Muxuu Cudurka Ebola ku sameeyaa jirka qofka uu ku dhaco

Xigashada Sawirka, Getty Images
Faafitaanka cudurka Ebola ayaa mar kale walaac ku abuuray dadweynaha dalka Nigeria, ka dib markii dowladdu xaqiijisay inuu cudurku ka dillaacay caasimadda dalkaas ee Abuja.
Wasiirka Caafimaadka dalkaas, Professor Ali Pate, ayaa sheegay in haweeney ay cudurka dalka soo gelisay ka dib markii ay diyaarad ka soo raacday dalka Uganda. Wuxuu xusay in haweeneydaas la karantiilay, isla markaana la raadraacay dadkii ay xiriirka la sameysay, si looga hortago in cudurku sii faafo.
Warkan ayaa soo baxaya 12 sano ka dib markii Nigeria ay si guul leh u xakameysay faafitaankii Ebola ee sanadkii 2014-kii, kaas oo walaac weyn ka abuuray dalka gudihiisa iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Mas'uuliyiintu waxay sheegeen inay hadda aqoonsadeen 44 qof oo xiriir la sameeyay haweeneydaas, iyadoo xarumaha caafimaadkana la geliyay xaalad heegan degdeg ah.
Ebola waa cudur halis ah oo keena qandho aad u daran, wuxuuna sababi karaa dhaawac soo gaara xubnaha muhiimka ah ee jirka.
Sidee cudurku u fidaa?
Dr. Nasir Sani Gwarzo, oo ah khabiir ku takhasusay cudurrada faafa ee dalka Nigeria, ayaa sheegay in fayraska Ebola uu ku sii jiri karo jirka qofka uu ku dhacay muddo ka badan toddobaad ka hor inta aysan calaamadaha cudurku soo muuqan.
"Sidaas darteed, qof kasta oo xiriir la yeesha qof xambaarsan fayraska xilliga uu cudurku ugu daran yahay, wuu qaadi karaa cudurka," ayuu yiri.
Taasi waa sababta uu ugu taliyay in mar kasta oo la helo war sheegaya in qof uu xiriir la yeeshay qof qaba fayraskan, ama uu booqday waddan uu fayrasku ka jiro, dadkaas la geliyo karantiil ama si dhow loola socdo xaaladdooda.
Dhakhaatiirtu waxay sheegayaan in siyaabahan soo socda la isugu gudbiyo cudurka:
Dhiigga ama dheecaannada jirka ee qof xanuunsan ama u dhintay cudurka Ebola. Dheecaannada jirka waxaa ka mid ah kaadida, candhuufta, dhididka, saxarada, matagga, caanaha naaska, iyo dareeraha ku jira mandheerta uurjiifka (amniotic fluid).
Qalabka caafimaadka ee ay gaareen dheecaannada jirka ee qof xanuunsan ama u dhintay cudurka Ebola. Kuwaas waxaa kaloo ka mid noqon kara dharka, alaabta jiifka, cirbadaha, iyo qalabka caafimaadka guud ahaan.
Xayawaanka cudurka qaba, sida fiidmeerta, xayawaanka naasleyda ah ee sare (sida daanyeerka).
Fayrasyadani waxay ku faafi karaan ugaarsiga, taabashada, ama cunista xayawaanka cudurka qaba.
Dareeraha taranka (shahwada) ee qof ka bogsaday cudurka Ebola.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay yihiin astaamaha lagu garto?
Qandho sare
Qandho u eg tan malaariyada
Matag iyo shuban
Hargab
Dhiig-bax
Madax xanuun
Tabar darri
Xanuun jirka ah
Waa maxay saamaynta uu ku yeesho qofka uu ku dhaco?
Khabiirka caafimaadku wuxuu sheegay in fayraska Ebola uu saameyn daran ku yeesho jirka qofka uu ku dhaco.
"Ugu horreyn, Ebola waa cudur halis ah oo saameeya jirka qofka qaada. Xitaa haddii qofku bogsado, marka aad aragto, waad u naxaysaa" ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in cudurku uu waxyeelleeyo xusuusta qofka uu ku dhaco.
"Qofka uu ku dhaco, xitaa haddii uu bogsado, weli waxaad arki kartaa raadadka uu jirkiisa ku reebay" ayuu raaciyay.
Wuxuu sheegay in haddii aad aragto qof qaba Ebola oo qandho daran hayso "aadan doonayn inaad mar dambe aragto, sababtoo ah xaaladda aadka u xun ee uu ku sugan yahay darteed".
Sidee isaga ilaalin kartaa?
Dr. Gwarzo wuxuu tilmaamay tallaabooyinka ay tahay in dadku qaadaan si ay uga fogaadaan inay qaadaan cudurkan.
"Waxaa ugu horreeya in qofku barto sida uu naftiisa u daryeeli lahaa inta lagu jiro masiibadan" ayuu yiri.
Dhakhtarku wuxuu sidoo kale kula taliyay in laga fogaado goobaha ay dadku ku badan yihiin.
"Gacmahaaga si joogto ah ugu dhaq saabuun" ayuu yiri.
Dhanka mas'uuliyiinta, Dr. Gwarzo wuxuu sheegay inay habboon tahay in maamulladu qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka, ka hor inta uusan soo gaarin deegaannadooda.

























