Luuqad caalami ah: Maxay ka dhigan tahay in qaraha kor laga garaacaa?

Xigashada Sawirka, Sina Weibo
Qaraha ama xabxabka kolka la eegay ama aad xulaynayso sidee ku ogaan kartaa in uu si fiican u bislaatay? Hagaag, hal aragti ayaa ah in haddii aad si adag u garaacdo korkiisa sare, codka aad maqashid ayaa kaa caawin doona go'aaminta inay diyaar u tahay in la cuno.
Aragtidaasi waxay horseed u tahay dood weyn oo online ka ah oo soo martay dalka Shiinaha oo ku saabsan nooca dadka ku hawlan farshaxanka 'qaraha garaaciddiisa'?
Dooddan, oo kumannaan qof ay wax ku biiriyeen barta Shiinaha ee Sina Weibo, ayaa waxaa daah furay dhacdo daahsoon oo ka soo gaadhay kumanaan mayl u jirta Talyaaniga.
Arintan ayaa waxa ay bilaabatay markii nin u dhashay dalka Shiinaha oo isticmaala baraha bulshada uu soo dhigay sawirka hoose ee calaamad ku taal dukaan weyn oo laga leeyahay dalka Talyaaniga oo macaamiisha ka codsanaya in aysan garaacin qaraha. Calaamada waxa ay ku dheggan tahay weel qare ka buuxaan oo k u qornaa: "Fadlan jooji garaacista qaraha, kuuma jawaabi doonaan!"
Ma jirto wax calaamad ah oo muujinaya in supermarket-ka uu fariintan u jeedinayay macaamiisha leh hiddaha Shiinaha. Calaamaddu waxay ku qornayd Talyaani ma ahayn Mandarin. Laakin si uun ayaa loo qaatay weerar lagu soo qaaday dhaqan ay qaar ka mid ah goobjoogayaasha Shiinuhu u arkayeen mid gaar u ah caadooyinkooda qaran.

Xigashada Sawirka, Sina Weibo
Sida laga soo xigtay What's On Weibo, sawirka ayaa si weyn loo wadaagay ka dib markii warbaahinta Shiinaha ay sheegtay in ogeysiisku si toos ah loola beegsaday macaamiisha Shiinaha.
Laakiin qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si degdeg ah u caddeeyey in farshaxanka garaacista qaraha aanu ahayn mid u gaar ah Shiinaha oo run ahaantii uu yahay mid caalami ah.
Kaftan badan oo la wadaago ayaa ujeedadoodu tahay calaamada dukaamada.

Xigashada Sawirka, Sina Weibo
Dadka qaar ayaa soo baahiyey sawiro ayaga oo dhageysanaya jawaabta qaraha:

Xigashada Sawirka, Sina Weibo

Xigashada Sawirka, Sina Weibo
Mawduuca qaraha ayaa ah tusaale kale oo muujinaya sida dadka Shiinaha qaarkood ay uga walaacsan yihiin sida looga arko adduunka oo dhan. Dhowaan ayay ahayd markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ay beenisay wararka sheegaya in shirkadaha cunnada ee Shiinuhu ay qasacadeeyaan hilibka bini'aadamka, ayna ka iibiyaan Afrika sidii hilib galley ah.
Qaraha ama xabxabka waa mid u fiican jirkeena, faa'ido badan oo dhanka caafimaadka ah ayaa lag helaa balse cilmibaarayaal ku sugan dalka Mareykanka ayaa qaraha la barbardhigay kaniiniga Viagra ee kordhiya hammada.
Xabxabka waxaa ku jira kiimiko loo yaqaanno citrulline, taasoo ay ku jirto waxyaabo la mid ah Viagra.
Viagra waxa loo yaqaan "kaniiniga buluuga ah". Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka ee UK, Sildenafil waa daawo loo isticmaalo daawaynta dareen la'aanta ragga.
Viagra, oo sidoo kale loo yaqaanno sildenafil, ayaa waxaa markii hore loogu talogalay wadnaha sababtoo ah shaqadeeda ugu muhiimsan waa hagaajinta qulqulka dhiigga iyadoo ballaarineysa xiidmaha dhiigga oo ay ka mid yihiin halbowlayaasha.
Viagra wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga ee jirka isla xaddiga kiimikada dabiiciga ah ee citrulline ee laga helo qaraha si lamid ah wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga ee jirka.
Maadada Citrulline ee ku jirta qaraha waxay dejisaa xididdada dhiigga ee jirka si wareegga dhiigga ee jirka u fiicnaado.
Waxaa cilmi-baaristan samaysay xarunta horumarinta khudradda Texas ee dalka Maraykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dr. Bhimu Patel oo hoggaaminayay cilmi baaristan lagu sameeyay qaraha ayaa sheegay, "Waxaan la soconnaa in qaraha uu u fiican yahay jirka, weli daraasad ayaa lagu sameynaya waxtarkiisa, waxyaabo badan oo wanaagsan ayaa kasoo ifbaxaya isticmaalka xabxabka"
Wuxuu intaa ku daray, "Qaraha kaliya ah ma saameeyo jirka sida kaniiniga Viagra balse qaraha wuxuu dabciyaa xiddidada dhiigga, ma lahan wax dhibaato ah"
Waxa jiraa faa'idooyin kale oo laga helo qaraha:
Qaraha wuxuu sare u qaadaa biyaha uu baahan yahay jirka
Aad bay muhiim u tahay in jirka bini'aadamka uu helo biyo ku filan oo dheellitiran. Sababtoo ah xitaa fuuq-bax yar wuxuu kuu horseedi karaa daal, madax-xanuun, murqo xanuun iyo cadaadis dhiigga oo sarreeya.
Qaraha wuxuu ka kooban yahay 92% biyo, jirka wuxuu u baahan yahay biyo sidaas darteed waxaa fiican in la isticmaalo qaraha.












