'The Beast': Maxaan ka naqaanaa gaariga Trump ee ay qalab walba oo difaac ku idil yihiin?

Gaariga madaxwaynaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Marka madaxweynuhu keligiis yimaado oo uu safar galo, waxaa lagu galbiyaa gaari nooca raaxada ah oo ammaankiisu aad loo xaqiijiyey oo la yiraahdo Cadillac One.

Gaarigan oo ah mid si gaar ah loonaqshadeeyay ama loo sameeyo waxaa loo yaqaan "Z Beast".

Baabuurtan magacan looma siinin sabab la'aan. Hubka iyo qalabka difaaca ee ku jira ayaa sababay in magacaas loo bixiyo.

Inta uu madaxweynuhu ku safrayo mid ka mid ah gawaaridan raaxada leh, gawaar kale ayaa ku hareereysan si aan loo garan gaariga uuuu madaxweynuhu saaran yahay.

Labada gaari waxay isticmaalaan taargooyinka Washington DC — 800-0.

Laanta sida gaarka ah ugu qaabilsan amniga amadaxwaynaha ee loo yaqaano Secret Service iyo shirkadda sameysa gawaaridan oo ah General Motors ma bixiyaan wax faahfaahin ah oo ku saabsan gawaaridan.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah astaamaha ammaanka ee gawaaridan waa kuwa la yaqaan.

1-. Hubka iyo difaaca

Gaarigan waxaa lagu qalabeeyey qalab amni oo gaar ah.

Wuxuu sii dayn karaa ilaa 120 volts oo koronto ah si looga hortago dadka ku hamiya inay weeraraan.

Haddii dad ay isku dayaan iyaga oo adeegsanaya gaari, wuxuu gaariga madaxawaynaha waddada ugu shubi karaa saliid si gaarigooda ay u xakameyn waayaan oo uu waddada uga baxo.

Waxa kale oo uu leeyahay gaaska dadka ilmada ka keena, qalab wax lagu arko karo xilliyada mugdiga, qoryo, iyo qalab ka hortaga gantaallada.

Qaybta hoose ee gaariga waxaa laga sameeyey walxo difaac leh si looga badbaado weerar bambaano.

Daaqadaha gaariga aad bay u adag yihiin. Rasaastu kama dhex bixi karto muraayadaha. Gudaha gaariga waxaa laga sameeyey walxo difaac ah si looga badbaado haddii uu dhaco weerar kiimiko.

Xitaa haddii taayirradu waxyeelo soo gaarto oo uu banjaro, gaarigu si xawaare sare ah ayuu ku socon karaa.

.

2- Laba Gaari oo isu eg

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Gaari kale oo ay isku nooc yihiin iskuna egyihiin oo ah nooca "The Beast" ayaa daba socda gaariga madaxwaynaha.

Waxaa laga yaabaa in qofka weerarka qorsheynaya uusan garan karin gaariga uu madaxweynuhu saaran yahay.

Labada gaari waa isku mid 100%. Waxaa la sheegaa in qiimahoodu gaarayo ilaa $1.5 milyan. Laakiin sanadkii 2018, shirkadda General Motors oo sameysa Cadillac waxay ku bixisay ku dhowaad $15 milyan cilmi-baaris keliya si loogu adeego madaxweyne Donald Trump.

3- Gaariga madaxwaynaha "The Beast" waxa uu sidaa qaboojiye lagu keydiyo dhiig

Haddii ay dhacdo in madaxweynuhu si degdeg ah u xanuunsado ama uu dhiig baxo weerar awgiis, dhakhaatiirtu waxay wataan dhiig kayd ah si degdeg loogu isticmaalo haddii loo baahdo.

Dhiiggaas waxaa lagu qaadaa isla gaariga dhexdiisa, waxaana yaal qaboojiye lagu keydiyo. Mar walba waxaa la sidaa nooca dhiigga ee madaxweynaha ku habboon.

Waxay sidoo kale uu sidaa gaariga oksijiin lagu xiro madaxwaynaha haddii baahi timaado. Dhammaan arrimahan waxaa lagu sameeyey gudaha gaarigan gaashaaman.

Gaarigu wuxuu qaadi karaa toddobo qof. Sidaas darteed haddii madaxweynuhu u baahdo gargaar, wuxuu halkaas ka helayaa, xitaa dhakhaatiirtiisa.

Saddex gaari oo xakameyn iyo taageero ah ayaa daba socda. Haddii gargaar dheeraad ah loo baahdo, iyaguna way diyaarsan yihiin.

Sawaxanka dibadda si fudud uguma soo gudbo gudaha gaariga. Sidoo kale codka gudaha si fudud dibadda ugama baxo.

Sidaas darteed waxaa loo sameeyey qalab isgaarsiin oo gaar ah. Waxa uu leeyahay makarafoon qabta codadka dibadda kuna gudbiya gudaha.

Tani waxay sabab u tahay qalabka difaaca iyo tiknoolajiyada looga hortagta weerarrada.

Waxay sidoo kale leeyihiin isgaarsiin gaar ah oo ay kula xiriiraan gawaarida kale ee safarka la socda.

Haddii madaxweynuhu go'aansado inuu amar ku bixiyo hub nukliyeer xaalad degdeg ah, wuxuu ku bixin karaa lambarka sirta nukliyeerka isaga oo gaariga ku jira.

Sidaas darteed wuxuu halkaas ka bixin karaa amarka isticmaalka hub nukliyeer.

Koodhka nukliyeerka mar walba wuxuu ku jiraa gacanta madaxweynaha oo keliya.

Meel kasta oo uu tago Donald Trump, gawaaridan ayaa horay loo sii qaadaa oo la socda.

Markii uu daraad gaaray dalka Shiinaha gawaaridu horay ayay halkaas u gaareen waxayna sugayeen imaatinkiisa.

Sidaas darteed marka Trump uu booqanayo waddan, waxaa la socda kooxo badan oo amni iyo taageero ah.

Gawaaridan waxaa laga sameeyey xajmi iyo muraayado aan rasaastu karin.

Taas waxaa sii xoojinaya gaashaankooda culus oo miisaankiisu gaarayo ku dhowaad sagaal tan.

Waxaa kale oo la sheegay inay leeyihiin qalab ka hortaga bamamka gaaska ilmada keena, kamarad wax lagu arko habeenkii, iyo taleefan satellite ah oo gudaha ku rakiban.

Nooca cusub ee "Z Beast" waxaa sidoo kale loogu talagalay adeeg caafimaad, isagoo wata oksijiin iyo qalab caafimaad oo la mid ah.

Tani waxaa si gaar ah loogu diyaariyey xaaladaha degdegga ah.

"The Beast" wuxuu qayb ka yahay safka gawaarida madaxweynaha, halkaas oo ay ku jiraan in ka badan 12 gaari oo kale oo taageero ah.

Waxay ku socdaan saf ay la socdaan booliis, gaadiidka gurmadka degdegga ah, kooxaha ka jawaaba weerarrada, kooxaha amniga hubeysan, gawaarida isgaarsiinta, xirfadlayaal caafimaad, iyo khubaro kale oo amniga qaranka ah.