Eedayn la xiriirta falal anshax-xumo ah oo ka dhacay Masaajidka Makka: Nin iyo haweeney u dhashay Bangladesh oo lagu xukumay dil

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in nin iyo haweeney u dhashay Bangladesh, oo loo xiray eedeyn la xiriirta falal anshax-xumo oo lagu sheegay inay ka dhaceen gudaha mid ka mid ah masaajidda magaalada barakeysan ee Makka, lagu fuliyay xukun dil ah.
Wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga, ee (SPA), oo soo xiganeysay bayaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa sheegtay in ninka Bangladeshi-ga ah Nazarul Islam Abdul Basir iyo haweeneyda Siti Akter lagu eedeeyay inay gudaha masaajid ku yaalla Makka ku sameeyeen waxa lagu tilmaamay "fal anshax-xumo ah."
Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Sacuudiga, ciidamada ammaanka ayaa labada qof xiray, kaddibna waxaa loo gudbiyay maxkamadda awoodda u leh inay dacwadda qaaddo.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa intaas ku dartay in maxkamaddu ay soo saartay xukun ka dhan ah Nazarul Islam Abdul Basir iyo Siti Akter, iyadoo ay xaqiijisay eedeymihii loo soo jeediyay.
Wasaaraddu waxay sheegtay in xukunka lagu saleeyay culayska dambiga, ku xadgudubka xurmada masaajidka, iyo duruufihii lagu galay falalka lagu eedeeyay. Sidaas darteed, labada qof waxaa lagu xukumay dil ciqaabeed.
Mas'uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in xukunkii hore ee dilka ahaa uu sidoo kale sii maray maxkamad sare kadib racfaan laga qaatay. Markii dambe waxaa la soo saaray amar boqortooyo oo oggolaanaya in xukunka la fuliyo, waxaana amarkaas la dhaqan geliyay Arbacadii 14-ka Oktoobar.
Mas'uuliyiinta Sacuudiga ma aysan shaacin nooca saxda ah ee falka anshax-xumada ah ee lagu eedeeyay labada qof, goorta ay dhacdadu dhacday, xilliga maxkamaddu riday xukunka dilka, ama goorta la diiday racfaankii laga qaatay.
Wargeysyada maxalliga ah ee Sacuudi Carabiya ayaan sidoo kale bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kiiskan, waxaana ay daabaceen oo keliya warar ku saleysan bayaanka Wasaaradda arrimaha gudaha.
Sidee ayay uga shaqaysaa Sacuudi Carabiya?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida lagu sheegay bayaanka wasiirka arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya, xukunka dilka ah waxaa lagu fuliyay qodobka taasiirka (تعزير). Hase yeeshee, mas'uuliyiinta Sacuudiga si cad uma aysan shaacin qodob sharciyeed gaar ah oo lagu saleeyay xukunkan.
Sida ay sheegtay hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, maxkamadaha Sacuudi Carabiya waxay xukunnadooda ku saleeyaan shareecada Islaamka, oo ay ku jiraan nidaamyada xuduudda iyo qisaasta, kuwaas oo leh ciqaabo lagu qeexay Qur'aanka Kariimka ah iyo Sunnada.
Dhanka kale, taasiirku (ta'zir) waa ciqaab uu garsooruhu si madaxbannaan u go'aamiyo, taas oo lagu dabaqo dambiyada aan shareecada Islaamku u cayimin ciqaab gaar ah. Garsooruhu wuxuu markaas xukunka ku saleeyaa nooca dambiga, duruufaha ku xeeran, iyo culayska falka la galay.
Arrintan awgeed, garsoorayaasha Sacuudi Carabiya waxaa la siiyaa awood ballaaran oo ku saabsan qeexidda dambiga iyo go'aaminta ciqaabta ku habboon. Xaaladaha qaarkood, ciqaabaha taasiirta waxay ku ekaan karaan digniin, ganaax lacageed ama xabsi, halka kiisaska kale ay gaari karaan xitaa xukun dil ah.
Amnesty International ayaa sidoo kale sheegtay in Sacuudi Carabiya dhaqan ahaan aanu lahayn xeer ciqaabeed oo dhammaystiran oo qoraal ah oo si gaar ah u nidaamiya taasiirka, iyadoo nidaamku inta badan ku tiirsanaa mabaadi'da shareecada iyo go'aanka garsoorayaasha.
Sida ku cad tirokoobyada Amnesty International, ilaa Oktoobar 2026, in ka badan 175 qof ayaa lagu fuliyay xukun dil ah gudaha Sacuudi Carabiya sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sannadkaas. Sacuudi Carabiya waxay ka mid tahay dalalka adduunka ugu badan ee fuliya xukunka dilka.
Inta badan dadka la dilay sannadkan waxay ahaayeen ajaanib. Intii lagu jiray sannadka 2026, ugu yaraan 94 qof oo ajnabi ah, kuwaas oo ka kala socday in ka badan 20 waddan, ayaa lagu fuliyay xukun dil ah gudaha Sacuudi Carabiya.
Sanadihii u dambeeyay, maxkamadaha Sacuudiga ayaa sidoo kale xukuno xabsi oo muddo dheer ah ku ridayay dad lagu eedeeyay qoraallo ay ku baahiyeen baraha bulshada, iyadoo mararka qaarkood xukunnadaas si weyn loo beddelay inta lagu guda jiray racfaannada.
Sacuudi Carabiya ma laha xeer taasiireed oo qoraal ah oo si faahfaahsan u qeexaya dhammaan dambiyada iyo ciqaabahooda. Sida ay sheegtay Amnesty International, dambiyo badan iyo ciqaabahooda waxaa loo daayaa go'aanka garsoorayaasha, kuwaas oo xukunnada ku saleeya fasiraaddooda shareecada Islaamka.
Inkastoo ay jiraan sharciyo qoran, mas'uuliyiintu waxay marar badan adeegsadaan qodobo ku jira Sharciga La-dagaallanka Argagixisada iyo Sharciga La-dagaallanka Dambiyada Internetka, kuwaas oo si ballaaran loo fasiri karo. Qodobadaas waxaa ka mid ah kuwa la xiriira waxyeellaynta "nidaamka guud," "qiyamka diinta," ama "akhlaaqda guud ee bulshada."



























