Kenya oo xaqiijisay kiiskii labaad ee Cudurka Ebola. Yaa laga helay, sideese loola tacaalay?

Xigashada Sawirka, EPA
Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii labaad ee nooca Bundibugyo ee cudurka Ebola, iyadoo mas'uuliyiinta caafimaadku ay sheegeen in bukaanka horey loo geliyay karantiil isla markaana lala socday xaaladdiisa maalin kasta ka hor inta uusan bilaabin inuu muujiyo calaamadaha cudurka.
War-saxaafadeed Arbacadii la soo saaray, ayaa agaasimaha Guud ee Caafimaadka, Dr. Patrick Amoth wuxuu sheegay in bukaanka oo 39 jir ah uu yahay qof ehel dhow la ahaa qofkii ugu horreeyay ee dalka laga helay cudurka Ebola. Wuxuu bilaabay inuu muujiyo calaamadaha cudurka 13-kii Oktoobar, waxaana isla markiiba la karantiilay qofkaas si loo baaro loona daweeyo.
Baaritaanno lagu sameeyay Shaybaarka Qaranka ee Fayraska (National Virology Reference Laboratory) iyo shaybaarka KEMRI-CDC ayaa xaqiijiyay inuu qaaday fayraska Ebola.
Ilaa hadda, waxaa Kenya laga xaqiijiyay laba kiis oo Ebola ah, cudurkuna wuxuu sababay hal dhimasho.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku, ogaanshaha hore ee cudurka ayaa muujinaya guusha laga gaaray tallaabooyinka karantiilka iyo raad-raaca dadka uu bukaanku la kulmay. Bukaanka ayaa weli helaya daryeel caafimaad iyo kormeer gaar ah oo ka socda xarun caafimaad oo loogu talagalay daweynta bukaannada Ebola.
Mas'uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in cudurku uu ku faafay bulshada dhexdeeda, iyadoo labada kiisba ay xiriir la leeyihiin isla silsiladda gudbinta cudurka.
Sida ay sheegtay wasaaraddu, 128 qof oo la ogaaday inay xiriir dhow la sameeyeen bukaankii ugu horreeyay ayaa lagu daray liiska dadka lala soconayo xaaladdooda, waxaana ilaa hadda la helay 113 ka mid ah. Dadkaas, 108 qof ayaa ku jira karantiil gudaha Kenya, waxaana lagu sameynayaa baaritaanno caafimaad oo maalinle ah muddo 21 maalmood ah.
Shan qof oo kale ayaa ku sugan dibadda Kenya, waxaana lagu wargeliyay mas'uuliyiinta caafimaadka ee dalalka ay ku nool yihiin iyadoo la adeegsanayo nidaamyada caalamiga ah ee la socodka cudurrada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale, waxaa socda dadaallo lagu raadinayo dadka kale ee ku jira liiska dadka uu la kulmay bukaankii ugu horreeyay, iyo sidoo kale in la aqoonsanayo dadka laga yaabo inay xiriir la sameeyeen bukaankii labaad ka dib markii uu bilaabay inuu muujiyo calaamadaha cudurka.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku boorrisay muwaadiniinta inay is dejiyaan balse ay sii wadaan feejignaanta, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in Ebola uu ku faafo taabashada tooska ah ee dhiigga ama dheecaannada jirka ee qofka cudurka qaba, ee uusan ku faafin hawada.
Intaas waxaa dheer, Kenya ma aysan ku dhawaaqin wax xayiraad ah oo ku saabsan safarka, ganacsiga, ama isu-imaatinnada dadweynaha ka dib kiisaska Ebola.
Dhawaan ayaa Ganacsade u dhashay dalka Kenya wuxuu u safray qaar ka mid ah meelaha uu sida aadka ah u saameeyay cudurka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), ka hor inta uusan ka gudbin xuduudaha laba waddan oo kale iyada oo aan cudurka laga helin.
Ninkan oo 40 jir ahaa ayaa laga helay cudurka Ebola kadib markii la dhigay isbitaal ku yaalla Nairobi, wuxuuna noqday kiiskii ugu horreeyay ee la xaqiijiyo ee cudurkaas laga helo Kenya. Wuxuu geeriyooday laba maalmood kadib, taariikhdu markay ahayd 5-tii Oktoobar.
Ku guuldareysiga in la ogaado cudurka uu qabay, inkastoo uu maray xarumo caafimaad oo dhowr ah oo ku yaalla DRC, isla markaana uu maray baaritaanno caafimaad oo ka dhacay garoomada diyaaradaha ee Uganda iyo Kenya, ayaa haddana waxay dhalisay su'aalo ku saabsan tayada iyo hufnaanta nidaamka la socodka iyo xakamaynta cudurrada ee gobolka xilligii uu dillaacay cudurka Ebola.

Cudurka oo sannadkan ka dillaacay Congo ayaa dilay dad ka badan 4,000 oo qof, waxaana loo arkaa mid ka mid ah kiisaskii ugu darnaa ee cudurkan soo mara taariikhda.
Hadda, Xarumaha Afrika ee Xakamaynta iyo Ka hortagga Cudurrada (Africa CDC) ayaa si dhow ula socday safarrada iyo dhaqdhaqaaqyada bukaanka muddo ku dhow lix toddobaad, iyagoo tilmaamay daldaloolo dhowr ah oo sababay inaan cudurka laga helin marxaladdii hore.
Natiijooyinka baaritaanka ayaa muujinaya inay jireen fursado badan oo lagu ogaan karay xanuunkiisa marxaladihii hore; tallaabadaas oo ka hortagi karaysay in dad badan ay la kulmaan fayraska Ebola ka hor inta aan si rasmi ah loo xaqiijin kiiska.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo
Warbixin ay soo bandhigtay Agaasimaha Arrimaha Degdegga ah ee Africa CDC, Dr. Wessam Mankoula, ayaa bixinaysa faahfaahin ku saabsan safarkii ganacsadaha, kaas oo u safray kumanaan kiiloomitir iyadoo xaaladdiisa caafimaad ay sii xumaanaysay.
Ninkan, oo aan magaciisa la shaacin, ayaa muddo toddobo sano ah ku noolaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), wuxuuna si joogto ah ugu safri jiray gobollo kala duwan oo dalkaas ka tirsan si uu u wato hawlihiisa ganacsi.


























