Sawirka xero qaxooti oo ku guuleystay abaalmarin tartanka sawirada cuntada

Published

K M Asad ayaa ku guuleystay sawir qaadaha sannadka 2020 ee tartanka sawirada cunooyiinka ka db markii ay sawir ka soo qaaday carur saf ugu jirta cunna qeybin xero qaxooti oo ku taalla Bangladesh islamarkana ay ku jiraan qaxootiga reer Rohingya.

Caruur sidata Saxamo oo saf ugu jira cunno qeybin
Qoraalka sawirka, Caruur sidata Saxamo oo saf ugu jira cunno qeybin

In ka badan 1 milyan oo qof ayaa ku nool xeradan qaxootiga, taasi oo dhawaan xayiraad lagu soo rogay ka dib markii uu caalamka ka dilaacay Coronavirus.

"Sawiradan qalbiga taabanaya ayaa ka hadlaya xilligan aan ku guda jirno," waxaa sidaasi sheegtay Caroline Kenyon oo ah gabadha asaastay abaalmarintan.

"Caalamka waxaa fara ba'an ku haya cudurka Covid-19 - islamarkana waxaa istaagay noolashii caadiga ahayd wax kasta oo ay ahaataba.

"Caruurta qaxootiga Rohingya ayaa ina xusuusinaya sida ay nolasha u tahay mid liiceysa iyo baahida aan u qabno cunadda si aan u noolaano, dhamaanteenna waan simanahay," ayay tiri Caroline Kenyon.

Ka dib markii ay garsoorayaasha eegeen 9,000 oo tartamayaal oo ka soo kala jeeda 70 dal, waxaa dadka guuleystay loogu dhawaaqay qaab online ah.

Waa kuwan qaar ka mid ah qeybihii tartanka ku guuleystay, iyo qaar ka mid ah sawirad qaadayaasha iyo sawirada ay qaadeen.

Dib u soo celinta dalagga beeraha: Waa sawir xilli Subax ah laga qaaday Myanmar, waxaa qaaday Zay Yar Lin

Kaluumeysato badda ku tuuraya Shabaqyadooda xilli subax ay qoraxda so baxayso
Qoraalka sawirka, Kaluumeysato badda ku tuuraysa Shabaqyadooda xilli Subax ay qoraxda so baxayso

Dadka wax ka qora cunnooyiinka: Qaraha oo lagu oon baxo, waxaa Sawirka qaaday Aimee Twigger, oo UK ku sugan

Haweeney ku fadhida Kursi islamarkana uu ag-yaalo baaquli uu qaro ku jiro
Qoraalka sawirka, Haweeney ku fadhida Kursi islamarkana uu ag-yaalo Baaquli uu Qaro ku jiro

Cunnada qoyska: Wiil yar oo cunaya malawax, waxaa sawirkan qaaday Anna Włodarczyk oo ku sugan Poland

Cunug yar oo oo saxan kala baxaya Sabaayad
Qoraalka sawirka, Cunug yar oo oo saxan kala baxaya Malawax

Waxaa Sawirkan qaaday Xiaodong Sun, oo Shiinaha ku sugan

Haweeney ka mid ah dadka dhaqda Shinada oo kor u haysa Kbaar Shinni
Qoraalka sawirka, Haweeney ka mid ah dadka dhaqda Shinada oo kor u haysa Kbaar Shinni

Xardhidda cunnooyiinka: Waxaa Sawirkan qaaday Nicole Herft, oo UK ku sugan

Cunnoyiin kala duwan oo lagu xardhay Saxan
Qoraalka sawirka, Cunnoyiin kala duwan oo lagu xardhay Saxan

Waxaa sawirkan qaaday Sandy Wood, oo UK ku sugan

Lao nin oo sawir ka qaadaya cunno ay ka dalbadeen goob Huteel ah
Qoraalka sawirka, Labo nin oo sawir ka qaadaya cunno ay ka dalbadeen goob Huteel ah

Dad goob ku cibaadeysanaya oo cunno qeybsanaya: waxaa qaaday Sangjun Lee, oo Hindiya ku sugan

Dad ku cunteynaya goob cibaado oo ay isugu yimaadeen
Qoraalka sawirka, Dad ku cunteynaya goob cibaado oo ay isugu yimaadeen

Waxaa sawirkan qaaday Liam Desbois, oo UK ku sugan

Khudaar kor looga shubay Malab
Qoraalka sawirka, Khudaar kor looga shubay Malab

Waxaa Sawirkan qaaday Scarlett Blanch, oo UK ku sugan.

Tufaax lagu iibinayo goob suuq ah
Qoraalka sawirka, Tufaax lagu iibinayo goob suuq ah

Waxaa Sawirkan qaaday Thomas Alexander, oo ku sugan dalka UK

Kabal-yeeri sidda cunno xaflad Aroos
Qoraalka sawirka, Kabal-yeeri sidda cunno xaflad Aroos

Waxaa sawirkan qaaday Azim Khan Ronnie, oo Bangladesh ku sugan

Waa goob kalluunka lagu iibiyo oo ku taalla dalka Bangaladhesh
Qoraalka sawirka, Waa goob kalluunka lagu iibiyo oo ku taalla dalka Bangaladhesh

Waxaa Sawirkan qaaday Kai Stiepel, oo Jarmalka ku sugan

Waa sawir Saliid iyo miro la isku qasayo
Qoraalka sawirka, Waa sawir Saliid iyo miro la isku qasayo

Waxaa Sawirkan qaaday Diana Kowalczyk, oo ku sugan dalka Poland

Gabadh Taatuu ay gacanta ugu xardhan tahay islamarkana Tufaax hagaajinaysa
Qoraalka sawirka, Gabadh Taatuu ay gacanta ugu xardhan tahay islamarkana Tufaax hagaajinaysa