sii.' Laakiin maxaan siin karaa? Xaggee shaqo taal?"
Wuxuu isku duubay Rohila isagoo dhunkanaya isla markaana ooyaya.

Xigashada Sawirka, Imogen Anderson/BBC
"Qalbiga ayay i jebinaysaa, laakiin waa dariiqa keliya ee aan carruurtayda kale ku quudin karo."
"Waxaan cunno ahaan u haysannaa rooti iyo biyo kulul oo keliya, xitaa shaah ma hayno," ayay tiri hooyadood Kayhan.
Laba kamid ah wiilasheeda dhallinyarada ah waxay ka shaqeeyaan nadiifinta kabaha bartamaha magaalada. Mid kale wuxuu soo ururiyaa qashin, kaas oo Kayhan u isticmaasho shidaal ay wax ku kariso.
Saeed Ahmad wuxuu noo sheegay in mar hore lagu qasbay inuu iibiyo gabadhiisa shan jirka ah ee Shaiqa kadib markii ay ku dhacday xanuunka appendix-ka iyo buro beerka kaga taalla.
"Ma haysan lacag aan ku bixiyo qarashka daaweynta. Sidaas darteed ayaan gabadhayda ugu iibiyay qaraabo," ayuu yiri.
Qalliinkii Shaiqa wuu guuleystay. Lacagta lagu bixiyay waxay gaaraysaa 200,000 Afghani
"Haddii aan waqtigaas qaadan lahaa lacagta oo dhan, wuu kaxaysan lahaa. Sidaas darteed waxaan ku iri hadda ii sii inta daaweynteeda ku filan, shanta sano ee soo socotana inta kale waad bixin kartaa kadibna waad kaxaysan kartaa," ayuu sharaxay Saeed.
Shaiqa waxay gacmaheeda yar yar ku qabatay qoortiisa. Xiriirka dhow ee ka dhexeeya si cad ayaa loo arkayaa, laakiin shan sano kadib waa inay ka tagtaa guriga oo ay u guurtaa qaraabada.
"Haddii aan lacag hayn lahaa, waligey go'aankan ma qaateen," ayuu yiri Saeed.
"Laakiin waxaan is iri, maxaa dhacaya haddii ay dhimato iyadoo aan qalliinka helin? Sidaan ugu yaraan way noolaan doontaa."

Xigashada Sawirka, Imogen Anderson/BBC
Laba sano ka hor, Saeed iyo qoyskiisa — sida malaayiin Afgaanistaan ah — waxay heli jireen gargaar cunto: bur, saliid, digir iyo nafaqooyin carruurta loogu talagalay.
Laakiin jarista weyn ee gargaarka sanadihii la soo dhaafay ayaa ka qaaday inta badan dadka gargaarkii badbaadada ahaa.
Mareykanka oo ahaa deeq bixiyihii ugu weynaa Afghanistan — wuxuu sanadkii hore joojiyay ku dhowaad dhammaan gargaarkii dalka. Deeq bixiyeyaal kale oo muhiim ah, oo ay ku jirto Britain, ayaa sidoo kale si weyn u dhimay taageeradooda.
Abaar daran oo saameysay in ka badan kala bar gobollada dalka ayaa dhibaatada sii kordhisay.
"Wax gargaar ah kama aanan helin cidna — dowladda iyo hay'adaha samafalka midna," ayuu yiri nin deegaanka ah oo lagu magacaabo Abdul Malik.
Dowladda Taliban oo talada qabsatay 2021 waxay sidoo kale eedda dusha ka saartay dowladdii hore ee Afghanistan.
"20-kii sano ee duullaanka, dhaqaale macmal ah ayaa la sameeyay sababtuna ay tahay lacagtii badaneyd ee Mareykanka soo gelin jiray," ayuu BBC-da u sheegay Hamdullah Fitrat, afhayeen ku xigeenka Taliban.
"Kadib dhammaadka duullaanka, waxaan dhaxalnay faqri, dhibaato, shaqo la'aan iyo dhibaatooyin kale."
Si kastaba, siyaasadaha Taliban — gaar ahaan xayiraadaha ay saareen haweenka — ayaa sidoo kale sabab weyn u ah in deeq bixiyayaashu ka jeestaan.
Markii arrintaas wax laga waydiiyay, dowladda Taliban waxay diidday inay masuuliyad ka qaadato bixitaanka deeq bixiyayaasha, iyagoo sheegay in "gargaarka bani'aadamnimo aan siyaasad lagu darin."
Fitrat wuxuu sidoo kale tilmaamay qorshayaasha Taliban ee "yaraynta faqriga iyo abuurista shaqooyin" iyagoo hirgelinaya mashaariic dhaqaale oo waaweyn.
Laakiin inkasta oo mashaariicda muddada dheer laga yaabo inay mustaqbalka caawiyaan, haddana waxaa cad in malaayiin qof aysan noolaan doonin haddii aan gargaar degdeg ah la helin.
Sida Mohammad Hashem oo gabadhiisa 14 bilood jirka ah ay dhowr toddobaad ka hor u geeriyootay.
"Ilmahayga waxay u dhimatay gaajo iyo dawo la'aan… Marka ilmo gaajeysan oo jiran yahay, waa iska cadahay inuu dhimanayo," ayuu yiri.
Oday deegaanka ah ayaa sheegay in dhimashada carruurta oo badankeed ka timaadda nafaqo darro ay "aad u korortay" labadii sano ee lasoo dhaafay.
Halkaas ma jiraan diiwaanno rasmi ah oo dhimasho. Qabuuraha ayaa ah meesha keliya ee laga arki karo caddaynta kororka dhimashada carruurta.

Xigashada Sawirka, Imogen Anderson/BBC
Isbitaalka weyn ee gobolka Chaghcharan ayaa sidoo kale bixiyay caddayn kale.
Qeybta dhallaanka cusub ayaa ah tan ugu mashquulka badan. Sariir kasta waa buuxdaa, qaarna laba ilmood ayaa ku jira. Intooda badan miisaankoodu aad buu u hooseeyaa, qaar badanna si dhib leh ayay u neefsanayaan.
Kalkaaliso ayaa soo gelisay sariir yar oo ay ku jiraan laba gabdhood oo mataano ah. Waxay dhasheen laba bilood ka hor waqtigii loogu talagalay. Mid waxay culeyskeedu yahay 2kg, tan kalena 1kg oo keliya.
Xaaladdoodu waa halis, waxaana isla markiiba lagu xiray oksijiin.
Hooyadood Shakila oo 22 jir ah waxay ku jirtaa qeybta umulisada.
"Waa ay daciiftay sababtoo ah markii ay uurka sidday wax ay cuni jirtay ma jirin marka laga reebo rooti iyo shaah," ayay ayeeyadood Gulbadan sharaxday. "Taasi waa sababta ay carruurtu sidan u yihiin."
Dhowr saacadood kadib markii aan ka tagnay isbitaalka, ilmaha culus ayaa geeriyooday ka hor inta aan xitaa magac loo bixin.
"Dhakhaatiirtu waa ay isku dayeen inay badbaadiyaan laakiin waa ay geeriyootay," ayay tiri ayeeyadeed iyadoo murugaysan.
"Waxaan duubay jirkeeda yar oo guriga geeyay. Markii hooyadeed ogaatay way suuxday."
Gulbadan waxay far-fiiqday ilmaha kale iyadoo leh: "Waxaan rajeynayaa inay ugu yaraan iyadu badbaaddo."

Xigashada Sawirka, Imogen Anderson/BBC
Kalkaaliso Fatima Husseini waxay sheegtay inay jiraan maalmo ay saddex carruur ah geeriyoodaan.
"Bilowgii aad bay iigu adkeyd markaan arkayay carruur dhimanaysa. Laakiin hadda waxay noogu dhowdahay wax caadi noqday," ayay tiri.
Dr Muhammad Mosa Oldat oo maamula qeybta dhallaanka ayaa sheegay in heerka dhimashadu gaarayo 10%, taas oo uu ku tilmaamay "mid aan la aqbali karin."
"Laakiin faqri dartii, tirada bukaannadu maalin walba way sii kordhaysaa," ayuu yiri. "Annagana halkan ma haysanno agabkii aan carruurta si sax ah ugu daweyn lahayn."
Qeybta daryeelka degdegga ah ee carruurta, Zameer oo lix toddobaad jir ah wuxuu la ildaran yahay (meningitis) iyo oof-wareen. Labaduba waa cudurro la daweyn karo, laakiin dhakhaatiirtu waxay u baahan yihiin MRI mana haystaan qalabkii saxda ahaa.
Waxa ugu naxdinta badan ee shaqaalaha caafimaadku sheegeen ayaa ah in isbitaalka dowladdu uusan dawo u hayn bukaannada badankood, qoysaskuna ay farmashiyeyaasha dibadda ka iibsadaan daawooyinka.
"Mararka qaarkood haddii dawooyin uga haraan ilmo qoys ladan leh, waxaan siinnaa carruurta qoysaskoodu aysan awoodin," ayay tiri Fatima.
Lacag la'aanta ayaa qoysas badan ku qasbaysa go'aanno adag.
Gabadhii yarayd ee ay ayeeyada u ahayd Gulbadan wax yar ayay miisaan kororsatay neefsigeeduna wuu degganaaday. Laakiin dhowr maalmood kadib qoyskeedu guriga ayay geeyeen. Si fudud uma awoodin inay sii joogto isbitaalka.
Ilmaha Zameer sidoo kale waalidkiis ayaa guriga ula baxay sababtaas oo kale.
Jirkooda yaryar hadda waa inay kaligood u dagaalamaan sidii ay u noolaan lahaayeen.












