Sida loo jabsaday xogta FBI: Askarta oo ka cabsi qaba kana caraysan in xogtooda si khatar leh loogu xadgudbay

.
Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Askar ka tirsan FBI-da oo hadda shaqeeya iyo kuwo horey uga tirsanaa ayaa BBC News u sheegay inay argagax ku jiraan, iyagoo muujiyay caro iyo walbahaar xooggan oo ka dhashay weerar dhanka internet-ka ah oo la rumeysan yahay inuu bannaanka soo dhigay xog xasaasi ah oo ku saabsan dhammaan shaqaalaha hay'adda.

"Tani waa musiibo dhab ah oo ku habsatay wakiilladeenna qarsoodiga ah," ayuu yiri mid ka mid ah saraakiishii hore ee FBI-da, isagoo si weyn uga walaacsan amniga iyo badbaadada asxaabtiisii hore ee shaqada.

Sarkaalkan oo horey uga soo shaqeeyay la-dagaallanka dambiyada internet-ka ayaa sheegay inuu ka mid yahay koox isku xiran oo ay ku jiraan Askar hadda hawl-gal ah, kuwaas oo dhammaantood ay heysato cabsi ah in xogtooda gaarka ah ay dhowaan si fudud ugu faafto internet-ka, ayna gacanta u gasho dambiilayaal iyo sirdoonno ka socda dowladaha cadawga ah.

Wuxuu intaas ku daray in shaqaaluhu ay ka baqayaan in si gaar ah loo beegsado, ama in dambiilayaashu ay xogtaas u adeegsadaan khiyaanooyin casri ah oo u muuqda kuwo dhab ah, sida farriimo lagu kalsoonaan karo oo lagu marin-habaabiyo, isku-dayo wax-isdaba-marin ah iyo cadaadisyo laaluush ah.

Kooxda wax jabsata ee loo yaqaan ShinyHunters ayaa ku hanjabtay in haddii dalabaadkeeda aan loo hoggaansamin, ay muddo afar maalmood gudahood ah ku daabici doonto dhammaan xogtii ay xaday iyo dukumeentiyadii la socday.

Qaar ka mid ah wakiillada ayaa sidoo kale cabsi weyn ka muujiyay suurtagalnimada inay weerarro toos ah kala kulmaan burcadda internet-ka ah ee ay hore u soo baareen.

"Mid ka mid ah qodobbada ugu badan ee aan kaga hadlayno fagaarayaasha wada-hadallada waa khatarta weerarrada cagajugleynta ah ee ay abaabulaan kooxo dhalinyaro ah oo ku takhasusay dambiyada internet-ka, kuwaas oo adeegyada gurmadka degdegga ah ugu yeera guryaha dadka si been ah," ayuu yiri sarkaalkii hore ee FBI-da.

"Waxay xogtan u adeegsan karaan si ay dhibaato ugu geystaan wakiillada FBI-da ee soo baaray dacwadohooda," ayuu hadalkiisa ku daray.

Cabashooyinka gaarka ah

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Burcadda la midka ah kuwa loo yaqaan ShinyHunters - oo la rumeysan yahay inay yihiin kooxo dhalinyaro ah oo ku hadla Ingiriisiga - ayaa horay loola xiriiriyay falal halis ah oo ay ka mid yihiin _swatting-ka_ iyo xitaa tuurista bambooyinka gubaya oo lala beegsanayo saraakiisha amniga iyo dadka ay isku dhacsan yihiin.

Swatting-ku waa khiyaano ay dambiilayaashu ku sameeyaan wicitaan been ah oo degdeg ah, taas oo sababta in ciidanka gaarka ah ee sida culus u hubeysan ee Mareykanka looga yaqaan SWAT ay si lama-filaan ah u weeraraan guryaha dad aan waxba galabsan.

Kooxda ayaa sheegatay inay Isniintii jabisay nidaamyadii FBI-da, kadibna faahfaahinta weerarka ay ku faafisay shabakadda qarsoon ee darknet-ka.

Ilaa hadda FBI-du kama aysan hadlin su'aalaha laga weydiiyay arrintan.

Balse Arbacadii, hay'addu waxay qiratay in la jabsaday, iyadoo sheegtay inay si dardar leh u waddo baaritaan lagu ogaanayo sida wax u dhaceen.

Michael McPherson oo horey uga tirsanaa FBI-da, haddana ah madaxa hawlaha amniga ee shirkadda teknolojiyadda ee ReliaQuest, ayaa sheegay in jabsigani uu abuurayo "khatar amni oo culus oo si toos ah u saameyneysa nabadgelyada wakiillada iyo tan qoysaskoodaba".

Wuxuu xusay in wakiilladu ay si fiican u garanayaan halista ku lammaan shaqadooda.

"Hayeeshii, dhacdadan la soo weriyay waxay bannaanka soo dhigtay xog shaqsiyeed oo xasaasi ah, sida halka ay deggan yihiin iyo sida loola xiriiri karo, taas oo khatar toos ah ku noqon karta qoysaska wakiillada oo caadiyan ka fogaa saameynta iyo halista shaqadan," ayuu yiri McPherson.

Kooxda ShinyHunters ayaa u bandhigtay saxafiyiinta qaybo ka mid ah xogtii ay sheegeen inay la baxeen, iyagoo ku lifaaqay dalab madax-furasho ah.

Madaxa FBI

Muunadaha la soo bandhigay ayaa u muuqda kuwo dhab ah, waxaana ku jira magacyo, goobaha ay deggan yihiin, lambarrada taleefanka, calaamadaha aqoonsiga, xilalka ay hayaan, iyo xog ku saabsan lammaanayaashooda.

Diiwaannadan ayaa la rumeysan yahay inay khuseeyaan kumanaan wakiil ah, oo ay ku jiraan mas'uuliyiin sare sida ku-xigeennada agaasimaha.

Dambiilayaasha ayaa sidoo kale u muuqda inay gacanta ku hayaan xog caafimaad oo xasaasi ah oo ku saabsan kumanaan wakiil ah.

BBC News ayaa heshay muunado ka mid ah baaritaannada caafimaad ee lagu go'aamiyo in qofku shaqada u qalmo, kuwaas oo ay ku jiraan natiijooyin dhiig iyo kaadi, iyo warbixinno caafimaad oo xusaya xaalado ay ka mid tahay xasaasiyadda ka dhalata cunista cuntada badda ee qolofleyda leh iyo muuska.

Xilligan, magacyada saxda ah ee wakiillada, halka ay ku nool yihiin, iyo faahfaahintooda caafimaad oo ay ku jiraan arrimo ay ka mid yihiin "dhiig kaadida ku jira" iyo "kororka dufanka dhiigga" ayaa ku jira gacmaha burcadda.

Cynthia Kaiser, oo mar soo noqotay ku-xigeenka agaasimaha dhinaca Cyber-ka ee FBI-da, islamarkaana hadda hoggaamisa Xarunta Cilmi-baarista ee Halcyon, ayaa sheegtay in kooxda ShinyHunters ay u muuqato inay horeyba u lumisay gacan-ku-hayntii qaar ka mid ah xogta, taas oo hadda ku wareegaysa kooxo kala duwan oo ku sugan baraha internet-ka, isla markaana ay dhaawac geysan karto xitaa ka hor inta aan la shaacin xogta ugu badan.

"Waxaa laga yaabaa in qeyb weyn oo ka mid ah dhibaatadu ay horayba u dhacday, oo sidii aan ku aragnay xogtii hore ee FBI-da ee la jabsaday, macluumaadkan wuxuu ku sii wareegi karaa dark web-ka muddo sanado ah," ayay tiri.

Waxa kale oo jira cabsi la xiriirta saameynta ay xog-jebintani ku yeelan karto amniga qaranka, sida in shaqaalaha ay bartilmaameed u noqdaan isku-dayo shisheeye oo ay wadaan sirdoonnada cadawga ah si loo qorto.

Cabsida ka dhalan karta

Marka laga soo tago cabsida jirta, dad badan oo ka mid ah kuwii ay BBC-du la xiriirtay ayaa muujiyay inay aad uga xun yihiin FBI-da oo u oggolaatay in xogtu gacanta u gasho kooxaha jabsiga.

Dhanka farsamada, dhacdadani waa ceeb weyn oo soo food saartay FBI-da, maadaama ShinyHunters aysan ahayn koox caan ku ah xeelado jabsasho oo aad u casrisan.

Mid ka mid ah saraakiishii hore ee dhinaca amniga internet-ka ayaa sheegay in shaqaalaha FBI-da ay aad uga carooden "dayacaad dhanka amniga ah oo ka timid taxadar la'aan iyo is-daba-marin" taas oo loo arko inay albaabka u furtay in xogta la jabsado.

Sidoo kale, waxaa jira jahwareer weyn oo ku saabsan sida loo wajahayo wixii dhici kara haddii xogta, sidii lagu hanjabay, loo faafiyo toddobaadka soo socda.

FBI-du uma muuqato mid u hoggaansami doonta dalabaadka madax-furashada, halka kooxda jabsatay ay shaacisay inay qorsheyneyso inay xogta ku baahiso barta darknet-ka.

Waxa lala yaabo ah, kooxdu lacag ma dalbaneyso. Balse waxay dooneysaa in FBI-du ay ka laabato warbixin talo-bixin ah oo la soo saaray bishii May, taas oo ay sheegeen inay "ka xanaajisay".

"Hoggaankii hay'adda ayaa lunsan," ayuu iigu sheegay mid ka mid ah baarayaashii hore ee internet-ka.

Wuxuu intaas ku daray in shaqaalaha lagu waaniyay inay iska diiwaan-geliyaan adeeg la yiraahdo DeleteMe, oo ka caawiya in xogta gaarka ah laga tirtiro mareegaha ka ganacsada xogta shaqsiga ah - tallaabo uu u arko mid aan waxba ka qabaneyn dhibaatada dhabta ah.

Sida uu sheegay wakiil kale oo hore, waxaa jira argagax xooggan oo ka dhashay in xog-jebin noocan ah ay ka dhacdo gudaha mid ka mid ah hay'adaha fulinta sharciga ee ugu awoodda badan caalamka.

"Waxaad moodi lahayd in xog noocan ah aysan marnaba bannaanka u soo bixi lahayn. Waa wax aad looga argagaxo," ayuu yiri.

*'Waxay hurdada ka kiciyeen libaax'*

Waxa kale oo ceeb ah in koox dhalinyaro ah oo caan ku ah dambiyada internet-ka ay marar badan ka baxsadeen gacanta sharciga, iyagoo geystay jabsiyo waaweyn oo si isdaba-joog ah u dhacay.

Kooxda ShinyHunters ayaa lala xiriiriyay weerarro badan oo madax-furasho ah, oo ay ku jiraan kuwii lagu qaaday shirkadda ciyaaraha ee Rockstar Games iyo goobta waxbarashada ee Canvas.

Kooxdu waxay si joogto ah ula xiriirtaa wariyeyaasha iyadoo adeegsaneysa Telegram, halkaas oo xubnaheedu ay inta badan ku faanaan waxa ay qabsadeen.

"Xafiisku ma yaqaanno sida loola dhaqmo dhalinyarada ku foogan dambiyada internet-ka," ayuu yiri mid ka mid ah wakiilladii hore.

McPherson ayaa sheegay in aan shaki ku jirin in FBI-du dhacdadan si dhab ah u qaadaneyso.

Wuxuu filayaa in hay'addu ay ka faa'iideysan doonto shabakadeeda ballaaran ee iskaashiga caalamiga ah iyo awoodaha ay leedahay "si ay kooxdan u wajahdo cawaaqibka weerarkan geesinimada iyo quudhsiga xambaarsan".

Kaiser ayaa hadalkeeda ku dartay in jabsadayaashu ay ahaayeen "kuwo dayacan oo nacas ah", waxayna uga digtay inay la kulmi doonaan "raadinta xooggan oo ay FBI-du ku dooneyso inay si degdeg ah caddaaladda u hor keento."