Mid ka mid ah xubnaha maamulkii Laftagareen ee xayiraadda dhaqaale lagu soo rogay oo BBC-da kala hadlay mawqifkooda

Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Qaraar ay shalay soo saareen Guddiga Qaran ee Ka hortagidda lacag dhaqidda iyo maalgalinta argagaxisada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xayiraad lagu soo rogay madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomalaiya iyo xubno ka tirsanaa xukuumadiisii, iyada oo lagu eedeeyay "Inay xiriir la leeyihiin ururka al-Shabaab".

Hadaba Ugaas Xasan oo ah afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafatagareen kana mid ah ah liiska xubnaha la saaray cunaqabteynta dhaqaale ayaa BBC-du wax ka waydiisay sida ay u arkaan talaabadaan.

Waxa uu sheegay in aysan saamayn ku yeelan doonin, maadaama aysan dhaqaale ugu jirin akoonadooda Soomaaliya.

Halkaan ka dhagayso wareysiga:

Qoraalka Codka,