Waa sidee xaaladda amniga badaha Soomaaliya?

Qoraalka Codka, Waa sidee xaaladda amniga badaha Soomaaliya
Published

Maanta waa maalinta caalamiga ah ee badaha, waxaana dunidu ay diiradda saaraysaa sidii ganacsiga badaha isaga goosha loo horumarin lahaa.

Qodobkaas oo hoos imaanaya qorshaha Qaramada Midoobey ee loo yaqaanno horumarka la joogtayn karo ayaa marka laga hadlayo waxaa dhinac socda khatarta dhanka ammaanka ee badaha.

Badaha Soomaaliya waxay dhowr sano ka hor ay ahaayeen kuwo aad u khatar badan oo maraakiibta lagu afduubto, iminkase waxaa muuqata in weerarrada burcad badeedda ay soo yaraadeen.

Hoos u dhacaas iyo heerka weerarrada burcad badeedda ee badaha Soomaaliya ayaan ka waraysannay sarreeye gaas Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ka tirsanaan jiray ciidamadii badda ee Soomaaliya haddna ah guddoomiyaha hay'adda cilmi baarista badaha Soomaaliya.