Gudaha shabakad qarsoon oo Putin ku dhex weeraraysa Ruushka

Shabakad
    • Author, Monica Garnsey
    • Role, BBC Eye
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Laba muwaadin oo Ruush ah oo sheegay inay si qarsoodi ah ula shaqeeyaan sirdoonka Ukraine, ayaa soo bandhigay xog naadir ah oo ku saabsan howlgallo ay sheegeen in lagu bartilmaameedsanayay burburinta kaabayaasha militariga iyo saraakiisha ciidamada ee gudaha Ruushka.

Mid ka mid ah labada nin oo lagu magacaabo Ivan oo ah magac maldahan ayaa sheegay inuu gacan ka geystay weerarrada ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ku qaadeen diyaaradaha dagaalka ee muhiimka ah iyo warshadaha hubka lagu sameeyo ee gudaha Ruushka ku yaalla.

Waraysigiisa ayaa qeyb ka ah maqaal ay baahisay BBC World Service, kaas oo daaha ka rogaya shabakadda qarsoon ee weerarrada ka fulisa gudaha xuduudaha Ruushka.

Maqaalkaas ayaa sidoo kale soo xiganaya nin kale oo lagu magacaabo Foma, kaas oo ah muwaadin Ruush ah oo ku nool dalka Poland, kana masuul ah shabakad xog sirdoon ah ka aruurisa saraakiil sare oo ay bartilmaameedsanayso sirdoonka militariga Ukraine ee GUR.

Foma wuxuu adkeeyay in shaqada kooxdiisu ay ku kooban tahay ururinta xogta oo kaliya, isla markaana aysan toos uga qeyb qaadan fulinta weerarrada.

Hase yeeshee, dilkii Lieutenant General Fanil Sarvarov ee ka dhacay Moscow bishii Disembar ee la soo dhaafay kadib, wuxuu qirtay in shabakaddiisa ay Ukraine siisay xogtii lagu beegsaday sarkaalkaas.

Inkasta oo wararka sheegaya in kooxo Ruush ah ay weerarro ka fulinayaan gudaha Ruushka oo ka dhan ah dowladda Moscow ay soo noqnoqdaan, haddana waa dhif in la helo qof si toos ah uga marqaati kaca howlgalladaas, sida uu hadda sameeyay Ivan.

Hay'adda Sirdoonka Militariga ee Ukraine ee loo yaqaan GUR, ayaa xaqiijisay in Ivan iyo Foma ay yihiin dad la shaqeeya, inkastoo ay sheegtay inaysan si dhab ah u xaqiijin karin howl kasta oo ay sheegaan inay qabteen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii la weydiiyay in Ivan yahay qof lagu kalsoonaan karo, mid ka mid ah saraakiishii kormeeraysay ayaa ku jawaabay: "Aniga mooyee, cid kale ma aamino."

Maadaama howlgalladan ay yihiin kuwo aad u sir ah, labada nin iyo hay'adda GUR-ba waxay si weyn uga taxadareen xogta ay bixinayaan, taas oo ka dhigtay mid aad u adag in si madax-bannaan loo xaqiijiyo runnimada sheegashooyinkooda.

Hase yeeshee, hababka ay ku shaqeeyaan waxay aad ugu eg yihiin istiraatiijiyadda uu sirdoonka Ukraine qirtay inuu u adeegsado dagaalka ka dhanka ah Ruushka, taas oo ay ka mid tahay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu weeraro xarumaha militariga ee gudaha Ruushka, iyo fulinta howlgallo qarsoon iyadoo la adeegsanayo wakiillo.

Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, saraakiil badan oo sare oo Ruush ah ayaa lagu dilay xaalado shaki leh. Inkastoo Ukraine aysan badanaa qirin ama beenin inay ka dambeyso weerarrada qorsheysan, haddana sarkaal ka tirsan sirdoonka Ukraine ayaa mar u xaqiijiyay BBC in Kyiv ay ka dambeysay dilkii Lieutenant General Igor Kirillov bishii December 2024.

Ilaa hadda lama oga tirada dhabta ah ee dadka Ruushka ah ee howlgalladan qarsoon kula shaqeeya Ukraine. Foma wuxuu ku qiyaasay inay u dhexeeyaan 300 ilaa 500 oo qof, balse tirooyinkaas ma xaqiijin ilo madax-bannaan.

Ivan iyo Foma waxay sheegeen inaysan ka soo horjeedin kaliya dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine, balse ay diidan yihiin nidaamka xukunka ee Madaxweyne Vladimir Putin oo dhan. Waxay aaminsan yihiin in aayaha siyaasadeed ee Putin uu si weyn ugu xiran yahay sida uu ku dhammaado dagaalka.

"Xilligan, waxaan aaminsanahay in xukunka Putin uu burburi karo haddii Ruushka laga adkaado dagaalka. Annagoo adeegsanayna howlgaladeenna, waxaan isku dayeynaa inaan dardar-gelinno dhamaadkaas," ayuu yiri Ivan.

Wuxuu u sheegay weriyaha Marcin Mamon in shaqadiisu ay ahayd la socodka xarumaha militariga iyo ogaanshaha halka lagu qariyo qalabka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si loogu diyaariyo weerarrada lagu qaadayo hantida militariga Ruushka.

"Marka qalabkaas la isku daro, waxay isu beddelaan hub aad u culus oo burbur xoog leh geysan kara, kaas oo hal weerar ku burburin kara hanti lagu qiimeeyo malaayiin doolar," ayuu yiri Ivan.

Ivan wuxuu sidoo kale u diray weriyaha Mamon muuqaal lagu eedeeyay inuu muujinayo isaga oo ku qarinaya walxaha qarxa meel ku dhow garoon diyaaradeed oo ciidan oo ku yaalla gudaha Ruushka.

Haddii la qabto, Ivan waxaa lagu soo oogi karaa eedeymo argagixisanimo, waxaana lagu xukumi karaa xabsi dheer.

Si ka duwan Ivan oo gudaha Ruushka ku sugan, Foma wuxuu howshiisa ka wadaa dibadda, isagoo ka baxsan Ruushka. Wuxuu sheegay inuu tababarro online ah siiyo dad is-xilqaamay oo ku sugan gudaha dalka. Weriye Marcin Mamon ayaa sheegay inuu goob-joog u ahaa mid ka mid ah tababarradaas, kaas oo diiradda lagu saarayay sida loola socdo saraakiisha militariga ee sare iyo sida xog sirdoon ah looga aruuriyo.

shabakad

"Waxaad ka heli doontaa aniga ama mid ka mid ah saaxiibadeyda fayl ay ku qoran yihiin xogta qofka la beegsanayo," ayuu Foma u sheegay dadka is-xilqaamayaasha ah. Wuxuu sheegay in faylkaas uu ka kooban yahay sawirka qofka, xogtiisa shakhsiga ah, taariikhdiisa dhalashada, da'diisa iyo faahfaahin kale, iyo sidoo kale xog ku saabsan gaariga uu wato haddii uu leeyahay.

Wuxuu sidoo kale ku boorriyay inay muujiyaan taxaddar weyn marka ay gudanayaan howshooda. "Markaad u baxeyso inaad la socoto qofka la beegsanayo, ha qaadan telefoon," ayuu ku yiri.

Foma, oo sheegay inuu mar ka mid ahaa dadka sare ee dowladda Ruushka, wuxuu aaminsan yahay in xiriirkiisa ballaaran uu u sahlo inuu helo xog gudaha ah si joogto ah.

Wuxuu u soo bandhigay weriyaha Marcin Mamon sida uu ula socdo bartilmaameedyada militariga, isagoo adeegsanaya keyd xog gaar ah oo uu ku kaydiyay kombiyuutarkiisa.

"Halkan waxaa ku jira xogta bakhaarada lagu kaydiyo hubka, saldhigyada militariga, guryaha ay deggan yihiin jeneraalada, iyo xitaa duuliyeyaasha diyaaradaha istaraatiijiga ah ee duqeeya Ukraine," ayuu yiri Foma.

Sida uu sheegay, fahamka sida uu nidaamka Ruushku u shaqeeyo ayaa ah tallaabada ugu muhiimsan ee lagu ogaan karo meelaha uu ka jilicsan yahay.

"Si aad u wiiqdo nidaam, marka hore waa inaad fahamtaa. Markaad fahamto sida uu u shaqeeyo, waxaad awood u yeelanaysaa inaad beegsato meelaha uu ka jilicsan yahay," ayuu yiri Foma.

Wuxuu sheegay in shabakaddiisu ay ka kooban tahay qiyaastii 30 qof oo ku kala nool Ruushka, Ukraine iyo dalal kale oo Yurub ah. Dadka ka baxsan Ruushka jooga ayaa bixiya taageero hawleed, oo ay ku jirto la socodka xogta dijitaalka ah ee dadka la beegsanayo.

Wuxuu intaas ku daray in bartilmaameedyada ay soo jeediso Hay'adda Sirdoonka Militariga ee Ukraine ee GUR, balse isaga iyo kooxdiisa ay sameeyaan baaritaan u gaar ah ka hor inta aysan ogolaan inay howsha ka qeyb qaataan.

"Caadi ahaan waxaan marka hore xaqiijinnaa xogta qofka. Ka dib ayaan go'aansannaa inaan ka qeyb qaadanno iyo in kale," ayuu yiri Foma.

Wuxuu difaacay howlaha shabakaddiisa, isagoo sheegay in ujeedkoodu yahay in dadka ku lugta leh dagaalka Ruushka ka dhanka ah Ukraine ay ogaadaan in lagu xisaabtami doono waxa ay sameynayaan.

"Waxaan rabaa kuwa fulinaya falalkan iyagoo ku hadlaya magaca Putin iyo Ruushka gudaha Ukraine inay ogaadaan in maalin uun lagula xisaabtami doono. Waxaan rabaa inay cabsadaan," ayuu yiri Foma.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku adkeystay in doorkiisu uu yahay ururinta iyo faafinta xogta sirdoonka kaliya, isla markaana shabakaddiisu aysan si toos ah ugu lug lahayn fulinta dilalka.

Isagoo ka hadlaya dilkii Lieutenant General Fanil Sarvarov ee dhacay bishii December 2025, Foma wuxuu fariin u diray weriye Mamon, isagoo ku yiri:

"La socodkiisu wuxuu u baahday dadaal badan. Wuxuu ku noolaa inta u dhaxeysa guriga gabadhiisa saaxiibka ah iyo guriga saaxiibkiis uu shaqada isku xafiis yihiin, isagoo si joogto ah u beddelaya jadwalkiisa si uu u qariyo dhaqdhaqaaqiisa."

Si ka duwan Foma, Ivan wuxuu ahaa mid aad uga taxaddar badan marka uu ka hadlayo howlaha uu sheegtay inuu ka qeyb qaatay, xitaa ka dib markii howlgaladaas la fuliyay.

Kadib markii uu sameeyay baaritaankiisa gaarka ah, Foma wuxuu soo gabagabeeyay in laga yaabo in Ivan uu ku lug lahaa qorshihii lagu weeraray warshadda ugu weyn Ruushka ee soo saarta diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn, oo ku taal Yelabuga. Hal qof ayaa lagu soo warramay in weerarkaas lagu dilay.

Ivan wuxuu ku adkeystay in ujeedka howlgalladaas uu yahay in laga fogaado waxyeellaynta dadka rayidka ah intii suurtagal ah.

Shabakad

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qirtay in shaqadu ay tahay mid khatar weyn leh.

"Xaaladdii ugu khatarta badnayd waxay ahayd markii gaarigeyga la joojiyay si loo baaro anigoo wata walxaha qarxa oo aan anigu sameeyay. Khatartu aad ayey u weyneyd, laakiin lama ogaan," ayuu yiri Ivan.

Si loo yareeyo halista ah in la ogaado, Ivan wuxuu sheegay in shabakaddoodu aysan lahayn qaab-dhismeed rasmi ah, isla markaana xubnaha intooda badan aysan is aqoon.

Foma isna wuxuu raacaa mabda'aas.

"Marka dadku ay bilaabaan inay kooxo ku kulmaan ama ay wada-hadallo wadajir ah ku yeeshaan internet-ka, fursadda ah in la ogaado oo la qabto ayaa si weyn u kordheysa," ayuu yiri.

Sida uu sheegay Ivan, dad aad u yar ayaa ku haray gudaha Ruushka oo diyaar u ah inay ka qeyb qaataan howlaha noocan ah, iyagoo ku saleysan mabda' iyo mowqif.

"Inta badan dadkii aragti mucaarad ah qabay horay ayey dalka uga tageen ama waa la xiray," ayuu yiri Ivan.

BBC-da ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka Ruushka ah ee lala xiriirinayo fal-dambiyeedyada ka dhaca gudaha dalkooda laga yaabo inaysan fahmin doorkooda, sida darawallada qaada xamuul qaraxyo lagu farsameeyay iyagoon ogeyn. Qaar kalena waxaa lagu qanciyaa lacag.

Ivan, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay inuu howlahan ugu qeyb qaadanayo aragtidiisa siyaasadeed awgeed. Isagoo ahaa xubin hore oo ka tirsan mucaaradka Ruushka, waxaa la filayay inuu ku jiro kormeer dhow oo ay ku hayaan hay'adaha amniga. Sidaas darteed, waxay ahayd wax la yaab leh inuu awooday inuu dalka ka baxo oo uu dib ugu soo laabto dhowr jeer, isagoon la joojin.

SAWIR - Marcin wuxuu qorsheeyay inuu la kulmo Ivan gudaha Georgia, isagoo la yaaban sida ugu suurta-gashay inuu si xor ah u safro dhowr jeer, inkastoo lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay howlgallo sir ah oo ka dhan ah Ruushka.

Weriye Marcin Mamon wuxuu ku qanciyay Ivan inay ku kulmaan meel fog oo ku taal gudaha Georgia, si ay si xor ah ugu wada hadli karaan. Halkaas ayuu ku weydiiyay sida ay saraakiisha sirdoonka Ukraine ugu aamineen.

"Waxaad u safartaa waddan saddexaad, halkaas oo wakiillada Ukraine ay kula kulmaan, kadibna ay kugu sameeyaan baaritaanno lagu ogaanayo haddii aad run sheegayso," ayuu Ivan ugu jawaabay.

Kadib, Mamon wuxuu ka codsaday Ivan inuu ku xiro mid ka mid ah kormeerayaashiisa ka tirsan Hay'adda Sirdoonka Militariga ee Ukraine ee GUR. Kormeerahii wuxuu isla markiiba soo wacay, isagoo taleefanka ku hadlaya cod dheer, taas oo u muuqatay inay muujineyso in Ivan uu hoos yimaado kormeerkiisa. Wada-hadalkoodu wuxuu adeegsaday luqad qarsoodi ah, iyagoo tixraacaya wax ay ugu yeereen "dayactirka dugsiga."

Si kastaba ha ahaatee, markii dambe kormeerahu wuxuu qirtay inuusan gebi ahaanba meesha ka saari karin suurtagalnimada in Ivan laga yaabo inuu sidoo kale u shaqeynayay danta Ruushka, ha ahaato si ikhtiyaari ah ama cadaadis awgeed.

Dhankiisa, Foma wuxuu aaminsan yahay in awoodda Ivan u leeyahay inuu si xor ah u safro aan si toos ah loogu fasirin inay tahay wax aan caadi ahayn.

"Nidaamka waxaa ku jira daloolooyin badan. Haddii aad si fiican u fahamto, ama aad nasiib yeelato, waxaad ka faa'iideysan kartaa oo aad ku dhex noolaan kartaa nidaamkaas," ayuu yiri. "Sida jiir ku jira gabal farmaajo ah."

Mid ka mid ah doodaha taageeraya sheegashada Ivan ayaa ah in, haddii uu sidoo kale la shaqeynayay hay'adda amniga Ruushka ee FSB, laga yaabo inuu bixin lahaa xog ku saabsan qaar ka mid ah qorshayaasha weerarrada ee Ukraine.

Sida uu sheegay Mamon, in ka badan hal sano ka hor weerarkii weynaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay ku qaadeen garoomada diyaaradaha militariga ee Ruushka, Ivan wuxuu horay u tilmaamay in la qorsheynayo weerarro waaweyn oo ka dhan ah diyaaradaha dagaalka ee istaraatiijiga ah, inkastoo uusan shaacin goorta iyo halka ay ka dhici doonaan.

Markii la weydiiyay sida uu ula tacaalayo cadaadiska shaqadaas, Ivan wuxuu sheegay in cabsidu ay noqotay qayb ka mid ah nolol maalmeedkiisa.

"Cabsidu mar walba way jirtaa. Waxay i raacdaa meel walba. Xitaa haddii aadan waxba sameyn, weli waad dareemeysaa. Tani waa Ruushka," ayuu yiri.

Intaa waxaa dheer, wuxuu sheegay inuu rajo ka qabo in xaaladda siyaasadeed ee dalkaas aysan weligeed sidan ku sii jiri doonin.

"Putin weligiis noolaan maayo," ayuu yiri Ivan.