Heshiiska "Beder" ee dhex maray dalalkan Islaamka ah ma gaashaanbuur cusub baa?

Saxiixa
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Turkiga, Qatar, Pakistan, iyo Indonesia ayaa Arbacadii saxiixay heshiis lagu xoojinayo iskaashiga difaaca iyo xoojinta awoodaha difaaca, sida ay sheegtay Wasaaradda gaashaandhigga Turkiga.

War saxaafadeed ay soo saartay, ayaa wasaaraddu waxay ku sheegtay in dalalka ay ku saxiixeen "Heshiiska Isfahamka Badar" magaalada Doha taasoo calaamad u ah rabitaankooda ah inay sii xoojiyaan iskaashiga iyo horumarinta wax wada qabsiga.

"Heshiisku wuxuu leeyahay ahmiyad dhaqaale oo muhiim ah" ayaa lagu sheegay qoraalka, ayadoo intaa la sii raaciyey in heshiiska la doonayo in lagu kobciyo iskaashiga wax soo saarka militariga, kor u qaadida awoodaha militariga, iyo ka caawinta iskaashiga tababarka militariga farsamada, cilmi-baarista iyo horumarinta.

"Iyada oo la adeegsanayo awoodaha wax soo saarka militariga ee gaarka ah ee dal kasta, hindisuhu wuxuu fududeyn doonaa iskaashiga iyo isdhexgalka, kor u qaadida awoodaha warshadaha difaaca, wuxuuna awood u siin doonaa fulinta baahiyaha dalalka xulafada la ah iyo kuwa saaxiibka la ah" ayaa intaa lagu sii daray.

Turkiga oo leh ciidanka labaad ee ugu weyn NATO iyo warshado difaac oo xooggan, ayaa caawinaya waddamada Khaliijka, oo ay ku jirto Qatar, halkaas oo ay ku leeyihiin saldhig milatari, inay xoojiso difaacooda inta lagu jiro dagaalka Iiraan.

Bishii Agoosto, waxay heshiis difaac oo wadajir ah la saxiixatay Pakistan oo ku hubaysan hubka nukliyeerka iyo Sacuudi Carabiya, kaas oo weerar lagu qaado hal dhinac uu ka dhigan yahay weerar lagu qaadayo dhammaan. Ankara waxay sidoo kale xiriir dhow la leedahay Indonesia, gaar ahaan warshadaha difaaca.

Wasaaraddu waxay sheegtay in heshiiska Badar uu xoojin doono xiriirka ka dhexeeya warshadaha difaaca ee dalalka iyo xoojinta iskaashiga si loo horumariyo amniga loona gaaro yoolalka la wadaago.

Haluk Gorgun, guddoomiyaha hay'adda Warshadaha Difaaca ee Turkiga ayaa sheegay in heshiisku uu seeska u dhigay aasaaska "iskaashi istaraatiijiyadeed" si loo horumariyo wax soo saarka wadajirka ah iyo tiknoolajiyada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Wadaagga Tiknoolajiyadda, horumarinta wadajirka ah iyo xoojinta awoodaha wax soo saarka gudaha ayaa ah wadnaha warshadaha difaaca ee waara. Annagoo ah Turkiga, waxaan qiimeynaa iskaashiga ka baxsan qaababka wax soo iibsiga ee aan rasmiga ahayn, kuwaas oo kobciya horumarinta raasamaalka aadanaha iyo kaabayaasha warshadaha ee qaran," ayuu Gorgun ku yiri ⁠bayaanka.

"Waxaan aaminsanahay in Heshiiska Isfahamka Beder uu gacan ka geysan doono beddelidda awoodaha is waafajinta ee Qatar, Pakistan, Indonesia, iyo Turkiga oo uu ka dhigi karo mashaariic la taaban karo" ayuu raaciyay.

Saxiixayaasha heshiiska waxaa ka mid ah Wasiirka Difaaca Qaranka Turkiga Yaşar Güler, Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Sheekh Sucuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani, Wasiir Ku-xigeenka Difaaca Indonesia Yusuf Jauhari, iyo Wasiirka Difaaca Pakistan Khawaja Muhammad Asif. Haluk Görgün, oo ah madaxa hay'adda Warshadaha Difaaca Turkiga, ayaa isna dhinaca Turkiga u saxiixay heshiiska, isagoo la saxiixay Yaşar Güler.

Hore waxaa u jiray in Turkiga iyo Pakistan ay heshiis difaac ula galeen Sacuudiga kaasoo loogu magac daray heshiiskii Makka. Waxaa xusid mudan in Turkigu yahay dalka labaad ee leh ciidanka ugu weyn gaashaanbuurta NATO, Pakistan waxay tahay dalka kaliya ee Islaamka ah ee leh awood Nukliyeer, ayadoo Indonesia oo markan ku soo biirtay labadaas dal, ay tahay dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan caalamka.

Sidaasoo ay tahay waxay arrintan banaanka keenaysaa bal sida loo macnayn karo in is xulafaysi ay samaystaan dalalkan Islaamka ah xilli dagaalka Israa'iil iyo Maraykanka ay kula jiraan Iiraan uu weli socdo, ayadoo weerarrada Iiraanna ay saameeyeen dalalka khaliijka.