Tuuggo dhac ka geysatay dukaan dahab ah oo haddana ku qasbanaaday inay booliska wacaan

Waa wax caadi ah in la arko oo la maqlo xatooyo ka dibna tuugga gacan lagu dhigo, laakiin xaalada aya awaxa xiiso badan u yeelay marka tuuggu uu booliiska waco.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Waa wax caadi ah in la arko oo la maqlo xatooyo ka dibna tuugga gacan lagu dhigo, laakiin xaaladdan ayaa waxa xiiso badan u yeelay marka tuuggadu ay iyagu booliiska waceen.

Wax taasi la mid ah ayaa ka dhacay Ambergaon, oo ku taal gobolka Gujarat ee Hindiya, halkaas oo si weyn loogasoo sheegayo dhacdo cajiib ah ah oo xatooyo ah.

Xaqiiqdii, intii lagu jiray xatooyada habeenkii 19ka Agoosto, tuugada laftoodu waxay waceen khadka caawinta booliiska si ay goobta u yimaadaan.

BBC Gujarati waxay heshay Dukimintigii macluumaadkii koobaad ee lagu diiwaan geliyay kiiskan, macluumaadka ku saabsan dhacdada oo dhan waxa laga helay iyadoo lala hadlay markhaatiyaasha iyo mas'uuliyiinta.

Sida ay sheegeen saraakiisha booliisku, ka dib markii lagu wargeliyay tuugada, booliisku waxay xireen iyagoo wata dahab la xaday iyo waxyaabo kale oo qiimo leh oo qiimahoodu gaarayo qiyaastii Rs. 18,000.

Dhab ahaantii maxay ahayd dhacdadu?

Isagoo ka warbixinaya dhacdada, Akash Bhai, oo ahaa saaxiib iyo markhaati dacwoodaha kiiskan, ayaa yiri, "Waxa Sanjan ku yaal dukaan dahab oo u dhow gurigeenna. Saaxiibkay Manish iyo qoyskiisa ayaa maamula dukaankan."

Wuxuu yiri, "Saaxiibkey iyo walaalkii, oo ku nool kasoo horjeedka dukaankan, ayaa nasoo wacay aniga iyo walaalkay habeenkii 19ka, waxayna ii sheegeen in laba tuug ay isku dayayeen inay jabsadaan dukaanka oo ay xadaan iyagoo qufulka ku jaraya qalab korontada lagu jaro."

Sawir
Wuxuu sharraxay, "Maalintii ay dhacdadu dhacday, Nikhil wuu soo jeeday ilaa habeenkii dambe isagoo fiirinaya taleefankiisa gacanta. Wuxuu maqli karay dhawaqa qalabka jarista oo si isdaba joog ah u shaqeynaya."

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wuxuu sharraxay, "Maalintii ay dhacdadu dhacday, Nikhil inuu soo jeeday ilaa habeenkii dambe isagoo fiirinaya taleefankiisa gacanta. Wuxuu maqli karay dhawaqa qalabka jarista oo si isdaba joog ah u shaqeynaya."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Wuxuu ka shakiyay qof kasta oo habeenkii si aad ah u shaqeynaya. Wuxuu arkay in tuugadu ay si taxaddar leh u jarayeen qufulka albaabka dukaanka."

Wuxuu sheegay, "Waxay jarayeen qufulka in muddo ah, ka dibna way is qarinayeen, dabadeedna waxay bilaabayeen inay mar kale jaraan qufulka."

"Waxa la yaab leh, si ay ugu shaqeeyaan qalabka korontada lagu jaro, waxay ka qaateen koronto mitirka bannaanka guriga Nikhil, oo ku nool dukaanka hortiisa, waxayna ku shaqeynayeen qalabka jarista."

Wuxuu intaas ku daray in 'si looga hortago in Nikhil uu soo dego ka dib markii uu maqlay dhawaqa jarista, ay sidoo kale si taxaddar leh u xireen albaabka dibadda ee gurigiisa.'

Akash Bhai ayaa intaas ku daray, "Markii aan ogaanay, dhammaanteen waxaan gaarnay goobta shan daqiiqo gudahood. Waqtigaas, tuugada ayaa durba soo galay dukaanka."

"Ka dib markii ay gudaha galeen, waxay ka tageen albaabkii oo furan. Isla markii aan nimid, marka hore waan xirnay albaabka ka dibna isla markiiba waxaan tagnay saldhigga booliiska ee ugu dhow oo waxaan dhacdada oo dhan u sheegnay booliiska."

"Dhamaan arimahaasi waxay socdeen qiyaastii 45 daqiiqo ilaa saacad. Markaas oo ay ahayd 3:30 ilaa 4 subaxnimo."

"Waxa aan isku daynay inaan booliiska kula xiriirno taleefan, laakiin wicitaanku ma shaqeyn."

"

"Markaa wax yar ka dib, waxa aan booliiska ka keenay saldhigga ugu dhaw . Laakiin inta lagu jiro waqtigaas, gaari booliis ah oo ay la socdaan saraakiil kale oo booliis ah ayaa goobta yimid."