WHO oo ku dhawaaqday cudurka Ebola ee ka dillaacay DR Congo uu yahay xaalad degdeg oo caalami ah

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in cudurka Ebola ee ka dilaacay jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo uu yahay xaalad caafimaad oo degdeg ah oo leh walaac caalami ah.
Hay'adda ayaa sheegay cudurka ka dilaacay gobolka bari ee Ituri aanu weli buuxin shuruuda cudur faafa oo heer caalami ah. Gobolkaasi ayaa ku dilay ku dhowaad 80 qof, iyada oo laga helay ilaa 246 kiis.
Waxa ay hay'addu ka digtay in cudurku uu noqon karo mid faafid ka weyn inta hadda la ogyahay ama lasoo sheegay ka badan samayn kara, isla markaana leeyahay halis weyn oo ah inuu ku faafo gudaha dalka iyo dalalka gobolka.
WHO ayaa sheegtay in nooca hadda faafaya ee Ebola uu ka dhashay fayraska Bundibugyo, kaas oo aan weli loo hayn dawooyin ama tallaalo la ansixiyay.
Calaamadaha hore ee cudurka waxaa ka mid ah qandho, murqo xanuun, daal, madax xanuun iyo cuna-xanuun, waxaana xiga matag, shuban, finan iyo dhiig-bax.
WHO waxay sheegtay in hadda la xaqiijiyey siddeed kiis oo shaybaar lagu hubiyey, iyadoo sidoo kale ay jiraan kiisas kale oo la tuhunsan yahay iyo dhimasho ka dhacay saddex aag caafimaad oo ay ku jirto Bunia oo ah caasimadda gobolka Ituri, iyo magaalooyinka dahabka laga qodo ee Mongwalu iyo Rwampara.
Hal kiis oo cudurka ah ayaa sidoo kale laga xaqiijiyey caasimadda Kinshasa, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay qof kasoo laabtay Ituri.
WHO waxay sheegtay in cudurku uu ka gudbay xadka DR Congo, iyadoo laba kiis oo la xaqiijiyey laga soo sheegay dalka deriska la ah ee Uganda. Mas'uuliyiinta Uganda waxay sheegeen in nin 59 jir ah oo dhintay Khamiistii laga helay cudurka Ebola.
Ilaa intee gaarsiisan tahay Ebola heerka xaaladda degdeg ah ee caalamka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dowladda Uganda waxay bayaan ku sheegtay in bukaankii dhintay uu ahaa muwaadin u dhashay Congo, isla markaana meydkiisa dib loogu celiyey DR Congo.
Shaybaar ayaa sidoo kale xaqiijiyey kiis Ebola ah oo ka dhacay magaalada bari ee Goma, oo hadda ay maamulaan fallaagada M23, sida ay Axaddii werisay wakaaladda wararka AFP.
WHO waxay sheegtay in xaaladda amni darrada iyo dhibaatada bani'aadamnimo ee ka jirta DR Congo, oo ay weheliso dhaqdhaqaaq badan ee dadweynaha, goobta cudurka oo ku taal magaalo, iyo tirada badan ee xarumaha caafimaadka aan rasmiga ahayn ee gobolka, ay kordhinayaan halista faafitaanka.
Dalalka xuduudda la leh DR Congo waxaa loo arkaa kuwo halis sare ku jira sababo la xiriira ganacsiga iyo safarka.
Rwanda waxay sheegtay inay adkayn doonto baaritaannada xadka ay la wadaagto DR Congo si ay uga hortagto faafitaanka cudurka.
Wasaaradda caafimaadka ee Rwanda waxay sheegtay in la xoojiyey nidaamyada dabagalka, isla markaana kooxaha caafimaadka loo diyaariyey "inay si degdeg ah u ogaadaan ugana jawaabaan haddii loo baahdo".

Xigashada Sawirka, Reuters
WHO waxay kula talisay DR Congo iyo Uganda inay sameeyaan xarumo hawlgal degdeg ah si loo kormeero cudurka, loo raadraaco dadka uu ku dhacay, loona hirgeliyo tallaabooyinka ka hortagga caabuqa ah.
Si loo yareeyo faafitaanka, WHO waxay sheegtay in dadka laga helo cudurka si degdeg ah loo karantiilo loona daweeyo ilaa laba baaritaan oo gaar u ah fayraska Bundibugyo oo la sameeyey ugu yaraan 48 saacadood kala fog ay noqdaan kuwo (negative)ah.
Dalalka deriska la ah goobaha laga xaqiijiyey cudurka waxaa lagu boorriyey inay xoojiyaan dabagalka iyo warbixinnada caafimaadka.
WHO waxay intaas ku dartay in dalalka ka baxsan gobolka uu cudurku saameeyey aysan xirmin xuduudahooda ama aysan xaddidin safarka iyo ganacsiga, maadaama "tallaabooyinka noocaas ahi badanaa lagu saleeyo cabsi oo aysan lahayn saldhig cilmiyeed".
Agaasimaha guud ee WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ka digay in weli ay jiraan "hubanti la'aan weyn oo ku saabsan tirada dhabta ah ee dadka cudurka qaba iyo baaxadda juqraafiyeed ee uu ku faafay".
Waa maxay Ebola, sideese ku faaftaa?
- Maxaa sababay cudurkan? Ebola waa cudur uu keeno fayras, waa cudur dhif ah balse halis badan oo inta badan dilaa ah. Waxaa jira saddex nooc oo fayraska Ebola ah oo sababa cudurro faafa, noocan hadda jira waxaa loo yaqaan Bundibugyo.
- Sidee ayuu Ebola ku faaftaa? Wuxuu dadka ugu kala gudbaa dheecaannada jirka ee dadka cudurka qaba sida dhiigga iyo matagga.
- Intee ilaa heer ayuu dilaa yahay? Qiyaastii 30% dadka uu haleelay nooca Bundibugyo Ebola ayaa horay ugu dhintay.
- Muddo intee le'eg ayuu calaamadaha soo saaraa? Calaamadaha waxay soo baxaan laba ilaa 21 maalmood kadib marka qofku qaado cudurka.
- Maxay yihiin calaamaduha cudurka? Calaamadaha hore waxay si kedis ah ugu bilowdaan qandho, madax xanuun iyo daal u eg hargab. Marka cudurku sii darnaado waxaa yimaada matag iyo shuban, xubnaha jirka ayaana si liidata u shaqeeya. Qaar kamid ah bukaannada waxaa ku dhaca dhiig-bax gudaha iyo dibaddaba ah.
- Xaggee ayuu Ebola ka yimaadaa? Cudurrada Ebola waxay bilaabmaan marka qof uu cudurka ka qaado xayawaan cudurka qaba sida fiidmeerta miraha cunta.
- Ma jiraa tallaal? Waxaa jira tallaallo loogu talagalay nooca Zaire ee Ebola, balse ma jiro tallaal loo hayo nooca Bundibugyo.
Ebola waxaa markii ugu horreysay laga helay sannadkii 1976 deegaanka hadda loo yaqaan DR Congo, waxaana la rumeysan yahay inuu ka yimid fiidmeero. Tani waa markii 17aad ee cudurka halista ah uu ka dillaaco dalkaasi.
Ma jirto dawo si rasmi ah loo xaqiijiyey oo Ebola lagu daaweeyo, halka heerka dhimashaduna uu celcelis ahaan gaarayo ku dhowaad 50%, sida ay sheegtay WHO.
Hay'adda Africa CDC ayaa hore u sheegtay inay ka walaacsan tahay khatarta sare ee cudurku ugu sii faafi karo magaalooyinka Rwampara iyo Bunia, iyo halka ay ka socdaan howlaha macdan qodista ee Mongwalu.
Agaasimaha fulinta ee hay'addaas Dr Jean Kaseya ayaa sheegay in "dhaqdhaqaaq weyn oo dadweyne" oo u dhexeeya meelaha cudurku saameeyey iyo dalalka deriska ahi uu ka dhigayo wada shaqeyn heer gobol mid aad muhiim u ah.
Qiyaastii 15,000 qof ayaa cudurka Ebola ugu dhintay dalalka Afrika 50-kii sano ee la soo dhaafay.
Faafitaankii ugu dhimashada badnaa ee DR Congo wuxuu dhacay intii u dhaxaysay 2018 iyo 2020, markaas oo ku dhowaad 2,300 qof ay dhinteen. Sannadkii hore, 45 qof ayaa ku dhintay dillaaca cudur deegaan fog oo isla dalkaasi ah.











