UK oo ku hanjabtay inay muwaadiniinta Eritrea ka mamnuuci doonto dalka haddii aan la aqbalin dib u celinta muhaajiriinta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee UK, Shabana Mahmood, ayaa ku hanjabtay inay dhammaan muwaadiniinta Eritrea ka mamnuuci doonto inay galaan UK, haddii dowladda dalkaas ku yaalla Bariga Afrika aysan oggolaan in dib loogu celiyo muhaajiriin ku yimid doonyo yaryar iyo dad ajaanib ah oo dembiyo galay.
Laga bilaabo Khamiista, diblomaasiyiinta Eritrea waxaa lagu soo rogi doonaa xayiraad ku saabsan dhaqdhaqaaqooda bannaanka magaalada London. Sidoo kale, waxaa la joojin doonaa fiisooyinka degdegga ah ee la siin jiray dadka martida sharafta ah.
Wasiirrada UK ayaa hore dalal kale cadaadis ugu saaray inay aqbalaan dib u celinta muhaajiriinta, iyagoo ugu hanjabay inay ka joojinayaan fiisooyinka.
Sida laga soo xigtay tirokoob ay soo saartay maktabadda Aqalka Hoose ee baarlamaanka UK, muwaadiniinta Eritrea ayaa ahaa dadka ugu badan ee doonyaha yaryar ku soo galay dalka muddadii 12-ka bilood ahayd ee dhammaatay bishii Juun, iyagoo ka dhignaa 18% dadka soo galay.
Safaaradda Eritrea ee London ayaa lala xiriiray si ay faallo uga bixiso arrintan.
"Eritrea waxay heshay fursad kasta oo ay ku aqbali lahayd dib u celinta dambiilayaasha iyo dadka aan xaqa u lahayn inay UK joogaan. Si ka duwan dalalka kale, way diidday," ayay tiri Shabana Mahmood.
Waxay sheegtay inaysan ka labalabeyn doonin inay "tallaabooyin dheeraad ah ka qaaddo dalalka kale ee diida inay iskaashi sameeyaan".
Dowladda UK ayaa mas'uuliyiinta Eritrea ku eedeysay inay horaantii sannadkan si lama filaan ah uga laabteen wada-shaqeyntii ay kala lahaayeen.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xayiraadaha la soo rogay ayaa ka dhigan in diblomaasiyiinta Eritrea laga mamnuucay inay u safraan meel ka baxsan 60 kiiloomitir magaalada London, haddii aysan oggolaansho hore helin.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee UK ayaa sheegtay in tallaabadani ay la mid tahay xayiraadaha lagu soo rogay saraakiisha Britain ee ku sugan caasimadda Eritrea ee Asmara.
Horaantii sannadkan, UK ayaa ugu hanjabtay Angola, Namibia iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) inay xayiraado saari doonto.
Xayiraado ayaa sannadkii hore lagu dhawaaqay in lagu soo rogo DRC, balse Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in markii dambe laga qaaday, kaddib markii uu soo hagaagay iskaashiga ku saabsan dib u celinta muhaajiriinta.
Angola iyo Namibia ayaa labaduba oggolaaday isbeddello ka hor inta aan xayiraadaha la dhaqan-gelin.
Markii ay bishii Nofeembar ku dhawaaqaysay isbeddellada lagu sameeyay nidaamka magangelyo-doonka UK, Shabana Mahmood ayaa sheegtay in dalalka aan iskaashi ka sameyn dib u celinta muhaajiriinta lagu soo rogi doono ciqaabo la xiriira fiisooyinka.
Ciqaabahaas waxaa ka mid ah in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo bixinta fiisooyinka dalalka ay dadkoodu magangelyo badan ka dalbadaan UK, ilaa ay dalalkaasi dib u qaataan muwaadiniintooda si sharci-darro ah ugu sugan Britain.
Sida ku cad xogta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, in ka badan 20,400 oo qof ayaa doonyo yaryar ku soo gaaray UK tan iyo bilowgii sannadkan. Tiradani waxay 40% ka yar tahay isla muddadaas sannadkii hore.
Waxaa sidoo kale UK laga sameeyay in ka badan 40,600 oo dib u celin iyo masaafurin ah intii u dhexeysay Luulyo 2025 iyo Juun 2026, taas oo 8% ka badan isla muddadaas sannadkii hore.
Dadka dib loo celiyay, in ka yar 6,000 ayaa lagu helay dembiyo ciqaabeed.
Ma aha markii ugu horreysay ee UK ay dal Afrika ku yaalla ay ugu hanjabto cawaaqibka ka dhalan kara haddii aysan kala shaqey arrimaha dib u celinta muwaadiniintooda.



























