Ma taqaanaa inta sano ee uu jiro qofka ugu da'da wayn dunida? maanta ayay u dabaal dagaysaa dhalashadeeda

Xigashada Sawirka, Supplied
Qofka ugu da'da weyn adduunka, Ethel Caterham, ayaa maanta u dabaal-degtay dhalashadeedii 117-aad iyada oo ay la joogaan saaxiibbo iyo qaraabo ku sugan Surrey, England.
Ethel Caterham, oo ku nool xarun daryeel oo ku taal tuulada Lightwater ee Surrey, ayaa loo aqoonsaday qofka ugu da'da weyn ee nool adduunka bishii Abriil ee sannadkii 2025-kii. Waxay magacaas qaadatay ka dib markii ay geeriyootay Ana Canabaro Lucas, oo ahayd haweeney diimeed u dhalatay Brazil, iyadoo jirta da'da 116 sano.
Ethel Caterham waxay dhalatay saddex sano ka hor inta aanu degin markabkii Titanic, iyo siddeed sano ka hor Kacaankii Ruushka. Waxay soo martay labadii dagaal ee waaweynaa ee dunida ka dhacay qarnigii 20-aad.
Waxay qaadday fayraska korona sannadkii 2020-kii iyadoo jirta da'da 110 sano, balse way ka bogsatay. Sida laga soo xigtay Guinness World Records, waxay ka mid tahay dadka ugu da'da weyn ee ka badbaaday fayraska korona.
Ethel asal ahaan waxay ka soo jeeddaa tuulada Shipton Bellinger ee Hampshire, England, balse waxay ku kortay magaalada Tidworth ee Wiltshire. Waxay ahayd tii ugu yarayd toddoba carruur ah oo qoyskaas ka dhashay.

Xigashada Sawirka, Supplied
Ethel Caterham, oo loo arko qofkii ugu dambeeyay ee nool ee xilligii Boqor Edward VII, ayaa Hindiya tagtay iyadoo dhalinyaro ah sannadkii 1927-kii. Halkaas, waxay ka shaqeysay gargaar-guri ahaan iyadoo u adeegaysa qoys milateri ah, waxayna mas'uul ka ahayd daryeelka iyo korinta carruurtooda.
Ethel waxay markii ugu horreysay kula kulantay seygeeda, Norman, xaflad ka dhacday Ingiriiska sannadkii 1931-kii. Waqtigaas, Norman wuxuu ka tirsanaa Ciidanka Ingiriiska isagoo haysta darajada 'lieutenant colonel'.
Ethel waxay markii ugu horreysay ninkeeda Norman kula kulantay xaflad ka dhacday Ingiriiska sannadkii 1931-kii. Waqtigaas, Norman wuxuu ka tirsanaa Ciidanka Ingiriiska isagoo hayay darajada gaashaanle.
Goor dambe, Ethel iyo ninkeeda waxay u guureen Hong Kong, halkaas oo ay ka fureen xanaanada carruurta.
Norman wuxuu dhintay ku dhawaad konton sano ka hor, sanadkii 1976-kii.
Laakiin walaasha Ethel, oo la oran jiray Gladys, iyaduna waxay noolayd cimri dheer, iyadoo gaartay da'da 104 sano.

Xigashada Sawirka, Jonathan Brady/PA Wire
Dhowr maalmood ka dib markii ay Ethel Caterham u dabaal-degtey dhalashadeedii 116-aad bishii Sebtembar ee sannadkii hore, waxaa booqday marti sharaf gaar ah: Boqorka Britain, Charles III.
Intii lagu guda jiray booqashadaas, Ethel waxay Boqor Charles xasuusisay xilligii loo caleemo-saaray Amiirka Wales isagoo jira 21 sano. Iyadoo kaftan ku jirona waxay ku tiri:
"Gabdhaha oo dhami way ku jeclaayeen, waxayna doonayeen inay ku guursadaan."
Ethel, oo baabuurka wadi jirtay ilaa ay ka gaartay da'da 97-ka sano, ayaa hadda ah qofka ugu da'da weyn ee nool caalamka, balse weli aad ayay uga fogtahay rikoorka qofka ugu cimriga dheer taariikhda.
Sida laga soo xigtay Guinness World Records, haweeney u dhalatay Faransiiska oo la oran jiray Jeanne Calment, taasoo geeriyootay sannadkii 1997-kii, ayaa ah qofka ugu da'da weyn ee la diiwaangeliyay taariikhda adduunka.
Waxay noolayd muddo dhan 122 sano iyo 164 maalmood.













