TOOS, Iiraan oo wacad ku martay in aysan ogolaan doonin in kiimikada Nukliyeerka laga qaado gudaha dalkeeda.

Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa kulan uu la yeeshay Asim Munir, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Pakistan, ku sheegay: “Xitaa hal qurub oo ka mid ah walxaha nukliyeerka ee la kobciyay laga bixin doonin Iraan”.

Tebin toos ah

  1. Iiraan oo beenisay in wafdi ka socda Qadar uu u safray dalkeeda

    Wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir dhow la leh Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa beenisay wararka sheegaya in wafdi ka socda Qatar uu u safray Iran, iyadoo qortay: “Ma jiro wafdi ka socda Qatar oo u safray Iran".

    Magaalada Tehran ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay booqashooyinka diblomaasiyadeed ee madaxda gobolka.

    Isniintii, wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa booqday Tehran, taas oo ahayd booqashadiisii ugu horreysay tan iyo dagaalkii ay Israa’iil iyo Mareykanku la galeen Iran.

    Saacad kaddib markii uu Lavrov ka baxay Tehran, taliyaha ciidanka Pakistan, Asim Munir, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, guddoomiyaha baarlamaanka, Mohammad Baqer Qalibaf, iyo Mohsen Rezaei.

    Qatar iyo Pakistan ayaa door firfircoon ka ciyaarayay dhexdhexaadinta wada-hadallada u dhexeeya Iraan iyo Maraykanka

  2. Mohsen Rezaei: "Walxaha nukliyeerka lagama saari doono Iiraan"

    Mohsen Rezaei:" Walxaha nukliyeerka lagama saari doono Iiraan"

    Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa kulan uu la yeeshay Asim Munir, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Pakistan, ku sheegay: “In aysan ogolaan doonaa in hal qurub oo ka mid ah walxaha nukliyeerka ee la kobciyay laga saaro Iiraan”.

    Rezaei ayaa sidoo kale sheegay in aanay jiri doonin wax wadaxaajood ah ilaa Mareykanku dhiso kalsooni ama wax la isku halleyn karo. Wuxuu intaas ku daray in tallaabada ugu horreysa ee kalsoonida lagu dhisi karo ay tahay in la fuliyo shuruudaha Iraan.

    Dhankiisa, Munir ayaa carrabka ku adkeeyay in la xalliyay dhibaatadii ka jirtay xuduudaha Iraan iyo Pakistan, isla markaana dhammaan goobihii laga gudbi jiray ee xuduudaha labada dal dib loo furay subaxnimadii maanta.

    Taliyaha ciidamada Pakistan ayaa hadalkan ka sheegay wararka iyo sawirrada labadii maalmood ee la soo dhaafay la baahiyay, kuwaas oo ku saabsanaa xiritaanka xuduudda labada dal.

    Saacado ka hor, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan, Esmail Baghaei, ayaa xiritaanka xuduudda sabab uga dhigay “arrimo farsamo."

    Intii uu safarkan ku joogay Tehran, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Pakistan ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas, Mohammad Baqer Qalibaf.