Maraykanka oo soo saaray amar maxkamadeed si ehelada Ilhaan Cumar su'aalo loo weydiiyo

Ilhaan
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Wakiillada Federaalka ee baaraya Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota, ayaa soo saaray warqado wicitaan ah oo loo diray qaar ka mid ah qaraabadeeda iyadoo mas'uuliyiintu ay baarayaan taariikhda qoyskeeda si ay u helaan caddayn khiyaano iyo hadallo been abuur ah oo ku jira waraaqaha socdaalka, sida ay sheegeen dad u dhuun daloola arrinta,sida uu qoray wargayskaNew York Times.

Ilhaan walaasheed Sahra Nuur ayaa heshay warqad amar maxkamadeed ah, ayadoo ugu yaraan hal xubin oo kale oo ka tirsan qoyskeeda amarkaas loo diray, sida ay sheegeen dad la socda arrinta baaritaanka oo uu wargeysku soo xigtay.

Isniintii ayaa saraakiisha xukuumadda Maraykanka waxay ku fuliyeen warqad amar baaritaan ah oo lagu baarayo Ilhaan gurigeeda oo ku yaal Washington, waxaana la arkayey iyagoo wata sanduuqyo dukumeentiyo ah.

Sahra Nuur oo ah xirfadle daryeel caafimaad iyo qoraa, kama aysan jawaabin codsiyada faallooyinka ee loogu diray emaylka.

Warqado amar maxkamadeed oo heer sare ah ayaa la soo saaray si loo ururiyo caddaymo ku saabsan dambiyada suurtagalka ah, mana aha macnaheedu in dadka la siiyay ay baaritaan ku socdaan. Isniintii ayaa Ilhaan Omar waxay cambaareysay baaritaanka gurigeeda, iyadoo ku tilmaamtay dadaal uu maamulka Trump "ku bartilmaameedsanayo 'cadawga siyaasadeed' iyo hub ka dhigashada sharci fulinta federaalka." Waxay si isdaba joog ah u beenisay inay wax khalad ah ka gashay arrimaha socdaalka.

Faahfaahinta baaritaanka lagu sameeyay Ilhaan weli ma cadda, laakiin bilihii ugu dambeeyay, baarayaasha federaalka ayaa baarayay taariikhda socdaalka qoyskeeda. Baaritaanku wuxuu diiradda saarayaa in aabbaha geeriyooday ee Ilhaan, Nuur Cumar Maxamed, uu been sheegay ama uu ka tagay macluumaad ku jira foomamka socdaalka ka hor inta uusan noqon muwaadin Mareykan ah.

Waraaqaha loo diray ayaa ah tallaabo kale oo baaritaan ah oo Waaxda Caddaaladda ay qaadayso dhowr toddobaad ka hor Maalinta Doorashada xilliga dhexe, waqti ay saraakiisha fulinta sharciga ay caadiyan ka fogaadaan inay qaadaan tallaabooyin cad, sida fulinta warqadaha baaritaanka iyo soo saarista warqadaha, kuwaas oo loo arki karo inay isku dayayaan inay caawiyaan ama dhaawacaan musharrax. Dacwad oogayaashu mararka qaar waxay diyaar u ahaayeen inay qaadaan tallaabooyinkaas haddii ay haystaan ​​sabab ay ku aaminsan yihiin in caddayn la burburin karo, ama haddii dambiyo kale la geysan karo.

Tallaabooyinka noocan oo kale ah ee aadka ugu dhow doorashada, ka dib weerarkii dadweynaha ee Madaxweyne Trump uu ku qaaday Ilhaan Cumar ayaa dhaliyay su'aalo ku saabsan inta kiis ee ku salaysan cadaadiska siyaasadeed ee Aqalka Cad, iyo inta ku salaysan taha caddayn adag. Muddadii labaad ee uu xilka hayay, madaxweynuhu wuxuu si cad uga dalbaday Waaxda Caddaaladda inay dad gaar ah ku soo oogaan dambiyo, mararka qaarna wuxuu shaqada ka eryay kuwa diiday inay sidaas sameeyaan.

Madaxweynuhu wuxuu Talaadadii baraha bulshada ku soo jeediyay in Ilhaan Cumar ay ku lug lahayd khiyaano si ay u hesho malaayiin doolar. Wuxuu sidoo kale soo jeediyay inay ku lug lahayd khiyaano dhanka socdaalka ah. "Mareykanku wuxuu rabaa jawaabo, waxaana rabnaa hadda!" ayuu yiri.

Baaritaan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Randall D. Eliason, oo ah xeer-ilaaliye federaal ah oo hore iyo bare sharci oo hawlgab ah, ayaa sheegay in Waaxda Caddaaladda ee xilligii Trump ay si weyn u wiiqday kalsoonida, ilaa heer ay "lumisay xuquuqda ah in loo qaato inay si sax ah u shaqaynayso", waa oraah sharci oo tilmaamaysa in garsoorayaasha federaalku ay u qaataan in xeer ilaaliyayaashu ay si daacadnimo ah u hawlgalayaan.

"Marka la eego tallaabooyinka kale oo dhan ee ay qaadeen si ay waaxda uga dhigaan mid siyaasadaysan, awooddeedana ugu adeegsadaan beegsiga cadawga madaxweynaha" ayuu sii raaciyay, "xaaladdu waxay u muuqataa mid aad looga shakiyo. Hase yeeshee, iyada oo aan la arkin dukumeentiga lagu caddeeyey sababta loo bixiyay amarka baaritaanka, si hubaal ah looma sheegi karo waxa jira". ayuu sii raaciyey.

Norman L. Eisen, oo ah qareen dhowr jeer dacwad ku soo oogay maamulkii Trump bilihii u dambeeyay, ayaa Talaadadii baraha bulshada ku shaaciyay in urur aan faa'iido doon ahayn oo uu la shaqeeyo uu codsaday in baaritaan lagu sameeyo haddii mas'uuliyiinta maamulkaas ay jabiyeen Xeerka Hatch (Hatch Act), iyagoo "soo agaasimay" hawlgalka lagu baadrayay guriga Ilhaan Cumar. Codsiga waxaa loo gudbiyay Xafiiska Lataliyaha Gaarka ah (Office of the Special Counsel), kaas oo kormeera hirgelinta Xeerka Hatch.

"Mas'uuliyiintu ma isticmaali karaan awoodda sharci-fulinta si ay u saameeyaan doorasho" ayuu qoray Mr. Eisen. "Tani waa tusaale cad oo arrintaas ku saabsan".

Ilhaan Cumar waxay tan iyo sannadkii 2019-kii matalaysay degmo si adag u taageerta xisbiga Dimuqraadiga (oo ay ku jirto Minneapolis). Horraantii sannadkan, waxay si weyn ugu guulaysatay doorashada hordhaca ah, mana jiro tartan adag oo uga imanaya dhanka xisbiga Jamhuuriga doorashada bisha Nofeembar ka dhacaysa Maraykanka.

Taariikhda socdaalka (immigration history) ee Ilhaan ayaa in ka badan toban sano waxaa baaritaan ku hayay hay'adaha federaalka, balse baaritaannadaas ma aysan horseedin in dacwado lagu soo oogo. Wareysi uu bixiyay bishii Maarso, Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance ayaa sheegay in Ilhaan ay "si cad u gashay" khiyaano la xiriirta arrimaha socdaalka.

Kulan siyaasadeed dhacay Sabtidii, laba maalmood ka hor hawlgalka baaritaanka, ayuu Mr. Trump si gaar ah u soo hadal qaaday Ilhaan Cumar iyo asalkeeda Soomaaliga ah, wuxuuna xusay dadaallada Mr. Vance ee la xiriira kormeerka baaritaannada khiyaanada. "Aynu aragno waxa dhici doona" ayuu yiri.

Talaadadii, Mr. Vance wuxuu sheegay inuusan hore u siin ogeyn hawlgalka lagu baarayay guriga Ilhaan. "Madaxweynaha iyo aniguba inta badan waxaan isku daynaa inaan faraha kala baxno baaritaannada ay waddo Waaxda Caddaaladda iyo dacwadaha kale ee sharciga" ayuu yiri Mr. Vance, isagoo raaciyay: "Haddii uu jiro kiis dhab ah, waxaan raaci doonnaa xaqiiqooyinka. Haddii uusan jirin kiis dhab ah, markaas ma sii wadi doonno".