Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar cusub oo lagu qaadi lahaa Iran kadib codsi uga yimid dalalka Khaliijka
- Author, Jaroslav Lukiv
- Author, Daniel Bush
- Role, Wakiil-wareedka Washington
- Author, Frank Gardner
- Role, Wakiil-wareedka amniga
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu hakiyay qorshe weerar ballaadhan oo ka dhan ah Iran, kadib codsi uga yimid hoggaamiyeyaasha Qatar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ayuu ku sheegay in loo sheegay heshiis "aad ugu wanaagsan" oo Iran lala gaadhi karo, isagoo carrabka ku adkeeyay in aanu jiri doonin "hub nukliyeer oo Iran yeelato".
Si kastaba, Trump wuxuu uga digay Tehran in Maraykanku diyaar u yahay inuu bilaabo weerar militari oo weyn "daqiiqad kasta" haddii aan heshiis la aqbali karo la gaadhin. Dhinaca kale, taliye sare oo ka tirsan militariga Iran ayaa uga digay Washington inay ku dhacdo "khaladaad istiraatiiji ah".
Hadalladan ayaa imanaya xilli taageerada Trump gudaha Maraykanka ay hoos usii dhacayso.
Ra'yi ururin ay sameeyeen New York Times iyo Siena College ayaa muujisay in 64% codbixiyeyaasha Maraykanku ay aaminsan yihiin in dagaalka Iran uu ahaa go'aan khaldan.
Sidoo kale, boqolkiiba 37 oo keliya ayaa taageersan sida Trump u maamulayo xilka madaxtinimada. Arrintan ayaa culays ku noqon karta xisbiga Jamhuuriga ka hor doorashooyinka dhexe ee Congress-ka.
Dagaalka ayaa cirka isku shareeray 28-kii February markii ciidamada Maraykanka iyo Israa'iil ay duqeymo xooggan ku qaadeen Iran.
Tehran ayaa ku jawaabtay diyaaradaha drones-ka iyo gantaallo ay ku weerartay Israa'iil iyo saldhigyo Maraykan ku leeyahay dalalka Khaliijka.
Dalalka Khaliijka ayaa si weyn uga walaacsan sida Iran uga jawaabi karto haddii weerarro cusub lagu qaado. Iran weli waxay haysataa tiro badan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah iyo gantaallo ah oo ay ku weerari karto garoomada diyaaradaha, xarumaha shidaalka iyo warshadaha biyaha macaan ee muhiimka u ah dalalka Khaliijka xilliga kuleylaha daran.
Trump ayaa sheegay inay jirto "fursad wanaagsan" oo heshiis lagu gaari karo Iran, isagoo sheegay inuu ku farxi lahaa haddii xal la gaadho "iyadoo aan la duqeyn Iran". Xabbad-joojin bishii April la gaaray si wadahadallada loo fududeeyo ayaa inta badan la ilaaliyay, inkastoo mararka qaar ay jireen rasaas is dhaafsi.
Iran ayaa sidoo kale sii wadda inay gacanta ku hayso marin biyoodka Hormuz, halkaas oo ay maraan ku dhowaad 20% shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida. Tallaabadan ayaa sare u qaadday qiimaha shidaalka caalamka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale, Maraykanka ayaa cunaqabateyn iyo xannibaad saaraya dekedaha Iran si uu cadaadis u saaro Tehran.
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in hoggaamiyaha sare, Mojtaba Khamenei, uu ka digay in dagaalku gaadhi karo "jihooyin cusub" oo cadawgu u nugul yahay.
Iran ayaa sheegtay inay ka jawaabtay soo jeedintii ugu dambeysay ee Maraykanka, iyada oo wadaxaajoodyadu ay sii socdaan.
Tehran waxay dalbanaysaa in dagaalka gebi ahaan la joojiyo, cunaqabateynta laga qaado, dammaanadna laga bixiyo inaan mar dambe la weerari doonin. Maraykanka ayaa isna doonaya in Iran ay xaddido barnaamijkeeda nukliyeerka oo ay wareejiso uranium-ka aadka loo kobciyay.
Iran waxay ku adkeysanaysaa in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadeed, halka Maraykanka iyo xulafadiisa Yurub ay ku eedeynayaan inay doonayso hub nukliyeer.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Tasnim ee Iran oo si dadban dowladda ula xiriirta, dalabaadka Iran waxaa ka mid ahaa in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka dhammaan jihooyinka — taasoo loola jeedo weerarrada Israa'iil ee weli ka socda Lubnaan ee lagu beegsanayo Xisbullah oo ay Iran taageerto — in la joojiyo go'doominta badda ee Maraykanku ku hayo dekedaha Iran, iyo dammaanad-qaad ah inaan mar dambe weerar lagu qaadin Iran.
Waxaa sidoo kale la sheegay inay ku jiraan dalab ku saabsan magdhowga burburka dagaalka, iyo in la adkeeyo madax-bannaanida Iran ee Marinka Hormuz.
Wakaaladda wararka Fars ee Iran oo iyaduna si dadban ula xiriirta dowladda ayaa Axaddii sheegtay in Washington ay dejisay shan shuruudood oo jawaab u ah soo jeedinta Tehran.
Shuruudahaas waxaa lagu soo warramay inay ka mid yihiin in Iran ay hal goob oo keliya ka sii waddo hawlaheeda nukliyeerka, isla markaana ay u wareejiso Maraykanka kaydkeeda yuraniyam-ka aadka loo hodmiyay.
Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu aqbali karo in Iran ay hakiso barnaamijkeeda nukliyeer muddo 20 sano ah — arrin muran weyn ka taagan yahay oo u dhaxaysa labada dal — taasoo u muuqatay inay muujinayso isbeddel mowqif oo ka fog dalabkii ahaa in gebi ahaanba la joojiyo.
Maraykanka iyo xulafadiisa Yurub waxay ku eedeeyaan Iran inay isku dayayso inay samaysato hub nukliyeer ah iyadoo kobcinaysa yuraniyam-ka. Tehran waxay marar badan sheegtay in barnaamijkeeda nukliyeer uu ku kooban yahay ujeeddooyin nabadeed oo keliya.













